meelanooma
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meelanooma
m.l (-ooyin, m.l) (daawo) Buro aad u daran (kansar ah) oo ka sameysmata unugyada meelaniinka sameeya (unug meelaniineed). Sida badan kansarkaasu wuxuu ku dhacaa maqaarka, waxyaabaha keenana waxaa ka mid ah qorrax isu dhigga badan. Waxa kale oo u ku dhacaa cudurkaasu indhaha iyo xuubka gudaha ka marsan dalloollada, iyo wixi lamida.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
meelanooma
m.l (-ooyin, m.l) (daaw.) Buro aad u daran (kansar ah) oo ka sameysmata unugyada meelaniinka sameeya (unug meelaniineed). Sida badan kansarkaasu wuxuu ku dhacaa maqaarka, waxyaabaha keenana waxaa ka mid ah qorrax isu dhigga badan. Waxa kale oo u ku dhacaa cudurkaasu indhaha iyo xuubka gudaha ka marsan dalloollada, iyo wixi lamida.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meelanooma
-da: (magac, dhedig, keli) buro aad u daran (kansar ah) oo ka sameysmata unugyada meelaniinka sameeya. Sida badan kansarkaasu wuxuu ku dhacaa maqaarka, waxyaabaha keenana waxaa ka mid ah qorrax isu dhigga badan. Waxa kale oo u ku dhacaa cudurkaasu indhaha iyo xuubka gudaha ka marsan dalloollada iyo wixii la mid ah.
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
melanoma
(n) a tumor of the skin.
burada maqaarka siiba kansarka ku dhaca maqaarka
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MAKOOMA
(Makoma) S Hyphaene coriacea Gaertn. Palmae.
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
myeloma
(n) a tumor composed of cells of the type normally found in the bone marrow.
burada ka soo baxda dhuuxa
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meelayso
f.g3 (-stay, -satay) Wax meel dhigasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
meelayso
v.auto: put something in a place
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meelayso
(fal) hanti meel kuu gaar ah ood ku ogaato dhigo. Intaada horta meelayso inta dadka waad u soo noqone. Dh: xaslado, meeldhigo.
meelayso: (fal) meel yeelo oo guur ama shaqo diyaarso. Intaad yartahay meelayso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
meelayso
de: put s.t. in a place
lx: meelayso
nt: meelaysasho (/da) [vn-f]
pd: (meelaystay)
ps: v3b=auto
key: meelayso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meelnoqo
f.mg3 (-qday, -qotay) 1. Ka m.: cid ka hiillin. 2. L. m.: cid u hiillin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meehannow
meehannow¹: m.l Warwareegidda ay naflay ku sameeyaan meel aan baad iyo biyo lahayn. la-mid: meehannaabid.
meehannow²: f.mg1 (-naabay, -nawday) Nafley meel aan baad iyo biyo midna lahayn ku warwareegid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
meehannow
f.mg1 (-naabay, -nawday) Nafley meel aan baad iyo biyo midna lahayn ku warwareegid. m.f.dh, meehannaabid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
meehannow
v. be restless, move around restlessly
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meehannow
(fal) socsoco oo carcaraaf si macna la'aan ah. Dh: meermeer, bayhaaf, leeleel.
meehannow -ga: (magac, lab, keli) socsocod iyo leelleel aan macno lahayn. Meehannawga daa oo meel fadhiiso. Dh: carcaraaf, meeraysi, wareegaysi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
meehannow
de: be restless, move around restlessly (out of pain or excitement)
lx: meehannow
pd: (meehannaabay / meehannowday)
ps: v1=intr
key: meehannow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meelaniin
m.dh (baayoloji) Walax madoobeysa timaha, maqaarka iyo madawga indhaha. Waxayna ku jirta unugyo khaas ah ee unugyada maqaarka ka mid ah, qaybta ugu sarreysa maqaarka. Sameynta meelaniinka waxay badataa markii jirka qorraxi ku dhacdo oo waxay maqaarka ku sameysaa midabayn (tanning = abbronzatura) oo ah maqaarka dadka caddaanka ah oo casaan u sii roga, taas oo ka celisa fallaaraha qorraxda qaybaha hoose ee maqaarka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meelaniin
-ta: (magac, lab, keli) walax madoobeysa timaha, maqaarka iyo madawga indhaha. Waxayna ku jirta unugyo khaas ah ee unugyada maqaarka ka mid ah, qaybta ugu sarreysa maqaarka. Sameynta meelaniinka waxay badataa markii jirka qorraxi ku dhacdo oo waxay maqaarka ku sameysaa midabayn (tannig = abbronzatura) oo ah maqaarka dadka caddaanka ah oo casaan u sii roga, taas oo ka celisa fallaaraha qorraxda qaybaha hoose ee maqaarka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
metasoowa
m.l (-yo, m.dh) (baayoloji) Boqortooyo hoosaad xayawaanka ka tirsan oo jidhkoodu ka samaysan yahay unugyo farabbadan oo nudo u kooxooba, kuwaas oo uu xidhiidhiyo habdhiska dareenwadku. Waxa ka mid ah dhammaan lafdhabarleyda iyo lafdhabarla'da marka laga reebo borotosoowaha iyo boorifeera (Isboonjiyaasha).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
metasoowa
m.l (-yo, m.dh) (baay.) Boqortooyo hoosaad xayawaanka ka tirsan oo jidhkoodu ka samaysan yahay unugyo farabbadan oo nudo u kooxooba, kuwaas oo uu xidhiidhiyo habdhiska dareenwadku. Waxa ka mid ah dhammaan lafdhabarleyda iyo lafdhabarla'da marka laga reebo borotosoowaha iyo boorifeera (Isboonjiyaasha).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
metasoowa
-ha: (magac, lab, keli) boqortooyo hoosaad xayawaanka ka tirsan oo jidhkoodu ka samaysan yahay unugyo farabbadan oo nudo u kooxooba, kuwaas oo uu xidhiidhiyo habdhiska dareenwadku. Waxa ka mid ah dhammaan lafdhabarleyda iyo lafdhabarla'da marka laga reebo borotosoowaha iyo boorifeera.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miyelooma
m.l (daawo) Cudur daran (kansar) oo ku dhaca dhuuxa lafta. Astaamo: a) unugyada balasma oo aad ugu bata dhuuxa lafta; b) kansarka oo lafaha gala oo raajada lagu kashifo godad lafta ku yaal; c) gaamma Golobulin aan caadi ahayn oo dhiigga laga helo; sida badan IgG (Immunoglobulin).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
miyelooma
m.l (daaw.) Cudur daran (kansar) oo ku dhaca dhuuxa lafta. Astaamo: a) unugyada balasma oo aad ugu bata dhuuxa lafta; b) kansarka oo lafaha gala oo raajada lagu kashifo godad lafta ku yaal; c) gaamma Golobulin aan caadi ahayn oo dhiigga laga helo; sida badan IgG (Immunoglobulin).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miyelooma
-ha: (magac, lab, keli) cudur daran kansar oo ku dhaca dhuuxa lafta. Astaamo: a) unugyada balasma oo aad ugu bata dhuuxa lafta; b) kansarka oo lafaha gala oo raajada lagu kashifo godad lafta ku yaal; c) gamma Golobulin aan caadi ahayn oo dhiigga laga helo; sida badan IgG (Immunoglobulin).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Meelaysnaan
(Meelaysnaan-ta)
Wax meelaysan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meelaysnaan
m.f.dh eeg meelaysan. la-mid: meelaysnaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
meelaysnaan
f. n., [abstract] state of being placed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meelaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax meel lagu ogyahay ahaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
meelaysnaan
de: state of being placed
lx: meelaysnaan
pd: (-ta)
ps: n-f-abs
key: meelaysnaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meelnoqosho
m.f.dh eeg meelnoqo.