mashiiqsad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mashiiqsad
-ka: (magac, lab, keli) mashiiqsi samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiiqsad
m.l la-mid: shiiqsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiiqsad
-ka: (magac, lab, keli) shiiqsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mashiiqsi
m.l la-mid: mashiiqsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mashiiqsi
-ga: (magac, lab, keli) quudhsi iyo xaqiraad hadal ku jirin oo dumarku ku cabbiraan wejiga iyo faruuryaha oo ay ururiyaan neeftana dib u jiidaan. Dh: yaraysad, xaqirid. Li: ixtiraamid.
mashiiqsi -ga: (magac, lab, keli) cabitaan nuugis ah oo biyaha caanaha iyo wixii la mid ah loo cabo. Geelu biyaha mishiiqsi buu u cabbaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mashiiqso
f.mg3 (-saday, -satay) 1. Wax la calalinayo dheecan ka nuugid. 2. Ka m.: sanqar afeed diidmo ah oo yasidi ku dheehantahay muujin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mashiiqso
v. make noises similar to the suction of a whirlpool
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mashiiqso
(fal) mahiiqsi samee. Adoon cid ula jeedin mashiiqso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mashiiqso
de: make noises similar to the suction of a whirlpool (as when one is swallowing s.t., or as a sign of contempt)
lx: mashiiqso
pd: (mashiiqsaday)
ps: v3a=intr
key: mashiiqso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mashuuqsad
-ka: (maagac, lab, keli) nuugidda iskiriimka. Dh: mashuuqsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bushle
m.l (-layaal, m.l/dh) Quwaax meseggo oo aan lahayn dhacaan badan oo laga mashiiqsado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mashiiqsasho
m.l eeg mashiiqso. la-mid: mashiiqsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mashiiqsasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg mashiiqsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Casiisad
(Casiisad-da)
Kimis, si gaar ah oo farsamo iyo aalad badan u baahan, loo sameeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
casiisad
m.dh 1. C. ah: ciso leh (haweenay). 2. Kimis, si gaar ah oo farsamo iyo aalad badan u baahan, loo sameeyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
casiisad
f. n. bread pudding (prepared with several spices)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
casiisad
-da: (magac, dhedig, keli) daqiiq biyo lagu walaaqo oo kimis laga sameeyo. Farsamaynteeda, si gaar ah ayaa loo sameeyaa, qalab badan na waa loo adeegsadaa. Dh: sabaayad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
casiisad
cf: kimisdhaal
de: bread pudding (prepared with several spices)
lx: casiisad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: casiisad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiiqsad
m.l la-mid: dhiiqsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiiqsad
-ka: (magac, lab, keli) naas dhiiq ku jirta ka maalid. Dh: lisad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maxiisad
-da: (magac, dhedig, keli) gabadh caruusad gacanyare u ah ayaanta ay guursanayso. Ilaan la qabaa maxiisad ma noqoto. Dh: mixiisad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiiqsan
(tilmaame) shiiqay
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cariiqsad
(Cariiqsad-ka)
Cariiqsi, cariiqsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cariiqsad
m.l la-mid: cariiqsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cariiqsad
vl. n. provocation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cariiqsad
-ka: (magac, lab, keli) amardiiddo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cariiqsad
a: cariiqsasho (/da) [vn6-f]
de: provocation
lx: cariiqsad
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: cariiqsad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fadhiisad
m.l la-mid: fariisasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fadhiisad
-ka: (magac, lab, keli) adiga oo sare u taagnaa, badhida dhulka saarid.
fadhiisad -ka: (magac, lab, keli) caano ama dareere kale, gadhoodhid, barafoobid ama si kale u fadhiisad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maciinsad
m.l la-mid: miciinsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maciinsad
-ka: (magac, lab, keli) kaalmaysad oo tageero iyo gargaar ka dayid. Wiilkii aan maciinsad ka dayay ayaa ani dib ii baadhay. Dh: miciinsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malxiisad
-da: (magac, dhedig, keli) gabadh caruusadda dhinac fadhiisata oo gacan yare u ah habeenka arooska. Intaad mashquulin malxiisad dooro. Dh: mixiisad, maxiisad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maqiiqsan
(tilmaame) eeg maqiiqan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mashfaqad
-da: (magac, dhedig, keli) cudbi ama wax kale oo dumarka caadada lihi isticmaalaan si ay nadaafadda dharkooda u ilaaliyaan. Mashfaqad qaado hadday salaaddu kaa jaban tahay. Dh: cafisdhawr.
mashfaqad -da: (magac, dhedig, keli) naxariis aad u badan oo waalidnimo ama walaalnimo oo cid loo muujiyo. Dh: naxariis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maskiinad
m.dh la-mid: miskiinad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maskiinad
f. n. poor woman
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maskiinad
-da: (n) 1. Poor woman or girl ~ miskiinad. 2. humble woman or girl
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maskiinad
a: miskiinad
de: poor woman
lx: maskiinad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: maskiinad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mishiiqsi
-ga: (magac, lab, keli) hab yaraysi ah oo inta ay dumarku wejiga ururiyaan qandhuuftana ay miciyada iyo dhoolasha dhexdooda ay ka ceshedaan. Dh: mashiiqsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mishiiqso
(fal) mishiiqsi samee. Tli kaa mashiiqsata ka mishiiqso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nasiibsad
-ka: (magac, lab, keli) nasiibkaaga tijaabin oo wax natiijadiisa aad garanayn isku biimay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rafiiqsad
-ka: (magac, lab, keli) cid rafiiq ka dhigasho. Rafiiqsadka nimaan run aqoon waa lagu luggo'aa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tashiilad
(Tashiilad-ka)
Tashiilasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tashiilad
m.l la-mid: tashiilasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tashiilad
-ka: (magac, lab, keli) wax dhaqaalaysadka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaqiiqsad
(Xaqiiqsad-da)
Xaqiiqsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaqiiqsad
m.l la-mid: xaqiiqsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaqiiqsad
-ka: (magac, lab, keli) rumaysad oo jiritaankiisa run u aaminid. Dh: xaqiiqsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bashiicsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la bashiiciyey ahaansho (albaab iyo wixi lamida). la-mid: bishiicsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bashiicsan
(tilmaame) wax ama meel in yari ka bannaantahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bashiishad
(Bashitshad-ka)
1. Neef la rabey in la ogaado kolkuu dhala hayo, oo cidla ku dhala.
2. Arrin aan sidii la rabey noqon oo aan lagu liibaanin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bashiishad
m.l 1. Neef la rabay in la ogaado kolkuu dhalayo, oo cidla ku dhala. 2. Arrin aan sidii la rabay noqon oo aan lagu liibaanin. 3. la-mid: bashiishasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bashiishad
m. n., [collective] domestic animal that gives birth by itself without one's knowledge; something that turns out contrary
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bashiishad
-ka: (magac, lab, keli) neef ida ah oo cidla' ku dhalay. Bashiishadka ka ilaali sabeenta ilmaha yaanay cidla' kaga imanin.
bashiishad -ka: (magac, lab, keli) arrin sidii la doonayey noqon weyday. Dh: xagaldaac.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bashiishad
cf: bishishiro
de: domestic animal that gives birth by itself without one's knowledge; [fig.] s.t. that turns out contrary to one's wishes, in which one did not succeed
lx: bashiishad
pd: (-ka)
ps: n0-m-col
key: bashiishad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bashuuqsad
m.l la-mid: bashuuqsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bashuuqsad
-ka: (magac, lab, keli) wax dhacaan badan leh bashuuqsashadii. Dh: barfuuqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fashuuqsad
-ka: (magac, lab, keli) wax qoyan oo dheecaamaya af ku qabsad oo nuugid. Dh: bashuuqsad, bashuuqsi, fashuuqsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gashiishad
-da: (magac, dhedig, keli) budo la karsho oo la cuno. Gashiishad baa nalagu casuumay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xashiishad
m.dh la-mid: xashiish.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xashiishad
f. n., (mass n.): hashish
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xashiishad
-da: (n) hashish (ha-shiish)- marijuana (mara-waana) ~ xashiish, daroogo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xashiishad
-da: (magac, dhedig, keli) geed la beero oo caleentiisa sida buuriga loo fuudo oo mukhaadaraadka ka mid ah. Dh: xashiish, maandooriye. Wa: xashiishado.
xashiishad -da: (magac, dhedig, keli) nooc maandooriyaha ka mid ah oo siyaabo kala duwan loo isticmaalo. Nin xashiishad cabbaa waa nin khamri cabbay. Dh: xashiish.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xashiishad
de: hashish
initial: x
lx: xashiishad
pd: (-da)
ps: n1-f-mass
key: xashiishad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cashiiraysad
m.l la-mid: cashiiraysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cashiiraysad
-ka: (magac, lab, keli) ehel iyo xigto ka dhigad. Dh: cashiiraysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ma libiqsado
vp-expr (adj.): has great courage; brave
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ma_libiqsado
de: has great courage; [atr.] brave Lit: does not blink an eye
lx: ma libiqsado
ps: vp-expr
key: ma_libiqsado
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madiidinsad
m.l la-mid: midiidinsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mashiiggaan
m.l la-mid: mashiinggaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mashiiggaan
-ka: (magac, lab, keli) nooc hubka degta lagu qaato ka mid ah oo rasaasi ka dhacdo. Dh: mishigaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mashiingaan
m.l (-nno, m.dh) Qori boobe ah oo cago leh oo xabbadihiisu silsilad dheer ku taxanyihiin. la-mid: mashiiggaan, mishiggaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mashiingaan
m.l (-nno, m.dh) Qori boobe ah oo cago leh oo xabbadihiisu silsilad dheer ku taxanyihiin. la-mid: mashiiggaan, mishiggaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mashiingaan
m. n. machine gun, sub-machine gun
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mashiingaan
de: machine gun, sub-machine gun {Eng}
lx: mashiingaan
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: mashiingaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
matiitixsad
m.l la-mid: matiitixsasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
-shiisa
de: his
lx: -shiisa
ps: pro-det-3m
xe: his sister
xv: =-tiisa
key: -shiisa
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiiqad
m.l la-mid: dhiiqasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fashiiq
m.l Shuux.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fiiqsad
(Fiiqsad-ka)
Fiiqsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiiqsad
m.l la-mid: fiiqsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiiqsad
-ka: (magac, lab, keli) heemis ama dhammayn; faaruqin iyo dhammaan laacid. Dh: fiiqsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hiigsad
-ka: (magac, lab, keli) wax aad doonaysid inaad taabtid ama gaadhid, si laballaxaadsi ah u tiigsad, u dabajjoogid. Dh: hiigsasho, hiigsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hiinsad
(Hiinsad-ka)
Hiinsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hiinsad
m.l la-mid: heensasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hiinsad
-ka: (magac, lab, keli) wax yar oo caano iyo wixii la mid ah oo weel ku hadhay, ka fuuqsad. Dh: hiinsasho,
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jiiqsad
(Jiiqsad-ka)
Jiiqsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiiqsad
m.l la-mid: jiiqsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiiqsad
-ka: (magac, lab, keli) cid kaa itaal yar, u xoogsheego.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madhsad
-ka: (magac, lab, keli) laasad: idlaysad; idlaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mashiin
m.l (-nno, m.dh) 1. Makiinad. 2. Motoor.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mashiin
m.l (-nno, m.dh) 1. Makiinad. 2. Motoor.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mashiin
m. n. machine, motor
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mashiin
-ka: (n) machine (mashiin); engine (en'jin); motor (mootar) ~ mishiin, matoor-ka
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mashiin
-ka: (magac, lab, keli) biro la isku geeyey kuna shaqeeya saliid iyo shidaal si uu tamar iyo dab u dhaliyo. Dh: matoor, mishiin. Wa: mashiinno.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mashiin
a: mishiin {Eng}
de: machine, motor
lx: mashiin
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: mashiin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mashqac
-a: (magac, lab, keli) fure qasacadaha iyo quruuradaha lagu furo. Dh: mafag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miirsad
m.l la-mid: miyirsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nashqad
-da: (magac, dhedig, keli) jaad, nooc ama sida uu wax u eg yahay. Dharku wuu kala nashqad wanaagsan yahay. Dh: naqshad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Rashiid
name: Rasheed