mashiiqso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mashiiqso
f.mg3 (-saday, -satay) 1. Wax la calalinayo dheecan ka nuugid. 2. Ka m.: sanqar afeed diidmo ah oo yasidi ku dheehantahay muujin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mashiiqso
v. make noises similar to the suction of a whirlpool
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mashiiqso
(fal) mahiiqsi samee. Adoon cid ula jeedin mashiiqso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mashiiqso
de: make noises similar to the suction of a whirlpool (as when one is swallowing s.t., or as a sign of contempt)
lx: mashiiqso
pd: (mashiiqsaday)
ps: v3a=intr
key: mashiiqso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mashiiqsi
m.l la-mid: mashiiqsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mashiiqsi
-ga: (magac, lab, keli) quudhsi iyo xaqiraad hadal ku jirin oo dumarku ku cabbiraan wejiga iyo faruuryaha oo ay ururiyaan neeftana dib u jiidaan. Dh: yaraysad, xaqirid. Li: ixtiraamid.
mashiiqsi -ga: (magac, lab, keli) cabitaan nuugis ah oo biyaha caanaha iyo wixii la mid ah loo cabo. Geelu biyaha mishiiqsi buu u cabbaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mishiiqso
(fal) mishiiqsi samee. Tli kaa mashiiqsata ka mishiiqso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mashiiqsad
-ka: (magac, lab, keli) mashiiqsi samayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miishmiisho
(fal) qunyar wax cun oo aayar u qaadqaado. Miishmiisho oo dhammee gorowga. Dh: yaryareyso.
miishmiisho: (fal) wax ad saluugayso madaxa ka rux. Intaad hadal xun odhan lahayd miishmiisho. Dh: mashiiqso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiiqso
f.g3 (-saday, -satay) Quwaax iyo wixi lamida iyadoo la calalinayo dhacaan ka nuugid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shiiqso
v. chew something and swallow the juice
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiiqso
(fal) wax adag oo dheecaan leh, afka geli oo waxa ku jira ka muudso
shiiqso: (fal) wax hore u weynaa, yarayso ama soo ururso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shiiqso
de: chew s.t. and swallow the juice
initial: s
lx: shiiqso
nt: shiiqsasho (/da) [vn-f], shiiqsi (ga) [vn-m]
pd: (shiiqsaday)
ps: v3a=tr
key: shiiqso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mahiibso
f.g3 (-saday, -satay) la-mid: mihiibso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mahiibso
v. take possession of something, appropriate
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mahiibso
de: take possession of s.t., appropriate
lx: mahiibso
pd: (mahiibsaday)
ps: v3a=tr
see: mihiibso
key: mahiibso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mashuuqso
(fal) wax adag oo qoyaan leh nuug. Iskiriinka mashuuqso. Dh: muudso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mishiiqsi
-ga: (magac, lab, keli) hab yaraysi ah oo inta ay dumarku wejiga ururiyaan qandhuuftana ay miciyada iyo dhoolasha dhexdooda ay ka ceshedaan. Dh: mashiiqsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mashiiqsasho
m.l eeg mashiiqso. la-mid: mashiiqsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mashiiqsasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg mashiiqsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khashiinso
(fal) cid kale, harawso oo bedowso.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
SHIIQO
(Shigo) NFD Euphorbia somalensis Pax. Euphorbiaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiiqso
f.g3 (-saday, -satay) Neef xoolo ah mar naaskiisa caano ka tuuqsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhiiqso
v. milk an animal for one's own benefit
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiiqso
(fal) dhiiq yar oo aan badnayn oo naas ku jirta ka maal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhiiqso
de: milk an animal for one's own benefit
lx: dhiiqso
pd: (dhiiqsaday)
ps: v3a=tr
key: dhiiqso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fashiiq
m.l Shuux.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maliiqo
m.dh la-mid: maleeqo.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MALIIQO
(Maliko) S Phoenix sp. Palmae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mashaqo
(Mashaqa-da)
Dhibaato; shiddo; mixno; xannibaad; xadnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mashaqo
mashaqo¹: m.dh (-ooyin, ml.) Dhibaato; shiddo; mixno; mushkulad.
mashaqo²: m.dh (fiisikis) Cabbirka xaddiga walaxi qaab doorsoontay, marka la saaro xoog qaabdooriye ah. Qaab doorintu marka ay tahay dherer, mashaqadu waxa ay le'egtahay saamiga isbeddel dhererka iyo dhererka salka ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mashaqo
mashaqo¹: m.dh (-ooyin, ml.) Dhibaato; shiddo; mixno; mushkulad.
mashaqo²: m.dh (fiisikis) Cabbirka xaddiga walaxi qaab doorsoontay, marka la saaro xoog qaab-dooriye ah. Qaab doorintu marka ay tahay dherer, mashaqadu waxa ay le'egtahay saamiga isbeddel dhererka iyo dhererka salka ah.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Mashaqo
Strain
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mashaqo
f. n. confusion, trouble
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mashaqo
-mashaqada: (n) difficulty (difikaltij, problem (porobalem); hardship (haard'shiip), crisis (karaaysis) ~ mashaakil, lur, saxariir, dhibaato
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mashaqo
-da: (magac, dhedig, keli) nimco iyo khayr ay hawli la socoto, Roobab ayaa aad noogu da'ay oo mashago ayaan ku jirnaa. Dh: mashquul.
mashaqo -da: (magac, dhedig, keli) dhibaatooyin xidhiidh ah oo inta badan wax wanaagsan ka dhasha.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mashaqo
de: confusion, trouble
lx: mashaqo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: mashaqo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mashiin
m.l (-nno, m.dh) 1. Makiinad. 2. Motoor.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mashiin
m.l (-nno, m.dh) 1. Makiinad. 2. Motoor.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mashiin
m. n. machine, motor
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mashiin
-ka: (n) machine (mashiin); engine (en'jin); motor (mootar) ~ mishiin, matoor-ka
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mashiin
-ka: (magac, lab, keli) biro la isku geeyey kuna shaqeeya saliid iyo shidaal si uu tamar iyo dab u dhaliyo. Dh: matoor, mishiin. Wa: mashiinno.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mashiin
a: mishiin {Eng}
de: machine, motor
lx: mashiin
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: mashiin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masiibo
m.dh la-mid: musiibo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
masiibo
m.dh la-mid: musiibo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
masiibo
f. n. disaster, calamity, mishap, misfortune; problem, trouble
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
masiibo
-masiibada: (n) disaster (disaaster); catastrophe (ka-taastaroofi); calamity (ka-laamati)-, an event having fatal or ruinous results ~ aafo, musiibo, tahluuko
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masiibo
-da: (magac, dhedig, keli) dhibaato aad u culus oo dad badan saamaysa oo ka kabashadeeduna xilli badan iyo kharash badan qaadato. Dh: balaayo, musiibo. Li: barkhad, nabad, khayr.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
masiibo
a: musiibo ~ masuubo
bw: Arabic
de: disaster, calamity, mishap, misfortune; problem, trouble
lx: masiibo
pd: (/da Pl: masaa'ib (ka))
ps: n6-f, n8-f
key: masiibo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nasiiso
(Nasiisa-da)
Nasin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nasiiso
f. n. act of relieving another at work, working in shifts
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nasiiso
de: act of relieving another at work, working in shifts
lx: nasiiso
pd: (/da)
ps: n6-f
key: nasiiso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shiiqsi
(Shiiqsi-ga)
Shiiqsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiiqsi
m.l la-mid: shiiqsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiiqsi
-ga: (magac, lab, keli) shiiqsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cariiqso
f.mg3 (-saday, -satay) Ku c.: fal cid lagu canaadayo ku kicid. la-mid: cariigso.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cariiqso
f.mg3 (-saday, -satay) Ku c.: fal cid lagu canaadayo ku kicid. m.f.dh, cariiqsasho. la-mid: cariigso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cariiqso
v. provoke, do something out of spite
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cariiqso
(fal) eeg cariigso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cariiqso
de: provoke, do s.t. out of spite
lx: cariiqso
pd: (cariiqsaday)
ps: v3a=
xe: Dont provoke me!
xv: Ha i cariiqsan!
key: cariiqso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cashiiro
(Cashiira-da)
Xigto. qaraabo, casabo; ehel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cashiiro
m.dh.u Qaraabo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cashiiro
m.dh.u Qaraabo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cashiiro
f. n., [collective] relatives, relations
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cashiiro
-da: (magac, dhedig, keli) dadka xigtada ah, dhan aabbo iyo dhan abti ba. Labadan reer, waa dad cashiiro ah oo is yaqaan. Dh: qaraabo, casabo, ehel, xigto, sokeeye.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cashiiro
de: relatives, relations
lx: cashiiro
pd: (/da)
ps: n6-f-col
syn: casabo, qaraabo, xigaalo, xigto
key: cashiiro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fadhiiso
f.g3 (-stay, -satay) la-mid: fariiso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fadhiiso
v. sit down, be seated, take a seat
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fadhiiso
-fadhiistay / fadhiisatay: (v) take a seat: sit down (sit dhaawn) ~ fariiso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fadhiiso
(fal) badhida dhulka saar oo ha sarajoogin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fadhiiso
a: fariiso ~ fadhdhiiso
de: sit down, be seated, take a seat
lx: fadhiiso
pd: (fadhiistay)
ps: v3b=
key: fadhiiso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fashiish
(tilmaame) wax tayadiisu xuntahay. Dh: liita.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gashiito
-da: (magac, dhedig, keli) xayawaan yar oo qodxo leh oo marka ay cid aragto ganta qodxahaas. Gashiito ayaa beertii gam ka dhigtay. Dh: dhiddo, caanaqub.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kashiito
(Kashiita-da)
Caanaqub; yaadaddo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kashiito
m.dh (-ooyin, m.l) Nafley caws ku nool ah oo leh qodxo dhaadheer oo midabbo caddaan iyo madow isugu jira leh, beerahana aad u waxyeelaysa; yaadaddo; dhiddo; caanaqub.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kashiito
m.dh (-ooyin, m.l) Nafley caws ku nool ah oo leh qodxo dhaadheer oo midabbo caddaan iyo madow isugu jira leh, beerahana aad u waxyeelaysa; yaadaddo; dhiddo; caanaqub.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kashiito
f. n. porcupine
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kashiito
-kashiitada: (n) porcupine (poorku-paayn) ~ caanaqub
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kashiito
-da: (magac, dhedig, keli) xayawaan cufan oo dhogor warmo u eg ay k abaxdo oogadeeda. Dh: yaadaddo, dhiddo, caanaqub.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kashiito
de: porcupine
lx: kashiito
pd: (/da)
ps: n6-f
syn: caanaqub, yaadaddo
key: kashiito
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maashiis
-ka: (magac, lab, keli) qof ay meeli had iyo jeer xanuunto. Wilku maashiis ayuu ku dhashay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maciinso
f.mg3 (-saday, -satay) la-mid: miciinso.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maciinso
f.g3 la-mid: miciinso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maciinso
v. ask for support; expect help from
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maciinso
-maciinsaday / maciinsatay: (v) be dependent or rely upon for support or help ~ miciinso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maciinso
(fal) taageero ka dayo; gargaar ka dhigo. Aqoontaada maciinso Ilaahayna talo saaro. Dh: taageerso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maciinso
de: ask for support; expect help from
lx: maciinso
pd: (maciinsaday)
ps: v3a=tr
see: miciinso
key: maciinso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
malliiqo
m.l Caw dermaha lagu sameeyo. la-mid: maleeqo, manniiqo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
malliiqo
f. n. leaf ~ leaves from a palm tree species, used for making mats
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malliiqo
-ha: (magac, lab, keli) caw dermaha lagu sameeyo. Dh: maleeqo, manniiqo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
malliiqo
a: manniiqo
de: leaf ~ leaves from a palm tree sp., used for making mats
lx: malliiqo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: malliiqo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Manniiqo
(Manniiqa-da)
Geed caw jilicsan leh; mayro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
manniiqo
m.dh la-mid: malliiqo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
manniiqo
f. n. palm leaf ~ leaves used for making mats
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
manniiqo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg maniiqo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
manniiqo
bw: malliiqo
cf: mayro
de: palm leaf ~ leaves used for making mats
lx: manniiqo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: manniiqo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mashaqsi
-ga: (magac, lab, keli) si basarxumo ah wax u cunid; calashi mashaqmashaq ah samayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mashiikh
-a: (magac, lab, kei) jecleysi ay dumarku u yeeshaan shey oo haddaan loo keenin ay xanuun la kulmaan. Dh: xaal, wadaaddo, mashiiq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mihiibso
f.g3 (-saday, -satay) Hanti aan la siin qaadasho (qof). la-mid: mahiibso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nasiibso
(fal) kunasiibkaaga ku eeg.