maxaa_dhacay
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maxaa_dhacay
de: what happened?
lx: maxaa dhacay
ps: qw-expr
key: maxaa_dhacay
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maxaa dhacay
question word, [expression] what happened?
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhac
-a: (n) robbery (robari); piracy (paayrasi) looting (luuting) ~ boob
dhac: -dhacay I dhacday: (v) 1. fall (fool), drop or come down freely to the ground. Ex: dhulkuu ku dhacay; he fell to the ground. 2. expire (ekis-paayar) ~ waqtigiisii dhammaaday. Ex: Baasaboor dhacay; expired passport. 3. fail (feel)-, Ex: Imtixaankii way ku dhacday; she failed the examintion. 4. happen (ha-pin); take place or occur by chance. Ex: maxaa dhacay? what happened? 5. rob (rob); engage in or commit robbery. Ex: tuug baa dhacay; the thief robbed her. 6. decline (dikalaayn); in financial value. Ex: Sanadkii dhawaa, qiimaha doolarku aad buu u dhacay; last year, dollar prices fell sharply. 7. ku dhac -ay / day: (v) collide (kolaaydh); come into collision or direct impact with; bump against; smash into. Ex: laba baabuur baa isku dhacday; two cars had collided
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maxaa
(pronoun) what (waat), Ex: maxaa tiri? what did you say?. Ex: maxaa dhacay? what happened?
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bakhiilid
-da: (magac, dhedig, keli) la waakasho oo cid wax u diidid. Siman baykhiilid laguma aqoone maxaa dhacay. Dh: bakhaylid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaylaraac
-a: (magac, lab, keli) meel ay qaylo ka baxayso u yaacid. Qaylaraac ayaan ku imannay ee maxaa dhacay. Dh: gurmad.
qaylaraac-a: (magac, lab, keli) qof meel lagu jabay oo loo gurmaday dadka uun iska raaca oo sabab la'aan tegq. Anu qaylaraac uunbaan ahaaye maxaa dhacay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maxaawacay
(weyddiin iyo waxkadheh, labadaba) waxa sababta keenay ama wacay; waxa ay ku noqotay; maxaayeelay; sabab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maxaawacay
e.we la-mid: maxay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maxaawacay
conj-expr: since, because
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maxaawacay
cf: sabab
de: since, because Lit: what was the cause?
lx: maxaawacay
ps: conj-expr
key: maxaawacay
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maxaa wacay
(conjunction) because (bikooz); because of ~ maxaa yeelay, sababtoo ah
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maqaardhac
m.l (daawo) Cudur muddo dheer oo maqaarka ku dhaca, waxa lagu yaqaan haaro qolfo leh oo cuncun badan oo ka sameysma suxullada, dhudhummada, jilbaha, lugaha, madaxa iyo meelo kale oo jirka ka mid ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maqaardhac
m.l (daaw.) Cudur muddo dheer oo maqaarka ku dhaca, waxa lagu yaqaan haaro qolfo leh oo cuncun badan oo ka sameysma suxullada, dhudhummada, jilbaha, lugaha, madaxa iyo meelo kale oo jirka ka mid ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maqaardhac
-a: (magac, lab, keli) cudur mudde dheer oo maqaarka ku dhaca, waxa lagu yagaan haaro qolfo leh oo cuncun badan oo ka sameysma suxullada, dhudhummada.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maxaandhawrsan
ciyaar ay ciyaaraan marwooyinka la qabo oo inta ay godeeyaan midi ereyo iyo suugaan qurxoon oo habdhac wanaagsan le ku qaaddo labana intay gudaha u dhaadhacaan jaan iyo bootin sameeyaan dalladna si qurxoon u wareejiyaan oo ku ciyaara inta kalina waxay ku jiibiyaan: «maxaan dhawrsan maanta waa dhabe». Waxa aad looga ciyaaraa agagaarka Jigjiga. Dh: bootin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abaaldhac
(Abaaldhac-a)
Abaal laysu falay been iyo asaraar ku gudid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaaldhac
abaaldhac¹: m.l Samo la isu galay oo wixii uu mudnaa aan lagu gudin. la-mid: abaaldhicid.
abaaldhac²: f.mg1 (-cay, -cday; -dhici) Ka a.: samo la isu galay wixii uu mudnaa ku gudid la'aan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
abaaldhac
m.l Samo la isu galay oo wixii uu mudnaa aan lagu gudin. la-mid: abaaldhicid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
abaaldhac
v., [compound] not repay a favor, fail to reciprocate
abaaldhac vl. n., [compound] ingratitude, ungratefulness, failure to reciprocate a favor
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaaldhac
-a: (magac, lab, keli) wanaag la isu taray oo aan la gudin. Abaaldhac uquubo ayuu dhalaa. abaaldhigad -ka: (magac, lab, keli) cid wax u tarid iyada oo abaal danbe mustaqbalka laga sugayo. Soomaalidii hore abaaldhigad bay lahayd. Dh: abaaldhigasho. Li: abaaldar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maandhaaf
(Maandhaaf-ka)
(is maandhaaf) Arrin laysku diido oo qofba si ula ekaata; heshiinwaa; khilaaf, is-afgaranwaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maandhaaf
maandhaaf¹: m.l la-mid: maandhaafid.
maandhaaf²: f.g1 (-fay, -ftay) Is m.: is- afgaranwaayid, isku khilaafid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maandhaaf
f.g1 (-fay, -ftay) Is m.: is- afgaranwaayid, isku khilaafid. m.f.dh, maandhaafid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maandhaaf
vl. n. misunderstanding, disagreement
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maandhaaf
-een I nay: (v) misapprehend; misunderstand one another; be on different wavelengths ~ see also [eeg] ismaandhaaf
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Maandhaaf
Malinteso
Misunderstanding
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maandhaaf
-ka: (magac, lab, keli) kala aragti duwaanaan kokol isku rogta is afgaranwaa. Dad wada shaqaynaya is maandhaaf lagama waayo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maandhaaf
de: misunderstanding, disagreement
lx: maandhaaf
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: maandhaaf
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maxaajiraa
e.we la-mid: maxay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muxaadarad
m.dh (-do, m.l) Khudbad cilmiyeed oo meel fagaare ah laga jeediyo. la-mid: muxaadaro.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
muxaadarad
m.dh (-do, m.l) Khudbad cilmiyeed oo meel fagaare ah laga jeediyo. la-mid: muxaadaro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
muxaadarad
f. n. conference; speech
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muxaadarad
-da: (magac, dhedig, keli) dersi uu qof qudhihi dad badan u jeediyo oo ku saabsan mawduuc keliya oo kutub badan laga soo qaato. Dh: muxaadaro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
muxaadarad
a: muxaadaro (/da) [n6-f]
bw: Arabic
de: conference; speech
lx: muxaadarad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: muxaadarad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naafdhalay
-ga: (magac, lab, keli) awr didmo badan oo dadka cuna ama qof dagaal badan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
abaaldhac_1
de: not repay a favor, fail to reciprocate
hm: 1
lx: abaaldhac
pd: (abaaldhacay)
ps: v1=cmp
key: abaaldhac_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
abaaldhac_2
de: ingratitude, ungratefulness, failure to reciprocate a favor
hm: 2
lx: abaaldhac
pd: (-a)
ps: vn2-m-cmp
key: abaaldhac_2
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karaardhaaf
-ka: (magac, lab, keli) xawli dheeri ah iyo xawaare saayida ah ku soco oo orod ku jiidh halkaad jogsan lahayd. Dh: fatah, xaddhaaf.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maxaayeelay
Maxaawacay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maxaayeelay
e.we la-mid: maxay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maxaayeelay
conj-expr: because, since
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maxaayeelay
de: because, since Lit: what caused it?
lx: maxaayeelay
ps: conj-expr
xe: I cannot give you any money because none has arrived yet.
xv: Lacag ku maan siin karo maxaa yeelay weli ma iman.
key: maxaayeelay
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xalaydhalay
(tilmaame) wax xalay dhashay oo cusub ah.
xalaydhalay -da: (magac, dhedig, keli) hoshiis ku saabsan godob dhiig oo horay loo kala qabey oo lagu heshiiyo in la isa saamaxo oo laga soo qaado sidii wax aan dhicinba. Dh: xaladhaley.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maxaa yeelay
(conjunction) because (bi kooz); because of ~ maxaa yeelay, sababtoo ah
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ayaan_dhowayd
de: the other day
lx: ayaan dhowayd
ps: time-expr
key: ayaan_dhowayd
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhawaandhalad
m.l la-mid: dhowaandhalad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabbaldhacsad
m.l la-mid: gabbaldhacsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gadaaladhalad
-ka: (magac, lab, keli) maqal gu'ga dabayaaqadiisa dhalatay ahaan; 'qof' mar dambe dhalad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
magac_dhaddig
de: feminine noun {grammar}
lx: magac dhaddig
ps: np
key: magac_dhaddig
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maqaardhexaad
-ka: (magac, lab, keli) lakab jinsi oo u dhexeeya dub duleedka iyo dub gudeedka. waxaana uu soo saaraa nudo isku-xidhayaal dhiiqa, muruqyada iyo wixii la mid ah.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Xagal dhacsan
Angle of depression
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dadqalaadnacayb
-ka: (magac, lab, keli) ajaanib nacayb; soo galayti nacayb. Yurub waxa ku soo badanaya dadgalaadnacaybka.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maxaad_sheegtey
de: How are you? Lit: What did you tell?
lx: maxaad sheegtey
ps: greeting
key: maxaad_sheegtey