meegaar-dheer
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Meegaar-dheer
Goobays lagu af meero tooxda weyn ee laga jarayo jaandiga iyo wixii ah birnugayl fidsan oo dul siman.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
magac-dheer
-aa: (adj) famous (feeymas); widely known; eminent (emanant), prominent (pro manant); celebrated ~ caan
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
deegaan-dhowre
-ha: (n) environmentalist
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
magacdheer
f.mg4 (-raa, -rayd) Wax caan ah ahaansho (qof ama meel).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
magacdheer
f.mg4 (-raa, -rayd) Wax caan ah ahaansho (qof ama meel). m.f.dh, magacdheeraan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
magacdheer
Comp. adj., (ie. n., adj.): famous, well-known, celebrated
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
magacdheer
-aa: (n) famous (feeymas); widely known; eminent (emanant), prominent (pro manant); celebrated ~ caan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magacdheer
(tilmaame) caan ah oo magaciisa meelo fogfog laga yaqaan ah. Geesigu waa nin maacdheer.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
magacdheer
de: famous, well-known, celebrated Lit: high name
lx: magacdheer
pd: (magacdheeraa)
ps: adj-cmp
key: magacdheer
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meeraaxeer
-ka: (magac, lab, keli) waareegalaysi ay caruurtu ku ciyaarto iyagoo ku wareegaya meel wareegsan.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DACAR-DHEER
(Da-ar-der) N Aloe gracilicaulis Reynolds & Bally. Liliaceae.
N Aloe medshiana Reynolds & Bally. Liliaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meegaarasho
m.dh la-mid: maageerasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meegaarasho
-da: (magac, dhedig, keli) xayndaab ku wareejisasho; maageer samaysasho. Dh: wareejisasho, ijaarasho, dayrasho, maageerasho.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
NAGAAR-DEEB
(Nagardeb) C Corchorus stenophyllus (Schum.) Weimarck. Tiliaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mareegadheer
(Mareegadheer-ta)
Xiddigaha daalallida cuntub kamid ah oo u dhexeeya libcas iyo xoor.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mareegadheer
m.dh 1. Xiddig kuwa dayaxa ugu dhow ka mid ah oo soo baxa xilliga dayrta. 2. Qof haween ah oo dhalatay 14- naadka dayaxeed oo dadku aaminsanyihiin inay ayaandhalad tahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ayeeyalugdheer
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg abooto'idabadis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Baardheere
pr. n., loc. Baardheere [town in south west Somalia.]
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Baardheere
de: Baardheere [town in south west Somalia] in Gedo region
lx: Baardheere
ps: n0-loc
key: Baardheere
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
casardheer
m.l Casarka qaybtiisa hore. la-mid: casardheere.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
casardheer
m.l Casarka qaybtiisa hore. la-mid: casardheere.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
degaan-deg
m. n., [compound] slope
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dheerdheer
adj., pl. tall, high, long (ones)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dheerdheer
-ka: (magac, lab, keli) jaad ka mid ah kalluunka badda laga soo saaro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dheerdheer
a: dhaadheer
de: tall, high, long (ones)
lx: dheerdheer
pd: (Sg: dheer)
ps: adj-pl
key: dheerdheer
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheyrdheer
m.l Shabaq siriqyo badan leh oo sagaarada lagu dabo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galabdheer
m.dh Xilliga u dhexeeya saddexda galabnimo ilaa afarta.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
galabdheer
m.dh Xilliga u dhexeeya saddexda galabnimo ilaa afarta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Geeraarshe
(Geeraarsha-ha)
Kan geeraara ama geeraarka tirsha; geeraarshaa; geeraare.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geeraarshe
m.l Nin geeraar tiriya. la-mid: geeraarshaa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
geeraarshe
m. n. balladeer, one who recites a war song, singer of epic poetry
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
geeraarshe
de: balladeer, one who recites a war song, singer of epic poetry
lx: geeraarshe
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: geeraarshe
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meegaarsan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: maageeran.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
meegaarsan
der. [adjective] circular, rounded, in a circle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meegaarsan
(tilmaame) xayndaab lagu wareejiyay ah. Meel wada meegaarsan cidina ma gasho. Dh: maageersan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
meegaarsan
a: maageeran
de: circular, rounded, in a circle
lx: meegaarsan
pd: (meegaarsanaa)
ps: adj-der
key: meegaarsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meelgaarid
m.f.dh eeg meelgaar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meelgaarid
-da: (magac, dhedig, keli) wax aan rasmi ahayn ku meel gaadh ahaan uga faa'iidaysasho inta rasmiga la gaadhayo. Jiingadda meelgaarid ayaan u dhistay. Dh: meelgaadhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nagaardeeb
m.l Geednagaar qodax leh oo xooluhu daaqaan.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
NAGAARDEEY
(Nagardei) C Pleuropterantha revoilii Franch. Amaranthaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaardheere
m.l Dhicis xoolaad oo nool.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gaaridameer
-ka: (n) donkey-drawn cart or carriage (kaar-reeyj)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaaridameer
-ka: (magac, lab, keli) gaadiid labo lugood iyo sagxad leh oo dameer xagga hore ka jiido. Dh: gaariximaar.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
LAAMO-DHEER
(Lambo-der) May Maerua macrantha Gilg. Capparidaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
magacdheeri
m.dh la-mid: magacdheeraan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
magacdheeri
f. n., [abstract] fame, renown
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
magacdheeri
-da: (n) famousness (feeymasnes); celebrity (sa le barti); renown (ri nawn); fame (feeym)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magacdheeri
-da: (magac, dhedig, keli) eeg magacdheeraan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
magacdheeri
de: fame, renown
lx: magacdheeri
pd: (-da)
ps: n0-f-abs
key: magacdheeri
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Mareegdheer
labo xiddigood oo la moodo in ay saro u yara weyn yihiin oo daalallida cutub ka mid ah oo u dhexeeya Libcas iyo Xoor.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meegaarnaan
m.dh la-mid: maageernaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meegaarnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax maageersan oo sida qoobada u wareegsan ahaan. Dh: maageernaan, wareegsanaan.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
NAGAAR-DHIB
(Nagar-dib) N Pleuropterantha revoilii Franch. Amaranthaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weegaarasho
m.dh la-mid: maageerasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weegaarasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg waageerad.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DHEER-DHEERE
(Dar-dera) N Kalanchoe bentii Hook.F. Crassulaceae.
S, C Acacia humifusa Chiov. Mimosaceae.
S Acacia edgeworthii T. Anders. Mimosaceae.
S, C Grewia thempensis Fres. Tiliaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geelkadheera
-ha: (magac, lab, keli) geedmidhood la jaad ah gomoshka kase dheer oo ay midhihiisa dad iyo duunyaba cunaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meegaaritaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg meegaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cabaad-dheere
m.l Afkuxuuble.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeebis-dherer
m.l (-ryo, m.dh) (baayoloji) Nooc ka mid ah sida ay u habaysanyihiin qaybaha iyo organnada xayawaanku kaas oo jidhka loo qaybin karo laba badh oo ah hummaagyo muraayadeed oo mid waliba sallax goonniya saaranyahay. Xayawaan-nada jeebis dherer waxay leeyihiin hab dhaqdhaqaaq oo u goonniya, kaas oo had iyo jeer hal dhinac jidhka u hoggaamiya.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
masaafo dheer
(adj) long distance ~ meel fog
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meegaarnansho
m.l/dh la-mid: maageernaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meegaarsanaan
m.dh la-mid: maageernaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meegaarsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax meegaarsan oo deyr ku xidhan yahay ahaan. Dh: maageersanaan.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Miishaar-duleed
Miishaarta duleellada isu faruurta gulucdana jarta.