meerkac-dabayleed
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meerkac-dabayleed
m.l (c.cimi.) Kolmo yar oo dabayleed oo degdeg ugu wareegaysa dhidib taagan ama wax yara janjeedha, oo dhexda ku leh meel cadaadiska jawigu hooseeyo. Marmarka qaarkood way dheertahay, lamadegaannadana waxay ka kicisaa siigo, ama, qiyaas yar; xanfaley.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
meerkac-dabayleed
m.l (c.cimi.) Kolmo yar oo dabayleed oo degdeg ugu wareegaysa dhidib taagan ama wax yara janjeedha, oo dhexda ku leh meel cadaadiska jawigu hooseeyo. marmarka qaarkood way dheertahay, lamadegaannadana waxay ka kicisaa siigo, ama, qiyaas yar; xanfaley.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meerkacdabayleed
-ka: (magac, lab, keli) kolmo yar oo dabayleed oo degdeg ugu wareegaysa dhidib taagan ama wax yara janjeedha, oo dhexda ku leh meel cadaadiska jawigu hooseeyo. Marmarka qaarkood way dheertahay, lamadegaannadana waxay ka kicisaa siigo, ama, qiyaas yar xanfaley.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Meerkac danayleed
Whirlwind
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
simuum
m.l (juqraafi) Carabi. Dabayl kulul, qallalan ama meerkac dabayleed oo ka dhacda xilliyada Gu'ga iyo xagaaga saxaaraha iyo lama degaanta Carabta, waxa inta badan la socda qaddar cufan oo bataax ah oo yareeya ragtida xoogaa mitirro ah ama inta badan eber, marmarka qaarkoodna beddela qaabka meelaha ay marayso.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
simuum
m.l (juqraafi) Carabi. Dabayl kulul, qallalan ama meerkac dabayleed oo ka dhacda xilliyada Gu'ga iyo xagaaga saxaaraha iyo lama degaanta Carabta, waxa inta badan la socda qaddar cufan oo bataax ah oo yareeya ragtida xoogaa mitirro ah ama inta badan eber, marmarka qaarkoodna beddela qaabka meelaha ay marayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
simuum
-ka: (magac, lab, keli) dabayl kulul, qallalan ama meerkac dabayleed oo ka dhacda xilliyada Gu'ga iyo xagaaga saxaaraha iyo lama degaanta Carabta, waxa inta badan la socda qaddar cufan oo bataax ah oo yareeya ragtida xoogaa mitirro ah ama inta badan eber, marmarka qaarkoodna beddela qaabka meelaha ay marayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meerkac-biyood
m.l (juqraafi) Wareeg goobeed biyaha badda dhexdeeda ama webiga dhexdiisa oo ka dhashay kala sarraynta kanaalka, ama kulanka laba maayadood, ma sababo la mid ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
meerkac-biyood
m.l (juqraafi) Wareeg goobeed biyaha badda dhexdeeda ama webiga dhexdiisa oo ka dhashay kala sarraynta kanaalka, ama kulanka laba maayadood, ma sababo la mid ah.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
GEED-XABAALEED
(Ged-habaled) S Commiphora boiviniana Engl. Burseraceae.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Meerkac biyood
Whirlpool
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Karin dabayleed
Wind gap, Dry gap
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maskax-dambeed
m.dh (-yo, m.dh) (cilmiga naflayda) Qaybta dambe ee maskaxda ee ku dhereran ilaa iyo xangulaha. Shaqooyinka ay qabato waxa ka mid ah xidhiidhinta gujooyinka qaabilayaasha taabashada, maqalka iyo organnada dhadhanka. Waxa kale oo ay xukuntaa hababka iswada sida garaaca wadnaha, isku soo ururka iyo kala baxa dhuumaha dhiigga iyo falnaqyo kale duwan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maskax-dambeed
m.dh (-yo, m.dh) (cilmiga naflayda) Qaybta dambe ee maskaxda ee ku dhereran ilaa iyo xangulaha. Shaqooyinka ay qabato waxa ka mid ah xidhiidhinta gujooyinka qaabilayaasha taabashada, maqalka iyo organnada dhadhanka. Waxa kale oo ay xukuntaa hababka iswada sida garaaca wadnaha, isku soo ururka iyo kala baxa dhuumaha dhiigga iyo falnaqyo kale duwan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mawjad-dayreed
m.dh (-o ..., ml.) (juqraafi) Mawjadaha aad u waaweyn kolka dhulka, qorraxda, iyo dayaxu ay xariiq toosan oo isku mid ah yihiin; xoogga cufisjiidadka ee qorraxdu wuxuu ka yimaadaa jiho la mid ah tan dayaxa, markaana wuu hiirigeliyaa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mawjad-dayreed
m.dh (-o ..., ml.) (juqraafi) Mawjadaha aad u waaweyn kolka dhulka, qorraxda, iyo dayaxu ay xariiq toosan oo isku mid ah yihiin; xoogga cufisjiidadka ee qorraxdu wuxuu ka yimaadaa jiho la mid ah tan dayaxa, markaana wuu hiirigeliyaa.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Meerta atomeed
Atomic Orbital
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tamar-dabareed
m.dh (fiisikis) Tamarta la bixiyo marka dabar elektaroon-wadaag ihi ka dhex samaysmo laba atam oo madax bannaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tamar-dabareed
m.dh (fiisikis) Tamarta la bixiyo marka dabar elektaroon-wadaag ihi ka dhex samaysmo laba atam oo madax bannaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xeerka Jaarles
m.l (fiisikis) Mugga neef engegani waxa uu saamiggal qumman la yahay heerkulku Kelfin, marka cadaadisku yahay madoorsoome.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xeerka Jaarles
m.l (fiisikis) Mugga neef engegani waxa uu saamiggal qumman la yahay heerkulku Kelfin, marka cadaadisku yahay madoorsoome.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Xeerka Ambiyeer
Ampere law
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
imminka dabadeed
adv., time: later on, from now on
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
imminka_dabadeed
de: later on, from now on
lx: imminka dabadeed
ps: adv-time
key: imminka_dabadeed