mawjado dayreed
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Mawjado dayreed
Spring tides
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mawjaddayreed
-da: (magac, dhedig, keli) juqraafi ahaan, mawjadaha aad u waaweyn kolka dhulka, qorraxda, iyo dayaxu ay xariiq toosan oo isku mid ah yihiin; xoogga cufisjiidadka ee qorraxdu wuxuu ka yimaadaa jiho la mid ah tan dayaxa, markaana wuu hiirigeliyaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mawjad-dayreed
m.dh (-o ..., ml.) (juqraafi) Mawjadaha aad u waaweyn kolka dhulka, qorraxda, iyo dayaxu ay xariiq toosan oo isku mid ah yihiin; xoogga cufisjiidadka ee qorraxdu wuxuu ka yimaadaa jiho la mid ah tan dayaxa, markaana wuu hiirigeliyaa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mawjad-dayreed
m.dh (-o ..., ml.) (juqraafi) Mawjadaha aad u waaweyn kolka dhulka, qorraxda, iyo dayaxu ay xariiq toosan oo isku mid ah yihiin; xoogga cufisjiidadka ee qorraxdu wuxuu ka yimaadaa jiho la mid ah tan dayaxa, markaana wuu hiirigeliyaa.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Mawjad hareed
Seiche
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Spring tides
Mawjado dayreed
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Mawjad bireed
Tidal wave
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Mawjad barafeed
Tidal
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Mawjad diiran
Warm wave
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mawjadda dheer
(n) the long wave
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Mawjad dhammaad
Breaker
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Cadaadis Qaybeed
Partial pressure
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
malax-dareer
m.dh (daawo) Cudur ku dhaca soohyada haya ilkaha, sida: cirridka iyo lafta. Waxaa keena baktiiriyada huurada ilkaha; malax ayaa cirridka fariisata ilkuhuna salka ayay ka bololaan. Ereyga “Pyorrhoea” wuxu noqon karaa malax meel jirka ka mid ah ka dareerta markaas ereyga “Cirrid” ayaa laga reebaya waxay noqoneysaa malax-dareer af Soomaaliga.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
malax-dareer
m.dh (daaw.) Cudur ku dhaca soohyada haya ilkaha, sida: cirridka iyo lafta. Waxaa keena baktiiriyada huurada ilkaha; malax ayaa cirridka fariisata ilkuhuna salka ayay ka bololaan. Ereyga 'Pyorrhoea' wuxu noqon karaa malax meel jirka ka mid ah ka dareerta markaas ereyga 'Cirrid' ayaa laga reebaya waxay noqoneysaa malax-dareer af Soomaaliga.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maskaxfareed
m.l Xannun badan oo madaxa qabta. la-mid: madaxfareed.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Mawjad afaaf
Bore
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Mawjad noqod
Ebb-Tide
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Abaar qaybeed
Partial drought
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Lakab carreed
Horizon soil
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magdharaareed
(tilmaame) mag kol qudha la wada bixiyo oon waxba dib loo kala dhigin waxana laga qaadaa cidda dil gardarro geysata.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
masaafo dheer
(adj) long distance ~ meel fog
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maskaxdambeed
-da: (magac, dhedig, keli) qaybta dambe ee maskaxda ee ku dhereran ilaa iyo xangulaha. Shaqooyinka ay qabato waxa ka mid ah xidhiidhinta gujooyinka qaabilayaasha taabashada, maqalka iyo organnada dhadhanka. Waxa kale oo ay xukuntaa hababka iswada sida garaaca wadnaha, isku soo ururka iyo kala baxa dhuumaha dhiigga iyo falnaqyo kale duwan.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Mawjad celiye
Break water
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Mawjad gaaban
Neap tides
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
saacad wareeg
clockwise
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Saacad wareeg
Clockwise
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Awood danabeed
Electrical Power
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Daafad xagleed
Angular momentum
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maskax-dambeed
m.dh (-yo, m.dh) (cilmiga naflayda) Qaybta dambe ee maskaxda ee ku dhereran ilaa iyo xangulaha. Shaqooyinka ay qabato waxa ka mid ah xidhiidhinta gujooyinka qaabilayaasha taabashada, maqalka iyo organnada dhadhanka. Waxa kale oo ay xukuntaa hababka iswada sida garaaca wadnaha, isku soo ururka iyo kala baxa dhuumaha dhiigga iyo falnaqyo kale duwan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maskax-dambeed
m.dh (-yo, m.dh) (cilmiga naflayda) Qaybta dambe ee maskaxda ee ku dhereran ilaa iyo xangulaha. Shaqooyinka ay qabato waxa ka mid ah xidhiidhinta gujooyinka qaabilayaasha taabashada, maqalka iyo organnada dhadhanka. Waxa kale oo ay xukuntaa hababka iswada sida garaaca wadnaha, isku soo ururka iyo kala baxa dhuumaha dhiigga iyo falnaqyo kale duwan.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Rakaad xagleed
Angular Frequency
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maalin dayaxeed
m.dh (-lmo ..., m.l) (c.fal.) Inta uu soconayo hal isrog oo dhulku dhidibkiisa isku rogo iyadoo loo fiirinayo dayaxa, ama waa muddo waqti ah oo u dhexaysa labo udub oo isku xiga oo dayaxu ku sameeyo dhig. Muddadaas oo la eg ilaa 24 saacadood iyo 50 daqiiqo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maalin dayaxeed
m.dh (-lmo ..., m.l) (c.fal.) Inta uu soconayo hal isrog oo dhulku dhidibkiisa isku rogo iyadoo loo fiirinayo dayaxa, ama waa muddo waqti ah oo u dhexaysa labo udub oo isku xiga oo dayaxu ku sameeyo dhig. Muddadaas oo la eg ilaa 24 saacadood iyo 50 daqiiqo.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Maalin dayaxeed
Lunar day, tidal day
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Madoobaad qaybeed
Annualar eclipse