mawriitaaniya
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Mawriitaaniya
pr. n., loc. Mauritania
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Mawriitaaniya
de: Mauritania
lx: Mawriitaaniya
ps: n0-loc-f
key: Mawriitaaniya
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Marriixaan
name-m m sling, catapult; restless; hurler; thrower. Cf: Marraaxaan, Marreexaan, Warfaa
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Miisaaniyad
(Miisaaniyad-da)
Jaangooyo muujinaysa oo isu dheellitiraysa sanadii lacagta soo geleysa iyo tan baxaysa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miisaaniyad
m.dh (dhaq.) Qorshe waqtiyeysan oo maaliyadeed oo loogu talaggalay in hawl lagu fuliyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Miisaaniyad
Weighing
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
miisaaniyad
f. n. budget, estimate
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
miisaaniyad
-da: (n) budget (baj 'at) ~ bajadh, bajeedh
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
MIISAANIYAD
Bilancio
Budget
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miisaaniyad
-da: (magac, dhedig, keli) jaangoyn dhaqaale oo muujisa kharash iyo dakhli muddo go'an la isticmaalay ama loo diyaariyay in la isticmaalo oo uu maamul hay'adeed ama dawladeed yeesho. Miisaaniyadda ha la yareeyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
miisaaniyad
a: miisaamiyad
de: budget, estimate
lx: miisaaniyad
pd: (-da)
ps: n1-f
syn: bajad
xv: Arabic
key: miisaaniyad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marsubaaliya
m.dh (-yayaal, ml./m.dh) (cilmiga naflayda) Dir hoosaad ka tirsan naasleyda, hababka kala soocidda qaarkood dir hoosaadkan waxa loo yaqaanaa mataseria, marsubaaliyana waxay noqonaysaa duul ka tirsan dir hoosaadkan. Xubnaha dir hoosaadkan degaankoodu wuu xaddidanyahay, badankoodana waxaa laga helaa Ustaraaliya iyo koonfur Ameerika. Tusaale: “Kaanguruu”.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
marsubaaliya
m.dh (-yayaal, ml./m.dh) (cilmiga naflayda) Dir hoosaad ka tirsan naasleyda, hababka kala soocidda qaarkood dir hoosaadkan waxa loo yaqaanaa mataseria, marsubaaliyana waxay noqonaysaa duul ka tirsan dir hoosaadkan. Xubnaha dir hoosaadkan degaankoodu wuu xaddidanyahay, badankoodana waxaa laga helaa Ustaraaliya iyo koonfur Ameerika. Tusaale: 'Kaanguruu'.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marsubaaliya
-da: (magac, dheddg, keli) dirboosaad ka tirsan naasleyda, hababka kala soocidda qaarkood dir hoosaadkan waxa loo yaqaanaa mataseria, dir hoosaadkan. Xubnaha dir hoosaadkan degaan-marsubaaliyana waxay noqonaysaa duul ka tirsan koodu wuu xaddidanyahay, badankoodana waxaa laga helaa Ustaraaliya iyo koonfur Ameerika, sida Kaanguurada.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
barolitaariyad
f. n. proletariat
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
barolitaariyad
de: proletariat
lx: barolitaariyad
pd: (-da)
ps: n1-f
syn: xoogsato {Eng}
key: barolitaariyad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kiristaankirya
(ereydhawaaq) loogu dhawaaqo dhurwaaga marka la eryayo. Dh: yur, kir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
amaaritaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg amaarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baritaarid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, taageerid oo dhanka danbe ka riixid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baritaaris
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg badhikintaalis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cawaritaan
-ka: (magac, lab, keli) cid kale cawarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhawritaan
m.l 1. Ilaalinta wax dhibaato laga ilaaliyo. 2. Eegidda indhaha wax lagu fiiriyo. 3. Sugidda cid la sugo. la-mid: dhawrid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhawritaan
m.l 1. Ilaalinta wax dhibaato laga ilaaliyo. 2. Eegidda indhaha wax lagu fiiriyo. 3. Sugidda cid la sugo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diiwaaniye
m.l la-mid: diiwaanhaye.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawiritaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg hawirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karaaniyam
m.l (cilmiga naflayda) Qayb ka mid ah gambada madaxa ee lafdhabarleyda taas oo daboosha ilaalisana maskaxda. Waxay ka samaysantahay dhowr lafood oo balballaadhan oo isdhexgalay, oo ay u dhexeeyaan kalagoysyo aan dhadhaqaaqin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
karaaniyam
m.l (cilmiga naflayda) Qayb ka mid ah gambada madaxa ee lafdhabarleyda taas oo daboosha ilaalisana maskaxda. Waxay ka samaysantahay dhowr lafood oo balballaadhan oo isdhexgalay, oo ay u dhexeeyaan kalagoysyo aan dhadhaqaaqin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karaaniyam
-ka: (magac, lab, keli) Qayb ka mid ah gambada madaxa ee lafdhabarleyda taas oo daboosha ilaalisana maskaxda. samaysantahay dhowr lafood oo balballaadhan oo Waxay ka isdhexgalay, oo ay u dhexeeyaan kalagoysyo aan dhadhaqaaqin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magiiganay
(fal) faal dhig run iyo been wuxu sheegaba. Noo magiiganee waa la sahan tegayaaye. Dh: magiiganee, faali.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maraykaani
-da: (magac, dhedig, keli mare saddexgayd ahayd oo dumarku garaysan jiren.
maraykaani-ga: (magac, lab, kell mid ka mid ah noocyada bariiska la cuno. Beellanki waan iska daynay oo maraykaani baan ku qadaynay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mataxitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg mutuxid.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Miisaan-ka
balance.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qawaditaan
-ka: (magac, lab, keli) ka faanitaan oo iska weyneyn. Dh: islaweyni.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rawixitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg rawaxaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shawritaan
-ka: (magac, lab, keli) shawridda lafteeda.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Tansaaniya
pr. n., loc. Tanzania
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Tansaaniya
(n) Tanzania (tan-za-niya); Dar es Salaam is the de facto capital and the largest city
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Tansaaniya
de: Tanzania Alt sp: Tanzaaniya
initial: t
lx: Tansaaniya
ps: n0-loc-f
key: Tansaaniya
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Awstraaliya
pr. n., loc. Australia
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Awstraaliya
de: Australia
lx: Awstraaliya
ps: n0-loc-f
key: Awstraaliya
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
karraaniyad
f. n. clerk, female civil servant, employee, lady official
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
karraaniyad
de: clerk, female civil servant, employee, lady official
lx: karraaniyad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: karraaniyad
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Kristaanimo
f. n., [abstract] Christianity
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Kristaanimo
de: Christianity
lx: Kristaanimo
pd: (/da)
ps: n0-f-abs
syn: Masiixnimo
key: Kristaanimo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madiixitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg madiixid. madiixitaan -ka: (magac, lab, keli) dalxiisitaan oo tamashle ku jiritaan. Madiixitaan aan marwadaa kula socon waa nus.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magiiganayn
-ta: (magac, dhedig, keli) faal samayn; faal dhigid. Dh: faalin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maldihitaan
-ka: (magac, lab, keli) hadal si sarbeeb ah u sheegitaan. Maldihitaanku wuxu u baahan yahay in aqoon dheer afka loo lahaado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Martiqaadid
(Martiqaadid-da)
Marti cunno ugu yeerid, u samayn; soorid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
martiqaadid
m.f.dh eeg martiqaad². la-mid: martqaad¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
martiqaadid
-da: (magac, dhedig, keli) casuumid oo cid loo yeedhay soo dhawayn iyo qaabilid u samayn. Dh: casuumid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raariditaan
-ka: (magac, lab, keli) hoos u riditaan: hoos u dhaadhicin.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Xiritaan-ka
fermeture.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Awstaraaliya
-da: (n ) Australia (oos-taree-liya); Canberra is the capital and Sydney is the largest city ~ Ustareeliya
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Kiristaan-ka
chrétien.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mariishanaan
m.dh la-mid: maliishanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marsanaansha
-ha: (magac, lab, keli) dusha wax laga mariyay ku lahaansho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Bariga Aasiya
(n) Orient (oori yent)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madhintannimo
m.dh Madhinte ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
madhintannimo
f. n., [abstract] immortality
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
madhintannimo
de: immortality
lx: madhintannimo
pd: (/da)
ps: n0-f-abs
key: madhintannimo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mahiigaannimo
m.dh Wax tiradoodu badantahay ahaansho (col, roob). la-mid: mahiiggaannimo, mihiigaanimo, mihiiggaannimo.