maydhaq
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maydhaq
-a: (magac, lab, keli) cad ku yaalla dheega geela oo feedhaha iyo kuriska dhexdooda laga jeexo. Maydhaquu ugu jecel yahay odeygu cadka. Dh: sarar, mayraq.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maydhad
-ka: (magac, lab, keli) jidh dhar ama wax kale dhaqasho; biyo ku nadiifsasho. Maydhadka dharkaaga cidna kuuma diidayso. Dh: maydhasho. Li: uskagayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maydhan
(tilmaame) wax nadiif ah oo la maydhay ah. Dh: dhaqan, qasaalan. Li: uskagaysan.
maydhan: ama Mayran magac loo bixiyo gabadh wax turxaan ah lagu arag ama la rajaynayo ianay noqoto gabadh dul iyo dabeecadba fiican oo nadaafad badan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maydhax
maydhax¹: m.dh (-xo, m.dh) la-mid: mayrax.
maydhax²: m.dh (-xo, m.dh) (botani) Nudo cunto gudbiya oo ay leeyihiin dhirta keliya. Cuntada waxay ka soo qaadaan halka lagu sameeyo, waxaanay geeyaan meelaha looga baahanyahay, sida meelaha korritaanka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maydhax
m.dh (-xo, m.dh) (botani) Nudo cunto gudbiya oo ay leeyihiin dhirta keliya. Cuntada waxay ka soo qaadaan halka lagu sameeyo, waxaanay geeyaan meelaha looga baahanyahay, sida meelaha korritaanka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maydhax
-da: (magac, dhedig, keli) jillaw jilicsan oo u dhaxaysa diirka iyo lafta laamaha geedaha oo inta la calaliyo ama la tumo xadhko iyo dufka kebdaha laga sameeyo. Hablihii maydhax bay soo diiranayaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maydhaan
(Maydhaan-ka)
Wax muquuno ah ama aan la rabin, oo wax wanaagsan oo aan la quuri karin, lagu furto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maydhaan
maydhaan¹: m.l 1. Xoolo la xaday oo xoolo kale lagu lagu badasho si loogu raadgado. 2. Muquuno wax ka qiimo badan lagu beddesho. 3. la-mid: maydhaamid.
maydhaan²: f.g1 (-amay, -aantay; -aami) 1. Wax muquuno ah, wax wanaagsan ku beddelid. 2. Xoolo la xaday, xoolo kale ku beddelid, si loogu raadgado.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maydhaan
m. n. gift with a hook, barter item
maydhaan v. give something (one doesn't need) for something better, barter off
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maydhaan
-ka: (magac, lab, keli) wax la halleeyo ama la dilo oo wixii wax la mid ah uun lagu soo beddelo hal hadii la halleeyey hal uun lagu soo beddelo haddii wax kale lagu beddelo mag bay noqon. Tolkayoow mag ma doonayee maydhaan ha la i siiyo. Dh: beddel, celin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Maydhane
ama Mayrane: magac loo bixiyo wiil qurux badan oo aan ceebaal lahayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madaq
(fal) ababaro oo ku mam. Naaska hooyadaa ku madaq. Dh: ababaro.
madaq-a: (magac, lab, keli) neef ama ilma yar oo hooyadii dhimatay isaga oon ababaran. Neef madaq ahi wuu hagaasaa. Dh: madqo.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maydh
-ay: (v) wash (woosh) dhaq, mayr
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maydh
(fal) biyo ku dhaq oo uskagga ka nadiifi. Dharkaaga maydh. Dh: dhaq, mayr. Li: uskagee.
maydh-ka: (magac, lab, keli) xaal uu bixiyo qofka ku xadgudba gabadh ama ruux xil ku leh. Dh: xaal, mayr, xumayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afdhaq
(fal) «u ~» afka cid kale u maydh; cid kale u luqluq. Ilmaha intaanad cuntada siin u afdhaq.
afdhaq -a: (magac, lab, keli) afka oo biyo lagu maydho; afka luqluqid. Dh: luqluqad, afmaydh.
afdhaq -a: (magac, lab, keli) biyaha faraxalka ah ee gacmaha iyo afka lagu maydho cuntada ka dib ama ka hor. Afdhaq innoo diyaari, cuntadii waa la keenaye. Dh: faraxal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhaq
(ereycodeed) lagu tusmeeyo wax jilicsan oo meel cidhiidhi ah mar ka soo dhacay.
badhaq-a: (magac, lab, keli) karti iyo adkaysi; samir iyo sugasho. Adkayso oo badhaq yeelo. Dh: baraq.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fadhaq
-a: (magac, lab, keli) dharka qaarkood, dunaha tidcan ee cidhfaha ka laadlaada sida daaha gundhataha, shalmadaha iyo wixii la mid ah. Dh: tarash.
fadhaq -a: (magac, lab, keli) wax kala daatay. Hadalku waa fadhaq iyo firi. Dh: qubane.
fadhaq -da: (magac, dhedig, keli) eeg faddanac.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madhab
-ka: (magac, lab, keli) nooc noocyada qaadka ka mid ah oo ka qurux badan jaadadka kele. Jaad madhab ah ayuu Jaamac cunaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madhad
-ka: (magac, lab, keli) dhammaansho aanay waxba hadhin. Dh: madhasho, dhammaad.
madhad -ka: (magac, lab, keli) wax badan in ad doonayso ka soocasho; wax badan in ka madhasho Alaabta jumlad ayaan u iibinayaaye madhadka iga daaya. Dh: madhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madhan
m.dh (fiisikis) Dululaati uu ka jiro cadaadis hoose oo neef ah micnaheeduna tahay xaddiga atamyada ama molikiyuulada ayaa aad u hooseeya.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
madhan
m.dh (fiisikis) Dululaati uu ka jiro cadaadis hoose oo neef ah micnaheeduna tahay xaddiga atamyada ama molikiyuulada ayaa aad u hooseeya.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Madhan
Vacuum
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
madhan
der. [adjective] empty, emptied
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Madhan
vide.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
madhan
-madhnaa: (adj) empty (em-ti); vacant (veey-kant); blank (balaank)-, void (vooydh) ~ maran
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madhan
(tilmaame) aan waxba ku jirin oo eber ah. Ha is wareerine weelka madhan hoo. Dh: faaruq.
madhan: (tilmaame) kala soocan oo la kala nadiifiyay ah. Gorowgu wuu madhan yahaye dheriga ku rid.
madhan -ta: (magac, dhedig, keli) dululaati uu ka jiro cadaadis hoose oo neef ah micnaheeduna tahay xaddiga atamyada ama molikiyuulada ayaa aad u hooseeya.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
madhan
de: empty, emptied
lx: madhan
pd: (madhnaa)
ps: adj-der
see: maran {N}
key: madhan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madhax
(tilmaame) khaayisy oo xumaaday ah; qudhun ah. Harag madhax ah urtii looma adkaysto. Dh: qudhun.
madhax: (fal) qudhun oo wax sida raq mannaanakhday ah noqo. Raqyahay madhax.
madhax-a: (maga, lab, keli) kayd meel la dhigto, wax xilligii la isticmaali lahaa dib looga dhigo waxana inta badan lagu magacaabaa raqda ay dugaaggu dhigtaan si ay mar dambe u cunaan. Dh: kayd.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mandaq
(Mandaq-a)
Baaris iyo aragti falsafadeed, malaha iyo fekerka aasaas u ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mandaq
m.l (fals.) Baaris iyo aragti falsafadeed, malaha iyo fekerka aasaas u ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mandaq
m.l (fals.) Baaris iyo aragti falsafadeed, malaha iyo fekerka aasaas u ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mandaq
m. n. logic; philosophy
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mandaq
-a: (n) rationale (raashi-naal); logic (loojik)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mandaq
-a: (magac, lab, keli) cilmi maskaxda ka ilaaliya inay si qaldan u fikirto oo lagu barto sida wax loo qanciyo iyo falsafadaynta aragtida saxda ah. Saylac waxa lagu baran jiray mandaga iyo balaaqada. Dh: mandiq.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mandaq
bw: Arabic
de: logic; philosophy
lx: mandaq
pd: (-a)
ps: n0-m
key: mandaq
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mardaq
-a: (magac, lab, keli) nooc ka mid ah noocyada warmaha. Dh: waran.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mashaq
(ereycodeed) erey tusa jabaq afka laga sameeyo oon hadal ahayn sida ta dhunkashada iyo nuugidda. Xalay oo dhan ayuu naaska mashaqda ku hayay.
Magacyada Nafleyda Soomaaliyeed (Laatiin-Talyaani-Ingiriis-Soomaali) - Funayooli, Simoneeta [1985]
Maydal
(I) Cavallo grigio;
(E) Grey Horse
(S) MAYDAL (S. c. m.: Maidàl)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Maydal
magac loo bixiyo wiil madaw.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maydal
-ka: (magac, lab, keli) midab madaw dhalaala ah. Dh: meydal, magaal.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maydho
v. wash, bathe
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MAYDHO
(Maido) C Phoenix reclinata Jacq. Palmae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maydho
(fal) dhar jidh aqal iyo wixii la mid ah dhaqo oo uskagga iyo foolxumada ka nadiifi. Jidhka maydho. Dh: dhaqo, qubayso, qasaalo.
maydho -da: (magac, dhedig, keli) geed leh caleemo dhaadheer oo la jaad ah timirta iyo baarka. Dh: caw, mayro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maydho
a: mayro {N}
de: wash, bathe
lx: maydho
pd: (maydhay)
ps: v3b=
key: maydho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mayraq
(Mayraq-a)
(geel) Saddexda feerood oo sararta u hooseeya iyo hilibkooda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mayraq
m.l (-qyo, m.dh) Saddexda feerood ee sararta u hoosaysa iyo hilibkooda oo iswata (geel).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mayraq
m. n. cut of camel meat from the ribs
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mayraq
-a: (magac, lab, keli) cad ku yaal dheega geela oo feedhaha iyo kuriska dhexdooda laga jeexo. Dh: sarar, maydhaq
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mayraq
de: cut of camel meat from the ribs
lx: mayraq
pd: (-a)
ps: n2a-m
key: mayraq
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tadhaq
-a: (magac, lab, keli) gorof aan cullayn marka caanaha lagu maalo ee ay xoori waayaan. Dh: galax.
tadhaq -a: (magac, lab, keli) qofka maangaabka ah. Tadhaq ayaa arrinta haya. Dh: daldhac, nacas, doqon.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadhaq
-a: (magac, lab, keli) karingaab u dhaxaysa laba buurood ama laba taag oo la mari karo. Wadhaqa buurta ayaan soo mariyey awr. Dh: waraq.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baydhad
-ka: (magac, lab, keli) dhankaad u socotay maahee dhinac kale kacid. Dh: leexad, leexad, baydhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caydhaw
(fal) mid aan hanti lahayn noqo. Dh: cayraw.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caydhay
(fal) caydh ka dhig; sabool aan waxba haysan ka dhig. Waraabaa xoolihiii naga dhameeyay oo na caydheeyay. Dh: saboolee, caydhee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaydhan
(fal) xaamxaamo oo cartan dagaal muuji.
gaydhan -ka: (magac, lab, keli) xaamxaamashada iyo cartanka uu werwerku weheliyo. Gidhligaanka iyo reyfalkaa gaydhan dirireed leh. Dh: geydhan.
gaydhan -ka: (magac, lab, keli) kulayl nafta gala marka wax lakala boobaayo. Dh: gadhasho, gasangas, xamaasad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Magdhaw
(Magdhaw-ga)
Qaandhaw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
magdhaw
magdhaw¹: m.l Qiimaha looga qaato qof khasaaraha uu geystay.
magdhaw²: f.mg1 (-dhabay, -dhawday) U m.: qof khasaare uu geystay qiimaheeda bixin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
magdhaw
magdhaw¹: m.l Qiimaha looga qaato qof khasaaraha uu geystay.
magdhaw²: f.mg1 (-dhabay, -dhawday) U m.: qof khasaare uu geystay qiimaheeda bixin. m.f.dh, magdhabid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
magdhaw
m. n., [compound] compensation, payment of blood money
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
magdhaw
-ga: (n) compensation (kom-pan-seey shin); blood money (blaadh mani); restitution (resta-tuu-shin); reparation (ra-pareey shin); indemnity (indhamanti) ~ mag, diyo.
u magdhaw -bay / day: (v) pay compensation, blood money or restitution
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Magdhaw
Compensazione
Compensation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magdhaw
(fal) beddelka wax aad hallaysay ama aad baylihisay oo xoola ah iska bixi. Xoolihii kugu hallaaba iska magdhaw. Dh: kafal, magdhow.
magdhaw -ga: (magac, lab, keli) hanti laga bixiyo bedelka wax la halleeyey ama la baylihiyay ee halakooba oo la siiyo cidda hantida lahayd. Nikii baabuurkaa laga xaday aqalbaa magdhaw loo siiyay. Dh: kafalo, magdhow.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
magdhaw
de: compensation, payment of blood money
lx: magdhaw
pd: (-ga)
ps: n2a-m-cmp
key: magdhaw
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
magdhaw
تعويض
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Mandhaw
Birjare, birxalluufe, birgooye. Sida maaraanku looxa u xalleefiyo ayaa mandhawguna birta u xalleefiyaa ama u jaraa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mardhac
-a: (magac, lab, keli) midab midabyada ka mid ah oo ah liin liin yar yar oo midab weyn ku dhex yaal. Dh: hariic. Wa: mardhacyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mardhal
-ka: (magac, lab, keli) eeg marcurad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maydhid
-da: (magac, dhedig, keli) nadiifin oo uskagga iyo foolxumada ka dhaqid. Dh: dhaqid, maydhis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maydhis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg maydhid. maydhitaan -ka: (magac, lab, keli) dhiqitaan oo nadiif ka dhigitaan. Dh: maydhniin, dhaqitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaydhab
-ka: (magac, lab, keli) orgi qaan ah oo aan aad u weyneyn; wan sumal ah. Qaydhab yar ayuu martida u qalay. Dh: qayrab, orgac.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saydhan
(tilmaame) mid intii uu la socda ka halaabay ama laga finxiyay.
saydhan: (tilmaame) la saydhshey.
saydhan: (tilmaame) 'mici' lagu saydhshey.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaydhay
(fal) xaydh mari. Dh: xaydhee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maldhaqin
-ta: (magac, dhedig, keli) socod aanad lahayn isu yeelid. Ilma Ciise aqal moolo weyn hays maldhaqiyeene.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maydhaami
f.g2 (-iyay, -isay) Xoolo la xaday, xoolo kale ku beddelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maydhaamo
f.g3 (-aantay, -aamatay) Xoolo la xaday, xoolo kale ku beddelasho si loogu raadgado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maydhasho
-da: (magac, dhedig, keli) dhar, jidh ama meel dhaqasho oo fadiifsasho.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Maydhayya
laver.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maydhnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax uskag nadiif ka ah ahaan; wasakh daahir ka ahaan. Dh: mayrnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Baydhaba
[city in south central west Somalia.]
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Baydhabo
pr. n., loc. Baidobow,
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Baydhabo
(n) Baidobo; capital city of Somali southern region of Bay
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Baydhabo
cf: caasimad
de: Baidobow, Baydhaba [city in south central west Somalia] Capital of Jubbada Sare region;
lx: Baydhabo
pd: (Baydhaba)
ps: n0-loc
key: Baydhabo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baydhsan
(tilmaame) wax meeshii uu u socday ka leexsan. Dh: weecsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
candhaaq
candhaaq¹: m.l la-mid: candhaaqid.
candhaaq²: f.mg1 (-qay, -qday) Si kala daadsanaan iyo qaabdarro ah u fadhiyid (qof).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
candhaaq
m. n. sitting on the ground in an unseemly manner; lazily sitting
candhaaq v. sit lazily, be idle, do nothing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
candhaaq
-a: (magac, lab, keli) fadhi kala daadsan oo foolxun fadhi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caydhayn
-ta: (magac, dhedig, keli) hanti tirid iyo mooraduugid; caydh ka dhigid; sabool ka dhigid. Dh: cayrayn, caydhays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caydhays
-ka: (magac, lab, keli) eeg caydhayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caydhsad
-ka: (magac, lab, keli) wax kaa cararaya cabsi aawadeed, ka daba'ordid. Dh: baacsad, cayrsad, caydhsi, cayrsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dayrdhal
m.l D. ah: neef geel ah oo xilli dayr ah dhalay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dayrdhal
-ka: (magac, lab, keli) xoolaha neefka dayrta jiilaalka ka horraysa dhala. Li: diraacdhal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaqdhaq
(Dhaqdhaq-a)
Wax yar oo dufan ah ama caano ama biyo ama wax la mid ah oo wax lagu agloolo ama lagu xalo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaqdhaq
dhaqdhaq¹: m.l 1. Wax yar oo dufan ah ama caano ama biyo ama wax la mid ah oo wax lagu agloolo ama lagu xalo. 2. Caano ama biyo yar oo weel salkiisa ku haray. 3. la-mid: dhaqdhaqid.
dhaqdhaq²: f.g1 (-qay, -qday) Dhawr jeer biyo ku xalid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaqdhaq
v. rinse ~ wash out
dhaqdhaq m. n. any liquid used to surface a newly-made container
dhaqdhaq [feminine] n. yelling out for no reason, shouting nonsense
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaqdhaq
(fal) biyo yar weel gunta kaga shub oo adoon aad u maydhayn wada gaadhsii oo ka daadi. Kildhiga dhaqdhaq oo shaah innoo saar. Dh: xallee.
dhaqdhaq-a: (magac, lab, keli) biyo yar oo weel lagu xalleeyo oo aan uskag badan lahayn. Dh: xal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhardhaq
m.l Xoolaha la qasho ama cuntada la cuno marka mayd la aasayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaydhay
m.l Geed gaab aan qodax lahayn oo leh laamo toostoosan oo dhuudhuuban oo leebabka laga dhigto.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaydhay
(fal) nabar buka, sifayn oo daaweyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faradhaq
faradhaq¹: m.l la-mid: faraxal¹.
faradhaq²: f.mg1 (-qay, -qday) la-mid: faraxal².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faradhaq
m. n., (mass n.): water for hand-washing