mergayaale
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mergayaale
-ha: (magac, lab, keli) midhaha geedaha qaarkood sida qudhaca galoolka iyo maraaga oo geydhe laga dhigto. Dh: dhinbil, qabco, gaydhe, dheemaal.
mergayaale-ha: (magac, lab, keli) geed ka mid ah geedaha ka dhasha ama ka dhexbaxa geedaha kale oon godax lahayn. Sogsogta waxa ka dul bigla mergayaale. Dh: hiddigalo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Rayaale
magac loo bixiyo wiil dhashay iyada oo la oomman yahay dabadeed na uu roob da'ay; waxa kale oo loo bixiyaa wiil meeshii uu ku dhashay Ilaahay rayo ku hadheeyay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deryaale
-ha: (magac, lab, keli) aqal Soomaali weyn oo dhig dhexaaddu labo u qaybisay oo deri leh. Dh: guudweyne. Li: buul.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
negayaal
m.l/dh (fiisikis) Qayb ka mid ah mekaanikada oo la xidhiidha walxo ay saaran yihiin xoogag sidkan ama isku dheelitiran, taasina ay keento in walaxdu ku xawaarayso socod madoorsoome ah ama ay negaato.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
negayaal
m.l/dh (fiisikis) Qayb ka mid ah mekaanikada oo la xidhiidha walxo ay saaran yihiin xoogag sidkan ama isku dheelitiran, taasina ay keento in walaxdu ku xawaarayso socod madoorsoome ah ama ay negaato.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
negayaal
-sha: (magacwadareed) gayb ka mid ah mekaanikada oo la xidhiidha walxo ay saaran yihiin xoogag sidkan ama isku dheelitiran, taasina ay keento in walaxdu ku xawaarayso socod madoorsoome ah ama ay negaato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
merganaan
m.dh la-mid: marganaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mergaysan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: margaysan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mergaagley
-da: (magac, dhedig, keli) halka mergiyadu ku yaalliin ee jeegada hoosteeda ku abbaaran. Dh: deli, tun.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhagaxyaale
-ha: (magac, lab, keli) roob aad u gabaw oo da'a dhibco barafoobay oo sida dhagaxa noqday. Roob dhagaxyaale ah ayaa buurta ka da'ay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mergaysnaan
m.dh la-mid: margaysnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gadaale
s. Dib xiga; gadaaleeya.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gadaale
s. Dib xiga; gadaaleeya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hayaale
-ha: (magac, lab, keli) qof habac ah oo wax walba isagoon ka fiirsan aqbala. Ninkaasi naf ma leh oo waa hayaale. Dh: dameeridhanraacday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maqaale
(Maqaala-ha)
War la maqlay, runtiisase aan la hayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maqaale
m.l War la maqlay aan goobjoog loo ahayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maqaale
m.l War la maqlay aan goobjoog loo ahayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maqaale
m. n. rumor, something one heard
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maqaale
-ha: (magac, lab, keli) war la maqlay oon dhab ahaantiisa la haynin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maqaale
de: rumor, s.t. one heard
lx: maqaale
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: maqaale
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Merayya
errer.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meryaad
meryaad¹: m.l la-mid: maryaadid.
meryaad²: f.mg1 (-day, -dday) la-mid: maryaad².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
meryaad
inch. v. be restless, get agitated, become dazed
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Meryaad
name-f to be agitated; to become restless; to be confused or she who was born with mental confusion; restlessness due to strong emotion or unbearable birth-pains for her mother during delivery. Cf: Maryaad or Miryaad
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
meryaad
de: be restless, get agitated, become dazed (due to pain, sorrow, problem)
lx: meryaad
pd: (meryaaday)
ps: v1=inch
see: miryaad (and related forms)
key: meryaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miraale
m.l (-layaal, m.l/dh) Mahiigaan habeeneed.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miraale
-ha: (magac, lab, keli) roob wayn habeenkii da'a. Miraalaha hortiibaa guryaha la iska moosaaye. Dh: gudgude, mayay.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Riyaale
name-m goat owner; rail, thaler
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Riyaale
magac loo bixiyo wiil loogu magacdaray riyo ama reer riyo leh u dhashay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wayaale
-ha: (magac, lab, keli) dirxi ku dhasha faraha lugaha hoostooda oo dubku soo foocmo. Meel wayaale ku jiro cuncun baa lagu gartaa. Dh: wayaane.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xegaale
m. n. relation, relative
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xegaale
de: relation, relative
initial: x
lx: xegaale
pd: (/ha)
ps: n7-m
see: xigaalo
key: xegaale
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
erganaan
m.f.dh eeg ergan. la-mid: erganaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
horyaale
m.l (-layaal, m.l/dh) (naxwe) Curiye aan doorsoomin oo hawshiisu tahay in layeele dadban uu qabadsiiyo falka weerta. Tusaale: “Safiya baa salligaas ku tukatay”.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
horyaale
m.l (-layaal, m.l/dh) (naxwe) Curiye aan doorsoomin oo hawshiisu tahay in layeele dadban uu qabadsiiyo falka weerta. Tusaale: Safiya baa salligaas ku tukatay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
megawaad
m. n. megawatt
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
megawaad
de: megawatt {Eng}
lx: megawaad
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: megawaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meryaadi
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: maryaadi.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Negeyaal
Statics
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waayaale
-ha: (magac, lab, keli) qof aqoon badan ka helay wuxuu soo maray ama soo arkay. Adaa waayaale ahe war naga sii wixii ku soo maray. Dh: waaya'arag.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barakaale
-ha: (magac, lab, keli) mid barako iyo doobir leh. Barakaale nebigii la boqree, xaqa noo bildhaanshayow.
barakaale: magac loo baxsho wiil la rajaynayo in uu reerka barwaaqo iyo biiro u horseedo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marganaan
m.f.dh eeg margan. la-mid: merganaan, marganaansho, merganaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marganaan
-ta: (magac, dhedig, keli) cunha joogid oo wax ku margan ahaan. Marganaanta waa lagu dhintaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
margaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax margaday ahaansho (nafley). la-mid: mergaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meytakaal
meytakaal¹: m.l Xus loo sameeyo dad dhintay.
meytakaal²: f.mg1 (-aalay, -aashay) Dad dhintay xusid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meytakaal
-ka: (magac, lab, keli) xus loo sameeyo dad dhintay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mudacaale
m. n. defendant, the accused
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mudacaale
a: mudacaali (ga) [n7-m]
de: defendant, the accused
lx: mudacaale
pd: (/ha)
ps: n7-m
see: muddac-calayhi
xv: Arabic
key: mudacaale
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
repayable
/ripeyabal/ (adj) 1. lacag ay tahay in la bixiyo (bixinteedu waajibtey) 2. lacag la bixin karo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
seenyaale
m. n. traffic light
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
seenyaale
-seenyaalaha: (n) signal (signal)
u seenyaalee -yey/seenyaaleysay: (v) make a signal or signals
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seenyaale
-ha: (magac, lab, keli) jaad ka mid ah warisgaarsiinta badda oo calmaan midabyo leh oo mid waliba xaraf ama macnayaal kale ka dhigan yahay oo maraakiibtu isugu baaqdo; calanwalayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
seenyaale
de: traffic light {It}
initial: s
lx: seenyaale
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: seenyaale
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gardaraale
-ha: (magac, lab, keli) qofka dadka kale ku gefa oo umeeya. Dh: gardaroole.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hargawaali
-da: (magac, dhedig, keli) hargo waaweyn oo la jilciyo oo inta la isku tolo gogol laga dhigto ama aqallada lagu hagoogo. Dh: hargawaalli, weylaalis.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kirisyaale
-kirisyaalaha: (n) windshield wiper (windhshiildh waaypar)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maqaayadle
m.l la-mid: makhaayaadle.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maqaayadle
m. n. restaurant ~ coffee shop owner
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maqaayadle
-maqaayadlaha: (n) restaurateur (restarateer)-, restaurant owner ~ makhaayadle
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maqaayadle
a: makhaayadle
de: restaurant ~ coffee shop owner
lx: maqaayadle
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: maqaayadle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mareegaale
-ha: (magac, lab, keli) cay tuugga lagu caayo. Tuugoow mareegaale.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
mercantile
mercantile, adj. - ganacsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meytakaalo
f.mg3 (-aashay, -aashatay) Meytakaal sameysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
makhaayaadle
m.l (-ley, m. dh) Qof makhaayad leh. la-mid: maqaayadle.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
merganaansho
m.l/dh la-mid: marganaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barabaraale
-ha: (magac, lab, keli) wax kasta oo lab oo baro leh oo aan ahayn geela. Dibi barabaraale ah ayaan qalannay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beerlamaane
m.l (-nayaal, m.l/dh) (baayoloji) Mid ka mid ah labada dir ama labada dir hoosaad ee dhirta ubaxleyda, ayaa lagu gartaa iniintooda oo laba beer leh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
beerlamaane
m.l (-nayaal, m.l/dh) (baay.) Mid ka mid ah labada dir ama labada dir hoosaad ee dhirta ubaxleyda, ayaa lagu gartaa iniintooda oo laba beer leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gardarraale
-ha: (magac, lab, keli) qofka cid kale ku xadgudba. Gardarraale ma guulaysto.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geedagaalle
-ha: (magac, lab, keli) dhir aan deegaanka ahayn oo meel kale laga keenay oo ay dhici karto in lagu sumoobo. Dh: garanwaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
harwaraable
m.l Waqtiga kulul meelaha aan geedaha lahayn isgelinta iduhu ay madaxa isgeliyaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
imberiyaali
m. n., [abstract] imperialism
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
imberiyaali
de: imperialism {Eng}
lx: imberiyaali
pd: (-ga)
ps: n2a-m-abs
key: imberiyaali
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macmacaanle
-ha: (magac, lab, keli) meesha lagu iibiyo cabbitaanka iyo cuntooyinka fudud ee macmacaan. Macmacaanle ayaa jaarkeenna laga furay.
macmacaanle -ha: (magac, lab, keli) qof iibiya sharaab iyo cuntooyin fudfud oo keegag kala jaada ah. Iskiriinka waxa iibiya macmacaanlaha. wa: macmacaanlayaal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Makhaayadle
(Makhaayadla-ha)
Qof makhaayad leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
makhaayadle
m. n. coffee-shop operator, restaurant owner
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
makhaayadle
-makhaayadlaha: (n) restaurateur (restarateer); restaurant owner ~ maqaayadle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
makhaayadle
-ha: (magac, lab, keli) qof maqaaxi laga cunteeyo leh. Walaalkay waa makhaayadle. Dh: maqaaxiile, maqaayadle.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
makhaayadle
a: maqaayadle
de: coffee-shop operator, restaurant owner
lx: makhaayadle
pd: (/ha)
ps: n7-m, n5b-m
key: makhaayadle
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
margaysnaan
m.f.dh eeg margaysan. la-mid: margaysnaansho, mergaysnaan, mergaysnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masgeesaale
m.l Gungume.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
masgeesaale
m. n., [compound] snake species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masgeesaale
-ha: (magac, lab, keli) mas weyn oo madaxa geeso ku leh oo halaga ka mid ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
masgeesaale
de: snake sp.
lx: masgeesaale
pd: (/ha)
ps: n7-m-cmp
key: masgeesaale
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meregsanaan
m.dh la-mid: maragsanaan.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
meridionale
agg. - koonfureed.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MERO-DABARE
(Mero-dabare) S Farsetia longisiliqua Decne Cruciferae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meytakaalid
m.f.dh eeg meytakaal².
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mukhaayadle
-mukhaayadlaha: (n) restaurateur (restarateer); restaurant owner ~ makhaayadle, maqaayadle
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
reermagaalo
m.l la-mid: reermagaal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salbaryaale
-ha: (magac, lab, keli) eeg salbadhiile.