meager
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
meager
/miigar/ (adj) aad u yar (xoogaa).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
ménager
ménager, v. - Isku hagaajin; nidaamin.
ménager ses forces - isdaalid la'aan.
ménager la vie - ka taxadarid nafta.
ménager ses paroles - hadal yar oo macno weyn leh; hadal aan badnayn oo kooban.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
eager
/iiger/ (v) danayn, rabid, xiisayn.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
eager
a., dhaqso badan.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
merger
/marjar/ (n) isu-tag (isku-darsan).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
aménager
aménager, v. - Habayn; Qabanqaalin; Isu Ururid.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
ménagère
ménagère, n.f. - Hagaajin.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
messager
messager, n.m. - Biyantooni; Adeega; Qofka farriimaha qaada; xamaal; qaade.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
dégager
dégager, v. - Iska takoorid; gooni ama keli u soocid.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
emerger
emerger, V. - soo bixid (wax meel ku qarsoonaa).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maageer
(Maageer-ka)
(wax) qaab wareegsan leh; koobaab; xero; (ama waageer).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maageer
maageer¹: m.l (-rro, m.dh) Deyr wareegsan oo dhagax iyo wixi lamida ka samaysan. la-mid: meegaar¹, waageer¹, weegaar¹.
maageer²: f.g1 (-ray, -rtay) Dhagax iyo wixi lamida ku meel ood, meel ku wareejin. la-mid: meegaar², weegar², waageer².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maageer
maageer¹: m.l (-rro, m.dh) Deyr wareegsan oo dhagax iyo wixi lamida ka samaysan. la-mid: meegaar, waageer, weegaar.
maageer²: f.g1 (-ray, -rtay) Dhagax iyo wixi lamida ku meel ood, meel ku wareejin. m.f.dh, maageerid. la-mid: meegaar, weegar, waageer.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maageer
m. n. circle, enclosure
maageer v. enclose, encircle, fence in; trace a circle around something
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maageer
(fal) xaydaan dhinacyada kaga wareeji deyr ku soo wareeji. Oodda ku maageer xerada adhiga. Dh: meegaar, wareeji, jaar, ood.
maageer: (fal) xarriiq wareegsan jeex, dhis si wareegsan u samee. Qalinka qaado oo goobo maageer. Dh: meegaar.
maageer -ka: (magac, lab, keli) wareegjinta deyr ama xayndaab meel dhinacyada oo dhan lagaga wareejiyo. Xabaalaha xumbuli maageer adag oo dhagax madaw ah ayaa loo sameeyey Dh: deyr. meegaar, xaydaab, ijaar.
maageer -ka: (magac, lab, keli) wax la wareejiyo oo qaab wareegsan leh si da goobaabinta. Maageer u samee ceelka. Dh: goobaab.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
manager
/maanajar/ (n) maamule.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Manager
Maamule
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
manager
n., taliye, -yihi, xaakin, -ki.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Meander
Qallooc
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
mějuger
mějuger, v. - qof aad fikrad xun oo aan sax ahayn ka qaadato.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
menacer
menacer, V. - handadid; haddadid; u cagajuglayn, u hanjabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
eger
m.dh la-mid: igar.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
mage
mage, n.m. - Sixirow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meer
meer¹: m.l (-rar, m.l) 1. Xarig dheer oo lagu wareejiyo aqal Soomaaliga dadkiisa sare, si aysan dabayshyu u qaadin. 2. la-mid: meerid.
meer²: f.mg1 (-ray, -rtay) 1. Socod wareeg ah socosho. 2. Ku m.: xarig wax ku xirid. 3. Ku m.: maal, derejo iyo wixi lamida cid kale ku wareegid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
meer
meer¹: m.l (-rar, m.l) 1. Xarig dheer oo lagu wareejiyo aqal Soomaaliga dadkiisa sare, si aysan dabayshyu u qaadin.
meer²: f.mg1 (-ray, -rtay) 1. Socod wareeg ah socosho. 2. Ku m.: xarig wax ku xirid. 3. Ku m.: maal, derejo iyo wixi lamida cid kale ku wareegid. m.f.dh, meerid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
meer
m. n. enclosure; circular object that encloses something
meer v. circle, move around (in a circle); roam about, wander
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
MEER
Aristida kelleri 10
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meer
(fal) xaafad ka bax oo xaafad kale oo jaarka ah teg. Jaarka u meer oo milix ka keen, Dh: teg, wareeg.
meer: (fal) soco oo ha soo fadhiisan, wareeg uun ku jir. Orod magaalada dhex meer sidii ay malaggii galay. Dh: duur, munuus.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
eater
/iiter/ (n) cunaa. e.g. She is a big eater.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
gager
gager, v, - marka wax rahan loo dhigo.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
léger
léger, adj. - Dhumuc yar; Dhuuban; fudud.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magar
-ka: (magac, lab, keli) xadhig tidcan oo gaaban oo muurka jeenyaha hore lagaga xido si aanay u baxsan. Dameerka magarka ha ku adkayne ku seetee. Dh: dabar.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
maker
n., samays, -ki.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Meged
(Meged-da)
1. Harag la hoolay oo si gaar ah asal iyo waxyaalo kale loo geliyey; idiin.
2. Asalka wax lagu megdeeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meged
m.dh (-gdo, m.l) 1. Harag la hoolay oo asal iyo waxyaalo kale lagu jilciyey. 2. Asalka wax magdiyo. 3. Geed-gaab leh caleemo yaryar oo qodxo leh, oo jiliftiisa haragga lagu megdiiyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
meged
m.dh (-gdo, m.l) 1. Harag la hoolay oo asal iyo waxyaalo kale lagu jilciyey. 2. Asalka wax magdiyo. 3. Geed-gaab leh caleemo yaryar oo qodxo leh, oo jiliftiisa haragga lagu megdiiyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
meged
f. n. tanned leather ~ hide; tanning agent, tanner
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MEGED
(Meget) S, May Elaeodendron aquifolium (Fiori) Chiov. Celastraceae.
C Terminalia parvula Pampan. Combretaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Meged
magac lo'da loo bixiyo oo inta badan ka tarjuma midab madow. Dh: magaal, madaw. Li: caddaawe.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meged
-da: (magac, dhedig, keli) harag la hoolay oo si gaar ah asal iyo waxyaalo kale loo geliyey. Suunka meged ayaan ka jeexday. Dh: idiin.
meged -ka: (magac, lab, keli) asalka wax lagu megdiyo. Woobku waa megedka u wanaagsan ee hargaha lagu idiimeeyo. Dh: asal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
meged
bw: magad
cf: idiin
de: tanned leather ~ hide; tanning agent, tanner
lx: meged
pd: (-da Pl: megdo (/ha))
ps: n3-f
key: meged
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Meher
(Meher-ka)
1. Maal si sharci ah loo siiyo qofka dumarka ah oo la guursanayo.
2. Heshiiska iyo xiritaanka guurka; nikaax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meher
m.l (-rro, m.dh) 1. Heshiis diini ah oo isu xira nin iyo naag isguursanaya. 2. Maal naag la guursanayo lagula heshiiyo oo ay si sharci ahaan ah ninka ugu yeelato. la-mid: mahar.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
meher
m.l (-rro, m.dh) 1. Heshiis diini ah oo isu xira nin iyo naag isguursanaya. 2. Maal naag la guursanayo lagula heshiiyo oo ay si sharci ahaan ah ninka ugu yeelato. la-mid: mahar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
meher
m. n. marriage contract, bride price (paid by the groom)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
meher
-ka: (n) 1. bride price; a dowry given by the man to the woman he is about to marry. It is part of the Muslim marriage contract. It can never be demanded back under any circumstances. 2. marriage contract; wedlock (weed-look); warqadda meherka: marriage certificate
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meher
-ka: (magac, lab, keli) heshiis sharci ah oo shuruudo iyo xeerar diintu u jidaysay leh oo bilaw u ah dhismaha qoys Muslin ah. Is aragga odayada meherka ayaa ku xiga. Dh: mahar, guur, nikaax.
meher-ka: (magac, lab, keli) maal aan xad go'an lahayn oo ninku ku xalaalaysto la guri galka oorida uu guursanayo oo gabadha la guursanayaa xaq u leedahay in la siiyo sharciguna u jideeyey. Maharka gabadhu waa laba iyo toban halaad oo geel ah iyo kumbuleed dahab ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
meher
bw: Arabic
de: marriage contract, bride price (paid by the groom) (under traditional law, percentage of a man's estate made over to his wife)
lx: meher
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: meher
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
mêler
mêler, se, V. - isku darsamid.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
mener
mener, v. - hoggaamin; horkacid; ku dhalisa wax qabasho ama ficil.
mener à la victoire - Guul ku dhammaystirid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
merge
/merji/ (v) 1. ku dhex-qarsoomid (ku dhex-dhumid). 2. ku darsamid (isku-tagid).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
meter
/miitar/ (n) 1. halbeegga dhererka 2. qalab wax lugu qiyaaso/cabbiro.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Meter
Miitar
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
nager
nager, v. - Dabbaalasho; la dabbaasho.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
peage
peage, n.m. - lacagta canshuurta ah ee marka jidadka waawayn ee laamiga ah aam buuntooyinka la bixiyo.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
wager
/wayjar/ (v) 1. sharad-dhigasho (n) 2. sharad (lacagta ama waxa aad sharad u dhigato).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weger
weger¹: m.l Geed qorigiisu aad u bixi adagyahay.
weger²: e.d Erey la yiraahdo kolka la arko wax lala yaabo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
weger
e.d Erey la yiraahdo kolka la arko wax lala yaabo.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
WEGER
(Weger) N Olea europaea L. Oleaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weger
(ereydhawaaq) la yidhaahdo kolka la arko wax lala yaabo. Dh: jaw! naw! joo! kaw!
weger -ka: (magac, lab, keli) geed qorigiisu aad u biixi adag yahay. Dh: ajarse.
weger -ka: (magac, lab, keli) qori gaaban oo madax balan oo geedka ajarsaha laga qoro oo marka ay dumarku umulaan ay qaatan. Ummusha weger sii ilmaha madaxa ha u dhigtee.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
bearer
n., (porter) xamaal, -ki, nin wax qaada or sida.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
berger
berger, n.m, - Arijir; Qofka ariga raaca.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
dealer
/dhiiler/ (n) 1. ganacsade (n) 2. qofka turubka bixinaya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gerger
(Gerger-ka)
Kaalmo wadajir loo bixina hayo, qaybta qofkiiba ku soo abbaaranta; xoolaggooyo; kaalo; taageero; diiqo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gerger
m.l 1. Xoolo la siiyo qof tol ah oo baahan. 2. Wax sadaqo loo bixiyo; qurbaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gerger
m. n. collection to help a person in need
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gerger
-ka: (magac, lab, keli) kaalmo wadajir loo bixiyo inta qof ku soo aadda. Dh: kaalo, taageero.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gerger
de: collection to help a person in need
lx: gerger
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: gerger
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
header
madaxeeye
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
heater
/hiitar (n) kul-dhaliye (kululeeye).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
leader
/liidhar/ (n) hoggaamiye, hoggaanshe.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
leader
leader, n.m. - hoggaamiye; madax; horseede.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
leader
n., (of the prayer) imaam, -ki.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
ledger
/lejar/ (n) diiwaanka weyn ee xisaabaadka lugu guuriyo (dakhli iyo kharash iwm). e.g. Can you post these to the ledger?
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Ledger
Diiwaanka alaabta
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
manger
manger, v. - Cunid.
il y a à boire et à manger - wax isugu jira cabid iyo cunid.
manger ses mots - qof aan si fiican u hadli karin; aan is fasiri karin.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
marger
marger, v. - Meel ama dhinac u banayn.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
méfier
méfier, se. v. - ka shakiyid,
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
mégère
mégère, n.f. - Naag coon ah; Naag qumanyo ah, coon; habar dabeecad xun.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
member
/membar/ (n) xubin (ka tirsan koox, guddi iwm).
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Member
Xubin
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
member
n., adin, -ki, laxad, -ki.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
ménage
ménage, n.m. - maamul guri.
faire des ménages - hagaajin; xaaqidda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
merged
-ka: (magac, lab, keli) joogsi cunto ama hadal lagu joogsado oo hungurigu rogi waayo. Dadbaan mergedka aqoon oo hadalka isdaba dhiga. Dh: hakad.
merged-ka: (magac, lab, keli) arrin, hawl iyo wixii la mid ah hakad gaaban oo ku yimaad. Dh: rikad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mesder
(Mesder-ka)
(naxwe) Xididka ama magaca hawsha falku qabanayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mesder
m.l la-mid: masdar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mesder
m. n. verbal noun; verb root {grammar}
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mesder
-ka: (magac, lab, keli) ilaha cilmiga iyo aqoonta loogu noqdo. Dh: maraajic.
mesder -ka: (magac, lab, keli) xididka ama salka erayga marka mawduuca naxwaha la joogo. Dh: masdar, ereysaleed.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mesder
bw: Arabic
de: verbal noun; verb root {grammar}
lx: mesder
pd: (-ka)
ps: n2-m
see: masdar
key: mesder
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
métier
métier, n.m. - xirfad; shaqo; aqoon
homme de métier - Xirfadle; ninka hawl gacmeedka u xirfadda leh.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
mugger
/magar/ (n) qofka wax dhaca.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
neiger
neiger, v. - barafku marka uu dhacayo.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
onager
n., (wild ass) gumburi, -gi.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
reader
/riidhar/ (n) akhriste (akhriye).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
réagir
réagir, v. - falgalid
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
reamer
/riimar/ (n) 1. xanaf ka jaris (jaridda afka wax gooya ee biraha) 2. qalab bambeelmada, liinta iwm lugu miiro.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
reaper
/riipar/ (n) miro gooye (qofka ama mashiinka miraha gura).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
teaser
/tiisar/ (n) 1. xujo (wax dhib badan) (n) 2. foorjo-badan (qof dacaayad badan).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
usager
usager, n. - caado u leh in mar walba wax mid ah uu sameeyo
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
venger
venger, v. - aar goosad.