mashquulsanow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mashquulsanow
f.mg3 (-naaday, -naatay) Ku m.: (qof) wax la mashquuliyey noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mashquulsanow
(fal) wakhtigaaga shaqo iyo wax qabad ku buuxi; firaaqo ha yeelan. Intaad tamarta hayso mashquulsanow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mashquulsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la mashquuliyey ahaansho (qof).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mashquulsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la mashquuliyey ahaansho (qof). m.f.dh, mashquulsanaan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mashquulsan
-aa: (adj) preoccupied (piriiokipaayidh) engaged (en-geeyjidh), engrossed (en-garawsidh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mashquulsan
(tilmaame) hawlo ku jira oon wakhti uu ku baashaalo haysan ah. Dh: foogan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mashquulsani
-da: (magac, dhedig, keli) eeg mashquulsanaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ku_mashquulsanow
de: remain occupied with s.t., be involved in ~ busy with s.t.
lx: ku mashquulsanow
pd: (mashquulsanaaday)
ps: v3a=expr
key: ku_mashquulsanow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mashquulsanaansho
m.l/dh eeg mashquulsanow. la-mid: mashquulsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mashquulsanaan
m.f.dh eeg mashquulsan. la-mid: mashquulsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mashquulsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) hawlo ku foognaan oo shaqo ku jirid. Dh: mashquulsani.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mashquulin
m.f.dh eeg mashquuli. la-mid: mashquulis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mashquulin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale mashquul ka dhigid oo hawlo u dhiibid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mashquulnimo
-da: (magac, dhedig, keli) mashquul ahaan oo hawl is daba jog ah ku jirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masaafursanow
f.mg3 (-naaday, -naatay) la-mid: masaafirsanow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masaafursanow
(fal) qof masaafuris ku jira ahaw. Adaa waraaqahaagii soo qaadan waayee weligaaba masaafursanow.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku mashquulsan
adj., [expression] occupied with something, involved in, busy with
ku mashquulsan: v. remain occupied with something, be involved in ~ busy with something
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ku_mashquulsan
de: occupied with s.t., involved in, busy with
lx: ku mashquulsan
pd: (mashquulsanaa)
ps: adj-expr
key: ku_mashquulsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madalsanow
f.mg3 (-naaday, -naatay) Qof cid ballan la galay noqosho. la-mid: madashanow.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
madalsanow
inch. v. be fixed, get arranged (as a meeting ~ appointment)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
madalsanow
de: be fixed, get arranged (as a meeting ~ appointment)
lx: madalsanow
pd: (madalsanaaday)
ps: v3a=inch
key: madalsanow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
makhuursan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: maquursan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
makhuursan
(tilmaame) muquursan oo idayl biyaha ku wada dhex qarsoon oon waxba laga arkayn ah. Nin badda makhuursan ayaan madaxa kaga joogsaday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mashquulid
m.f.dh eeg mashquul².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mashquulid
-da: (magac, dhedig, keli) hawlo iyo shaqooyin ku foognaan; shaqo isdabajoog ah ku jirid. Dh: foogni, mashquulis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mashquulis
m.l la-mid: mashquulin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mashquulis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg mashquulin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mashuuqsad
-ka: (maagac, lab, keli) nuugidda iskiriimka. Dh: mashuuqsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macaluulsan
(tilmaame) wax macaluuli hayso co nafaqadarro hayso ah. Waxan u gurmannay ubad macaluulsan. Dh: gaajaysan. Li: dheregsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masayrsanow
f.mg3 (-naaday, -naatay) Cid wax masayr hayo noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masayrsanow
(fal) hinaase ku jir. Haddaad i rumaysanayn weligaaba masayrsanow: Dh: hinaasanow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marqaansanow
f.mg3 (-naaday, -naatay) Wax marqaamay noqosho (qof). la-mid: murqaansanow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marqaansanow
(fal) eeg marqaansanaw
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mashuuqsasho
-da: (fal) mashuuqsad samayn. Qol aan faruuryo lahayn mashuuqsashada ma karo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masaafarsanow
(fal) qof safar ku jira oo musaafir ah ahaw. Intaad reerkaagii ku noqonayso masaafarsanow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masaafirsanow
f.mg3 (-naaday, -naatay) Qof dalkiisa laga masaafiriyey noqosho. la-mid: masaafursanow, musaafursanow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masaafirsanow
(fal) qof masaafuris ku jira ahaw Adaa waraagahaagii soo qaadan waayee weligaaba masaafirsanow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
musaafursanow
f.mg3 (-naaday, -naatay) la-mid: masaafirsanow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
musaafursanow
(fal) qof masaafuris ku jira ahaw Adaa waraaqahaagii soo qaadan waayee weligaaba musaafursanow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macaluulsanaan
-ta: (maagac, dhedig, keli) eeg macaluulnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bashuuqsad
m.l la-mid: bashuuqsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bashuuqsad
-ka: (magac, lab, keli) wax dhacaan badan leh bashuuqsashadii. Dh: barfuuqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fashuuqsad
-ka: (magac, lab, keli) wax qoyan oo dheecaamaya af ku qabsad oo nuugid. Dh: bashuuqsad, bashuuqsi, fashuuqsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
macaluulan
f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Nafley caato ahaansho. la-mid: macaluushan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
macaluulan
f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Nafley caato ahaansho. m.dh, macaluulnaan. la-mid: macaluushan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macaluulan
(tilmaame) macaluuli hayso oo gaajo iyo baahi la tiicaya ah. Dh: macaluulsan
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
macquul ah
adj., [expression] possible, plausible, admissible, reasonable, rational, logical
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
macquul_ah
bw: Arabic
de: possible, plausible, admissible, reasonable, rational, logical
lx: macquul ah
ps: adj-expr
key: macquul_ah
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madalsanaw
(fal) eeg madalsamaw
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madluunsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Qof la madluumiyey ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
madluunsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Qof la madluumiyey ahaansho. m.f.dh, madluunsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
madluunsan
der. [adjective] sad, gloomy, unhappy, displeased
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
madluunsan
-aa: (adj) depressed (dipareesty, sad (saadh); low in spirits
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madluunsan
(tilmaame) cidlaysan oo ciil iyo walbahaar ku sugan. Ninkii oo keligii meel madluunsan ayaan ka soo kexeeyey.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
madluunsan
de: sad, gloomy, unhappy, displeased
lx: madluunsan
pd: (madluunsanaa)
ps: adj-der
key: madluunsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mamnuucnow
f.mg3 (-naaday, -naatay) Wax la mamnuucay noqosho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mamnuucnow
inch. v. become prohibited, remain forbidden
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mamnuucnow
(fal) wax mamnuuc ah oon la oggolayn ahaw. Buuriyoow weligaa mamnuucnow. Dh: mamnuucnaw.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mamnuucnow
de: become prohibited, remain forbidden
lx: mamnuucnow
pd: (mamnuucnaaday)
ps: v3a= inch
key: mamnuucnow
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maqsuudsan
-aa: (adj) contented (kontantidh); satisfied (satisfaayidh)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mas'uuliyo
m.dh la-mid: mas'uuliyad.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Mashruuc-a
projet.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masuulnimo
-da: (magac, dhedig, keli) masuul ahaan; xilkas ahaan; xilkasnimo. Masuulnimadu waa hibo iyo aqoon. Dh: madaxnimo, xilkasnimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mehersanow
f.mg3 (-naaday, -naatay) Naag meher ku xiranyahay noqosho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mehersanow
v. remain married (of a woman)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mehersanow
de: remain married (of a woman)
lx: mehersanow
pd: (mehersanaaday)
ps: v3a=intr
key: mehersanow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mukhuursan
f.g4 (-naa, -nayd) la-mid: maquursan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mukhuursan
(tilmaame) muquursan oo dayl biyaha ku wada dhex qarsoon oon waxba laga arkayn ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
murugsanow
f.mg3 (-naaday, -naatay) Wax murugsan ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
murugsanow
inch. v. get confused; be preoccupied, melancholy, saddened
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
murugsanow
(fal) wax murgsan oo meel laga fur iyo meel laga xidho midna lahayn noqo. Xadhig yahaw weligaaba murugsanow. Dh: murug.
murugsanow: (fal) wax murugo iyo welwel ku jira ahaw. Sidii wax laga dhintay u murugsanow. Dh: welwel, murugoo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
murugsanow
de: get confused; be preoccupied, melancholy, saddened
lx: murugsanow
pd: (murugsanaaday)
ps: v3a=inch
key: murugsanow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qushuucsan
f.mg1 (-naa, -nayd) la-mid: khushuucsan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tuhunsanow
v. suspect
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tuhunsanow
a: tuhunsanoow
de: suspect
initial: t
lx: tuhunsanow
pd: (tuhunsanaaday)
ps: v3a=
key: tuhunsanow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khashuucsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax khashuuc hayo ahaansho. la-mid: khushuucsan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
khashuucsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax khashuuc hayo ahaansho. m.f.dh, khashuucsanaan. la-mid: khushuucsan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
khashuucsan
der. [adjective] sad, discontented
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
khashuucsan
-aa: (adj) filled with spiritual emotion; inspired
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
khashuucsan
de: sad, discontented
lx: khashuucsan
pd: (khashuucsanaa)
ps: adj-der
key: khashuucsan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maanguursan
(tilmaame) dawakhsan oo dhulku la wareegayo ah. Nin maanguursan lalama hadlo. Dh: maskaxguursan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
majasuuxsan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: manjasuuxsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maquunsasho
m.dh la-mid: muquunsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maquunsasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg muquunsad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maroogsanow
inch. v. tangle, get all tangled up
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maroogsanow
de: tangle, get all tangled up
lx: maroogsanow
nt: maroogsanaasho (/da) [vn-f]
pd: (maroogsanaaday)
ps: v3a= inch
key: maroogsanow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maroorsanow
f.mg3 (-naaday, -naatay) Wax marooq yeeshay noqosho (xarig, maro iyo wixi lamida).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maroorsanow
inch. v. get twisted, become crooked
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maroorsanow
de: get twisted, become crooked
lx: maroorsanow
pd: (maroorsanaaday)
ps: v3=inch
key: maroorsanow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masaafursan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: masaafirsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masaafursan
(tilmaame) taarxiilsan oo qasab lagu masaafuriyay ah. Dh: masaafirsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mashaqaysan
Mashaqo hayso; dhibaataysan; mixnaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mashaqaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax mashaqo hayso ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mashaqaysan
der. [adjective] confused, troubled
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mashaqaysan
-mashaqaysnaa: (adj) experiencing or undergoing suffering; or feeling pain or distress; distressed (distareest) ~ dhibaataysan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mashaqaysan
(tilmaame) khayar iyo samo ku daallan oo ku mashquulsan. Ninka ubad leh een shaqayni waa nin mashagaysan. Dh: dhibban. Li: barwaaqaysan.
mashaqaysan: (tilmaame) barwaaqo iyo mashquul shaqo ku jira. Ninka roob u da'ay ee dibidil beerta iyo caafimaad hayaa waa nin mashagaysan. Dh: barwaaqaysan, maashaysan. Li: dhibaataysan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mashaqaysan
de: confused, troubled
lx: mashaqaysan
pd: (mashaqaysnaa)
ps: adj-der
key: mashaqaysan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bashuuqsasho
m.f.dh eeg bashuuqso. la-mid: bashuuqsad, bashuuqsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bashuuqsasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax nafaqo ama dhacaan ka buuxo bashuuqso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fashuuqsasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg fashuuqsad.