meytakaalid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meytakaalid
m.f.dh eeg meytakaal².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meytakaal
meytakaal¹: m.l Xus loo sameeyo dad dhintay.
meytakaal²: f.mg1 (-aalay, -aashay) Dad dhintay xusid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meytakaal
-ka: (magac, lab, keli) xus loo sameeyo dad dhintay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meytakaalo
f.mg3 (-aashay, -aashatay) Meytakaal sameysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beytimaalid
-da: (magac, dhedig, keli) baylahtir la'aan; tashiil la'aan. Dh: bulqaasid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meytakaalasho
m.f.dh eeg meytakaalo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baytammaalid
m.dh la-mid: beytummaalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baytammaalid
-da: (magac, dhedig, keli) israafid oo qiyaas la'aan wax u isticmaalid. Nin aan lexjeclo lahayn ayaa baytamaalid sameeya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beytimmaalid
m.f.dh eeg beytimmaal². la-mid: baytammaalid, baytimmaalid, beytummaalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beytummaalid
m.dh la-mid: beytimmaalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Makaabid
(Makaabid-da)
Makaab u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
makaabid
m.f.dh eeg makaab².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
makaabid
-da: (magac, dhedig, keli) karkaar u samayn; makaab u yeelid. Ceelku makaabid la'aan wuu dumayaa. Dh: karkaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tacaalid
(Tacaalid-da)
(la-tacaalid) Dhaawac daran ama cudur halis ah, degdeg wax uga qabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tacaalid
m.f.dh eeg tacaal². la-mid: tacaal¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tacaalid
-da: (magac, dhedig, keli) (la ~) dhaawac daran ama cuddur halis ah, degdeg wax uga qabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yabaalid
m.f.dh eeg yabaal². la-mid: yabaal¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yabaalid
-da: (magac, dhedig, keli) curub cusub oo jilicsan bixin. Geed waliba yabaalid buu qurux ku leeyahay. Dh: fiilid, magoolid.
yabaalid -da: (magac, dhedig, keli) caajisid. Xaraarada ayaa yabaalidda ligu wacan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shakaalid
(Shakaalid-da)
Shakaal ku xirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shakaalid
m.f.dh eeg shakaal².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shakaalid
-da: (magac, dhedig, keli) shakaal ku xidhid; qoofalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malawaalid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg mala'awaalid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beytimaalis
-ta: (magac, dhedig, keli) beytimaalis iyo tashiil la'aan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cantalaalid
m.f.dh eeg cantalaal². la-mid: cantalaal¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baytimmaalid
m.dh la-mid: beytimmaalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beytimmaalin
m.f.dh eeg beytimmaali. la-mid: baytimmaalin, baytimmaalis, beytimmaalis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beytimmaalis
m.l la-mid: beytimmaalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mala'awaalid
(Mala'awaalid-da)
Mala'awaal wax ku dhisid, ku fiirin; mala'abbaarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mala'awaalid
-da: (magac, dhedig, keli) wax soo socda sida uu noqon doono malayn oo sii saadaalin. Mala'awaaliddu waa cilmi la barto. Dh: malayn, saadaalin, odorosid, mala'abbaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mala-awaalid
m.f.dh eeg mala-awaal².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meehannaabid
m.f.dh eeg meehannow². la-mid: meehannow¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meehannaabid
-da: (magac, dhedig, keli) socsocosho iyo leelleelid aan macno lahayn. Madiinaay jacaylkaa meehannaabidda i baday: Dh: carcaraafid, meeraysad, wareegaalaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aawaalid
-da: (magac, dhedig, keli) ka warramidda wax aan weli dhicin iyada oo la kaashanayo astaamaha lagu tilmaansan karo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bakaadid
-da: (magac, dhedig, keli) dillaaca waaga berigiisa; kaahidda waaberiga.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calaalid
m.dh la-mid: callaalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dadaalid
(Dadaalid-da)
Dadaal la imaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dadaalid
m.f.dh eeg dadaal². la-mid: dedaalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dadaalid
-da: (magac, dhedig, keli) wax qabad dheeraad ah oo muruq iyo maskax ah samayn si yool loo gaadho. Dh: dadaalis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dagaalid
(Dagaalid-da)
(qof wax dhimay) dagaal ula tegid; eedayn; ku carabbaabbi'id; haaraamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dagaalid
m.f.dh eeg dagaal². la-mid: dagaal¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dagaalid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, la diririd, u hanjabid. Dh: hanjabid, diririd.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dakaamid
(Dakaamid-da)
(fardo) dakaan noqosho; tabargabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dakaamid
m.f.dh eeg dakaan². la-mid: dakaamo (2), dakaan¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dakaamid
-da: (magac, dhedig, keli) fardo dekaan. noqosho oo daalid. Dh: digleyn, dekaamid, tabargabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dedaalid
m.dh la-mid: dadaalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dedaalid
-da: (magac, dhedig, keli) si weyn oo shago u qabasho. Dh: dadaalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
eyfaadid
m.f.dh eeg eyfaad². la-mid: eynfaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fataalid
(Fataalid-da)
Fataalnimo samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fataalid
m.f.dh eeg fataal².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fataalid
-da: (magac, dhedig, keli) rag iyo dumar isu geyn. Dh: fataalis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Galaalid
(Galaalid-da)
Galaal u yeelid, marin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galaalid
m.f.dh eeg galaal².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galaalid
-da: (magac, dhedig, keli) galaal u marin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jalaalid
m.f.dh eeg jalaal².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
macaahid
m.dh.w eeg machad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
macaahid
f. n., pl. institutes, institutions
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
macaahid
bw: Arabic
de: institutes, institutions Sg: machad
lx: macaahid
pd: (-da)
ps: n8-f-pl
key: macaahid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macaanid
-da: (magac, dhedig, keli) wax macaan ahaan. Maqaaxida jaarka cunto macaanid ayaa looga hadhay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madaalin
m.f.dh eeg madaali. la-mid: madaalis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madaalin
-ta: (magac, dhedig, keli) madaal ku miisid oo ku cabbirid. Kol haddii joonyadda miisaanka la saaray madaalin kale uma baahna. Dh: miisid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madaalis
m.l la-mid: madaalin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madaalis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg madaalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Madaarid
(Madaarid-da)
1. Hadal cid loogu duurxula hayo, ku hadlid; duurxulid; araarasho.
2. Talalid; taahid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madaarid
m.f.dh eeg madaar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madaarid
-da: (magac, dhedig, keli) hadal cid loogu duurxulayo ku hadlid. Madaaridda jooji oo ujeeddadaada sheeg. Dh: duurxulid araarasho, hordhac.
madaarid -da: (magac, dhedig, keli) sida dameeraha u ciyid. Naga daa madaaridda dameer ma tihide. Dh: ciyid, qaylyid.
madaarid -da: (magac, dhedig, keli) hurdada ku taahid. Waa la hurdaaye madaaridda hoos u dhig. Dh: madaaris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Magaagid
(Magaagid-da)
Magaag ku dhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
magaagid
m.f.dh eeg magaag². la-mid: magaag¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magaagid
-da: (magac, dhedig, keli) wax magaagay oo cunid hilib u baahan ahaan; hilib cuniddii u baahasho; hilib u hamuumid. Dh: saruuradoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
majaalis
m.dh.w eeg majilis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
majaalis
f. n., pl. meeting places; meetings
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
majaalis
bw: Arabic
de: meeting places; meetings (traditionally near a mosque) Sg: majlis
lx: majaalis
pd: (-ta)
ps: n8-f-pl
key: majaalis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
makaabin
m.f.dh eeg makaabi. la-mid: makaabis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
makaabir
-ka: (magac, lab, keli) muran iyo isyeelyeel; dood. Sidii niman adeerkii la mudin haw makaabiro'e. Dh: dood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
makaabis
m.l la-mid: makaabin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
makaanig
m.l.kh M. ah: qof yaqaan farsameynta matoorrada.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
makaanig
m.l.kh M. ah: qof yaqaan farsameynta matoorrada.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
makaanig
m. n. mechanic
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
makaanig
-ga: (n) mechanic (ma-kaanik)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
makaanig
-ga: (magac, lab, keli) qof makiinadaha iyo farsamada biraha yagaan. Mooteerka makaanig u gee. Dh: makaaniig, farsamayaqaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
makaanig
de: mechanic {Eng}
lx: makaanig
pd: (-ga)
ps: n2a-m, n7-m
key: makaanig
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malaaqid
-da: (magac, dhedig, keli) malaaq ka dhigid. Beeshu waxay ku mashquulsan tahay malaaqidda malaaq cusub. Dh: boqrid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Malaasid
(Malaasid-da)
1. Malaas iyo dhoobo ku wada daboolid.
2. (gaadiidka dagaalka, qol, dhalo, ...) wax adag oo aan xabbadda iyo waxyaalaha qarxadaa karin, ku daboolid, ku qafilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
malaasid
m.f.dh eeg malaas³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malaasid
-da: (magac, dhedig, keli) buuxin oo meel faaruq ah u diidid. Kubbaayadda shaaha ah malaasidda ka daa way bilgane. Dh: buuxin.
malaasid -da: (magac, dhedig, keli) dalool furan wada gufayn oo wada daboolid. Kaashka shimbiraha malaasidda ka daa oo daldalool u yeel. Dh: awdid, gufayn.
malaasid -da: (magac, dhedig, keli) duuduubid oo sida kubbadda goobo uga dhigid. Carruurtu malaasidda dhoobada way ka helaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maqaalad
(Maqaalad-da)
Hadal wargeys lagu qoro; qodob; (ama maqaal, maqaalo).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maqaalad
m.dh (-do, m.l) Qoraal mawduuc saameeyo oo lagu soo daabaco joornaal ama majallad. la-mid: maqaal, maqaalo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maqaalad
m.dh (-do, m.l) Qoraal mawduuc saameeyo oo lagu soo daabaco joornaal ama majallad. la-mid: maqaal, maqaalo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maqaalad
-da: (magac, dhedig, keli) eeg maqaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maqaalin
m.dh (-no, m.l) Bir af qoroofan oo xagga dambe dalool ku leh oo mallaayga lagu dabo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maqaalin
m.dh (-no, m.l) Bir af qoroofan oo xagga dambe dalool ku leh oo mallaayga lagu dabo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Masaajid
(Masaajid-ka)
Aqal ama meel Muslinku wadajir isugu yimaado oo ku wada tukado oo Ilaah ku caabudo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masaajid
masaajid¹: m.l (-ddo/-dyo, m.dh) 1. (dii.) Dhismo inta badan qubbad ama munaarad dheer dusha ku leh oo Muslimiintu Eebbe ku caabudaan. 2. (dii.) Meel kasta oo u habaysan in muslimiintu Eebbe ku caabudaan.
masaajid²: m.dh.w eeg masjid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
masaajid
m.l (-ddo/-dyo, m.dh) 1. (dii.) Dhismo inta badan qubbad ama munaarad dheer dusha ku leh oo muslimiintu Eebbe ku caabudaan. 2. (dii.) Meel kasta oo u habaysan in muslimiintu Eebbe ku caabudaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
masaajid
m. n. mosque
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
masaajid
-ka: (n) mosque (mooski) ~ misaajid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masaajid
-ka: (magac, lab, keli) meel cibaadada salaadda lagu guto oo dad muslin ahi iskugu yimaaddaan. Dhulkoo dhan baa masaajid looga dhigee. Dh: masjid, misgiid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
masaajid
a: masjid
bw: Arabic
de: mosque
lx: masaajid
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: masaajid
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
matalaad
-da: (n) representation (rap'ar zen teey shan) ~ matalid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
matalaad
-da: (magac, dhedig, keli) cid ama falkeed isku ekeysiin oo sidii oo kale u samayn.
matalaad -da: (magac, dhedig, keli) jilidda riwaayad. Dadku matalaadda way ku kala wanaagsan yihiin. Dh: masalaad, matalaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maxlalid
m.f.dh eeg maxlal².