maxaysato
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maxaysato
m.dh.u la-mid: mahaysato.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maxaysato
m.dh.u la-mid: mahaysato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mahaysato
(Mahaysata-da)
(dad) Aan wax haysan; sabool; cayr.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mahaysato
m.dh.u Dad aan hanti ku filan haysan; sabool. la-mid: maxaysato.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mahaysato
m.dh.u Dad aan hanti ku filan haysan; sabool. la-mid: maxaysato.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mahaysato
f. n., [collective] poor ~ needy people, the poor
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mahaysato
-da: (magac, dhedig, keli) dad caydh ah oo aan waxba haysan. Sekeda waxa la siiyaa mahaysato faramadhan. Dh: sabool, masaakiin, danyar. Li: lacagley.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mahaysato
de: poor ~ needy people, the poor
lx: mahaysato
pd: (/da)
ps: n6-f-col
see: hayso
key: mahaysato
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaxaysasho
(Kaxaysasha-da)
Wax nool oo socona haya wadasho, la tegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaxaysasho
m.f.dh eeg kaxayso. la-mid: ka-xaysad, kaxaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaxaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax nool ama gaadiid socda la tegid. Dh: kaxayasad, kaxaysi, wadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
macaysasho
m.dh la-mid: macaanaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg macaanaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
malaysasho
m.f.dh eeg malayso. la-mid: malaysad, malaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg malaysad.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qawlaysato
-qawlaysatada: (n) [plural of gang], bandit (baan-dhety gangster (gaagister)-, outlaw (aawt-loo) ~ burcad, qowlaysato
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qawlaysato
-da: (magacwadareed) koox wax dhacda. Qawlaysato ayaa jidka noo fadhiisatay Dh: budhcad, jidgooyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaabaysato
-ta: (magacwadareed) dadka xaabo guriddu shaqo u tahay. Xaabaysato waa danley. Dh: xaabalay, qoryooley, xaabooley.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaxayso
f.g3 (-stay, -satay) Wax soconaya oo meel joogey wadasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kaxayso
f.g3 (-stay, -satay) Wax soconaya oo meel joogey wadasho. m.f.dh, kaxaysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kaxayso
v. lead, take along; drive a herd for oneself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaxayso
(fal) wax nool ama gaadiid wado. kaxee: (fal) hore u wad oo dabada kaga dhac.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kaxayso
bw: kaxeyso
de: lead, take along; drive a herd for oneself
lx: kaxayso
nt: kaxaysad (ka) [vn-m], kaxaysasho (/da) [vn-f], kaxaysi (ga) [vn-m]
pd: (kaxaystay)
ps: v3b=
key: kaxayso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
macayso
f.g3 (-stay, -satay) la-mid: macaaneyso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
macayso
v. sweeten something for oneself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macayso
(fal) wax macaan ka dhigo. Bunka macayso. Dh: macaanayso, sonkorayso
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
macayso
a: macaanayso
de: sweeten s.t. for oneself
lx: macayso
pd: (macaystay)
ps: v3b=tr
key: macayso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
makasto
m.dh.u la-mid: makas.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
makasto
f. n., [collective] ignorant people, stupid persons
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
makasto
-makastada: (n) illiterate people; know-nothings; ignorant people; ignoramuses (ig noreey-masis)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
makasto
-da: (magac, dhedig, keli) qof weyn oo dumar ah oo maan gaaban. Makasto ku ledegtey kaama kacdo. Dh: makas, magarato.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
makasto
de: ignorant people, stupid persons
lx: makasto
pd: (/da)
ps: n-f-col
key: makasto
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
malayso
f.g3 (-stay, -satay) Wax filasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
malayso
f.g3 (-stay, -satay) Wax filasho. m.f.dh, malaysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
malayso
v. expect to get ~ receive something
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
malayso
-malaystay/malaysatay: (v) anticipate (aan tisi peeyt); expect (ikis pakt); look forward ~ filo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malayso
(fal) tasho oo noloshaada si u maarayso. Haddaad talada aabbahaa diidday adu malayso. Dh: arrinso.
malayso: (fal) wax soo socda filo oo si maanka ugu hay. Kol walaba wanaag malayso. Dh: filo, niyoo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
malayso
de: expect to get ~ receive s.t.
lx: malayso
pd: (malaystay)
ps: v3b=tr
key: malayso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maxasho
-da: (magac, dhedig, keli) kala bixidda biyuhu u kala baxaan dhooqo iyo biyo saafi ah; kala miirmid. Maxashada harta ayaan sugayaa si aan qarbidda uga dhaansado. Dh: xareedoobid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maxayan
question word, vl. pron., neg. why they ... not?
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maxayan
de: why they ... not? = maxay + aan
lx: maxayan
ps: qw + vpro + neg
key: maxayan
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Maxayya
traverser.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaxarato
m.dh Cunto la bisleeyey inta weelka salkiisa ku dhegta; guggub.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gaxarato
m.dh Cunto la bisleeyey inta weelka salkiisa ku dhegta; guggub.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaxaysad
(Kaxaysad-ka)
Kaxaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaxaysad
m.l la-mid: kaxaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaxaysad
-ka: (magac, lab, keli) wax nool ama gaadiid socda la tegid. Dh: kaxaysasho, kaxaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
macaysad
m.l la-mid: macaaneysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macaysad
-ka: (magac, lab, keli) eeg macaaneysad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madaysan
(tilmaame) xad iyo astaan lagu garto leh; daari la yaqaan leh. Beer madaysan laguma durki karo. Dh: daariyaysan, xadaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
malaysad
m.l la-mid: malaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malaysad
-ka: (magac, lab, keli) wax soo socda si u filasho oo sawir mala'awaal ah ka sugid. Dh: filasho. Li: quusad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masaysan
(tilmaame) isku mid ah; siman oo waxba is dheerayn ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maxajabo
m.dh la-mid: maxajabad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raamsato
-da: (magacwadareed) nafleyda inta waxa ay cunayso calalisa ama habeenkii calyaceshata. Geelu wuxuu ka mid yahay raamsatada.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawarsato
-da: (magacwadareed) qoon xirfaddoodu tahay in ay dadka wax weydiistaan oo tuugsadaan. Dh: tuugsato, qarafaysato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ganacsato
m.dh.u Dad meheraddooda tahay ganacsi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ganacsato
m.dh.u Dad meheraddooda tahay ganacsi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ganacsato
f. n., [collective] trader, merchant, businessman
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ganacsato
-ganacsatada: (n) people engaged in business: merchants (mar-jantis); traders (treey dheris); business person
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ganacsato
-da: (magac, dhedig, keli) dad shaqadoodu tahay rogrogashada alaabta. Dh: baayacmushtar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ganacsato
de: trader, merchant, businessman
lx: ganacsato
pd: (/da)
ps: n6-f, n0-f-col
key: ganacsato
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaxadhato
-da: (magac, dhedig, keli) cuntada la karsado inta digsiga salkiisa u xigta ee ku dhegta. Dh: gubad, fujis, dabxigeen. Li: daboolxigeen, baar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sacabsato
m.dh (-ooyin, m.l) Gabar yar oo dibadda ariga ku maasha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saxansaxo
(Saxansaxa-da)
Neecaw qabow oo udgoon oo roobka soo goota ka soo horraysa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saxansaxo
m.dh Neecaw qabow, udgoon oo roob soo hooray ka soo hormarta.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saxansaxo
m.dh Neecaw qabow, udgoon oo roob soo hooray ka soo hormarta.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saxansaxo
m. n. cool breeze just priot to a rain-storm; rainy smell
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Saxansaxo
nickname; name-unisex cool breeze just prior to a rain-storm. Lit: simple person by nickname or he who his parents/relatives were overjoyed by his birth
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
saxansaxo
-saxansaxada: (n) fresh breeze of showing a sign of coming rain; gentle wind that blows before the rain
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saxansaxo
-da: (magac, dhedig, keli) neecaw qabow oo udgoon oo roobka kasoo horraysa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saxansaxo
de: cool breeze just priot to a rain-storm; rainy smell
initial: s
lx: saxansaxo
pd: (/da)
ps: n6-m
key: saxansaxo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xigaysato
-da: (magac, dhedig, keli) dad xigga ka shaqaysta. Dh: xijiyeysato Wa: xigaysatooyin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
malaxaysasho
m.f.dh eeg malaxayso. la-mid: malaxaysad, malaxaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malaxaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg malaxaysad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maaraysasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg maamulasho.
maaraysasho -da: (magac, dhedig, keli) daxal yeelasho; wax midhidhay noqosho. Dh: ruujimaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macnaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg macnaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masayrsanow
f.mg3 (-naaday, -naatay) Cid wax masayr hayo noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masayrsanow
(fal) hinaase ku jir. Haddaad i rumaysanayn weligaaba masayrsanow: Dh: hinaasanow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Raaxaysasho
(Raaxaysasha-da)
Raaxo ku dhex noolaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raaxaysasho
m.f.dh eeg raaxayso. la-mid: raaxaysad, raaxaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raaxaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) raaxaysi jrid; raaxo ku dhex noolaansho. Huteellada waa loo galaa raaxaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ubaxaysasho
m.f.dh eeg ubaxayso. la-mid: ubaxaysad, ubaxaysi, ubxaysad, ubxaysasho, ubxaysi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ubaxaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) geed, ubax yeelasho; ubax soo bixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waaxaysasho
m.f.dh eeg waaxayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waaxaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg waaxaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aanaysasho
m.f.dh eeg aanayso. la-mid: aanaysad, aanaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aanaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg aanaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bahaysasho
m.f.dh eeg bahayso. la-mid: bahaysad, bahaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bahaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) (is ~) isgaashaanbuuraysasho dhex marta urur, koox, dawlado iyo wixii la mid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Danaysasho
(Danaysasha-da)
(qof) danihiisa qabsasho; dan moodid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
danaysasho
m.f.dh eeg danayso. la-mid: danaysad, danaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) waxaad dantaada gaarka ah u arkaysid ku foognaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhacarsato
m.dh.u la-mid: dhacarato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Eexaysasho
(Eexaysasha-da)
Eex iyo dan moodid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
eexaysasho
m.f.dh eeg eexayso. la-mid: eexaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eexaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax ama si, dan ama talo moodid. Eexaysasho ayaan ka dayay oo talaan mooday reerka raristiisa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Facaysasho
(Facaysasha-da)
Inuu la fac yahay ku doodid; filaysasho; islasimid; la tartamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
facaysasho
m.f.dh eeg facayso. la-mid: facaysad, facaysi, filaysad, filaysasho, filaysi..
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
facaysasho
vl. n. assumption that someone belongs to the same age-group ~ social category