maskax-buq
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MASKAX-BUQ
(Maskahbugh) N Momordica spinosa (Gilg.) Chiov. Cucurbitaceae.
N Combretum aculeatum Vent. Combretaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maskaxbuq
m.dh la-mid: madaxbuq.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maskaxbuq
-da: (magac, dhedig, keli) geed geedaha ka mid ah oo ubax buurbuuran bixiya. Maskaxbuqda ha jiidhine ka weeco.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MADAX-BUQ
(Madah-bug) Luffa cylindrica (L) M. J. Roem. Cucurbitaceae.
N Momordica macrosperma (Cogn.) Chiov. Cucurbitaceae.
S Vitex negundo L. Verbenaceae.
S Vitex tangensis Guerke Verbenaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Madaxbuq
(Madaxbuq-da)
Geed yar oo dhirta saabbuunta leh kamid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madaxbuq
m.dh (botani) Geedgaab faallala oo leh laamo jilicsan iyo bari weyn oo dharka lagu mayrto; maskaxbuq; qasanqas; madaxbushi. la-mid: madaxbushi, maskaxbuq.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
madaxbuq
f. n. small plant species, used as soap ~ shampoo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madaxbuq
-da: (magac, dhedig, keli) geed yar oo dhirta saabuunta leh ka mid ah. Dalkeenna waxa ka baxa madaxbuq.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
madaxbuq
de: small plant sp., used as soap ~ shampoo
lx: madaxbuq
pd: (-da)
ps: n2a-f-enum
key: madaxbuq
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MAYTAM-BUUQ
(Maitam-buq) S Combretum illairii Engl. Combretaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maskaxfalluuq
-a: (magac, lab, keli) xanuun garaac ah oo qabta labada dhinac ee madaxa midkood. Dh: dhanjaf, shimbir.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MADAX-BUUR
(Madah-burr) C,N? Coelachyrum poaeflorum Chiov. Gramineae.
S,C Dactyloctenium scindicum Boiss. Gramineae.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maskax la'
adj., [expression] unwise, foolish, unintelligent, brainless
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maskax leh
adj., [expression] intelligent, reasonable, sensible
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maskax_la'
de: unwise, foolish, unintelligent, brainless
lx: maskax la'
ps: adj-expr
key: maskax_la'
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maskax_leh
de: intelligent, reasonable, sensible
lx: maskax leh
ps: adj-expr
key: maskax_leh
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maskaxyari
m.dh Maskax la'ahaansho. la-mid: maskaxyaro¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maskaxyari
-da: (magac, dhedig, keli) garaad yaraan aan wax badan la kasin. Dh: caqliyari, maangaabni.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maskaxyaro
(Maskaxyara-da)
Maskaxda docdeeda hoose oo ku jirta lafmadaxda labadeeda dhinac oo hoose, oo u dhow meesha lafdhabarta dhuuxeedu ka bilawdo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maskaxyaro
maskaxyaro¹: m.dh 1. Maskaxda qaybteeda dambbe ee qadaadka ku taal. 2. la-mid: maskaxyari.
maskaxyaro²: m.dh (cilmiga naflayda) Qaybta maskaxda lafdhabarleyda ee khusaysa xidhiidhinta iyo joogtaynta waxqabadka muruqyada, waxaanay sugtaa baaxadda muruqa iyo dheellitirkiisa. Maskaxyarada naasleydu waxay ka koobantahay laba gibil oo isku xidhan, kaas oo ka samaysan maatar cad oo wareegsan iyo lakab sare oo aad u laalaaban.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maskaxyaro
maskaxyaro¹: m.dh 1. Maskaxda qaybteeda dambbe ee qadaadka ku taal. 2. la-mid: maskaxyari.
maskaxyaro²: m.dh (cilmiga naflayda) Qaybta maskaxda lafdhabarleyda ee khusaysa xidhiidhinta iyo joogtaynta waxqabadka muruqyada, waxaanay sugtaa baaxadda muruqa iyo dheellitirkiisa. Maskaxyarada naasleydu waxay ka koobantahay laba gibil oo isku xidhan, kaas oo ka samaysan maatar cad oo wareegsan iyo lakab sare oo aad u laalaaban.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maskaxyaro
f. n., [compound] lower part of the brain; careless, quick to act, impulsive, bad-tempered
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maskaxyaro
-da: (magac, dhedig, keli) maskaxda dhankeeda hoose ee ku jirta lafmadaxda labadeeda dhinac ee hoose oo u dhow meesha lafdhabarta dhuuxeedu ka bilawdo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maskaxyaro
de: lower part of the brain; [fig.] careless, quick to act, impulsive, bad-tempered
lx: maskaxyaro
pd: (/da)
ps: n6-f-cmp
key: maskaxyaro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maskabjaban
f.mg4 (-bnaa, -bnayd) la-mid: maskarjaban.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maskabjabid
m.dh l maskarjabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maskabjabin
m.dh la-mid: maskarjabin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maskarjaban
f.mg4 (-bnaa, -bnayd) Qof maskarjab ku dhacay ahaansho. la-mid: maskabjaban, maskabjabsan, maskarjabsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maskarjaban
(tilmaame) xeebta u caaryay oo baad iyo biyo midna haysan ah. Dh: maskarjabsan maskarjabi: (fal) dad badda ku qaraqmay biyo iyo baad la'aan berriga u kexee. Maskarjabi dadka oo qayladhaan u dir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maskarjabid
m.f.dh eeg maskarjab². la-mid: maskabjab¹, maskabjabid, markarjab¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maskarjabid
-da: (magac, dhedig, keli) qarqoomid oo berriga u baxsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maskarjabin
m.f.dh eeg maskarjabi. la-mid: maskabjabin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maskarjabin
-ta: (magac, dhedig, keli) dad badda ku qaraqmay biyo iyo baad la'aan berriga u saarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maskaxfered
-ka: (magac, lab, keli) eeg maskaxfalluuq.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maskaxdambeed
-da: (magac, dhedig, keli) qaybta dambe ee maskaxda ee ku dhereran ilaa iyo xangulaha. Shaqooyinka ay qabato waxa ka mid ah xidhiidhinta gujooyinka qaabilayaasha taabashada, maqalka iyo organnada dhadhanka. Waxa kale oo ay xukuntaa hababka iswada sida garaaca wadnaha, isku soo ururka iyo kala baxa dhuumaha dhiigga iyo falnaqyo kale duwan.