megdeyn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Megdeyn
(Megdeyn-ta)
Meged gelin; idiin ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
megdeyn
m.f.dh eeg megdee. la-mid: magdeyn, magdeys, megdeys.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
megdeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhogorta ka sifayn oo idiin ka dhigid. Woobka iyo maraaga ayaa megdeynta hargaha ugu fiican. Dh: megdin, megdayn, megdays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
magdeyn
m.dh la-mid: megdeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magdeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg magdayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
megdayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhogorta ka sifayn oo idiin ka dhigid. Woobka iyo maraaga ayaa megdaynta hargaha ugu fiican. Dh: megdin, megdeyn, megdays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
megdeys
m.l la-mid: megdeyn.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
conciare
v.tr. - megdeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Megdeysan
Meged la geliyey; la megdeeyey; idiin laga dhigay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
megdeysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la ahaansho (maqaar). la-mid: magdeysan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
megdeysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la megdeeyey ahaansho (maqaar). la-mid: magdeysan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
megdeysan
der. [adjective] tanned
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
megdeysan
(tilmaame) meged la geliyey oo idiin laga dhigay ah. Masalladu waa harag megdeysan. megdeysnaan -ta: (magac, dhedig, keli) wax la megdiyay oo dhogor iyo cad wixii ku hadhayba laga nadiifiyay ahaan. Megdeysnaan la'aan harag lama isticmaalo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
megdeysan
de: tanned
lx: megdeysan
pd: (megdeysnaa)
ps: adj-der
key: megdeysan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
megdeysi
m.l la-mid: megdeysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
megdeyso
f.g3 (-stay, -satay) 1. Harag meged ka dhigasho. 2. Harag meged marsasho. la-mid: magdeyso.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
legden
- lagdamay / lagdantay: (v) wrestle (resal)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
megday
(fal) harag dhogorta ka nadiifi oo idiin ka dhig. Haragga masallo ayaan ka dhigiye ii megday. Dh: megdee, megdi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
megdee
f.g2 (-deeyay, -deysay) Maqaar meged ka dhigid. la-mid: magdee.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
megdee
f.g2 (-deeyay, -deysay) Maqaar meged ka dhigid. m.f.dh, megdayn. la-mid: magdee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
megdee
v. tan (hide ~ leather)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
megdee
-yey I magdeysay: (v) turn hide into leather; tan (taan) ~ magdee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
megdee
(fal) harag dhogorta ka nadiifi oo idiin ka dhig. Haragga masallo ayaan ka dhigiye ii megdee. Dh: megday, megdi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
megdee
de: tan (hide ~ leather)
lx: megdee
pd: (megdeeyey)
ps: v2b=tr
see: megdi
key: megdee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
megdin
-ta: (magac, dhedig, keli) dhogorta ka sifayn oo idiin ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mideyn
m.f.dh eeg midee. la-mid: mideysiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
degleyn
-ta: (magac, dhedig, keli) marka alaab qof garabkiisa ku guraayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geedeyn
m.f.dh eeg geedee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geedeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) meel aan geedo lahayn dhir ku beerid.
geedeyn-ta: (magac, dhedig, keli) cunto la karinayo, geedo udgooneeya ku daris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maadeyn
(Maadeyn-ta)
Hadal maad ah sheegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maadeyn
m.f.dh eeg maadee. la-mid: maadeys.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maadeyn
-ta: (magac, dhedig. keli) bandhig maaweelo oo lagu qoslo samayn; hadal maad ah sheegid. Jigjigaawi iyo Miicaad Miiggane maadeyn waa looga hadhay. Dh: majaajillayn, maaweelayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magdayn
-ta: (magac, dhedig, keli) harag idiinayn oo dhogor iyo hilib wixii raacay ka daguugid. Mocooyo megdaynta masallooyinka way tagaan. Dh: magdeyn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
magdeys
m.l la-mid: megdeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mardeyn
m.f.dh eeg mardee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mardeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) labo ilaa saddex laamood isku qabasho oo mardo ka dhigid. Dh: mardays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meereyn
m.f.dh eeg meeree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meereyn
-ta: (magac, dhedig, keli) meerameerow samayn oo isku duurid. Meereynta waa lagu wareeraa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
megdays
-ta: (magac, dhedig, keli) dhogorta ka sifayn oo idiin ka dhigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
megdiye
-ha: (magac, lab, keli) qalabka hargaha iyo saamaha lagu megdiyo ee idiinta lagaga dhigo. Megdiyaha mari haraga oo jilci.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miideyn
-ta: (magac, dhedig, keli) miid ka dhigid; miid samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Muddeyn
(Muddeyn-ta)
Muddo ama waqti u yeelid, u qabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muddeyn
m.f.dh eeg muddee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muddeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) jadwalayn oo wax walba muudd uu dhacayo xaddidid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mugleyn
-ta: (magac, dhedig, keli) keli socosho.
mugleyn-ta: (magac, dhedig, kell) buuxinta inta uu wax muglihi qaadi karo oo dhan. Dh: mugleys.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mugweyn
(tilmaame) qaadweyn; wax badan qaada ah. Dh: qaadweyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weydeyn
m.f.dh eeg weydee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
magdeysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) la-mid: megdeysan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
magdeysan
der. [adjective] tanned
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magdeysan
(tilmaame) la magdeeyey oo dhogor iyo cadba laga xoodhshay ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
magdeysan
a: megdeysan
de: tanned
lx: magdeysan
pd: (magdeysnaa)
ps: adj-der
key: magdeysan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
megdaysan
(tilmaame) meged la geliyey oo idiin laga dhigay ah; dhogorta laga xoodhiyay ah. Masalladu waa harag megdaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
megdeysad
m.l la-mid: megdeysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mugdiyeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) madoobayn oo mugdi aan waxba la kala arkayn ka dhigid. Dh: madoobayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beledeyn
m.f.dh eeg beledee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beledeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) magaalayn oo suuq iyo waddooyin u yeelid. Dh: magaalayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
degdejin
m.f.dh eeg degdeji. la-mid: deddejin, deddejis, degdejis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
degdejin
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg dadajin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhegweyn
(Dhegweyn-ta)
Qof aan baraarugsanayn oo kol danbe warku galo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhegweyn
m.dh 1. Geed weyn oo wacanriga u eg oo leh caleemo balballaaran iyo miro la cuno. 2. Dh. ah: qof aan si dhakhsa ah wax u fahmin. 3. Dh. ah: nooc ariga ka mid ah oo dhego balballaaran.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhegweyn
m.dh 1. Geed weyn oo wacanriga u eg oo leh caleemo balballaaran iyo miro la cuno. 2. Dh. ah: qof aan si dhakhsa ah wax u fahmin. 3. Dh. ah: nooc ariga ka mid ah oo dhego balballaaran.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhegweyn
f. n., [compound] inattentiveness; easygoing, carefree, light hearted person
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhegweyn
-ta: (magac, dhedig, keli) nooc xaskusha ka mid ah oo laga xigo maasay cad oo xadhkaha laga sameeyo oo aad u adag.
dhegweyn -ta: (magacwadareed) dadka aan baraarugsanayn oo waxa jira mar dambe uun ku baraaruga.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhegweyn
de: inattentiveness; [idiom] easygoing, carefree, light hearted person
lx: dhegweyn
pd: (-ta)
ps: n2-f-cmp
xe: Joseph is an easy-going person. Lit: big ear
xv: Yuusuf waa qof dhegweyn ah.
key: dhegweyn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geeddeyn
m.dh la-mid: geddiggelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
magdeysi
m.l la-mid: megdeysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
magdeyso
f.g3 (-stay, -satay) la-mid: megdeyso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maggeyno
m.dh Sac ama hal aad u caano badan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maggeyno
-da: (magac, dhedig, keli) sac ama hal aad u caano badan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mugweyni
-da: (magac, dhedig, keli) qaad weyn lahaan; wax badan qaadid.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Xeydheyn
Lubrication
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhengedeyn
m.f.dh eeg dhengedee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhengedeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, ul la dhacid. Dh: dhengedayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wegeredeyn
(Wegeredeyn-ta)
Wegeredka u xirid, u giijin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wegeredeyn
m.dh la-mid: wagaradeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Deyn
1. (Deyn-ka) a) Wax (lacag, kd.) qof qabo oo qof kale ama dad kale ka qabo; gashi. b) Jar, haadaan, laag.
2. (Deyn-ta) Dhaafid, ka aalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deyn
deyn¹: m.l (-no, m.l) 1. Lacag iyo wixi lamida oo lays amaahsho. 2. Haadaan; jar.
deyn²: m.f.dh eeg daa. la-mid: dayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
deyn
m.l (-no, m.l) 1. Lacag iyo wixi lamida oo lays amaahsho. 2. Haadaan; jar. la-mid: dayn.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Deyn
Credit, Debt
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Deyn
Loan
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
deyn
f. n./m: debt; debit, credit, liabilities
deyn vl. n. abandoning, leaving; letting someone alone
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
deyn
-ta/ka: (n) loan (loown); credit (kare-dit); debt (dheet), liability (laaya-biliti); something owing; mortgage (moor-geeyj) ~ amaah
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deyn
-ka: (magac, lab, keli) meel buurta ka mid ah oo hoos u go'an lagana gudbi karin. Dh: qaw, jar.
deyn -ka: (magac, lab, keli) wax la is amaahiyo oo dib laysugu celiyo. Dh: amaah.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
éden
éden, n.m. - barwaaqo; janno aduun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Geyn
(Geyn-ta)
Wax meel ka qaadid oo meel kale dhigid, gaarsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geyn
m.f.dh eeg gee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
geyn
vl. n. transporting, conveying
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
geyn
-ta: (n) the act of transporting or carrying
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geyn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax meel ka kaxayn ama ka qaadid oo meel kale gaadhsiin. Oodi jiidis iyo qaadis waa isla guri geyn. Dh: gayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
geyn
de: transporting, conveying Alt sp: gayn ~ geeyn
lx: geyn
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: geyn
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
meey
vl. pron., neg. she / they ... not
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
meey
a: mey ~ may
de: she / they ... not
lx: meey
pd: (maay)
ps: neg + vpro
key: meey
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
meyn
v-aux, neg., simple past tense: did not do (X)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
meyn
de: did not do (X) Invariable for person, number, and gender
lx: meyn
ps: v-aux-neg-past
xe: He didnt ever want to come out.
xv: Kolla bixid dooni meyn.
key: meyn
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
-eeyn
de: did not (X)
lx: -eeyn
ps: v2b-neg-past-suf
xe: did not finish
xv: -eeynin ~ -eeynnin
key: -eeyn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Beden
(Beden-ka)
Gaadiid badeed oo doontana ka yar huurigana ka weyn oo lagu kalluunsado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beden
m.l (-emmo /-enno, m.dh) 1. Gaadiid badeed doonta ka yar huurigana ka weyn oo lagu kalluumeysto. 2. Oogada dadka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
beden
m.l (-emmo /-enno, m.dh) 1. Gaadiid badeed doonta ka yar huurigana ka weyn oo lagu kalluumeysto. 2. Oogada dadka.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beden
m. n. small fishing boat
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beden
-ka: (magac, lab, keli) jaad mid ah gaadiidka badda, doontana ka yar huudhigana ka weyn oo lagu kalluumaysto. Dh: badan.