mawqif
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mawqif
m.l (-fyo, m.dh) Go'aan cad oo uu qof iska taago arrin adag. la-mid: mowqif.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mawqif
m. n. position, posture, situation; attitude, stand, opinion, viewpoint
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mawqif
-ka: (n) way of thinking; point of view; belief (beliif); opinion (opiin 'yan); attitude (at'atuud) ~ mowqif
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mawqif
-ka: (magac, lab, keli) qo'aan adag oo laga qaato xaalad; meel adag oo arrin la iska taago. Dh: qaraar, go'aan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mawqif
a: mowqif
bw: Arabic
de: position, posture, situation; attitude, stand, opinion, viewpoint
lx: mawqif
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: mawqif
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mowqif
m.l la-mid: mawqif.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mowqif
m. n. position, stand, attitude, viewpoint
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mowqif
-ka: (n) way of thinking; point of view; stance (istaans); belief (beliif); opinion (opiin 'yan); attitude (at'atuud) ~ mawqif
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mowqif
-ka: (magac, lab, keli) meesha la iska taago arrin la hayo ama go'aanka laga qaato. Mowqif adag ayay dawladdu ka qaadatay argagixisada. Dh: go'aan.
mowqif -ka: (magac, lab, keli) go'aan qof qaato ama ka gaadho arrin. Mowqif adag ayuu ka qaatay arintaasi. Dh: go'aan.
mowqif -ka: (magac, lab, keli) meel dad iskugu yimaadaan oo la istaago. Mowqifka Carrafo ayaan isku aragnay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mowqif
de: position, stand, attitude, viewpoint
lx: mowqif
pd: (-ka)
ps: n2a-m
see: mawqif
key: mowqif
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
posture
/posjar/ (n) 1. qaabka jirka qofku ku sugan yahay (sida istaag, fadhi, janjeer, fooror iwm) 2. mawqifka ama aragtida qofka.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
predicament
/pridhikamant/ (n) xaalad adag (mawqif dhib badan).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
stand
/staandh/ (v) 1. istaagid (sara-joogsasho) (n) 2. caabbi (daafac) (n) 3. Mawqif.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
tune
/tuun/ (n) 1. laxan (isku-duwidda samaynta codka muusiga) (v) 2. habayn ama isku-duwid qalabka muusiga (v) 3. dib-u habayn matoor sida, cillado ka saarida, sifaynta iwm.
change one's tune mawqif-baddalid (qof mawqifkiisii baddala).
out of tune laxan sax ah aan lahayn.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
uncompromising
/ankompramaysin/ (adj) fikraddiisa ku adag (aan mawqifkiisa ka dabcayn, canaadi ah).
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
situazióne
s.f. - xaalad, mawqif.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aqlabiyad
-da: (magac, dhedig, keli) dad ay talo ka wada dhexayso oo kala fekrado ah, intooda badan oo isku mawqifka ah. Aqlabiyaddii baarlmaanku wey oggalaadeen xeerka cusub. Dh: badi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bayaami
(fal) qaraar cad, mawqif qeexaya arrin faahfaahi. Bayaami warka beelaha dagaallama waa kuwee?
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sakati
(fal) shaki; wax ka baq; kayrkayr.
sakati -ga: (magac, lab, keli) baqdin yar oo aan weynayn. Dh: kayrkayr, shaki, wadnafuq.
sakati -ga: (magac, lab, keli) kala duwanaanshaha afkaaraha ama mawqifyada; is afgaranwaa. Dh: jaafaajiriq.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
placer
placer, v. - ku taal; dhigid; gadid; meesha bacaadleyda ah ee macdanta laga raadiyo.
placer un mot - hadlid
se placer - mawqif qaadasho.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
position
position, n.f. - mawqif, sida arrimuhu yihiin.
situation d'un objet - xaalad
attitude - mawqif
position critique - xaaladdu meesha ay taagan tahay
position sociale - heerka (shaqada, dunida, bulshada)
terrain occupé militairement - dhul ciidamadu qabsadeen
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
posture
posture, n.f. - meel; mawqif; go'aan; boos
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
prise
prise, n.f. - si fiican loo qabto
facillité de saisir - aan la qabsan karin
prise d'eau - biyo jidka ay hayaan laga duwo oo la lexsado si dano loogu fushado (beer iwm)
avoir prise qur qn - awood u leh in uu qof qabto; in uu jidka toosan ku soo rido
donner prise - fursad siin in qof lagu jeesjeeso
être aux prises avec qn - la dagaalamid; ka murugo; ka walbahaarid
prise de conscience - garasho nololeed siyaasadeed yeesha
prise de contact - bareeso; meesha kuranta laga qaato
prise à partie - habka ama jidka loo maro si looga hortaga go'aan aan xaq ahayn marka qaadïgu, qaato (khalad ah)
prise de possession - mawqif la qaato arrin meel laga istaago, meel la galo; aqal la dago
prise de sang - dhiig iska qaadid
prise de vue - wax la sawiro
prise de terre - aalad loogu tala galay in dadka ay ka badbadiso korontadu in ay qabato oo quiqulka koronta u gudbiya dhulka; sabarada gudbisa korontada
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
prélasser
prélasser, se, v. - mawqif haboon la qaato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maqil
(Maqil-ka)
Firiiric; findoob.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maqil
m.l Firiiric, fin doob.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maqil
m. n., [collective] spots (on the skin), rash; prickly heat; acne
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maqil
-ka: (magac, lab, keli) finan yaryar oo dhallinyarada wajiga kasoo daata marka ay qaangaadhka yihiin. Maqil baad wajiga ku leedahay. Dh: findoob.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maqil
cf: firiiric ~ furuuruc
de: spots (on the skin), rash; prickly heat; acne
lx: maqil
pd: (-ka)
ps: n2-m-col
key: maqil
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marqi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Hal naasaha ka marid. 2. Hilib maraq u yeelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mawti
-da: (magac, dhedig, keli) qof dhintay oo inta badan waalid ahaa ama xaq reerka ku lahaa oo loo duceeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cawiif
(Cawiif-ka)
Midab cad oo lif dilan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawiif
m.l Midab cad oo boor ku dhafanyahay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cawiif
m.l Midab cad oo boor ku dhafanyahay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cawiif
m. n., [abstract] off-white (color)
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Cawiif
nickname-m off-white (color)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Cawiif
magac loo baxsho wiil dhashay isaga oo leh midab cad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cawiif
(tilmaame) midab cad oo khafiif ah ama dhalan dilan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cawiif
de: off-white (color)
lx: cawiif
pd: (-ka)
ps: n2-m-abs
key: cawiif
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madqid
-da: (magac, dhedig, keli) ababarsho iyo mamid. Neef ababay madqidi uma laabna. Dh: madqis.
madqid-da: (magac, dhedig, keli) rajo filasho. Madgid fiican uunbaa la fishaa. Dh: rajayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marqid
m.f.dh eeg maraq².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marqin
m.f.dh eeg marqi. la-mid: marqis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marqis
m.l la-mid: marqin.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
massif
massif, adj. - Adke.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Macrifo
(Macrifa-da)
Aqoon.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
macrifo
f. n., [abstract] knowledge
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macrifo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg macrifad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
macrifo
a: macriifad
de: knowledge
lx: macrifo
pd: (/da)
ps: n0-f-abs
syn: aqoon; Contrast: macriifo
xv: Arabic
key: macrifo
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
magnify
/maagnafay/ (v) weeyneyn (wax intay le'ekaayeen laga weyneysiiyo, siiba weyneyso lugu eego).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
maladif
maladif, adj. - Qof mar kasta xanuunsan ama cudur aan laga caafimaadeyn qaba.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
marquis
/markuwis/ (n) magac loogu yeero oo lugu maamuuso qof laan-dheere ah ama ka dhashay reer sare.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mawjiid
m.l Roob weyn oo dhul ballaaran ku fida, daaq badanna bixiya; mahiigaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mawjiid
m.l Roob weyn oo dhul ballaaran ku fida, daaq badanna bixiya; mahiigaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mawlici
-ga: (magac, lab, keli) qof mowlac tegistiisa badsada ama inta badan u khidmeeya. Muruudku waa mawlici. Dh: saaxibmaqaam.
mawlici -ga: (magac, lab, keli) qof goobaha la wada fadhiisto u badan oo reermagaal ah. Ninka mawliciga ahi waa sheeka yagaan.
mawlici -ga: (magac, lab, keli) qof qaadka aad u cuna. Dh: muqayil, jaadqamax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mawliid
(Mawliid-ka)
Mowliid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mawliid
m.l 1. (dii.) Maalinta uu dhashay Rasuulku (n.k.h.a.). 2. (dii.) Xuska loo sameeyo dhalashada Rasuulka(n.k.h.a.). 3. (dii.) Bishii uu dhashay Rasuulku (n.k.h.a.). la-mid: mowliid, mowluud.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mawliid
m.l 1. (dii.) Maalinta uu dhashay Rasuulku (n.k.h.a.). 2. (dii.) Xuska loo sameeyo dhalashada Rasuulka(n.k.h.a.). 3. (dii.) Bishii uu dhashay Rasuulku (n.k.h.a.). la-mid: mowliid, mowluud.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Mawliid
m. n. birthday of the Prophet Mohammed
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Mawliid
name-m the day of the year marking the birth of Prophet Muhammad
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Mawliid
-da: (n) the birthday of Prophet Mohammed (peace and blessings be upon him) ~ mowliid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Mawliid
magac loo bixiyo wiil dhashay bisha mawliid ee uu Nebi Muxamed dhashay naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaadeene.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mawliid
-ka: (magac, lab, keli) xaflado lagu beego laba iyo tobanka Rabiic al awal ama bisha saddexaad ee Hijrada lana akhriyo qasiidooyin Nebi ammaan ah oo xusas iyo damaashaad la sammeyo laguna weyneeyo dhalashadii Nebigeenna naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaadeene. Habeenka mawliidka carruurta caano iyo xalaawad baa loo qaybiyaa. Dh: mawliitunebi.
mawliid-ka: (magac, lab, keli) bisha Rabic al awal ee taariikhda Hijrada. Bisha mawliid kolkay bilato ayaa aroosyada la dhistaa.
mawliid-ka: (magac, lab, keli) kitaab lagu ururiyay qoraallo iyo qasiidooyin nabi ammaan ah oo lagu akhriyo munaasabado badan ninka an aqoonna waagii hore wadaad laguma tirin jirin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Mawliid
bw: Arabic
de: birthday of the Prophet Mohammed
lx: Mawliid
pd: (-ka)
ps: n2a-m
see: Mowliid
key: Mawliid