meelkadhac
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Meelkadhac
(Meelkadhac-a)
Gef.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meelkadhac
m.l Khalad cid lagu sameeyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
meelkadhac
m.l Khalad cid lagu sameeyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
meelkadhac
m. n., [compound] error, mistake
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
meelkadhac
-a: (n) 1. wounding of one's feelings. 2. offense (ofeens); transgression
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meelkadhac
-a: (magac, lab, keli) xad gudub af ama addin ah oo cidi ka gasho cid kale si kas ama kama' ah. Dh: gef, khalad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
meelkadhac
de: error, mistake
lx: meelkadhac
pd: (-a)
ps: n2a-m-cmp
key: meelkadhac
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Deelqaaf
(Deelqaaf-ka)
1. Gefka gabayada iyo heesaha iyo waxyaalaha kaloo la tirsho oo xarafka ku dhisan.
2. Labo waxyaalood oo aan isu dhoweyn isu keenid.
3. Hadal meelkadhac ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gef
(Gef-ka)
1. Wax aan run ahayn oo run la moodo; si qalloocan oo wax loo garto; wax aan toosnayn oo la falo ama la sheego; hal jaban; qalad; laaxin.
2. Xumaan; waxyeello; meelkadhac.
3. (senen) waxa qof doonayo oo loo saadiyo (saad been ah) inuusan hela hayn, sida nin duullaan u socda oo lagu yiraahdo geel soo heli meysid; waxaa la qabaa in qofkii loo gefo uu wax helo (ama gaf).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haldhac
(Haldhac-a)
1. Erey ama hadal aan la doonayn in la yiraahdo ama la sheego oo si dagmid ah u soo dhaca.
2. Gef; deelqaaf; dhabaq; meelkadhac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaf
gaf¹: m.l (-faf, m.l) 1. Khalad. 2. Meelkadhac. la-mid: gef.
gaf²: f.g/mg1 (-fay, -ftay) 1. (f.g) Khalad samayn. 2. (f.g) Haleeli waayid. 3. (f.mg) U g.: cid meelkadhac ku samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ihaano
m.dh Hadal xun oo cid sharafteeda wax lagu yeelo, meelkadhac.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gaf
gaf¹: m.l (-faf, m.l) 1. Khalad. 2. Meelkadhac. la-mid: gef.
gaf²: f.g/mg1 (-fay, -ftay) 1. (f.g) Khalad samayn. 2. (f.g) Haleeli waayid. 3. (f.mg) U g.: cid meelkadhac ku samayn. m.f.dh, gafid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ihaano
m.dh Hadal xun oo cid sharafteeda wax lagu yeelo, meelkadhac.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaf
(fal) ka go' oo wada gaadhi waa.
gaf: (ereycodeed) tusmeeya marka si degdeg ah wax loo qaado. Tuug baa lacagtii gaf ka siiyay.
gaf -ka: (magac, lab, keli) meelkadhac loo geysto qof. Dh: deelqaaf, qalad, denbi, danbi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garceebla'
(tilmaame) gar aan lahayn turxaan iyo meelkadhac. Buraaloow garawsi laguuma hayee garceebla' marso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gef
(fal) xumaan samee. Dh: gaf, denbaab, qaldan.
gef-ka: (magac, lab, keli) meelkadhac cidi samayso oo u geysato cid kale. Dh: xumaan, gaf, khalad, alyad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lafajab
-ka: (magac, lab, keli) korsiinxumo iyo hagaasid ay nafaqadarradu keento.
lafajab -ka: (magac, lab, keli) ceeb iyo meelkadhac foolxun. Dh: xumaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macmiilasho
-da: (magac, dhedig, keli) badeecad gaar ah si joogto ah maalin walba u iibsasho. Macmiilashada Jaadku waa meelkadhac dhaqaale.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geelcadhays
-ta: (magac, dhedig, keli) geed yar oo baarka iyo badhida basasha oo kale leh oo ka baxa bannaanada ka baxa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madaxkadhac
-a: (magac, lab, keli) xanuun ka yimaad barkimada oo si xun loo barkado. Qof uu madaxkadhac hayo dhan ma eegi karo. Dh: barkimadhac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deelraac
m.l Neef ido ah oo madaxa ilaa legga ka madow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deelraac
-a: (magac, lab, keli) neef ido ah oo madaxa ilaa legga madow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Delidhac
(Delidhac-a)
Jarkadhac; meelkadhac; dhibtood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
delidhac
delidhac¹: m.l 1. Jar ka dhac. 2. la-mid: delidhacid.
delidhac²: f.mg1 (-cay, -cday; -dhici) Ka dhicid meel deli ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
delidhac
m.l 1. Jar ka dhac. 2. la-mid: delidhacid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
delidhac
v., [compound] fall into a hole
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
delidhac
-a: (magac, lab, keli) dhicidda meel jarab laga soo dhaco.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
delidhac
de: fall into a hole
lx: delidhac
pd: (delidhacay)
ps: v1=cmp
key: delidhac
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geelraac
-a: (magac, lab, keli) xannaanaynta iyo raacidda geela.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Meelgaar
(Meelgaar-ka)
(ku meelgaar) wax wax lagu gaaro ama lagu sugo; kusime.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meelgaar
meelgaar¹: m.l.kh M. ah: wax si aan rasmi ahayn loo hayo ama loo isticmaalo. la-mid: meelkuggaar.
meelgaar²: f.g1 (-ray, -rtay) 1. Ku m.: wax si aan joogto ahayn u hayn ama u isticmaalid. 2 Hanti, gaadid iyo wixi lamida meel ku tegid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
meelgaar
meelgaar¹: m.l.kh M. ah: wax si aan rasmi ahayn loo hayo ama loo isticmaalo. la-mid: meelkuggaar.
meelgaar²: f.g1 (-ray, -rtay) 1. Ku m.: wax si aan joogto ahayn u hayn ama u isticmaalid. 2 Hanti, gaadid iyo wixi lamida meel ku tegid. m.f.dh, meelgaarid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
meelgaar
m. n., [compound] provisional person, temporary thing
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
meelgaar
-ah: (adj) temporary (teem 'pa reeri); provisional (paro-vishinal); interim (in 'taram); acting (aak-ting) ~ see also [eeg] meel ku gaar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meelgaar
-ka: (magac, lab, keli) aan rasmi ahayne waxa rasmiga ah inta la gaadhayo ama la helayo lagu sii gaadho oo laga sii faa'iidaysto. Dh: kusime, meelkugaadh, kusugo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
meelgaar
de: provisional person, temporary thing
lx: meelgaar
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: meelgaar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Meelmaag
(Meelmaag-ga)
Qofka hadduu wax ku dhego, ama wax damco, aan laga fujin karin, aan la soo loodin karin; qof madax adag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meelmaag
m.l (-gyo, m.dh) Qof madax adag oo tiisa uun ku adkaysta.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
meelmaag
m. n., [compound] highly opinionated person, tough bargainer
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meelmaag
-ga: (magac, lab, keli) hal'adayg qof waxa uu damco aan laga furfuri karin oo wax kale loo loodin karin. Meelmaagga iska daa oo dadu waxay ku leeyihiin maqal. Dh: madax'adayg.
meelmaag -ga: (magac, lab, keli) tiigsashada bartilmaameed xaddidan oo la tiigsado sida loo gaadhayo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
meelmaag
de: highly opinionated person, tough bargainer
lx: meelmaag
pd: (-ga)
ps: n2a-m-cmp
key: meelmaag
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xeeladay
(fal) tab iyo qaroome adeegso. Xeelady oo wuxuu hayaba ka qaad. Dh: xarfaday tab farsamay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Barkadhac
(Barkadhac-a)
Muruqyada surka oo xanuuna waxbarkasho-xumo darteed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barkadhac
barkadhac¹: m.l Muruq dadka luqunta ka gala marka barkinta si xun u barkadaan. la-mid: barkindhac¹.
barkadhac²: f.mg1 (-cay, -cday; -dhici) Barkin si xun ugu seexasho. la-mid: barkindhac².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
barkadhac
barkadhac¹: m.l Muruq dadka luqunta ka gala marka barkinta si xun u barkadaan. la-mid: barkindhac.
barkadhac²: f.mg1 (-cay, -cday; -dhici) Barkin si xun ugu seexasho. m.f.dh, barkadhicid. la-mid: barkindhac.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
barkadhac
m. n., [compound] stiff neck
barkadhac: v., [compound] have a stiff neck (especially after sleeping without a pillow)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barkadhac
-a: (magac, lab, keli) juucjuuc muruqyada surka ku dhaca, lala soo tooso subaxii, ka yimaadda barkimada oo laga dhaco ama si xun loo barkado. Dh: barkimadhac.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulkadhaw
-ga: (magac, lab, keli) dusha ka garaacid. Dh: korkadhaw. Li: hooskadhaw.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
korkadhac
outsider
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
meelahaan
n. phr., loc. around here, in this area
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
meelahaan
(adv) hereabout (hiyar-a-bawt); someplace or some where in this area
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
meelahaan
de: around here, in this area
lx: meelahaan
ps: np-loc
key: meelahaan
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
meelahaas
[adverb] or [adverbial] [expression] about, approximately
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
meelahaas
(adv) nearly (niyarli); around (a-rawn-dhi) ~ meelaheer
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
meelahaas
de: about, approximately
lx: meelahaas
ps: adv
xe: Im going to stay about three weeks.
xv: Saddex toddobaad meelahaas baan joogayaa.
key: meelahaas
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meelaysad
-ka: (magac, lab, keli) wax si gaar ah meel u dhigasho. Meelaysadka intaada uun iska daa oo inta dadkana ku dar.
meelaysad -ka: (magac, lab, keli) meel lagu dego oo guur ama shaqo ah diyaarsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Meelaysan
Meel la dhigay; meel lagu ogaadey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meelaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la meeleeyey ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
meelaysan
der. [adjective] placed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meelaysan
(tilmaame) wax meel lagu og yahay ah. Gabadh iska meelaysan ayay rag ku duurduuraan. meelaysasho -da: (magac, dhedig, keli) eeg meelasayd.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
meelaysan
de: placed
lx: meelaysan
pd: (meelaysnaa)
ps: adj-der
key: meelaysan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meelgaadh
-ka: (magac, lab, keli) aan rasmi ahayn oo waxa rasmiga ah inta la gaadhayo ama la helayo lagu sii gaadho oo laga sii faa'iidaysto. Dh: kusime, meelkuggaar, kusugo, meelgaar.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Meercdhaf
Amalgam
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daalaadhac
(fal) culays ku saaran la ciirciir; la dheeldheelli hawl kaa taagroon.
daalaadhac -a: (magac, lab, keli) howl aad ku daashay oo aad la legdantay. Daaladhac buu kula jiraa howsha guriga. Dh: dalanbaabi, kacaakuf.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meecaadsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax cirib dambeed wanaagsan leh ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
meel kasta
: everywhere, every place
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
meel kasta
(adv) everywhere (evriweer); wherever (weerevar); every place ~ meel walba
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
meel_kasta
de: everywhere, every place
lx: meel kasta
pd: (meel kastaba)
ps: loc-expr
key: meel_kasta
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meelkugaar
-ka: (magac, lab, keli) wax la adeegsado inta meesha loo socdo la gaadhayo. Baaskiilku wa meelkugaadh inta aan gaadhi iibsanayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meelmarsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Arrin, talo iyo wixi lamida wax meel maray ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
meelmarsan
Comp. adj., (ie. n., adj.): having gone well; valid, appropriate, acceptable; passed (as a law)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meelmarsan
(tilmaame) wax la socodsiiyay oo la fuliyay ah. Go'aan meelmarsan natiijadiisaa la qiimeeyaa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
meelmarsan
de: having gone well; valid, appropriate, acceptable; passed (as a law)
lx: meelmarsan
pd: (meelmarsanaa)
ps: adj-cmp
key: meelmarsan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geelkadheera
-ha: (magac, lab, keli) geedmidhood la jaad ah gomoshka kase dheer oo ay midhihiisa dad iyo duunyaba cunaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beerfadhaqo
-da: (magac, dhedig, keli) orod dheer, qosol badan ama oohin badan dhibaatada ay keento ee ay ubucdo noqoto sidii wax biyo dhex socdaan ama turqan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leemaadhsan
(tilmaame) qof hurdo iyo caajis isugu darsamay; qof ku sugan maahsanaan iyo kala daadsanaan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
meel kugaar
ah: (adj) temporary (teem 'pareeri); provisional (paro-vishinal); interim (in 'taram); acting (aak-ting)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meelkugaadh
-ka: (magac, lab, keli) adeegsi aan rasmi ahayn oo ka rasmiga ah lagu gaadho; u isticmaalka shay loo isticmaalo in meel uun lagu gaadho haddeedna laga maarmo. Dh: kumeelgaar, meelkugaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Meelkuggaar
(Meelkuggaar-ka)
Kummeelgaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meelkuggaar
m.l.kh la-mid: meelgaar¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
meelkuggaar
m. n., [compound] temporary thing, provisional person
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
meelkuggaar
-ah: (adj) temporary (teem'pa-reeri); provisional (paro-vishinal); interim (in 'taram); acting (aak-ting)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
meelkuggaar
de: temporary thing, provisional person
lx: meelkuggaar
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: meelkuggaar
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
abaal ka dhac
-a: (n) ungratefulness (an gareeytfuul nes); lack of gratitude, lack of appreciation ~ abaaldarro