meelkugaadh
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meelkugaadh
-ka: (magac, lab, keli) adeegsi aan rasmi ahayn oo ka rasmiga ah lagu gaadho; u isticmaalka shay loo isticmaalo in meel uun lagu gaadho haddeedna laga maarmo. Dh: kumeelgaar, meelkugaar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meelgaadh
-ka: (magac, lab, keli) aan rasmi ahayn oo waxa rasmiga ah inta la gaadhayo ama la helayo lagu sii gaadho oo laga sii faa'iidaysto. Dh: kusime, meelkuggaar, kusugo, meelgaar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meelkugaar
-ka: (magac, lab, keli) wax la adeegsado inta meesha loo socdo la gaadhayo. Baaskiilku wa meelkugaadh inta aan gaadhi iibsanayo.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
meel kugaar
ah: (adj) temporary (teem 'pareeri); provisional (paro-vishinal); interim (in 'taram); acting (aak-ting)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Meelkuggaar
(Meelkuggaar-ka)
Kummeelgaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meelkuggaar
m.l.kh la-mid: meelgaar¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
meelkuggaar
m. n., [compound] temporary thing, provisional person
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
meelkuggaar
-ah: (adj) temporary (teem'pa-reeri); provisional (paro-vishinal); interim (in 'taram); acting (aak-ting)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
meelkuggaar
de: temporary thing, provisional person
lx: meelkuggaar
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: meelkuggaar
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
meel ku gaar
adj., [expression] temporary, acting, provisional, interim
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
meel_ku_gaar
de: temporary, acting, provisional, interim
lx: meel ku gaar
ps: adj-expr
key: meel_ku_gaar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Meelgaar
(Meelgaar-ka)
(ku meelgaar) wax wax lagu gaaro ama lagu sugo; kusime.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meelgaar
meelgaar¹: m.l.kh M. ah: wax si aan rasmi ahayn loo hayo ama loo isticmaalo. la-mid: meelkuggaar.
meelgaar²: f.g1 (-ray, -rtay) 1. Ku m.: wax si aan joogto ahayn u hayn ama u isticmaalid. 2 Hanti, gaadid iyo wixi lamida meel ku tegid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
meelgaar
meelgaar¹: m.l.kh M. ah: wax si aan rasmi ahayn loo hayo ama loo isticmaalo. la-mid: meelkuggaar.
meelgaar²: f.g1 (-ray, -rtay) 1. Ku m.: wax si aan joogto ahayn u hayn ama u isticmaalid. 2 Hanti, gaadid iyo wixi lamida meel ku tegid. m.f.dh, meelgaarid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
meelgaar
m. n., [compound] provisional person, temporary thing
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
meelgaar
-ah: (adj) temporary (teem 'pa reeri); provisional (paro-vishinal); interim (in 'taram); acting (aak-ting) ~ see also [eeg] meel ku gaar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meelgaar
-ka: (magac, lab, keli) aan rasmi ahayne waxa rasmiga ah inta la gaadhayo ama la helayo lagu sii gaadho oo laga sii faa'iidaysto. Dh: kusime, meelkugaadh, kusugo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
meelgaar
de: provisional person, temporary thing
lx: meelgaar
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: meelgaar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kumeelgaadh
-ka: (magac, lab, keli) wax meel lagu gaadho ama in waqti ah wax lagu qabsado oo aan dabadeed loo baahnayn. Dh: meelkugaadh, meelkugaar, kummeelgaar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ceelgaal
-ka: (magac, lab, keli) ceel biyo badan oo dhanaan leh oo geela jeela loo arooriyo. Dh: dhane.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geelqaad
-ka: (magac, lab, keli) tab dadku geela ku kala qaadaan oo dhac iyo boob ku salaysan.
geelqaad -ka: (magac, lab, keli) qofka geel aanu lahayn xoog iyo boob ama tuugo ku qaata.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeefaadh
-ka: (magac, lab, keli) gurxan iyo niyadda ka oohid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leemaadh
-ka: (magac, lab, keli) saamaynta caajiska iyo hurdadu ay qofka malkisiiyaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meecaadi
f.g2 (-iyay, -isay) Cirib dambeeto oo wanaagsan u yeelid (wax).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meecaadi
(fal) waxtar iyo lihiin dambe oo loo aayo yeelo. Hooyo meecaadi waan kuu duceeyee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Meecaado
magac loo bixiyo gabadh xilli barwaaqo dhalatay ama nasiib badan loo rajaynayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meegaaro
f.g3 (-rtay, -ratay) la-mid: maageero.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
meegaaro
v. enclose; encircle; trace a circle around something
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meegaaro
(fal) wax aad gaar u leedahay deyr ku xidho. Meegaaro meesha lagu siiyay. Dh: wareejiso, xayndaabo, meegaaro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
meegaaro
a: maageero
de: enclose; encircle; trace a circle around s.t.
lx: meegaaro
pd: (meegaartay)
ps: v3b=tr
key: meegaaro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Meelmaag
(Meelmaag-ga)
Qofka hadduu wax ku dhego, ama wax damco, aan laga fujin karin, aan la soo loodin karin; qof madax adag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meelmaag
m.l (-gyo, m.dh) Qof madax adag oo tiisa uun ku adkaysta.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
meelmaag
m. n., [compound] highly opinionated person, tough bargainer
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meelmaag
-ga: (magac, lab, keli) hal'adayg qof waxa uu damco aan laga furfuri karin oo wax kale loo loodin karin. Meelmaagga iska daa oo dadu waxay ku leeyihiin maqal. Dh: madax'adayg.
meelmaag -ga: (magac, lab, keli) tiigsashada bartilmaameed xaddidan oo la tiigsado sida loo gaadhayo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
meelmaag
de: highly opinionated person, tough bargainer
lx: meelmaag
pd: (-ga)
ps: n2a-m-cmp
key: meelmaag
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
metelaad
-da: (magac, dhedig, keli) riwaayad ama filin jilid oo ka qayb qaadasho. Dh: masalaad, jilid.
metelaad -da: (magac, dhedig, keli) cod sawir muqaal iyo wixii la mid ah isku ekeysiin oo sidii oo kale iska dhigid.
metelaad -da: (magac, dhedig, keli) cid maqan ka wakiil noqosho. Dh: meselaad, medtelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salgaadh
(fal) (ka ~) wax ama arrin, ka gungaadh; ka jibbakeen. Dh: gungaadh.
salgaadh -ka: (magac, lab, keli) arrin ama hawl, gunteeda iyo xaqiiqdeeda ogaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
meelahaan
n. phr., loc. around here, in this area
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
meelahaan
(adv) hereabout (hiyar-a-bawt); someplace or some where in this area
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
meelahaan
de: around here, in this area
lx: meelahaan
ps: np-loc
key: meelahaan
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
meelahaas
[adverb] or [adverbial] [expression] about, approximately
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
meelahaas
(adv) nearly (niyarli); around (a-rawn-dhi) ~ meelaheer
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
meelahaas
de: about, approximately
lx: meelahaas
ps: adv
xe: Im going to stay about three weeks.
xv: Saddex toddobaad meelahaas baan joogayaa.
key: meelahaas
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meelaysad
-ka: (magac, lab, keli) wax si gaar ah meel u dhigasho. Meelaysadka intaada uun iska daa oo inta dadkana ku dar.
meelaysad -ka: (magac, lab, keli) meel lagu dego oo guur ama shaqo ah diyaarsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
reermaadh
-ka: (magac, lab, keli) reerka inta aan rag iyo geel ahayn: geela iyo ragga mooyee, reerka intiisa kale. Reermaadh haddaydaan ahayn maydin rarateene. Dh: reermaar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yoolgaadh
-ka: (magac, lab, keli) arrin ama wax kale ka salgaadhid. Taladii reerka yoolgaadh laga waa. Dh: gungaadh, yoolgaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Beerkutaal
(Beerkutaa-sha)
Xubin sida kolay yar u samaysan oo dhacaan cagaar-cillaan ah (xammeeti) oo aad u xaraari ku jiro; xanshareeri (xanjareeri).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beerkutaal
m.dh 1. Galka yar ee ay xameetida ku jirta oo beerka ku taal. 2. la-mid: uurkutaallo. la-mid: beerkutaallo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
beerkutaal
m.dh 1. Galka yar ee ay xameetida ku jirta oo beerka ku taal. 2. la-mid: uurkutaallo. la-mid: beerkutaallo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beerkutaal
f. n., [compound] gall bladder
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beerkutaal
-sha: (magac, dhedig, keli) dheecaan midab hurdi ah leh ama ka dacarta oo beerku sameeyo ay ku dhexjirto. Beerkutaasha ayaa xanuun kaga dhacay. Dh: beertaxaliil, xanshareeri, xameeti, xanjareeri, beerkutaallo, xameeti.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
beerkutaal
a: beerkutaallo [n6-f]
de: gall bladder
lx: beerkutaal
pd: (/sha)
ps: n-f-cmp
key: beerkutaal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geelxeraad
m.l.u Geel loo xerageeyey meel reerka ka fog.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
geelxeraad
m. n., [collective] camels that have been taken into pastures far from the encampment for the entire dry season
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
geelxeraad
de: camels that have been taken into pastures far from the encampment for the entire dry season
lx: geelxeraad
pd: (-ka)
ps: n-m-col
key: geelxeraad
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
geeskalaad
m. n., [compound] corner-kick {sports}
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
geeskalaad
de: corner-kick {sports}
lx: geeskalaad
pd: (-ka)
ps: n2a-m-cmp
key: geeskalaad
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
macluumaad
m. n., [collective] information, data; known facts; knowledge, lore, learning, perceptions, discoveries, findings
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
macluumaad
-ka: (n) data (deey-ta); information (in-foor-meey-shan); details (ditee-lis)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macluumaad
-ka: (magac, lab, keli) hubaalo iyo xaqiiqooyin cilmiyeed oo wax guud ama wax gaar ah ku saabsan. Macluumaad dheeraad ah lagama hayo caalamka hawada sare. Dh: warar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
macluumaad
bw: Arabic
de: information, data; known facts; knowledge, lore, learning, perceptions, discoveries, findings
lx: macluumaad
pd: (-ka)
ps: n2a-m-col
key: macluumaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meelgaarid
m.f.dh eeg meelgaar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meelgaarid
-da: (magac, dhedig, keli) wax aan rasmi ahayn ku meel gaadh ahaan uga faa'iidaysasho inta rasmiga la gaadhayo. Jiingadda meelgaarid ayaan u dhistay. Dh: meelgaadhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Meelkadhac
(Meelkadhac-a)
Gef.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meelkadhac
m.l Khalad cid lagu sameeyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
meelkadhac
m.l Khalad cid lagu sameeyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
meelkadhac
m. n., [compound] error, mistake
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
meelkadhac
-a: (n) 1. wounding of one's feelings. 2. offense (ofeens); transgression
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meelkadhac
-a: (magac, lab, keli) xad gudub af ama addin ah oo cidi ka gasho cid kale si kas ama kama' ah. Dh: gef, khalad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
meelkadhac
de: error, mistake
lx: meelkadhac
pd: (-a)
ps: n2a-m-cmp
key: meelkadhac
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
beerkutaalo
-beerkutaalada: (n) gall bladder ~ beeryaro, beerkutaal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meeldhexaad
m.l 1. M. ah: wax leh qiyaas caadi ah. 2. M.ka: celcelis.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
meeldhexaad
m.l 1. M. ah: wax leh qiyaas caadi ah. 2. M.ka: celcelis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
meeldhexaad
m. n., [compound] intermediate item, something in the middle; average
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meeldhexaad
-ka: (magac, lab, keli) dhanna aan jirin oo dhexdhexaad ah. Waxa lagu heshiiyay xal meeldhexaad ah. Dh: dhexdhexaad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
meeldhexaad
de: intermediate item, s.t. in the middle; average
lx: meeldhexaad
pd: (-ka)
ps: n2a-m-cmp
key: meeldhexaad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
reernagaadi
-ga: (magac, lab, keli) nooc jinaca ka mid ah oo jidhacduullaanka ka yaryar oo midabkiisu yahay madow casuus xiga godkiisa wuxu ku wareejiyaa ciid iyo biilaha cawska kolka uu socdana wuu is wada dabagalaa oo dhabbe uu maro ayuu samaystaa.
reernagaadi-ga: (magac, lab, keli) godka reernagaadigu dego. Reernagaadi ku dul kuf.