matoobbo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Matoobbo
(Matoobba-da)
Ul afku soo laaban yahay oo lagu xarragoodo; Bakoorad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
matoobbo
m.l (-ooyin, m.l) Ul af godan leh oo raggu ku xarragoodo; bakoorad. la-mid: matoobbe.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
matoobbo
f. n. walking stick
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
matoobbo
-matoobbada: (n) walking stick (wooking-istik)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
matoobbo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg matoobbi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
matoobbo
de: walking stick
lx: matoobbo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: matoobbo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
matoobbe
m.l la-mid: matoobbo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
matoobbe
-ha: (magac, lab, keli) ul toosan oo xagga sare ka soo qoolaaban oo xarrago iyo ku dagaalanba loo qaato. Nin matoobbe iyo cimaamad sita ayaa na so maray. Dh: bakoorad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
matoobbi
(fal) ulee oo la dhac ul bakoorad ah. Waar ninka matoobbi wuu ku wareershee. Dh: bakooradee.
matoobbi-ga (magac, lab, keli) ul toosan oo xagga sare ka soo qoolaaban oo xarrago iyo ku dagaalanba loo qaato. Nin matoobbi iyo cimaamad sita ayaa na soo maray. Dh: bakoorad.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
cane
/keyn/ (n) 1. qasabka sonkorta laga sameeyo (n) 2. ul; matoobbo.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
crook
/kruuk/ (n) 1. khaa'in (tuug) (n) 2. qalloocsan (laaban) (n) 3. bakoorad (matoobbo) (v) 4. qalloocin.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
walking stick
/wokin-istik/ (n) matoobbo (usha la cuskado).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bakoorad
-da: (n) walking stick ~ matoobbo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cantoobso
(fal) in cantoobo ah qaado, in sacabka buuxisa qaado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sharoobbo
-da: (magac, dhedig, keli) dareere ka kooban waxyaalo badan oo laysku daray, oo dhalo ku jira oo dawo ahaan loo cabbo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xantoobso
f.g3 (-saday, -satay) Hal xantoobo gacanta ku qaadasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xantoobso
v. pick up a handful of something for oneself
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xantoobso
-xantoobsaday / xantoobsatay: (v) grasp a handful; take a handful ~ xantoobi, cantoobso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xantoobso
(fal) calaacasha buuxso oo adigu sacab muggii qaado. Gorowga xantoobso oo candhuufta ku bi'i. Dh: cantoobso, cantoobo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xantoobso
de: pick up a handful of s.t. for oneself
initial: x
lx: xantoobso
nt: xantoobsad (ka) [vn-m], xantoobsasho (/da) [vn-f]
pd: (xantoobsaday)
ps: v3a=tr
key: xantoobso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yantoobso
(fal) sacabka buuxso oo wada qaado. Saloolka yantoobso. Dh: xantoobso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Doobbo
(Doobba-da)
1. Geesaha fiiqfiiqan oo dheerdheer oo lo'da, kd.
2. Doobta awrta qooqan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doobbo
m.dh 1. geesaha fiiqfiiqan oo dhaadheer oo lo'da. 2. la-mid: doob².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
doobbo
f. n., [collective] horns of cattle
doobbo [feminine] n. froth from the mouth of a male camel
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doobbo
-da: (magac, dhedig, keli) doobta awrta. Baarqab aan doobbo lahayni baarqab maaha.
doobbo -ha: (magac, lab, keli) geesaha dhaadheer ee lo'da. Dh: geeso.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
goobbo
-goobbada: (n) hump (hamp); a deformity of the back in human beings ~ tuur
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
masoob
inch. v. become equal, even (out)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
masoob
de: become equal, even (out) rw: mase
lx: masoob
pd: (masoobay)
ps: v1=inch
key: masoob
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
matoor
m.l (-ro, m.dh) la-mid: motoor.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
matoor
m.l (-ro, m.dh) la-mid: motoor.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
matoor
m. n. motor, engine
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
matoor
-ka: (n) motor (mootor); machine (ma shiin'); engine (en 'jin) motoor, mashiin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
matoor
-ka: (magac, lab, keli) makiinad ama mishiin dab dhaliya. Beertu matoor ayay u baahan tahay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
matoor
de: motor, engine {Eng}
lx: matoor
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: matoor
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garoobo
-da: (magac, dhedig, keli) naag aan la qabin oo ninkeedii furay ama uu ka dhintay. Islaan garoobo ah ayuu Waaberi guursaday. Dh: garoob, carmali.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Macooyo
(Macooya-da)
Abooto (ama mocooyo).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
macooyo
m.dh (-ooyin, m.l) Abooto, ayeeyo. la-mid: mocooyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
macooyo
m.dh (-ooyin, m.l) Abooto, ayeeyo. la-mid: mocooyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
macooyo
f. n. grandmother; great grandmother
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
macooyo
-macooyada: (n) grandmother (garaan maather) ~ mocooyo, ayeeyo, abooto
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macooyo
-da: (magac, dhedig, keli) aabbo hooyadii ama hooyo hooyadeed. Macooyo waa waalid la jecel yahay. Dh: ayeeyo, abooto, mocoy, mocooyo.
macooyo-da: (magac, dhedig, keli) cayayaan yaryar oo uur kuusan oo aan dhibaato lahayn. Macooyo way gurguurataa oo waxba ma cunto.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
macooyo
bw: mocooyo {N}
de: grandmother; great grandmother
lx: macooyo
pd: (/da)
ps: n6-f
syn: abooto, ayeeyo
key: macooyo
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
madoobe
m. n. blacky, the black one
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Madoobe
nickname; name-m black, swarthy
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
madoobe
de: blacky, the black one Also a nickname for a very dark person
lx: madoobe
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: madoobe
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
makooko
m.l Ciyaar dhaqameed laga yaqaan degaanka Jilib.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
malooqo
f.g3 (-qday, -qatay) Subag, dhoobo iyo wixi lamida isku dhoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malooqo
(fal) subag, dhoobo ama wax kale, isku dhoob.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maqooro
f.mg3 (-rtay, -ratay) la-mid: moqorso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maqooro
(fal) qaybso. Hawsho kala magooro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Marooko
pr. n., loc. Morocco
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Marooko
(n) Morocco; Rabat is the capital and Casablanca the largest city
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Marooko
de: Morocco
lx: Marooko
ps: n0-loc
key: Marooko
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Marooro
(Maroora-da)
Geedsaar yar oo dhirta isku mara oo laamo dhanaan oo la cuno leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marooro
m.dh (botani) Geed-saar ka kooban laamo jilicsan oo la cuno, oo dhadhankiisu dhanaanyahay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
marooro
m.dh (botani) Geed-saar ka kooban laamo jilicsan oo la cuno, oo dhadhankiisu dhanaanyahay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
marooro
f. n., [collective] climbing plant ~ vine species, which is tart but edible
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marooro
-da: (magac, dhedig, keli) geedsaar yar oo dhirta isku marta oo laamo dhuudhuuban oon caleen lahayn leh oo fadhaq jilicsan oo dhanaan oo la cuno bixiya. Maroorada daayeerkaa jecel. Dh: xangay, xaangay.
marooro -da: (magac, dhedig, keli) qallooc aan toosnayn; xoodnaan leh. Baloon marooro ku jirto meel laguma xidhi karo. Dh: maroor, qallooc. Li: toosni.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
marooro
de: climbing plant ~ vine sp., which is tart but edible
lx: marooro
pd: (/da)
ps: n6-f-col
key: marooro
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
matooni
m. n. brick
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
matooni
-ga: (magac, lab, keli) jaajuur aqallada lagu dhiso oo sibidh, garri iyo ciid la isku qooshay oo la engejiyay ah. Kun hal oo matooni adag ah ii samee. Dh: laban, jaajuur.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
matooni
de: brick
lx: matooni
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: matooni
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
matoote
-ha: (magac, lab, keli) surwaal lugo gaaban oo jilbaha iyo agagaarkooda gaadha. Matoote nin gashadaa muuqaal dhallaan buu yeeshaa. Dh: shoorti.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maxabbo
(Maxabba-da)
Jacayl; kalgacal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maxabbo
m.dh Jacayl. la-mid: muxubbo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maxabbo
m.dh Jacayl. la-mid: muxubbo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maxabbo
f. n., [abstract] love, affection
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maxabbo
-maxabbada: (n) love (laav); affection (affakshin); fondness (foondhnes) ~ kalgacaltooyo, kalgacayl; kalgacal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maxabbo
-da: (magac, dhedig, keli) jacayl xoog ah. Dh: muxubbo, kalgacal, muxibbo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maxabbo
a: muxubbo
de: love, affection
lx: maxabbo
pd: (/da)
ps: n6-f-abs
key: maxabbo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qatooyo
(Qatooya-da)
Wax waayid; hungoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qatooyo
m.dh 1. Ku sugnaanta nafley muddo ku sugnaato wax cunid la'aan. 2. Wax siin la'aanta qof wax doonaya. 3. la-mid: qadid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qatooyo
m.dh 1. Ku sugnaanta nafley muddo ku sugnaato wax cunid la'aan. 2. Wax siin la'aanta qof wax doonaya. 3. qadid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qatooyo
f. n., [abstract] lack, frustration
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qatooyo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg qatanaan.
qatooyo-da: (magac, dhedig, keli) hongoobid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qatooyo
de: lack, frustration rw: qad
lx: qatooyo
pd: (/da)
ps: n0-f-abs
key: qatooyo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tatoomo
m.dh la-mid: tantoomo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tatoomo
-da: (magac, dhedig, keli) shanta farood iyo calaacasha gacanta oo duuban soo si feker iyo gujada ka duwan wax loogu dhufto. Dh: tantoomo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xatooyo
(Xatooya-da)
Wax la xado; tuugo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xatooyo
m.dh Hanti cid kale leedahay oo amar la'aan qarsoodi looga qaato; tuugannimo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xatooyo
m.dh Hanti cid kale leedahay oo amar la'aan qarsoodi looga qaato; tuugannimo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xatooyo
f. n., [collective] theft; thievery, embezzlement
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xatooyo
-xatooyada: (n) theft (thef-ti); stealing (istiil-ingY, larceny (laar-sa-niy burglary (boor-galari) ~ xadid, tuugannimo. Ex: xatooyo xoolo dadweyne; embezzlement [stealing] ofpublic properties
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Xatooyo
Furto
Theft
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xatooyo
-da: (magac, dhedig, keli) tuugo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xatooyo
de: theft; thievery, embezzlement = xad + -tooyo
initial: x
lx: xatooyo
pd: (/da)
ps: n6-f-col
key: xatooyo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cantoobo
(Cantooba-da)
Xaantoobo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cantoobo
m.dh (-ooyin, m.l) In kol shanta farood iyo calaacasha lagu qabto oo buuxisa. la-mid: cantoob, xantoobo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cantoobo
m.dh (-ooyin, m.l) In kol shanta farood iyo calaacasha lagu qabto oo buuxisa. la-mid: cantoob, xantoobo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cantoobo
f. n. handful
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cantoobo
-cantoobada: (n) handful (haandh-fuul) ~ gacan muggeed, xantoobo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cantoobo
(fal) wax daadsan oo firi leh sida badar kuul iyo wixii la mid ah, sacabada ku qaado. Dh: xantoobo, cantoobso.
cantoobo-da: (magac, dhedig keli) sacab muggii. Dh: xantoobo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cantoobo
a: xaantoobo
de: handful
lx: cantoobo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: cantoobo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
catoobid
-da: (magac, dhedig, keli) hadal cataw ah ku hadlid; calaacalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madoobay
(fal) wax madow ka dhig. Kabaha ii madoobay. Dh: madoobee. Li: caddee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madoobee
f.g/mg2 (-beeyay, -beysay) 1. (f.g) Wax midab madow u yeelid. 2. (f.mg) Ka m.: cilmi, garaad iyo wixi lamida oo cid maskaxdeeda ku jira ka tirtirid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
madoobee
f.g/mg2 (-beeyay, -beysay) 1. (f.g) Wax midab madow u yeelid. 2. (f.mg) Ka m.: cilmi, garaad iyo wixi lamida oo cid maskaxdeeda ku jira ka tirtirid. m.f.dh, madoobayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
madoobee
v. blacken, paint black; darken
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
madoobee
-yey I madoobeysay: (v) make dark or black; blacken (bal-aaken)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madoobee
(fal) eeg madoobay.