ereyga

mergaagley

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

mergaagley

DHAN

-da: (magac, dhedig, keli) halka mergiyadu ku yaalliin ee jeegada hoosteeda ku abbaaran. Dh: deli, tun.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

mergayaale

DHAFANDHAAF
1

-ha: (magac, lab, keli) midhaha geedaha qaarkood sida qudhaca galoolka iyo maraaga oo geydhe laga dhigto. Dh: dhinbil, qabco, gaydhe, dheemaal.

2

mergayaale-ha: (magac, lab, keli) geed ka mid ah geedaha ka dhasha ama ka dhexbaxa geedaha kale oon godax lahayn. Sogsogta waxa ka dul bigla mergayaale. Dh: hiddigalo.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

fartaagleey

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) jaad ka mid ah qolofleyda badaha ku nool oo u eg dhagax isku tuulan, dhimashadeedu na deegaanka iyo cimilada badda ayuu halis u yahay.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

maadley

DHAFANDHAAF

m.dh (-yo, m.l) Haweenay shaaciro badan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

maadley

DHAFANDHAAF

f. n. witty woman (with a sense of humor), vivacious female, comedienne

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

maadley

DHAFANDHAAF

-da: (n) female comedian; comedienne; humorist (hiyuu-mariist)

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

maadley

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) naag maadaynta ku ba'as oo dadka ka qoslisa. Sareedo waa maadley laga hadhay.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

maadley

DHAFANDHAAF
1

de: witty woman (with a sense of humor), vivacious female, comedienne

2

lx: maadley

3

pd: (-da)

4

ps: n1-f

5

key: maadley

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

margaag

DHAFANDHAAF
1

margaag¹: m.l la-mid: cargaag¹.

2

margaag²: f.mg1 (-gay, -gtay) la-mid: cargaag².

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

margaag

DHAFANDHAAF

v. groan (in pain); snort (of an animal forced to do something)

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

margaag

DHAFANDHAAF

-ga: (magac, lab, keli) labada mergi iyo inta ay ku fadhiyaan. Dh: tun, deli.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

margaag

DHAFANDHAAF
1

de: groan (in pain); snort (of an animal forced to do s.t.)

2

lx: margaag

3

pd: (margaagay)

4

ps: v1=

5

key: margaag

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Meygaag

DHAFANDHAAF
1

(Meygaag-ga)

2

Geed-abaareed weyn oo laf adag oo dhuxul aad u madow oo wanaagsan leh.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

meygaag

DHAFANDHAAF

m.l (meygaag, m.dh) 1. Geed-abaareed weyn oo laf adag oo dhuxul aad u madow oo wanaagsan leh. 2. Geed-abaareed weyn oo aan qodax lahayn oo qoryihiisa weelasha lagu cusho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

meygaag

DHAFANDHAAF

m.l (meygaag, m.dh) 1. Geed-abaareed weyn oo laf adag oo dhuxul aad u madow oo wanaagsan leh. 2. Geed-abaareed weyn oo aan qodax lahayn oo qoryihiisa weelasha lagu cusho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

meygaag

DHAFANDHAAF

m. n., [collective] evergreen tree species

waa la naqliyay ✓

Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]

MEYGAAG

DHAFANDHAAF

Boscia minimifolia 42

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]

MEYGAAG

DHAFANDHAAF
1

(Megag) C, N, May, NFD Boscia minimifolia Chiov. Capparidaceae.

2

C Maerua crassifolia Forsk. Capparidaceae.

3

S Maerua kaessneri Gilg&Bened. Capparidaceae.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]

Meygaag

DHAFANDHAAF

name-m evergreen; he who was born under the evergreen Meygaag tree

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

Meygaag

DHAFANDHAAF

magac loo bixiyo wiil midab madow leh ama geed doog ah ku hoos dhashay.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

meygaag

DHAFANDHAAF
1

-ga: (magac, lab, keli) geed abaareed dhaadheer oo culayga weelka ku wacan.

2

meygaag -ga: (magac, lab, keli) midab maarriin madaw xiga.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

meygaag

DHAFANDHAAF
1

cf: dhummay

2

de: evergreen tree sp.

3

lx: meygaag

4

pd: (-ga)

5

ps: n2a-m-col

6

key: meygaag

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

miraale

DHAFANDHAAF

m.l (-layaal, m.l/dh) Mahiigaan habeeneed.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

miraale

DHAFANDHAAF

-ha: (magac, lab, keli) roob wayn habeenkii da'a. Miraalaha hortiibaa guryaha la iska moosaaye. Dh: gudgude, mayay.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

xegaale

DHAFANDHAAF

m. n. relation, relative

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

xegaale

DHAFANDHAAF
1

de: relation, relative

2

initial: x

3

lx: xegaale

4

pd: (/ha)

5

ps: n7-m

6

see: xigaalo

7

key: xegaale

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

baraaley

DHAFANDHAAF

m.dh (-leeyo, m.l) B. leh: wax baro leh (dheddig).

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

baraaley

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) tigaad barbar leh oo meelaha daadmareennada ah ka baxda.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

deryaale

DHAFANDHAAF

-ha: (magac, lab, keli) aqal Soomaali weyn oo dhig dhexaaddu labo u qaybisay oo deri leh. Dh: guudweyne. Li: buul.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

magaalay

DHAFANDHAAF

(fal) suuq iyo meherado u samee oo magaalo ka dhig. Hayjadda magaalay oo tukaanno ka fur. Dh: magaalee.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

magaalee

DHAFANDHAAF

f.g2 (-leeyay, -leysay) Meel magaalo ka dhigid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

magaalee

DHAFANDHAAF

v. set up a town; make (a village) into a city

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

magaalee

DHAFANDHAAF

-yey / magaaleysay: (v) urbanise (eerbaneeyz); make urban; make into a city

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

magaalee

DHAFANDHAAF

(fal) eeg magaalay.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

magaalee

DHAFANDHAAF
1

de: set up a town; make (a village) into a city

2

lx: magaalee

3

pd: (magaaleeyey)

4

ps: v2b=tr

5

key: magaalee

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

beenaaley

DHAFANDHAAF

m.dh Dheddig been badan (qof); beenley.

waa la naqliyay ✓

Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]

Beeraaley

DHAFANDHAAF
1

Agricoltori

2

Farmers

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

garaadley

DHAFANDHAAF

m.dh (cilmiga naflayda) Duul ka tirsan naasleyda oo ay ka mid yihiin daayeerada iyo dadka.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

garaadley

DHAFANDHAAF

m.dh (cilmiga naflayda) Duul ka tirsan naasleyda oo ay ka mid yihiin daayeerada iyo dadka.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Magaaleyn

DHAFANDHAAF
1

(Magaaleyn-ta)

2

Magaalo ka dhigid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

magaaleyn

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg magaalee.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Magaaleyn

DHAFANDHAAF

Urbanization

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

magaaleyn

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) eeg magaalayn.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

margaagid

DHAFANDHAAF

m.dh la-mid: cargaagid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

harqaanley

DHAFANDHAAF

-da: (n) seamstress (siimisteris)

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

suugaanley

DHAFANDHAAF

m.dh.u Dad suugaanta aqoon u leh.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

suugaanley

DHAFANDHAAF

m.dh.u Dad suugaanta aqoon u leh. suugaanyahan m.l Qofka suugaanta yaqaan ama baara.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

suugaanley

DHAFANDHAAF

-da: (magacwadeered) dadka inta suugaanta ehelka u ah.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

mansacagaley

DHAFANDHAAF

m.dh la-mid: masacagaley.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

mansacagaley

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) eeg maansacagaley.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

masacagaley

DHAFANDHAAF

m.dh (cilmiga naflayda) Masalugaley xammaarato weyn caws ku nool ah, oo socodka yaxaaska uga eg, oo leh maqaar adag, iyo afar addin oo aan nafleyda qaniin, sunna lahayn. la-mid: mansacagaley, mansalugaley, mansalugooley.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

masacagaley

DHAFANDHAAF

m.dh (cilmiga naflayda) Masalugaley xammaarato weyn caws ku nool ah, oo socodka yaxaaska uga eg, oo leh maqaar adag, iyo afar addin oo aan nafleyda qaniin, sunna lahayn. la-mid: mansacagaley, mansalugaley, mansalugooley.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

masacagaley

DHAFANDHAAF

f. n. monitor lizard, iguana

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

masacagaley

DHAFANDHAAF

-da: (n) lizard (lizerd) ~ abeesolugaley, masalugaley

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

masacagaley

DHAFANDHAAF
1

a: mansalugoole, mansacagaley, masalugaley, masalugooley

2

de: monitor lizard, iguana Lit: serpent having legs

3

lx: masacagaley

4

pd: (-da)

5

ps: n-f

6

key: masacagaley

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Miririgleyn

DHAFANDHAAF
1

(Miririgleyn-ta)

2

Si miririg ah u dhaqdhaqaaqid, u socsocosho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

miririgleyn

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg miririglee. la-mid: mililigleyn.

waa la naqliyay ✓

Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]

Seeraalagey

DHAFANDHAAF

Nooc ka tirsan tooxiyeyaasha ee leh labo lugood oo midu af godan tahay ee xariiq toosan birta ku dul calaamadiya.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

amarkutaaglee

DHAFANDHAAF

f.g2 (-leeyay, -laysay) Amarkutaagle samayn.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

amarkutaaglee

DHAFANDHAAF

f.g2 (-leeyay, -laysay) Amarkutaagle samayn. m.f.dh amarkutaaglayn.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

amarkutaaglee

DHAFANDHAAF

(fal) dad aan ku rabin, xoog ugu tali.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

maansacagaley

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) noole ka mid ah xamaaratada ka mid ah oo afar lugood oo gaagaaban iyo daba dheer leh oo qorratada u eg ha yeeshee aad uga weyn duudkana teed qolof ah ku leh. Maansacagaleydu aad bay harraadka iyo gaajadaba ugu adkaysataa. Dh: masso, jiidato, maansalugalay, masacagaley.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

miriqshaanley

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) inan aad u xarrago badan.

waa la naqliyay ✓