mawaadin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mawaadin
-ka: (magac, lab, keli) dadka dalka u dhashay mid ka mid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
macaadin
m.dh.w eeg macdan¹,².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macaadin
-ta: (magacwadareed) wixii khayraad ah ee dhulka hoostiisa ku jira gaar ahaan kuwa aan dhirta ahayn. Dhulka geeska Afrika macaadin badan oon weli la ogayn ayaa ka buuxa.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
muwaadin
-ka: (n) citizen (sitizen) ~ waddani
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marwaxadin
m.dh la-mid: marawaxadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marwaxadin
-ta: (magac, dhedig, keli) qaboojin oo marawaxad u dhigid. Dh: marawaxadayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maryaadin
m.f.dh eeg maryaadi. la-mid: maryaadis, meryaadin, meryaadis, miryaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muwaaddin
m.l (-niin/-nno, m.dh) Qof ka mid ah dad waddan u dhashay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
muwaaddin
m. n. citizen
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muwaaddin
-ka: (magac, lab, keli) waddani.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
muwaaddin
bw: Arabic
de: citizen
lx: muwaaddin
pd: (-ka Pl: muwaaddiniin (ta))
ps: n2-m, n8-m
key: muwaaddin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maadin
(Maadin-ta)
Dhibaato soo socota ka hor tegid, celin, baajin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maadin
m.f.dh eeg maadi. la-mid: maadis, maarin, maaris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maadin
-ta: (magac, dhedig, keli) dhib soo socota ka hortegid. Culimadu waxay ka shaqeeyaan maadinta iyo qaboojinta dagaallada. Dh: baajin celin, maadis, joojin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mawaad
-ka: (magac, lab, keli) xishood gobanimo. Marka hore marwaadka, iyo mawaaadka faraxa leh, muxubada riyaaqa leh waa mid lagu yaqaanee. Dh: xishood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaadin
m.f.dh eeg abaadi. la-mid: abaadsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaadin
-ta: (magac, dhedig, keli) goofinta wax jiray iyo baabi'intiisa. Abaadinta beerta, anaa kugu dhaafay. Dh: goofin, baabi'in.
abaadin -ta: (magac, dhedig, keli) waarinta wax jira iyo raajintiisa. Abaadinta uunka, Allaa iska diiday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawadin
m.f.dh eeg hawadi. la-mid: hawadis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawadin
-ta: (magac, dhedig, keli) meel marin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macaadi
-ga: (magac, lab, keli) hawl ama lacag laga qaato gaadiidka badda kolka ay marsooyinka wax ka dejiyaan. Macaadi badan kama qaadan markabka. Dh: hawlfududayn, mushqaayad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magaadi
-ga: (magac, lab, keli) midab lo'du yeelato oo madaw khafiifa ah. Kolba midab iyo madow noqotee, magaadi candho cad oo martida wada, maxaadan u noqon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mahadin
(Mahadin-ta)
Mahad celin; shugriyid; xamdiyid; mahadniqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mahadin
m.f.dh eeg mahadi. la-mid: mahadis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mahadin
-ta: (magac, dhedig, keli) calfasho oo cidhib danbeed fiican ka helid.
mahadin -ta: (magac, dhedig, keli) mahadcelin, mahad niqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maqadin
-ka: (magac, lab, keli) hadhuudh milayga maasiyada 15keeda la beero. Maqadin ayaa noo baxay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cabaadin
(Cabaadin-ta) (ka cabaadin)
Cabaad ka keenid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cabaadin
m.f.dh eeg cabaadi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabaadin
-ta: (magac, dhedig, keli) «ka ~» cabaad ka keenid. Dh: cabaadis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cadaadin
(Cadaadin-ta)
Dhibid; kadeedid; xumayn; horjoogsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadaadin
m.f.dh eeg cadaadi. la-mid: cadaadis¹ (3).
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
cadaadin
pressing
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cadaadin
vl. n. repressing, oppressing, torturing, tormenting
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cadaadin
-ta: (n) 1. pressure (paree- shar); compression (kom-pree-shen) 2. oppression (o-paree-shen) 3. harassment (haares-ment) cadaadis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadaadin
-ta: (magac, dhedig, keli) si xoog leh, hoos wax ugu riixid. Dh: cadaajin, cadaadis.
cadaadin -ta: (magac, dhedig, keli) culays saarid ama ku ciqaabid qof waxaanu qaadi karayn; horusocod u diidid; dhibid. Dh: kadeedid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cadaadin
de: repressing, oppressing, torturing, tormenting
lx: cadaadin
pd: (-ta)
ps: vn2-f
key: cadaadin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caraadin
(Caraadin-ta)
Boorrin; tirtirsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caraadin
m.f.dh eeg caraadi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caraadin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale tirtirsiin. Dh: boorrin, tirtirsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dawaafin
(Dawaafin-ta)
Qof ama dad badan horkac loo noqdo oo Kacbada lagu soo warwareejiyo, gudashada Xajka darteed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawaafin
m.f.dh eeg dawaafi. la-mid: dawaafsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawaafin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, cibaado Kacbada ugu wareejin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faraadin
-ka: (magac, lab, keli) nin lafaha jaba kaba kuwa burburana gura oo aqoon dheer u leh lafaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gawaadid
m.f.dh eeg gawaad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gawaadid
-da: (magac, dhedig, keli) ninka ragga iyo dumarka isu gayntooda ka dhex shaqaysta noqosho. Dh: fataalid, rufyaanid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gawaamin
(Gawaamin-ta)
Meel gawaan ah ku tuurid; legdid: dibrin; (ama gawaanin).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gawaamin
m.f.dh eeg gawaami. la-mid: gawaamis, gawaanin, gawaanis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gawaanin
m.dh la-mid: gawaamin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hawaarin
(Hawaarin-ta)
(summad) Hawaar ku dhigid; ul reebta raad hawaar u eg, ku daliigid, ku dhufasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawaarin
m.f.dh eeg hawaari.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawaarin
-ta: (magac, dhedig, keli) si hawaar iyo kaladaadsani ah u fadhiisin.
hawaarin -ta: (magac, dhedig, keli) hawaar ku dhigid; ul reebta raad hawaar u eg la dhicid ama ku dhufasho.
hawaarin-ta: (magac, dhedig, keli) sumad hawaar ah ku dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mabaadi'
m.dh.w eeg mabda'.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mabaadi'
f. n., pl. principles, ideologies, political beliefs; doctrine
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mabaadi'
bw: Arabic
de: principles, ideologies, political beliefs; doctrine Sg: mabda'
lx: mabaadi'
pd: (-da)
ps: n8-f-pl
key: mabaadi'
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
macaanin
-ta: (n) the act of making sweet or sweetening ~ macaynta
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madaalin
m.f.dh eeg madaali. la-mid: madaalis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madaalin
-ta: (magac, dhedig, keli) madaal ku miisid oo ku cabbirid. Kol haddii joonyadda miisaanka la saaray madaalin kale uma baahna. Dh: miisid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
makaabin
m.f.dh eeg makaabi. la-mid: makaabis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maqaalin
m.dh (-no, m.l) Bir af qoroofan oo xagga dambe dalool ku leh oo mallaayga lagu dabo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maqaalin
m.dh (-no, m.l) Bir af qoroofan oo xagga dambe dalool ku leh oo mallaayga lagu dabo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maqaddin
(Maqaddin-ka)
Madax; waayeel; ammaanduule.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maqaddin
m.l (-nno, m.dh) Madax; hoggaamiye.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maqaddin
m. n. head, chief
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maqaddin
-ka: (magac, lab, keli) qof wax hormood u ah oo la iska horraysiiyo. Odayga Waaberi ayaa reerka maqaddin u ah. Dh: abbaanduule, horfiiq.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maqaddin
bw: Arabic
cf: madax, ammaanduule
de: head, chief
lx: maqaddin
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: maqaddin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masaadir
m.dh.w eeg masdar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
masaadir
f. n., pl. root words {grammar}
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masaadir
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg maraajic.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
masaadir
bw: Arabic
de: root words {grammar}
lx: masaadir
pd: (-ta)
ps: n8-f-pl
see: masdar
key: masaadir
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mawaadso
(fal) xishood gobanimo yeelo. Nayaa sida hablaha filkaaya mawaadso. Dh: xishoo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maxaydin
question word, vl. pron. what ... you [plural.]?
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maxaydin
de: what ... you [plural]? = maxaa + baydin
lx: maxaydin
pd: (maxeydin)
ps: qw + vpro
key: maxaydin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
milaadin
m.f.dh eeg milaadi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muraadin
m.f.dh eeg muraadi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nadaadin
-ta: (magac, dhedig, keli) awr tabaadi ka dhigid. Nadaadinta awrku ma fududa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nagaadin
m.dh la-mid: negaadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nagaadin
-ta: (magac, dhedig, keli) qof socdaal lahaa safarkii ka baajin. Dh: oolin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalaadin
-ta: (magac, dhedig, keli) sida orgida u ciyid. Qalaadinta iska daa orgi ma tihide. Dh: ciyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rafaadin
(Rafaadin-ta)
Rafaad gaarsiin, badid; silcin; saxariirin; kadeedid; cadaadin; jirrabid; xadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rafaadin
m.f.dh eeg rafaadi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rafaadin
f. n. oppression, harassment
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
rafaadin
-ta: (n) the act of causing a hardship
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rafaadin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale carcaraafin oo rafaad ku ridid. Dh: silcin, dhibaatayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
rafaadin
de: oppression, harassment
lx: rafaadin
pd: (-ta)
ps: n2-f
key: rafaadin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ragaadin
m.f.dh eeg ragaadi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ragaadin
-ta: (magac, dhedig, keli) neef geel ah oo qodaxi addin ka mudday ka saarid; ragaad ka saarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rakaadin
m.dh la-mid: rakaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rakaadin
-ta: (magac, dhedig, keli) xoolo cabbay biyaha ku celcelin; kolba mar ku celin. Inteebaan bal rakaadin, ku adkeeyey raggii, oo dheg loo raaricin waayay, Dh: marin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saraadin
m.f.dh eeg saraadi. la-mid: saraadis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sawaabin
m.f.dh eeg sawaabi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sawaabin
-ta: (magac, dhedig, keli) ajar siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tanaadin
(Tanaadin-ta)
Tanaad ka dhigid; hodmin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tanaadin
m.f.dh eeg tanaadi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tanaadin
-ta: (magac, dhedig, keli) tanaad ka dhigid, hodmin. Tanaadinta adeerkay ayaa u sabab ah. Dh: tanaadis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walaadin
-ta: (magac, dhedig, keli) (ka ~) xoog uga qaylisiin.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
XASAADIN
(Hasadin) N Euphorbia hararensis Pax. Euphorbiaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Marawaxadin
(Marawaxadin-ta)
Babbin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marawaxadin
m.f.dh eeg marawaxadi. la-mid: marwaxadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marawaxadin
-ta: (magac, dhedig, kel) baalin maro waraag kartoon iyo wixii la mid ahjus laydh looga helo. Dh: balfin, babbin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mardaaddin
m.dh la-mid: mardaaddiyid.