matil
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
matil
matil¹: m.l la-mid: masal¹.
matil²: f.g1 (-ilay, -ishay) la-mid: masal².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
matil
m. n. example
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
matil
de: example
lx: matil
pd: (-ka)
ps: n2-m
see: masal (and related forms)
key: matil
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
/meyl/ (n) 1. boosto; boosto ku dirid 2. habka boostadu wax u socodsiiso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maqil
(Maqil-ka)
Firiiric; findoob.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maqil
m.l Firiiric, fin doob.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maqil
m. n., [collective] spots (on the skin), rash; prickly heat; acne
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maqil
-ka: (magac, lab, keli) finan yaryar oo dhallinyarada wajiga kasoo daata marka ay qaangaadhka yihiin. Maqil baad wajiga ku leedahay. Dh: findoob.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maqil
cf: firiiric ~ furuuruc
de: spots (on the skin), rash; prickly heat; acne
lx: maqil
pd: (-ka)
ps: n2-m-col
key: maqil
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masil
masil¹: m.l la-mid: masal¹.
masil²: f.g1 (-ilay, -ishay) la-mid: masal².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
masil
m. n. example
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masil
(fal) riwaayad ama dhacdo hore fal ahaan cid ku tus. Bal masil sida aad tuugga u qabatay Dh: matal, jil.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
masil
de: example
lx: masil
pd: (-ka)
ps: n2-m
see: masal (and related forms)
key: masil
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
matal
matal¹: m.l la-mid: masal¹.
matal²: f.g1 (-alay, -ashay) la-mid: masal².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
matal
m.l la-mid: masal¹, misaal.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
matal
m. n. (adj.): example; like, similar
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
matal
-ay/matashay: (v) represent (ri para zent); stand for; on behalf of matil.
ku matal -ay/ matashay: (v) compare with
matal: -ka: (adv) for example ~ mataal, matalan, mesel
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
matal
-ka: (magac, lab, keli) eeg masil.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
matal
de: example; [atr.] like, similar
lx: matal
pd: (-ka)
ps: n2-m
see: masal (and related forms)
key: matal
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
matin
matin, n.m. - Aroor; Subax; gelinka hore (ee maalintii).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masal
masal¹: m.l (-llo, m.dh) 1. Tusaale. 2. M.kayga, m.kaaga iyo wixi lamida: wax, wax kale kala mid ah xagga dhaqanka, jimirka, dhererka iyo wixi lamida. la-mid: masil¹, matal¹, matil¹, mesel¹, metel¹.
masal²: f.g1 (-alay, -ashay) 1. (riw.) Filim, riwaayad iyo wixi lamida jilid. 2. Cid wakiil ka noqosho. 3. Ku m.: wax, wax kale ku qiyaasid. la-mid: masil², matal², matil², mesel², metel².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masalid
m.f.dh eeg masal². la-mid: masilid, matalid, matilid, meselid, metelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muuq-doori
f.g2 (-iyay, -isay) (riw.) Dad wax matilaya haaneedin, qurxin; turukeyn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
masal
masal¹: m.l (-llo, m.dh) 1. Tusaale. 2. M.kayga, m.kaaga iyo wixi lamida: wax, wax kale kala mid ah xagga dhaqanka, jimirka, dhererka iyo wixi lamida. la-mid: mesel, metel, matal.
masal²: f.g1 (-alay, -ashay) 1. (riw.) Filim, riwaayad iyo wixi lamida jilid. 2. Cid wakiil ka noqosho. 3. Ku m.: wax, wax kale ku qiyaasid. m.f.dh, masalid. la-mid: matil, mesel, metel.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
muuqdoori
f.g2 (-iyay, -isay) (riw.) Dad wax matilaya haaneedin, qurxin; turukeyn.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
metel
-ay meteshay: (v) represent (ri-para-zent); stand for; on behalf of ~ matil.
ku metel -ay / matashay: (v) compare with
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
raffigurare
v.tr. - sawir ku muujin; matilid.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
figuratif
figuratif, adj. - wax matila.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
martial
/marshal/ (adj) ee milateri (arimaha ciidamada ku lug leh).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
martial
martial, adj. - Maxkamadayn (militari ama madani).
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Martile
name-m guest-keeper
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
matilid
m.dh la-mid: masalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
matilid
-da: (magac, dhedig, keli) siday wax ahaayeen fal ku samayn.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
matinal
matinal, adj. - Goor-hore; waqti hore.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fatiil
m.l (-llo, m.dh) Liifad. la-mid: fatiilad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
macbil
m.l 1. la-mid: macbiil, macmiil. Cid si joogta ah meel wax uga gadata ama uga iibsata. 2. la-mid: macaammilo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
macbil
m.l 1. la-mid: macbiil, macmiil. Cid si joogta ah meel wax uga gadata ama uga iibsata. 2. la-mid: macaammilo.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
macbil
-ah: (adj) not original; used (yuusidh) ~ jacbur
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
macmil
m.l (-llo, m.dh) Shay aan kii dhabta ahaa ahayn oo si ku meel gaar ah loo adeegsado. la-mid: macbil.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
macmil
m.l (-llo, m.dh) Shay aan kii dhabta ahaa ahayn oo si ku meel gaar ah loo adeegsado. la-mid: macbil.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macmil
-ka: (magac, lab, keli) shey aan kii dhabta ahaa ahayn oo si ku meel gaadh ah loo adeegsado. Dh: macbil.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madiil
-sha: (magac, dhedig, keli) eeg maddiil.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maliil
maliil¹: m.l 1. la-mid: mariil 1. Qof tabartii ku dhamaatay jirro muddo haysay ama hayso awgeed. 2. la-mid: maliilid.
maliil²: f.mg1 (-iilay, -iishay) Maliil noqosho. la-mid: mariil².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maliil
m.l 1. la-mid: mariil 1. Qof tabartii ku dhamaatay jirro muddo haysay ama hayso awgeed.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maliil
m. n. decrepit person, someone who has wasted away ~ is gravely ill
maliil [inchoative] v. waste away, become decrepit, be seriously ill
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maliil
-ay / maliishay: (v) become thin (thiin), lean (liin) or gaunt (goont) due to sickness ~ mariil
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maliil
-ka: (magac, lab, keli) qarayari xoog ah; laf yaraan aad ah oo jirro raagtay keento. Dh: miliil.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
mantel
/maantal/mantelpiece;(n) qarka ama xakabadda ka korraysa meesha dabka (dabka fadhiga guryaha lugu shido).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maqyil
-ka: (magac, lab, keli) eeg maqayil.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mariil
mariil¹: m.l la-mid: maliil1. la-mid: maliilid.
mariil²: f.mg1 (-iilay, -iishay) la-mid: maliil².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mariil
inch. v. waste away, be gravely ill, become decrepit
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mariil
-ay / maliishay: (n) become thin (thiin), lean (liin) or gaunt (goont) due to sickness ~ maliil
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mariil
de: waste away, be gravely ill, become decrepit
lx: mariil
pd: (mariilay)
ps: v1=inch
see: maliil (and related forms)
key: mariil
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masiil
m.dh 1. Dheecaanka geedaha. 2. Dharab.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
masiil
m.dh 1. Dheecaanka geedaha. 2. Dharab. masiix m.l (dii.) Magacyada nabi Ciise mid ka mid ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masiil
-ka: (magac, lab, keli) wax u dhigma, wax lala simo.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
mastic
mastic, n.m. - maaddo loo isticmaalo in daloolada lagu jufoo jilicsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mataal
m.l la-mid: misaal.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mataal
m. n. example
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mataal
-ka: (n) for example ~ matal, misaal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mataal
-ka: (magac, lab, keli) eeg masaal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mataal
a: misaal
bw: Arabic
de: example
lx: mataal
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: mataal
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
matita
s.f. - laabis, qalinqori.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Matrix
Taxane
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Matrix
Nud guudeed
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maxile
m.l/dh (-layaal, m.l/dh) Nin aan xil lagu aamini karin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maxmil
(Maxmil-ka)
Maro xariir madow ah oo tel iyo Quraan lagu qurxiyey, oo qaali ah oo Kacbada la huwiyo; Rati la garqaadayo baa Maka lagu keenaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maxmil
maxmil¹: m.l (-llo/-xaamil, m.dh) 1. Rixli. 2. Bir qaroofan oo yaxaasbadeedka lagu dabo. 3. Maro xariir-madow ah oo tal iyo quraan lagu qurxiyey oo kabcada lagu dado.
maxmil²: f.g1 (-ilay, -ishay) Libaax-badeed maxmil ku dabid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maxmil
m.l (-llo/-xaamil, m.dh) 1. Rixli. 2. Bir qaroofan oo yaxaasbadeedka lagu dabo. 3. Maro xariir-madow ah oo tal iyo quraan lagu qurxiyey oo kabcada lagu dado. m.dh, maxaamil.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maxmil
m. n. cloth embroidered with a text from the Koran ~ other designs
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maxmil
-ka: (magac, lab, keli) maro xariir madow ah oo tel iyo Quraan lagu dul qoro oo lagu quxiyo oo qaali ah oo Kacbada la huwiyo. Maalinta cidd ayaa Kacbada maxmilka la huwiyaa. Dh: kiswad.
maxmil -ka: (magac, lab, keli) adkaysi gardarro loo adkaysto oo la dulqaato. Dh: xammil, dulqaad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maxmil
bw: Arabic
de: cloth embroidered with a text from the Koran ~ other designs
lx: maxmil
pd: (-ka Pl: maxaamil (/sha))
ps: n2-m, n8-m
key: maxmil
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaatil
(Qaatil-ka)
Qof wax dilid badan; dilaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaatil
m.l (-liin, m.dh) Qof dilaa ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaatil
m. n. killer, murderer, assassin
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaatil
-ka: (n) murderer (moor-dharar)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaatil
-ka: (magac, lab, keli) qof wax dilid badan. Qaatilka waa la iska qabtaa. Dh: dilaa, dhaqarqabe.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaatil
bw: Arabic
de: killer, murderer, assassin
lx: qaatil
pd: (-ka Pl: qaatiliin (ta))
ps: n2-m, n8-m
key: qaatil
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bilmatil
fk. la-mid: bilmasal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Martiile
magac loo bixiyo wiil laga filayo mid martida si fiican u sooryeeya ama u bariiya.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
material
/matiriyal/ (n) 1. shay; walax 2. maro (dhar).
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Material
Alaab
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
matériel
matériel, adj. - qalab.
matériel, n.m. - alaabo; qalab; walax; shay.
matériel de stockage - qalabka keydsiga.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
matilaad
m.dh (riw.) Habka wax loo jilo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
matilaad
m.dh (riw.) Habka wax loo jilo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
matilaad
-da: (magac, dhedig, keli) dhacdo: qiso: sheeko iyo wixii la mid ah si riwaayad ah u jilid. Dh: masilaad, jilid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
ail
/eeyl/ailing;(v) 1. jirrasho, xanuunsasho. e.g. This medicine is good for what ails you. (v) 2. dhibid, kadeedid. e.g. What ails you?
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
ail
ail, n. - Toon (midda basasha u eg).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
ail
ailment, n., xanuun, -ki.
ail, v.tr., xanuuni, xanuuji; what ails you? maxaa ku xanuujinaya?
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
mai
avv. - marna, abadan.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
mai
mai, n.m. - Bisha shanaad ee sannadka miilaadiga; Maajo; Meey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mal
(Mal-ka)
1. Saxarada maqasha iyo dhasha kale oo yaryar oo aan weli caano maahee daaq baran (ama malo).
2. Cudur kalaggoysyada gala; qalaw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mal
mal¹: m.l 1. Saxaro jilicsan oo dhasha yaryar oo caano ku noolka ahi dhigaan. 2. Cudur kala goysyada ku dhaca oo kuuduudiya. 3. Cudur dhasha geela ku dhaca oo kuduudiya.
mal²: f.mg1 (-alay, -ashay) Dhal yar oo caana ku nool ahi mal dhigid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mal
m.l 1. Saxaro jilicsan oo dhasha yaryar oo caano ku noolka ahi dhigaan. 2. Cudur kala goysyada ku dhaca oo kuuduudiya. 3. Cudur dhasha geela ku dhaca oo kuduudiya.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mal
m. n., [collective] meconium, feces of newborn animals ~ children
mal v. evacuate meconium (feces)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mal
-ka: (n) meconium (mi koo-niyam); a dark green stool or feces of the new-born baby
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mal
-ka: (magac, lab, keli) saxarada maqasha iyo dhasha kale een weli ababaran. Nirgaha malka ka nadiifi. Dh: xaar, malo.
mal -ka: (magac, lab, keli) cudur kalaggoyska cududda iyo garabka isku xidha ku dhaca. Odayga mal baa garabka ka jebiyay: Dh: qalaw
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
mal
mal, n.M. - Xanuun; Dhibaato; Waxyeelo; Dhaawac; Cudur; Jirro.
mal de dents - ilko xanuun.
dire du mal de quelqu'un - Wax xun ka sheegid qof.
mal au coeur - Wadna xanuun.
mal de mer - Cudur badeed; Qofka marka uu badda ku dhoofo mantaga ee xanuunsada.
mal de tête - Madax xanuun.
mal, adj. - Xun; ma wanaagsana.
mal, adv. - xun
mal aisé - Raaxo lahayn; aan debecsanayn
prendre mal une chose - Ka xumaansha ama ka xanuunsasho xaaladeed
être bien mal - Xanuunsanaan.
se trouver mal - Xanuunsasho.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
mat
derin
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
mat
/maat/ (n) salli; sajaayad; derin (dermo yar).