meermeer
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Meermeer
(Meermeer-ka)
1. Socsocod meelo aan fogeyn lagu laallaabto; warwareeg.
2. (ka meermeer) Arrin ama wax kale oo aan fulintooda la rabin oo laga leexleexdo, laga warwareego, laga madax-meersho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meermeer
meermeer¹: m.l 1. Warwareeg aan dani ku jirin. 2. la-mid: meermeerid.
meermeer²: f.mg1 (-ray, -rtay) 1. Warwareeg aan dani ku jirin samayn. 2. Ka m.: wax sameyntooda ka leexleexasho. 3. Ku m.: wax ku dul warwareegid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
meermeer
meermeer¹: m.l Warwareeg aan dani ku jirin.
meermeer²: f.mg1 (-ray, -rtay) 1. Warwareeg aan dani ku jirin samayn. 2. Ka m.: wax sameyntooda ka leexleexasho. 3. Ku m.: wax ku dul warwareegid. m.f.dh, meermeerid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
meermeer
v. go round and round, wander; evade an issue, beat around the bush
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meermeer
(fal) wax aadan fulintooda daacad ka ahayn ka warwareeg; wax ad diidayso ka daba shabeeli. Dh: isqarqari, madaxgad.
meermeer: (fal) socsoco oo meelahaa kolba meel teg. Meelahaa meermeer oo shaqo raadso. Dh: socsoco.
meermeer -ka: (magac, lab, keli) socsocod.
meermeer -ka: (magac, lab, keli) waddo melo badan oo leexda leh. Gaadhigii meermeerkaa nagula sigtay. Dh: warwareegad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
meermeer
de: go round and round, wander; evade an issue, beat around the bush
lx: meermeer
nt: meermeer (ka) [vn-m], meermeerid (da) [vn-f]
pd: (meermeeray)
ps: v1=pl
key: meermeer
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meermeeri
meermeeri¹: f.g2 (-iyay, -isay) Cid wax sugaysay madadaalo aan run ahayn ku waqtiseejin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
meermeeri
f.g2 (-iyay, -isay) Cid wax sugaysay madadaalo aan run ahayn ku waqtiseejin. m.f.dh, meermeerin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
meermeeri
v. cause to go round and round, make wander
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
meermeeri
-yey / say: (v) 1. give a false impression; fail to declare; say one thing and mean another ~ beebbeeni. 2. cause to make a circular rotation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meermeeri
(fal) cid wax kaa doonaysa kolba ballan been ah iyo cudurdaar u sheego. Nin baahan oo wax kuu soo doontay meermeeri ha is odha Dh: warwareeji, naanaabi.
meermeeri: (fal) wadwad oo kolba meel ge Gaadhiga soo meermeeri gacantu ha kuu fadhiisatee. Dh: wadwad, kaxkaxee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
meermeeri
de: cause to go round and round, make wander
lx: meermeeri
pd: (meermeeriyey)
ps: v2a=pl
key: meermeeri
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Meermeerid
(Meermeerid-da)
1. Warwareegid.
2. (ka meermeerid) Wax aan fulintood ama waxkaqabadkood la dooneyn, ka leexleexasho, ka warwareegid, ka madax meerin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meermeerid
m.f.dh eeg meermeer². la-mid: meermeer¹ (2), meermeeris².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meermeerid
-da: (magac, dhedig, keli) socod aan ujeeddo lahayn socsocosho oo baashaalid. Meer meeridda macna la'aanta ahi waa wakhtumin Dh: duurduurid, meermeeris, warwareegid.
meermeerid -da: (magac, dhedig, keli) wax in la sameeyo la diiddan yahay ka dabashabeelin oo ka madax gadid. Ka meermeeridda hawl kuu taalla waa qalad. Dh: warwareegid, meeraalaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Meermeerin
(Meermeerin-ta)
Warwareejin; leexleexin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meermeerin
m.f.dh eeg meermeeri. la-mid: meermeeris¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meermeerin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid wax ka doonaysa kolba ballan been ah iyo cudur daar an jirin ku habsaamin. Dh: meermeeris.
meermeerin -ta: (magac, dhedig, keli) wadwadid oo kolba dhan u kaxayn. Dh: warwareejin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meermeeris
meermeeris¹: m.l la-mid: meermeerin.
meermeeris²: m.dh la-mid: meermeerid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meermeeris
-ka: (magac, lab, keli) eeg meermeerin.
meermeeris -ta: (magac, dhedig, keli) macna darro iska socsocosho oo warwareegid. Inantii meermeeris ayay baratay. Dh: warwareegis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meermeerti
-da: (magac, dhedig, keli) qof warwareeg badan oo kolba xaafad ka sheekeeya. Ma meermeerti baad tahay maxaad aqalkaaga la fadhiisan la'dahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Meermeerto
(Meermeerta-da)
Isku-kor-wareeg xoog badan oo biyaha badda iyo webiyaashu yeeshaan oo ceel wareega haya u ekaadaan; mid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meermeerto
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Biyo mool ah oo xiis hoos ku leh. 2. Kukta madaxa meesha ay timuhu wareegga ka billaabaan. la-mid: meertammeerto.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
meermeerto
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Biyo mool ah oo xiis hoos ku leh. 2. Kukta madaxa meesha ay timuhu wareegga ka billaabaan. la-mid: meertammeerto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
meermeerto
f. n. whirlpool
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
meermeerto
-meermeertada: (n) vortex (voor 'takis); whirlpool (weelpuul), especially a whirling mass of water in the ocean that sucks in everything near it
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meermeerto
-da: (magac, dhedig, keli) isku korwareeg xoog badan oo ay biyaha badda iyo webiyaashu sameeyaan oo ceel wareegaya u ekaadaan. Meermeertadu waa meel halis ah oo ay doonyuhu ku rogmadaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
meermeerto
de: whirlpool
lx: meermeerto
pd: (/da)
ps: n6-f
syn: mid
key: meermeerto
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dibjir
(Dibjir-ka)
1. (qof, kd.) aan habeen wax cunin oo qaday ama laga seexday.
2. Qof aan xoogsan; hawllaawe; maxoogsade; meermeerti.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hawllaawe
(Hawllaawa-ha)
1. Aan lahayn hawl uu qabto.
2. Islawareeg; maxoogsade; mashaqayste; meermeerti.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Leexleexasho
(Leexleexasha-da)
1. Laallaabasho, noqnoqosho, warwareegid, meermeerid.
2. (ka leexleexasho) Arrin qabashadeed ama wax kale, ka madax meerin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mid
1. (Mid-da) Meermeerto weyn oo badda kore ka dhex samaysanta.
2. (Mid-ka) Tirada labada ka horraysa; keli ah; aan la wehelin; kow; hal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Miryaad
(Miryaad-ka)
Xanuun ama wax kale oo saamays weyn leh oo miyirka iyo wax-garashada wax u dhima, oo lala meermeero; harjad; weref; haar; (ama maryaad).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Muddaahino
(Muddaahina-da)
Arrin aan durba la fuline, dibudhig iyo meermeeris iyo hadal macaan oo maldahan lagu wado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cagafcagaf
cagafcagaf¹: m.l/dh (-fyo, m.dh) Gaari xoog badan, leh lugo rabar ama bir ah oo beeraha lagu falo ama lagu geed qaado.
cagafcagaf²: m.dh.sh.r C. leh: cod lagu muujiyo meermeeridda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meertammeerto
m.dh la-mid: meermeerto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meerto
m.dh (-ooyin, ml.) 1. Si wareegto ah oo wax loo qaybsado; kaltan; miilo. 2. Meermeerto; mid². 3. M. ah: geel karreeb ah. 4. Marti muddo gaaban joogto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mid
mid¹: m.l.t 1. Erey wax lab oo keli ah tilmaama; hal. Tusaale: “Labadii m. baa yimid”. 2. Dad is- raacsan oo isku ujeeddo ah. 3. Kala m. ah: wax kala duwan. 4. Kala m. ah: fikrad, muuqaal, midab iyo wixi lamida cid ka raacid. 5. Jiididda la jiido shaqalka carabiga marka lagu dhawaaqayo.
mid²: m.dh 1. (m.t) Wax tiro ahaan hal ah oo dheddig. 2. Meermeerto weyn oo biyaha baddu sameeyaan.
mid³: f.g1 (-day, -dday) Shaqal carabi ah ku dhawaaqiddiisa jiidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muddaahano
m.dh 1. Meermeerin iyo dibudhigidda arrin aan la doonayn in la fuliyo. 2. la-mid: muddaahineyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muddaahinee
f.g2 (-neeyay, -neysay) Arrin aan la rabin in durba la fuliyo, dibudhig, meermeeris iyo hadal macaan ku wadid. la-mid: muddaahanee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Meeraxeer
(Meeraxeer-ka)
Xarig dheer oo badanaa suun ka samaysan, oo kolka awrta inta la raro oo la dhigeeyo oo lammada lagu rogo, korka lagaga soo wareejiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meeraxeer
m.dh (-rro, m.dh) Xarig dheer oo kolka awrta la raro oo la dhigeeyo, lammadana la saaro dusha looga xiro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
meeraxeer
m. n. long rope used to tie load on a camel
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meeraxeer
-ta: (magac, dhedig, keli) xarig dheer oo kolka awrta la raro oo la dhigeeyo, lammadana la saaro dusha looga xiro.
meeraxeer -ka: (magac, lab, keli) xadhig dheer oo yeel ah oo marka awrta la raro korka lagaga soo wareejiyo. Dh: xeer.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
meeraxeer
de: long rope used to tie load on a camel
lx: meeraxeer
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: meeraxeer
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meerexeer
-ka: (magac, lab, keli) dariiqyada ay maraan meerayaalku marka ay wareegayaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eereer
-ka: (magac, lab, keli) hadba dhinac nafta ula ordid degganaansho la'aan aawadeed; kadeed iyo leelleel la baaxaallidegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meeree
f.g2 (-reeyay, -reysay) Wax xarig iyo wixi lamida ku wareejin, wax, wax, kale ku dul wareejin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
meeree
v. go around (argument, question, etc.); enclose something
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
meeree
-yey / meereysay: (v) make a circular motion.
ku meerayso -meeraystay/ meeraysatay: (v) beat around or beat about the bush
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
meeree
de: go around (argument, question, etc.); enclose s.t.
lx: meeree
pd: (meereeyey)
ps: v2b=tr
key: meeree
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Feerfeer
(Feerfeer-ka)
Kala durdurug; kala fogfogaan; jeexjeex.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Feerfeer
pr. n., loc. Ferfer [town in west Somalia.]
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
feerfeer
v. separate out, comb, rake
feerfeer vl. n. combing, raking
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
feerfeer
(fal) kala durdurki; kala fogfogay; jeexjeex.
feerfeer -ka: (magac, lab, keli) kala durdurug; jeexjeex; kala fogfogaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heerheer
-ka: (magac, lab, keli) uskag marada ama weelka ku dhigma. Dogon maradeeda heerheer lagama waayo. Dh: geengeen.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jeerjeer
(Jeerjeer-ka)
(xoolo, kalluun)
1. Dhasha yaryar oo in la qasho darteed loo kobciyo, loo cayiliyo.
2. Hilibka dhashaas.
3. Malkhabadaha dumarka qaato jaad kamid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeerjeer
m.l 1. Nooc libaax badeedka ka mid ah oo la cuno. 2. Maqal yaryar oo loo kobciyo in la qasho. 3. Nooc ka mid ah garbasaaraha haweenka oo khafiif ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jeerjeer
m.l 1. Nooc libaax badeedka ka mid ah oo la cuno. 2. Maqal yaryar oo loo kobciyo in la qasho. 3. Nooc ka mid ah garbasaaraha haweenka oo khafiif ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jeerjeer
m. n., [collective] small animals ~ fish to be fattened before slaughtering
jeerjeer m. n. woman's head scarf
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeerjeer
-ka: (magac, lab, keli) hilibka waxaraha yaryar. Jeerjeer ayaan cunay. Dh: dhaylo
jeerjeer -ka: (magac, lab, keli) libaax badeedka noocyadiisa nooc ka mid ah oo yaryar.
jeerjeer -ta: (magac, dhedig, keli) malkhabad ay dumarku xidhaan oo jilicsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meelmeel
-sha: (magac, dhedig, keli) gobgoon kala duduwan; teel teel aan isku xidhnayn oo midba meel gaar u go'an ah; aan meel walba ahayn ee kala googo'an.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seerseer
-ka: (magac, lab, keli) meerisyo isdulyaalla; garaaro isdulyaal; maraaryo isku dul yaalla. Dh: seerar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meeraaxeer
-ka: (magac, lab, keli) waareegalaysi ay caruurtu ku ciyaarto iyagoo ku wareegaya meel wareegsan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
meelaheer
(adv) nearly (niyarli)-, around (a-rawn-dhi) ~ meelahaas
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Teermosfeer
Thermospnere
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Meere
(Meera-ha)
(meereyaal) Xiddigo qaboobey oo dhulal noqday oo qorraxda la socda oo ku wareega oo iftiinka ka qaata midkood; meereyaashu (sayaariin) waa sagaal: Dusaa (Cuddaar), Waxaraxir ama Xiddigta Waabberi (Sahra), Dhulkeenna, Farraarre (Mariikh), Cirjeex ama Cirjiir (Mushtar), Raage (Saxal), Uraano, Netuun iyo Buluto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meere
meere¹: m.l (-rayaal, m.l/dh) Xiddigo qaboobey oo dhulal noqday oo qorraxda la socda oo ku wareega oo iftiinka ka qaata midkood; meereyaashu (sayaariin) waa sagaal. Dusaa, (cuddaar), Waxaraxir ama Xiddigta Waabberi (sahra), Dhulkeenna, Farraarre (mariikh), Cirjeex ama Cirjiir (mushtar), Raage (saxal), Uraano, Netuun, Buluto.
meere²: m.l (-rayaal, m.l/dh) (c.fal.) Mid ka mid ah walxaha qiyaas ahaan goobada ah, oo gaadhaya dhowr boqol, kuwaas oo ku meeraysta qorraxda oo mara tub qorraxeedyo loo yaqaan tubo. Waxa jira sagaal meere oo waaweyn, uu ku jiro dhulku, oo in door ah ka weyn kuwa oo hadhay, iyo meereyaal yaryar oo badan ama meere yareyaal. Meereyaasha dhulka ka weyni waa: Nebtuun, Yuraanas, Jaateen iyo Jubitar, kuwa ka yaryarina waa: Feenus, Maaris, Meerkuri iyo Buluuto. Feenus iyo Meerkuri ayaa qorraxda uga dhow dhulka kuwa soo hadhay ay ka sii fogyihiin. Buluuto, oo la helay 1930, ayaa ugu fog qorraxda, marka laga reebo qorraxda iyo xiddigaha, sida dayaxa meerayaasha kale waxay ku faan noqodka qorraxda.

Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Meere
Planet
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
meere
m. n. planet
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
meere
-meeraha: (n) 1. planet (palaan'it) 2. solar system
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meere
-ha: (magac, lab, keli) mid ka mid ah bahgorraxeeddeena oo ka kooban sagaal meere marka laga reebo Bilutoon oo intan danbe lagu daray meeredicinnada; mid ka mid ah xiddigo gaboobay oo dhulal noqday oo qorraxda ku meeraysta iftiinkana ka qaata oo dhulka aan ku noollahayna uu ka mid yahay.
meere -ha: (magac, lab, keli) marka laga eego dhanka faalxidiginta, waa xiddigta wareegta.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
meere
bw: Dusaa, Bakaal, Dhul, Farraarre, Cirjeex, Raage, Uraano, Netuun, Buluto; xiddig
de: planet
lx: meere
pd: (/ha)
ps: n7-m
syn: qorraxkusidkane
key: meere
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
meere
كوكبة
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
fermer
fermer, v. - xidhid; oodid; albaabid; furayn; gufayn; jufid
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
germer
germer, v. - marka geeduhu dhashaan ee ugu horaysa.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
jeerer
n., luqufi, -gi, nin luqufi ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mareer
(Mareer-ka)
Geed weynaada oo aan qodxo lahayn oo miro qurux iyo macaan badani ka baxaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mareer
m.l 1. Geed qodax lahayn, miro cas oo macaan, oo la cuno caleemo yaryar iyo ulo toosan leh oo geelu aad u jecelyahay. 2. Miraha geedka mareerka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mareer
m.l 1. Geed qodax lahayn, miro cas oo macaan, oo la cuno caleemo yaryar iyo ulo toosan leh oo geelu aad u jecelyahay. 2. Miraha geedka mareerka.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mareer
m. n., [collective] tree species
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
MAREER
[MARER, MAREER] Cordia sinensis 06
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MAREER
(Maded) All. Som. Cordia sinensis Lam. boraginaceae.
C, NFD, 0g, May, S Cordia ovalis R.Br. Boraginaceae.
NFD Cordia quarensis Querke. Boraginaceae.
S Cordia somaliensis Bak. Boraginaceae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mareer
-ka: (n) a tree with edible fruit
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mareer
-ka: (magac, lab, keli) eeg madheedh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mareer
de: tree sp.
lx: mareer
pd: (-ka)
ps: n2-m-col
key: mareer
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meelee
f.g2 (-leeyay, -laysay) Wax meel dhigid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
meelee
f.g2 (-leeyay, -laysay) Wax meel dhigid. m.f.dh, meelayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
meelee
v. place, put something in its (proper) place
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
meelee
-yey I meeleysay: (v) find a place for; place (paleeys)-, set (sat); arrange (a-reenji)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meelee
(fal) eeg meelay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
meelee
de: place, put s.t. in its (proper) place
lx: meelee
pd: (meeleeyey)
ps: v2b=tr
key: meelee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meerar
(fal) dibi qalabkii qodaalka ku xidh. Intaan dhulku kululaan dibida meerar.
meerar -ka: (magac, lab, keli) qalabaynta iyo isku xidhka dibida beerta lagu qodayo iyo qalabkooda oo ah harqood, nugi, kootar, irfi, jiqirti, digirro, fiinyo, suuman, iyo minaaqyo. Kolka ay dibidu xaraashyo yihiin meerarku kuma dhibo.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
member
/membar/ (n) xubin (ka tirsan koox, guddi iwm).
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Member
Xubin
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
member
n., adin, -ki, laxad, -ki.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
merger
/marjar/ (n) isu-tag (isku-darsan).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
reeree
(fal) guurso oo qoys abuur. Cali kal hore ayuu reereeyaay oo wuxuu guursaday Dahabo.
reeree: (fal) inan gudniin fircooni ah gudan fur oo dadabgal u diyaari.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seeree
f.g2 (-reeyay, -reysay) 1. la-mid: seer 2. Dhul in muddo ah daaq ka xayirid. 2. Xabbad la riday meel la waayid.