meygaag
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Meygaag
(Meygaag-ga)
Geed-abaareed weyn oo laf adag oo dhuxul aad u madow oo wanaagsan leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meygaag
m.l (meygaag, m.dh) 1. Geed-abaareed weyn oo laf adag oo dhuxul aad u madow oo wanaagsan leh. 2. Geed-abaareed weyn oo aan qodax lahayn oo qoryihiisa weelasha lagu cusho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
meygaag
m. n., [collective] evergreen tree species
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
MEYGAAG
Boscia minimifolia 42
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MEYGAAG
(Megag) C, N, May, NFD Boscia minimifolia Chiov. Capparidaceae.
C Maerua crassifolia Forsk. Capparidaceae.
S Maerua kaessneri Gilg&Bened. Capparidaceae.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Meygaag
name-m evergreen; he who was born under the evergreen Meygaag tree
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Meygaag
magac loo bixiyo wiil midab madow leh ama geed doog ah ku hoos dhashay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meygaag
-ga: (magac, lab, keli) geed abaareed dhaadheer oo culayga weelka ku wacan.
meygaag -ga: (magac, lab, keli) midab maarriin madaw xiga.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
meygaag
cf: dhummay
de: evergreen tree sp.
lx: meygaag
pd: (-ga)
ps: n2a-m-col
key: meygaag
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
MAYGAAG
[MAYGAG, MEGAG, MAYGUG, MEGAK] Boscia minimifolia 03, Maerua crassifolia 01, Terminalia parvula 01
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Maygaag
magac loo bixiyo wiil aad u madaw.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maygaag
-ga: (magac, lab, keli) geed abaareed dhaadheer oo culayga weelka ku wacan.
maygaag -ga: (magac, lab, keli) midab maarriin madaw xiga. Wiil muddakar ah oo midabkiisu maygaag yahay ayaa na soo maray.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caanammaceeye
(Caanammaceeya-ha)
Geed meygaagga u eg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhummay
(Dhummay-ga)
Geed meygaagga u eg.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhummay
-ga: (magac, lab, keli) geed meygaagga u eg oo abidkii cagaaran.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhummay
cf: meygaag
de: evergreen tree sp.
lx: dhummay
pd: (-ga)
ps: n5-m
key: dhummay
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
megag
m.l Tiro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beygag
beygag¹: m.l la-mid: baydadid.
beygag²: f.mg1 (-gay, -gtay) la-mid: baydad².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Magaag
(Magaag-ga)
Sida la noqdo kolka hilib laga raago; saruuradow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
magaag
magaag¹: m.l 1. Jirro dadka ku dhacda oo ka timaaddo nafaqo xoolaad la'aan. 2. M. ah: faras aan la jarabarin. 3. la-mid: magaagid.
magaag²: f.mg1 (-gay, -gtay) 1. Nafaqo xoolaad la'aan darteed la jirrasho. 2. Iska m.: laf feenasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
magaag
m. n. craving for meat; disease due to protein deficiency
magaag [inchoative] v. crave meat, suffer from a protein difficiency
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magaag
(fal) hamuun ama baahi hilib ha ku hesho; hilib inaad cunto u baaho. Caydheey magaag ama ciidda cuna. Dh: saruuradaw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ceegaag
ceegaag¹: m.l la-mid: ceegaagid.
ceegaag²: f.g/mg1 (-gay, -gtay) C./ka c.: balli, weel, xero iyo wixi lamida buuxid (biyo, caano, xoolo iyo wixi lamida).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ceegaag
f.g/mg1 (-gay, -gtay) Ka c.: balli, weel, xero iyo wixi lamida buuxid (biyo, caano, xoolo iyo wixi lamida). m.f.dh, ceegaagid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ceegaag
v. be filled up to the rim
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Ceegaag
name-m, nickname-m rich, solid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Ceegaag
magac loo baxsho wiil dhashay reerka oo aad u ladan dhaqaale ahaan ama Ilaahay loo baryayo in uu noqdo mid barwaaqo ku leda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ceegaag
(fal) biyo iyo wixii la mid ah, si buuxda oo aan dhaqdhaqaaq lahayn u fadhiiso. Dh: wadhnaw.
ceegaag -ga: (magac, lab, keli) buuxsanaanta ballay iyo wixii la mid ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ceegaag
de: be filled up to the rim
lx: ceegaag
pd: (ceegaagay)
ps: v1=
key: ceegaag
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
margaag
margaag¹: m.l la-mid: cargaag¹.
margaag²: f.mg1 (-gay, -gtay) la-mid: cargaag².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
margaag
v. groan (in pain); snort (of an animal forced to do something)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
margaag
-ga: (magac, lab, keli) labada mergi iyo inta ay ku fadhiyaan. Dh: tun, deli.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
margaag
de: groan (in pain); snort (of an animal forced to do s.t.)
lx: margaag
pd: (margaagay)
ps: v1=
key: margaag
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Meegaar
(Meegaar-ka)
Wareegga garangarta iyo xerada oo kale; goobaab; wareeg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meegaar
meegaar¹: m.l la-mid: maageer¹.
meegaar²: f.g1 (-ray, -rtay) la-mid: maageer².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
meegaar
m. n. circuit, circumference
meegaar v. make a circle (around), enclose
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
meegaar
-ka: (n) enclosure (in-kalaw-shar); lattice (laat'as); fence (feens); encircle (en-seer-kal) ~ deyr, xayndaab.
meegaar -ay / -tay: (v) enclose (en kalaws)-, form a circle around
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meegaar
(fal) xaydaan dhinacyada kaga wareeji, deyr ku soo wareeji. Oodda ku meegaar xerada adhiga. Dh: meegaar, wareeji, ijaar, ood.
meegaar: (fal) xarriiq wareegsan jeex: dhis si wareegsan u samee. Dh: meegaar.
meegaar -ka: (magac, lab, keli) wareegjinta deyr ama xayndaab meel dhinacyada oo dhan lagaga wareejiyo. Xabaalaha xumbuli meegaar adag oo dhagax madaw ah ayaa loo sameeyey Dh: deyr, maageer, deyr, xaydaab, ijaar.
meegaar -ka: (magac, lab, keli) wax la wareejiyo oo qaab wareegsan leh si da goobaabinta. Dh: goobaab.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Meegaar
Afmeer, sarbeeb, afkoob.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ceegaaga
(n) holding as much as can be held; filled to maximum; filled to capacity ~ buuxa
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meegaaro
f.g3 (-rtay, -ratay) la-mid: maageero.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
meegaaro
v. enclose; encircle; trace a circle around something
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meegaaro
(fal) wax aad gaar u leedahay deyr ku xidho. Meegaaro meesha lagu siiyay. Dh: wareejiso, xayndaabo, meegaaro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
meegaaro
a: maageero
de: enclose; encircle; trace a circle around s.t.
lx: meegaaro
pd: (meegaartay)
ps: v3b=tr
key: meegaaro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Meelgaar
(Meelgaar-ka)
(ku meelgaar) wax wax lagu gaaro ama lagu sugo; kusime.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meelgaar
meelgaar¹: m.l.kh M. ah: wax si aan rasmi ahayn loo hayo ama loo isticmaalo. la-mid: meelkuggaar.
meelgaar²: f.g1 (-ray, -rtay) 1. Ku m.: wax si aan joogto ahayn u hayn ama u isticmaalid. 2 Hanti, gaadid iyo wixi lamida meel ku tegid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
meelgaar
meelgaar¹: m.l.kh M. ah: wax si aan rasmi ahayn loo hayo ama loo isticmaalo. la-mid: meelkuggaar.
meelgaar²: f.g1 (-ray, -rtay) 1. Ku m.: wax si aan joogto ahayn u hayn ama u isticmaalid. 2 Hanti, gaadid iyo wixi lamida meel ku tegid. m.f.dh, meelgaarid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
meelgaar
m. n., [compound] provisional person, temporary thing
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
meelgaar
-ah: (adj) temporary (teem 'pa reeri); provisional (paro-vishinal); interim (in 'taram); acting (aak-ting) ~ see also [eeg] meel ku gaar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meelgaar
-ka: (magac, lab, keli) aan rasmi ahayne waxa rasmiga ah inta la gaadhayo ama la helayo lagu sii gaadho oo laga sii faa'iidaysto. Dh: kusime, meelkugaadh, kusugo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
meelgaar
de: provisional person, temporary thing
lx: meelgaar
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: meelgaar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Meelmaag
(Meelmaag-ga)
Qofka hadduu wax ku dhego, ama wax damco, aan laga fujin karin, aan la soo loodin karin; qof madax adag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meelmaag
m.l (-gyo, m.dh) Qof madax adag oo tiisa uun ku adkaysta.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
meelmaag
m. n., [compound] highly opinionated person, tough bargainer
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meelmaag
-ga: (magac, lab, keli) hal'adayg qof waxa uu damco aan laga furfuri karin oo wax kale loo loodin karin. Meelmaagga iska daa oo dadu waxay ku leeyihiin maqal. Dh: madax'adayg.
meelmaag -ga: (magac, lab, keli) tiigsashada bartilmaameed xaddidan oo la tiigsado sida loo gaadhayo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
meelmaag
de: highly opinionated person, tough bargainer
lx: meelmaag
pd: (-ga)
ps: n2a-m-cmp
key: meelmaag
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meydhaan
-ka: (magac, lab, keli) wax lagu bede wax hallaabay ama dhintay oo magac iyo muuqaalba kii maqnaa la mid ah sida: baabuur lagu bedo baabuur, faras lagu bedo faras, bir lagu bede bir oon beddel ama magdhaw ahayn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mergaagley
-da: (magac, dhedig, keli) halka mergiyadu ku yaalliin ee jeegada hoosteeda ku abbaaran. Dh: deli, tun.
Magacyada Nafleyda Soomaaliyeed (Laatiin-Talyaani-Ingiriis-Soomaali) - Funayooli, Simoneeta [1985]
Eyga
(I) Cane maschio;
(E) Male Dog
(S) EYGA (S. g. Eiga)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaag
m.l Wax aan tira badnayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaag
-ga: (magac, lab, keli) wax dhammaaday inta yar ee ka sii hadhay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maag
(Maag-ga)
1. Gardarro kas iyo ogaal lagu sameeyo; aabi; xuma-kaddoon.
2. () Wax iska deyn, cabsiyi ku jirto; alaalabbaq; diiddo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maag
maag¹: m.l 1. Daandaansi; gardarro; abyood. 2. la-mid: maagid.
maag²: f.mg1 (-gay, -gtay) 1. Qof gardarraysasho. 2. Doonid ama damcid.
mąag¹: m.l (-gag, m.l) 1. Xad, xuduud. 2. la-mid: mąagid.
mąag²: f.mg1 Wax cabsi dartii uga dheeraansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maag
maag¹: m.l Daandaansi; gardarro; abyood.
maag²: f.mg1 (-gay, -gtay) 1. Qof gardarraysasho. 2. Doonid ama damcid. m.f.dh, maagid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maag
m. n. provocation, intentional offense (threat ~ insult)
maag v. provoke, pick on, incite someone
maag v. want, intend
maag v. stop suddenly, cease; hesitate (out of fear ~ suspicion)
maag vl. n. keeping one's distance from something, setting a limit ~ boundary
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maag
-ay / tay: (v) do it to annoy; tease (tiiz), upset (ap-sat); infuriate (in-fiyuu-riyeeyt); enrage (en reeyj)
maag: -ga: (n) provocation (porova-keeyshin); infuriation. Ex: waa kas iyo maag; this is an intentional provocation ~ maagis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maag
(fal) cid saabab la'aan daandaanso oo ka gardarraw. Ayaa ku yidhi dadka maag. Dh: xadgudub, gardarraw, adyadee.
maag: (fal) ka hako oo ha ku dagdagin; ka joogso oo horay ha ugu socon. Ka maag meelaha xumaan kuu horseedaya. Dh: maago.
maag: (fal) doon oo ikhtiyaar kaaga go'aan u qaado. Waxaad wanaag u aragto maag. Dh: doon, rab.
maag-ga: (magac, lab, keli) halka dhirta iyo banku iska galaan. Maagga Magaalacad ayuu reerku yaal. Dh: aftin, idhan.
maag-ga: (magac, lab, keli) adyad gardarro ah oo si kas iyo sabab la'aan ah cid aan xumaan samayn lagula kaco. Ninka maag baa kuu geeyey oo waad ka gardaran tahay: Dh: xadgudub.
maag -ga: (magac, lab, keli) dib u joogiga geelu dib uga joogsado ka tallawga biyaha ee uu diido. Awrku waa maag wuxu biyaha uga tallaabi layahay. Dh: joogsi, diidmo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yaag
(tilmaame) qof hunguri xun oo iimaanlaawe ah. Qof yaag ah wax yari ma deegaan. Dh: naw.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
-eyga
a: =-ayga
de: my
lx: -eyga
ps: pro-det-1sg
see: =-kayga
key: -eyga
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Agaag
(Agaag-ga)
Dhowaan (ama agag).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
agaag
m.l Fagaag. la-mid: agag.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
agaag
m. n. proximity, environs, neighborhood
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
agaag
-ga: (magac, lab, keli) dhowaan; agag.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
agaag
de: proximity, environs, neighborhood Alt sp: agag
lx: agaag
pd: (-ga)
ps: n0-m
key: agaag
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
eeyaa
e.d la-mid: eey³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eeyaa
erey loogu yeedho qofka da'da weyn oo la macne ah 'odaygow/islaantaay, hee dheh.'
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Miyaa
Miyaa?
Mawaa?
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miyaa
qr.we Qurub tilmaamaya in ay su'aali saaran tahay ereyga ama weerta uu weheliyo. Tusaale: “Wiilasha miyaa yimid?”, “Miyuu Cali yimid?”, “Miyuusan Cali imaanayn?”.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
miyaa
qr.we (naxwe) Qurub tilmaamaya in ay su'aali saaran tahay ereyga ama weerta uu weheliyo. Tusaale: Wiilasha miyaa yimid? Miyuu Cali yimid? Miyuusan Cali imaanayn?
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
miyaa
question word,: is / was it so?
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
miyaa
[interrogative word] is this...? Ex: gabadh miyaa? is this a girl?
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miyaa
(magac'uyaal) erey weydiineed la macno ah: Sidaa ma tahay? Ma sidaas baa?
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
miyaa
de: is / was it so?
lx: miyaa
ps: qw + focus
xe: Is this house yours?
xv: ma ... baa
key: miyaa
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
-eynaa
de: we are doing (X)
lx: -eynaa
ps: v1-1pl-prpg
xe: we are traveling
xv: =-aynaa
key: -eynaa
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
-eysaa
a: =-aysaa
de: you are / she is doing (X)
lx: -eysaa
ps: v1-2sg/3f-prpg
key: -eysaa
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Bagaag
nickname-m bravos
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bagaag
magac loo baxsho wiil dhalashadiisa aad loogu farxay ama loo riyaaqay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bayaag
-ga: (magac, lab, keli) timo aan habaysnayn oo baahbaahsan. Timahoo bayaag iyo basaas kala daatay. Dh: bayaayo, falaxfalax.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bugaag
(fal) walax meel taalla wax kale dusha kaga dhufo oo ku kala jebi, wax wayn ku kala qarradhi. Muraayadda dhagax ku kala bugaag. Dh: cidaad, qarradhi.
bugaag: (fal) wax la jiritaankiisa la tirtir, cayntiisa goo. Dagaalkii sokeeye dad badan buu bugaagay. Dh: cidhibtir, baabbi'i, xasuuq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cagaag
(Cagaag-ga)
Waxa cagta xanuujiya kolka kabo la'aan la socona hayo, oo dhan (dhagxan, quruurux, qodxo....).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cagaag
cagaag¹: m.l 1. Wax sida dhagax, gaxandho iyo wixi lamida oo cagaha waxyeela marka kabo la'aan lagu socdo. 2. Meel leh dhagax, gaxandho iyo wixi lamida oo cagaha waxyeela marka kabo la'aan lagu socdo. 3. Dhibaatada caguhu ka mutaan marka lagu socdo meel leh dhagax, qaruurax, gaxandho iyo wixi lamida. 4. la-mid: cagaagid.
cagaag²: f.mg1 (-gay, -gtay) Cagaag dareemid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cagaag
v. be barefoot; hurt one's bare feet on stones, etc.
cagaag m. n. prickly plant; anything that hurts the feet when one walks without shoes (rocks, etc.)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cagaag
(fal) qof aan kabo haysan ama ay ka dhammaadeen noqo.
cagaag: (fal) dhul dhagax leh mar oo cagaha dhaawacyo ha kaa gaadhaan.
cagaag -ga: (magac, dhedig, keli) cagaha oo aan kabo lagu xidhnayn. Cagaag ayaan ilaa tukaanka ku tagay.
cagaag -ga: (magac, lab, keli) meel dhagax yaryar leh oo aan kabala'aan lagu mari karin. Dh: rawax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dagaag
(Dagaag-ga)
Aan waxba haysan oo iska dalaaba haya; dalaw; daaddun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dagaag
dagaag¹: m.l 1. Qof ama dad ka dalaabay degaankoodii cayrnimo awgeed. 2. la-mid: dagaagid.
dagaag²: f.mg1 (-gay, -gtay) Cayrnimo awgeed la dalaabid (qof).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dagaag
dagaag¹: m.l Qof ama dad ka dalaabay degaankoodii cayrnimo awgeed.
dagaag²: f.mg1 (-gay, -gtay) Cayrnimo awgeed la dalaabid (qof). m.f.dh, dagaagid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dagaag
m. n. migrant, refugee; destitute person
dagaag v. migrate; become destitute
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dagaag
-da: (n) migrant (migrant), refugee ~ qaxooti
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dagaag
(fal) geed ama caleen, dhulka dushiisa ku baah oo dhan walba u bax.
dagaag-ga: (magac, lab, keli) baaha iyo dhan walba u bixidda ay sameeyaan geedaha aan lahayn jirrid ay ku joogsadaan.
dagaag-ga: (magac, lab, keli) dad aan waxba haysan oo iska daadduun ah; gaajo iyo diihaal dartii la qaxid. Dagaalladii sokeeye waxay keeneen inay ummadu dagaag noqoto. Dh: daaduun.