mawle
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mawle
m.l (dii.) Magacyada Ilaah mid ka mid ah; Eebbe; Alle; Weyne. la-mid: mowle.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Mawle
magacyada Ilaahay mid ka mid ah. Wuxu Mawle kuu qoray cidi kaama moostee miciin waa Ilaahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mawle
-ha: (magac, lab, keli) godadka maansada mid ka mid ah oo ay dumarku tiriyaan oo siddeed iyo toban god ah. Dh: buraanbur.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Awle
name-m yelper; yeller
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Male
(Mala-ha)
1. Fiiro maanka gudihiisu ka dhalata.
2. Si wax loo qaato ama la moodo.
3. Arrin maskaxdu isku duwdo; mala'awaal.
4. Fiiro madmadow ku jiro oo aan runteeda iyo dhabteedu caddayn; ~ fakar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
male
m.l (-layaal, m.l/dh) 1. Wax aan la hubin. 2. (fk) Mindhaa. 3. la-mid: malo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
male
m.l (-layaal, m.l/dh) 1. Wax aan la hubin. 2. (fk) Mindhaa. 3. la-mid: malo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
male
m. n. thought, notion, idea; guess; hallucination
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
male
/meyl/ (n) lab; labood ah.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
male
-malaha: (n) thought (thoot); conjecture (konjakshar); cogitation (kojiteeyshin)
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Male
Labood
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
male
s.m. e avv. - xun; si xun.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
male
(falkaabe) diidmo oo loo adeegsado lahaansho la'aan. Indho male, milix male, malo male.
male-ha: (magac, lab, keli) talo iyo maarayn ka unkanta aragtiyo badan oo qofba si ula muuqatay oo kolkii la falanqeeyey noqotay go'aan lagu meelmaro. Male rag waa mudacyo afkood, Male la'aan reer ma guuro. Dh: talo.
male -ha: (magac, lab, keli) qiyaas ama moodo aan la hubin xaqiiqadeeda. Dh: qiyaas. Li: dhab.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
mâle
mâle, n.m. - Lab; Labood ah; Raganimo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
male
cf: bidaal, dareensi, malo
de: thought, notion, idea; guess; hallucination
lx: male
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: male
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
male
n., labood, -ki, qododi; a., lab, qod ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mawe
m.l la-mid: wamme.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MAWE
(Maue) C Moringa borziana Mattei Moringaceae.
May, S Moringa longituba Engl. Moringaceae.
NFD Moringa stenopetala (Bak.F.) Cuf. Moringaceae.
S Pyrenacantha malvifolia Engl. Icacinaceae.
Elaeodendron schweinforthianum (Loes.)Loes. Celastraceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mawe
-da: (magac, dhedig, keli) geed ay haweenka umusha ahi ay u shitaan sida uunsiga oo ilmaha yarna dharka loogu qiijiyo lana aaminsan yahay inuu shaydaanka ka ilaaliyo. Dh: mawo, wame.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mawl
(tilmaame) farabadan; aad u badan. Dh: badan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jawle
m.l Nooc ka mid ah noocyada bariiska.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
JAWLE
(Jawle) C Commiphora erosa Vollesen. Burseraceae.
C Commiphora sphaerocarpa Chiov. Burseraceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jawle
-ha: (magac, lab, keli) jaad ka mid ah noocyada bariiska.
jawle -ha: (magac, lab, keli) midhadigireed tiro yar oo aan bislaan.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
malle
malle, n.f. - sanduuq.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
maple
/maypal/ (n) geed caleen girgirro badan leh (caleenta astaanta u ah calanka Kanada).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maqle
m.l la-mid: maqli (1).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maqle
m. n. fry pan; sauted meat recipe (liver ~ meat with spices fried in fat ~ ghee)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maqle
-ha: (magac, lab, keli) weel jaandi ah oo ballaaran oo hareeraha soo laaban oo dabo dheer oo la qabto leh oo wax lagu shiilo. Magle soo qaad oo beerka innoo shiil. Wa: maqlayaal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maqle
a: maqli
de: fry pan; [ext.] sauted meat recipe (liver ~ meat with spices fried in fat ~ ghee)
lx: maqle
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: maqle
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Mayle
name-m refuter; rejecter; opposed; he who apposes
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Mayle
magac loo bixiyo wiil khilaaf ku dhashay ama la filayo in uu noqdo nin adag oo aan wax la marsanin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mowle
m.l la-mid: mawle.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Mowle
magacyada Alle mid ka mid ah. Mawlihii na uumaan, la magansanaynaaye; weligaa ha murugoon. Dh: Eebbe.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qawle
m.l la-mid: qowle.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qawle
-ha: (magac, lab, keli) eeg qawlaysato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xawle
(Xawla-ha)
Xawlli.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xawle
m. n. fast pace, running fast
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xawle
-ha: (magac, lab, keli) orod xoog badan oo la sii kordhiyo. Anigu orod xawle ah ma ordi karo. Dh: degdeg.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xawle
a: xawlli
de: fast pace, running fast
initial: x
lx: xawle
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: xawle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abawle
-da: (magac, dhedig, keli) ciyaar da' weyn oo la tunto habeenkii oo keliya, waxay na gaar u tahay haweenka. Qalabka lagu tumo waxaa ka mid ah laba durbaan oo yaryar oo la kala yiraahdo jabuu iyo shaanbal.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
bawler
n., dowdowle, -hi.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
dawdle
/dhodhal/ (v) 1. gaabin (dhuukubid) (v) 2. waqti-dhumin (aayar wax u samayn).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jawlee
f.mg2 (-leeyay, -leysay) Cabaadid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jawlee
v. lament, moan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jawlee
(fal) butaac oo same codka 'jaw'. jawni: (fal) miro qolof ka saarid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jawlee
de: lament, moan (of group of people or animals)
lx: jawlee
pd: (jawleeyey)
ps: v2b=
key: jawlee
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ma leh
v., neg., present habitual: there is none
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ma_leh
de: there is none
lx: ma leh
pd: (ma laha)
ps: v5b-neg-prhb
xe: There isnt any milk.
xv: Caano ma laha.
key: ma_leh
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maaley
-da: (magac, dhedig, keli) eeg maaleeyo.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
maiale
s.m. - khansiir, doonfaar.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
maille
maille, n.f. - gunudyada funaanadaha suufka ah.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
mallet
/maalat/ (n) dubbe madaxa qori ka ah.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
mallet
n., (wooden hammer) qori dubba ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malley
-ga: (magac, lab, keli) xayawaan biyaha ku nool oo jaadad badan leh oo ka neefsada waafyo. Cad wanaagsan weeyee cuna malleyga. Dh: kalluun, mallaay.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
mangle
/maangal/ (v) burburin; jajabin (baabi'in).
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Mantle
Carrojiif
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Mantle
Dubaalad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maqlee
f.g2 (-leeyay, -leysay) Beer maqli ka dhigid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maqlee
v. saute, fry something
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maqlee
(fal) maqle ku shiil. Baastada ii yar maqlee. Dh: daawee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maqlee
de: saute, fry s.t. (especially spiced meat ~ liver in fat ~ ghee)
lx: maqlee
pd: (maqleeyey)
ps: v2b=tr
key: maqlee
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Marble
Shiil cad
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
marble
/marbal/ (n) 1. marmar 2. ciyaar ciyaalku ku dheelo kubado dhalo ah.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
marble
(for playing), n., faatari, -gi; faatatir, -ti (plur.).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marwee
f.g2 (-weeyay, -weysay) la-mid: murwee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marwee
(fal) dhaqanka naagta marwada ah ku dhaqan oo gaari xilkas ah ahaw. Xaafadda ka marwee inta odaygu soo noqonayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mawlac
m.l la-mid: mowlac.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mawlac
m. n. place of worship
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mawlac
-a: (n) house of worship ~ mowlac, masjid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mawlac
-a: (magac, lab, keli) aqal muruud fadhiyo oo calaamad u ah weli ama nin horay loo yaqaannay oo diin caan ku ahaa oo siyaaradiisa lagu dhigo. Dh: maqaam.
mawlac -a: (magac, lab, keli) mijilis dad iskugu yimaadaan oo fooxa lagu shido qasaa'idkana lagu akhriyo oo weli ama sheekh hore lagu xuso siyaaradiisana lagu dhigo.
mawlac -a: (magac, lab, keli) masaajid yar oo kooban oo la dhiso ama la calaamadiyo oo dad yari ku tukadaan. Dh: masaajid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mawlac
a: mowlac
de: place of worship
lx: mawlac
pd: (-a)
ps: n2a-m
key: mawlac
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maxile
m.l/dh (-layaal, m.l/dh) Nin aan xil lagu aamini karin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qawley
m.dh Mindi xoog badan oo hilbaha lagu googooyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qawley
-da: (magac, dhedig, keli) mindi xoog badan oo hilbaha lagu googooyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mawmawle
-ha: (magac, lab, keli) cayayaan yaryar oo qolof adag oo labo dhanbal ah oo qurux badan leh oo markuu duulayo guuxa baalashiisa ka baxa loogu magacdaray. Mawmawle hadduu ku dulmaro hurdada waad ka sasi.
mawmawle-ha: (magac, lab, keli) qof aan waxba is gaadhsiin oo wixii soo galaba dhammeeya. Dh: musrif, baytilmaale.
mawmawle-ha: (magac, lab, keli) gun dheer oo aad u fog.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
awe
/oo/awes, awed; (n) 1. layaab iyo cabsi. 2. wax ama qof kaa yaabiya ama aad u qaadan waydid.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
awe
/oo/ (n) obsyi yaab eh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mal
(Mal-ka)
1. Saxarada maqasha iyo dhasha kale oo yaryar oo aan weli caano maahee daaq baran (ama malo).
2. Cudur kalaggoysyada gala; qalaw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mal
mal¹: m.l 1. Saxaro jilicsan oo dhasha yaryar oo caano ku noolka ahi dhigaan. 2. Cudur kala goysyada ku dhaca oo kuuduudiya. 3. Cudur dhasha geela ku dhaca oo kuduudiya.
mal²: f.mg1 (-alay, -ashay) Dhal yar oo caana ku nool ahi mal dhigid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mal
m.l 1. Saxaro jilicsan oo dhasha yaryar oo caano ku noolka ahi dhigaan. 2. Cudur kala goysyada ku dhaca oo kuuduudiya. 3. Cudur dhasha geela ku dhaca oo kuduudiya.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mal
m. n., [collective] meconium, feces of newborn animals ~ children
mal v. evacuate meconium (feces)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mal
-ka: (n) meconium (mi koo-niyam); a dark green stool or feces of the new-born baby
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mal
-ka: (magac, lab, keli) saxarada maqasha iyo dhasha kale een weli ababaran. Nirgaha malka ka nadiifi. Dh: xaar, malo.
mal -ka: (magac, lab, keli) cudur kalaggoyska cududda iyo garabka isku xidha ku dhaca. Odayga mal baa garabka ka jebiyay: Dh: qalaw
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
mal
mal, n.M. - Xanuun; Dhibaato; Waxyeelo; Dhaawac; Cudur; Jirro.
mal de dents - ilko xanuun.
dire du mal de quelqu'un - Wax xun ka sheegid qof.
mal au coeur - Wadna xanuun.
mal de mer - Cudur badeed; Qofka marka uu badda ku dhoofo mantaga ee xanuunsada.
mal de tête - Madax xanuun.
mal, adj. - Xun; ma wanaagsana.
mal, adv. - xun
mal aisé - Raaxo lahayn; aan debecsanayn
prendre mal une chose - Ka xumaansha ama ka xanuunsasho xaaladeed
être bien mal - Xanuunsanaan.
se trouver mal - Xanuunsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maw
(Maw-ga)
Weelka guud ahaan siiba kan biyaha lagu dhaansado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maw
m.l Weelasha biyaha lagu shubto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maw
m. n. jar, water-jar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maw
(ereycodeed) erey lagu cabbiro jabaqda. meel hoos u dheer oo gunteedu fog tahay. Ceelka guntiisa ayuu maw ku yidhi. Dh: dubuq, dalam.
maw -da: (magac, dhedig, keli) meel uub ah oo aad u dheer. Nebi Yuusuf maw dheer bay walaalihii ku tuureen. Dh: uub, aakhiro.
maw -ga: (magac, lab, keli) weelka guud ahaan siiba kan biyaha lagu dhaansado. Dh: agab.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maw
de: jar, water-jar
lx: maw
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: maw
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
maw
n., (stomach of birds) bog, -gi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
aale
-aale: Erey ulajeeddadiisu u dhowdahay kasta, walba, alla (sida had iyo goor-aale, wax alla ama wax allaale).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aale
m.l Geed lugtool ahaan u baxa, sida qasabka, galleyda, maseggada, qaysaraanta iyo wixi lamida.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aale
-ha: (magac, lab, keli) geed meelaha biyo badan laga beerto oo jiriidisa laga tuujiyo sonkor, loona yaqaan aalesonkor.
aale -ha: (magac, lab, keli) qaranka hadhuudhka kiisa quwaaxa macaan ee la muudsado leh. Dh: kiinje.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Aawe
name-m reason, sake. Cf: Aawo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Aawe
magac loo baxsho wiil dhalashadiisii sababtay in la heshiiyo ama la walaaloobo.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
able
/eybal/ (adj) awoodi kara. e.g. I will be able to visit you this weekend.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
able
/eybal/ (adj) tabar, yibaad.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
able
a., kara; (skilful) farsamo badan, wax qaban og.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
aile
aile, n.f. - Baalka (Shimbiraha) (Timaha). Baal (kan shimbiraha, Dayaaradaha iwm.)