melanoma
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
melanoma
(n) a tumor of the skin.
burada maqaarka siiba kansarka ku dhaca maqaarka
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meelanooma
m.l (-ooyin, m.l) (daawo) Buro aad u daran (kansar ah) oo ka sameysmata unugyada meelaniinka sameeya (unug meelaniineed). Sida badan kansarkaasu wuxuu ku dhacaa maqaarka, waxyaabaha keenana waxaa ka mid ah qorrax isu dhigga badan. Waxa kale oo u ku dhacaa cudurkaasu indhaha iyo xuubka gudaha ka marsan dalloollada, iyo wixi lamida.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
meelanooma
m.l (-ooyin, m.l) (daaw.) Buro aad u daran (kansar ah) oo ka sameysmata unugyada meelaniinka sameeya (unug meelaniineed). Sida badan kansarkaasu wuxuu ku dhacaa maqaarka, waxyaabaha keenana waxaa ka mid ah qorrax isu dhigga badan. Waxa kale oo u ku dhacaa cudurkaasu indhaha iyo xuubka gudaha ka marsan dalloollada, iyo wixi lamida.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meelanooma
-da: (magac, dhedig, keli) buro aad u daran (kansar ah) oo ka sameysmata unugyada meelaniinka sameeya. Sida badan kansarkaasu wuxuu ku dhacaa maqaarka, waxyaabaha keenana waxaa ka mid ah qorrax isu dhigga badan. Waxa kale oo u ku dhacaa cudurkaasu indhaha iyo xuubka gudaha ka marsan dalloollada iyo wixii la mid ah.
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
melena
(n) the passage of dark (often black) stools stained with blood pigments or with altered blood.
waxa siiya midabka madoow saxarada
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
metano
s.m. - noocalkolka ka mid ah.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
mélange
mélange, n.m. - isku dar; isku dhex jir; isku jir; isku dar; isku laaqid; isku qasid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
milayma
(kaabe) goorma; xilligee; milaygee. Aabbo milayma ayuu yimid. Dh: xillima.
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
myeloma
(n) a tumor composed of cells of the type normally found in the bone marrow.
burada ka soo baxda dhuuxa
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
hematoma
(n) a localized collection of blood, usually clotted, in an organ, space, or tissue, due to a break in the wall of the blood vessel.
dhiig ku guntamay
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
melancholy
n., wahan, -ki, qulub, -ki.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
mélancolie
mélancolie, n.f. - calool xumi; murugo.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MELANSAANO
(Melanzano) S Solanum melogena L. Solanaceae.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Haematoma
Qaranqaaro
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
mécanisme
mécanisme, n.m. - Qaybaha socda ee mashiinka; makiinada.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
meccanica
s.f. - makaanig (qayb fiisika).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meelaniin
m.dh (baayoloji) Walax madoobeysa timaha, maqaarka iyo madawga indhaha. Waxayna ku jirta unugyo khaas ah ee unugyada maqaarka ka mid ah, qaybta ugu sarreysa maqaarka. Sameynta meelaniinka waxay badataa markii jirka qorraxi ku dhacdo oo waxay maqaarka ku sameysaa midabayn (tanning = abbronzatura) oo ah maqaarka dadka caddaanka ah oo casaan u sii roga, taas oo ka celisa fallaaraha qorraxda qaybaha hoose ee maqaarka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meelaniin
-ta: (magac, lab, keli) walax madoobeysa timaha, maqaarka iyo madawga indhaha. Waxayna ku jirta unugyo khaas ah ee unugyada maqaarka ka mid ah, qaybta ugu sarreysa maqaarka. Sameynta meelaniinka waxay badataa markii jirka qorraxi ku dhacdo oo waxay maqaarka ku sameysaa midabayn (tannig = abbronzatura) oo ah maqaarka dadka caddaanka ah oo casaan u sii roga, taas oo ka celisa fallaaraha qorraxda qaybaha hoose ee maqaarka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
metasoowa
m.l (-yo, m.dh) (baayoloji) Boqortooyo hoosaad xayawaanka ka tirsan oo jidhkoodu ka samaysan yahay unugyo farabbadan oo nudo u kooxooba, kuwaas oo uu xidhiidhiyo habdhiska dareenwadku. Waxa ka mid ah dhammaan lafdhabarleyda iyo lafdhabarla'da marka laga reebo borotosoowaha iyo boorifeera (Isboonjiyaasha).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
metasoowa
m.l (-yo, m.dh) (baay.) Boqortooyo hoosaad xayawaanka ka tirsan oo jidhkoodu ka samaysan yahay unugyo farabbadan oo nudo u kooxooba, kuwaas oo uu xidhiidhiyo habdhiska dareenwadku. Waxa ka mid ah dhammaan lafdhabarleyda iyo lafdhabarla'da marka laga reebo borotosoowaha iyo boorifeera (Isboonjiyaasha).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
metasoowa
-ha: (magac, lab, keli) boqortooyo hoosaad xayawaanka ka tirsan oo jidhkoodu ka samaysan yahay unugyo farabbadan oo nudo u kooxooba, kuwaas oo uu xidhiidhiyo habdhiska dareenwadku. Waxa ka mid ah dhammaan lafdhabarleyda iyo lafdhabarla'da marka laga reebo borotosoowaha iyo boorifeera.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miyelooma
m.l (daawo) Cudur daran (kansar) oo ku dhaca dhuuxa lafta. Astaamo: a) unugyada balasma oo aad ugu bata dhuuxa lafta; b) kansarka oo lafaha gala oo raajada lagu kashifo godad lafta ku yaal; c) gaamma Golobulin aan caadi ahayn oo dhiigga laga helo; sida badan IgG (Immunoglobulin).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
miyelooma
m.l (daaw.) Cudur daran (kansar) oo ku dhaca dhuuxa lafta. Astaamo: a) unugyada balasma oo aad ugu bata dhuuxa lafta; b) kansarka oo lafaha gala oo raajada lagu kashifo godad lafta ku yaal; c) gaamma Golobulin aan caadi ahayn oo dhiigga laga helo; sida badan IgG (Immunoglobulin).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miyelooma
-ha: (magac, lab, keli) cudur daran kansar oo ku dhaca dhuuxa lafta. Astaamo: a) unugyada balasma oo aad ugu bata dhuuxa lafta; b) kansarka oo lafaha gala oo raajada lagu kashifo godad lafta ku yaal; c) gamma Golobulin aan caadi ahayn oo dhiigga laga helo; sida badan IgG (Immunoglobulin).
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Texonomay
Cir-agoon
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
mégalomanie
mégalomanie, n.f. - faan badni; isla weyni; faanfarnimo.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
melancholic
a., qulubsan; be melancholic, wahan, qulub.