maxaa wacay
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maxaa wacay
(conjunction) because (bikooz); because of ~ maxaa yeelay, sababtoo ah
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maxaawacay
(weyddiin iyo waxkadheh, labadaba) waxa sababta keenay ama wacay; waxa ay ku noqotay; maxaayeelay; sabab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maxaawacay
e.we la-mid: maxay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maxaawacay
conj-expr: since, because
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maxaawacay
cf: sabab
de: since, because Lit: what was the cause?
lx: maxaawacay
ps: conj-expr
key: maxaawacay
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maxaa dhacay
question word, [expression] what happened?
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maxaa_dhacay
de: what happened?
lx: maxaa dhacay
ps: qw-expr
key: maxaa_dhacay
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maxaa yeelay
(conjunction) because (bi kooz); because of ~ maxaa yeelay, sababtoo ah
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaawalay
m.dh.u Haween; dumar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaawalay
-da: (magacwadareed) magac guud oo haween oo dhan ka dhexeeya. Dh: bilis, dumar, gamboolay. Li: rag
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maxaa kale
(expression.) what else?
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maxaayeelay
Maxaawacay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maxaayeelay
e.we la-mid: maxay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maxaayeelay
conj-expr: because, since
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maxaayeelay
de: because, since Lit: what caused it?
lx: maxaayeelay
ps: conj-expr
xe: I cannot give you any money because none has arrived yet.
xv: Lacag ku maan siin karo maxaa yeelay weli ma iman.
key: maxaayeelay
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
garac, wacal
نُغُولَة
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halaammacayn
m.dh la-mid: halaammacoodin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Halaammacays
(Halaammacays-ka)
Halaammacoodin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halaammacays
m.l la-mid: halaammacoodin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
halaammacays
vl. n. act of grilling ~ roasting
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halaammacays
-ka: (magac, lab, keli) hilib iyo wixii la mid ah, dab ku ugid ama saarsaarid, si uu korka uga bislaado.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
halaammacays
de: act of grilling ~ roasting
lx: halaammacays
pd: (-ka)
ps: vn2a-m
key: halaammacays
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
magac lahayn
(adj) nameless (neem-las)
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maxaa kalood
question word, [expression] what else ... you?
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maxaa kaloon
question word, [expression] what else ... I?
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Saxan waraab
Basin irrigation
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
madaxa waranka
head of the javelin
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caalwaay
v., [compound] be unable, be frustrated
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caalwaay
de: be unable, be frustrated
lx: caalwaay
pd: (caalwaayey / caalwaaydey)
ps: v1=cmp
key: caalwaay
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maanacan
f.mg4 (-cnaa, -cnayd) Wax la mamnuucay ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maanacan
der. [adjective] forbidden (to), not allowed (for someone)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maanacan
(tilmaame) maamnuuc ah oon loo oggolayn. Ninkaa siyaasaddu way ka maanacan tahay. Dh: mamnuucan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maanacan
de: forbidden (to), not allowed (for s.o.) (with preposition ka)
lx: maanacan
pd: (maanacnaa)
ps: adj-der
key: maanacan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maanlaay
m.dh Haweenay an caqli badnayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maanlaay
f. n., [compound] brainless ~ stupid female
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maanlaay
-da: (n) female fool (fuul), bonehead (bown heed), dunce (dansi)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maanlaay
de: brainless ~ stupid female {S}
lx: maanlaay
pd: (-da)
ps: n2a-f-cmp
key: maanlaay
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maarawaa
-ga: (magac, lab, keli) wax xal ah oo lagu furdaamiyo waayid.
maarawaa -ga: (magac, lab, keli) wax laga fursan waayay oo yeelistiisu daruuri noqotay. Maarawaa ayaa maraykan loogu yeedhay. Dh: fursanwaa, maaranwaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macaanay
(fal) wax macaan ka dhig. Shaaha macaanay. Dh: macaanee. Li: qadhaadhee.
macaanay: (fal) hadal, sheeko, iyo wixii la mid ah wax xallad leh ka dhig. Sheekada macaanee. Dh: xalladay, macaanee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mafafaay
(Mafafaay-ga)
Babbaay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mafafaay
m.l Babbaay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mafafaay
m. n. papaya
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MAFAFAAY
(Mafafai) N? Carica papaya L Caricaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mafafaay
-ga: (magac, lab, keli) cambaha waawayn ee lafaha yaryar ee badan leh. Dh: babay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mafafaay
de: papaya
lx: mafafaay
pd: (-ga)
ps: n2-m-enum
syn: babbaay
key: mafafaay
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magaalay
(fal) suuq iyo meherado u samee oo magaalo ka dhig. Hayjadda magaalay oo tukaanno ka fur. Dh: magaalee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malawaal
-ka: (magac, lab, keli) eeg mala'awaal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
manaafac
(fal) waxtar geyso, faa'iido samee. Manaafac dadkaaga iyo dalkaaga. Dh: anfac.
manaafac-a: (magac, lab, keli) faa'iido iyo waxtar qof ama wax kale laga helo. Waalidkaagu manaafac buu kaa sugayaa. Dh: nafci, waxtar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mar wada
adv., time: simultaneously, at the same time ~ moment
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maraabay
(fal) dheeldheelli oo mawjadaha badda dartood kolba dhinac u dullaan. Dh: maraabee, leegleego.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masaafay
(fal) meel masaafo jirta gee oo ku soo meheri. Gabadh aabbeheed nool yahay masaafay ha odhane aabbeheed u yeedh. Dh: masaafee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mataanay
(fal) isku xooji oo walaalo ka dhig labo shay iyo wax ka badan. Dh: mataanee.
mataanay: (fal) mataano labo iyo wax ka badan ah dhal. Dh: madtaanee.
mataanay: (fal) wax kale oo la mid ah ku labee oo ku xooji.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mataatac
mataatac¹: m.l 1. Hadal aan murti lahayn. 2. la-mid: mataaticid.
mataatac²: f.mg1 (-cay, -cday; -tici) Hadal aan macno lahayn ku hadlid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mataatac
m.l 1. Hadal aan murti lahayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mataatac
m. n. nonsense talk
mataatac v. talk nonsense
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tawaawac
(Tawaawac-a)
Cabasho; calaacal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tawaawac
tawaawac¹: m.l Cabasho, calaacal.
tawaawac²: f.mg1 (-cay, -cday; -wici) Calaacalid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tawaawac
m. n. lamentation, complaint
tawaawac v. complain, lament
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tawaawac
(fal) cabo, calaacal, cataaw. Tawaac oo sheego baahidaada.
tawaawac -a: (magac, lab, keli) calaacal iyo cabasho tilmaamaysa itaalyari iyo liidasho. Dh: ciil. Li: rayrayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waawaray
Waawaray!
Erey la yiraahdo, iyadoo lagu dhawaaqayo, kolka la argaggaxo ama la baqo ama cabsi laga digayo, si la isugu soo gurmado; Ciidamow! Qaatoy!
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waawaray
e.d Erey dareen oo tilmaama yaab, naxdin ama baahi oo kaalmo ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waawaray
inter. help!; wow!
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waawaray
de: help!; wow! Expression used to call for assistance or to indicate shock or amazement {C & S}
initial: w
lx: waawaray
ps: intj
key: waawaray
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaabalay
-da: (magacwadareed) dad xaaba gurashadu ay meherad u tahay Dh: xaaboolay, xaabaysato.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xaawaley
m.dh.u Haween; dumar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaawaley
-da: (magac, dhedig, keli) eeg xaawalay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baabbacay
(fal) geel, dhereg aawadii la orod oo cagaha dhulka la dhac. Geel baa ku baabbaceeyey adhi. Dh: baabbacee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baxnaanay
(fal) noole xanuun hayo iyo waxii la mid ah dhaqaalee oo ka dhursug. Dh: baxnaanee, baxnaani, dhawr, buullee, baano.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaawacan
Dhaawac ku yaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaawacan
dhaawacan¹: f.mg1 (-cmay, -cantay; -cmi) Wax dhaawac gaarey noqosho.
dhaawacan²: f.mg4 (-cnaa, -cnayd) Wax dhaawac gaarey ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhaawacan
dhaawacan¹: f.mg1 (-cmay, -cantay; -cmi) Wax dhaawac gaarey noqosho. m.f.dh, dhaawacmid.
dhaawacan²: f.mg4 (-cnaa, -cnayd) Wax dhaawac gaarey ahaansho. m.f.dh, dhaawacnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaawacan
der. [adjective] injured, wounded
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhaawacan
-dhaawacnaa / dhaawacnayd: (adj) wounded (wuundidh); injured (injaridh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaawacan
(tilmaame) noole dhaawac qaba.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaawacan
de: injured, wounded
lx: dhaawacan
pd: (dhaawacnaa)
ps: adj-der
key: dhaawacan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Maanafaay
magac loo bixiyo gabadh laga filayo maskax iyo xasuus gaar ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maaranwaa
-ga: (magac, lab, keli) u baahni aan laga kaaftoomi karayn. Dh: maarmiwaa. Li: maarmid, maaran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Macaanaan
(Macaanaan-ta)
Wax macaan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
macaanaan
m.f.dh eeg macaan³. la-mid: macaanaansho, macaani (2).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
macaanaan
f. n., [abstract] sweetness
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
macaanaan
-ta: (n) sweetness (iswiitnes)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macaanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax macaan ahaan. Muus aan bislaan macaanaan ma leh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
macaanaan
a: macaani
de: sweetness
lx: macaanaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: macaanaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magaasaan
-ka: (magac, lab, keli) aqal weyn oo alaabaha tukaannada iyo qalabka la kaydinayo la dhigo. Alaabta aan la cashuurin magaasaanka ku xeree. Dh: bakhaar, istoodh, istoor.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
make away
/off with/ (v) xadid (si tuuga ah shay ula dhuumasho). e.g. She made away with the gold.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Marawaxad
(Marawaxad-da)
1. Babbis.
2. Qufac isdabajoog ah; riiraxyo; dhigdhiko.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marawaxad
m.dh (-do, m.l) 1. Qalab bir, caag iyo wixi lamida ah oo koronto ku shaqeeya, wareegsado oo guriyaha la suro ama meel la saaro oo neecaaw qabow keena. 2. Babbis. 3. Qufac isdabajoog ah; riiraxiyo. la-mid: marawaxo, marwaxad, marwaxo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
marawaxad
m.dh (-do, m.l) 1. Qalab bir, caag iyo wixi lamida ah oo koronto ku shaqeeya, wareegsado oo guriyaha la suro ama meel la saaro oo neecaaw qabow keena. 2. Babbis. 3. Qufac isdabajoog ah; riiraxiyo. la-mid: marawaxo, marwaxad, marwaxo.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Marawaxad
Fan
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
marawaxad
f. n. fan, ventilator; dry cough
marawaxad [feminine] n., [collective] tickling sensation in the throat prior to coughing
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
marawaxad
-da: (n) fan (faan)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marawaxad
-da: (magac, dhedig, kel) aalad sadder baad iyo wax ka badan leb oo qaboojinta aqalladi mishiinada iyo wixii la mid ah ama kooraan dhain loo adeegsado. Dh: babbis
marawaxad -da: (magac, dhedig, kel) qufac isdabajoog ah. Dh: riiraxanyo, dhigdhiko.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
markaasay
conj., vl. pron. so then she ...
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
markaasay
de: so then she ...
lx: markaasay
ps: conj + vpro
key: markaasay
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mawaajaco
-da: (magac, dhedig, keli) naqtiin cashar horay loo dhigtay dib loo eego oo dib loo naqtiimo. Sida loo kala mawaajaco badan yahay ayaa derejaadkana loo kala bataa. Dh: naqtiin, muraajaco.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maxajabad
(Maxajabad-da)
Qof dumar ah oo gurigeeda ku dhawran, dibadda inay uga soo baxdo oo ajnebigu arkana aan oggolayn ama aan loo oggolayn; makhabbiyad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maxajabad
m.dh (-do, m.l) Qof haween ah oo aan guriga ka bixin. la-mid: maxajabo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maxajabad
m.dh (-do, m.l) Qof haween ah oo aan guriga ka bixin. la-mid: maxajabo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maxajabad
f. n. woman that is completely covered
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maxajabad
-da: (magac, dhedig, keli) qof dumar ah oo gurigeeda ku dhawran jidhkeedana xijaab ku qarisa marka ay rag geya la joogto. Dh: makhabiyad, maxajebad.