mascalooleed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mascalooleed
-ka: (magac, lab, keli) dirxi yaryar oo caloosha ku dhasha oo dadka laga daweeyo. Dh: gooryaancalooleed.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
giiryaan
-ka: (magac, lab, keli) dirxi noocyo badan leh oo xiidmaha gudahooda ku dhasha. Dh: gooryaan, mascalooleed.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ilmacalooleed
m.l (-dyo, m.dh) (cilmiga naflayda) Uurjiifka naasleyda, gaar ahaan dadka, marka korrinkiisu gaadho heer loo aqoonsan karo muuqaallada qof weyn. Dadka uurjifkiisu laga billaabo siddeed toddobaad ilaa inta uu dhalanayo waxaa la idhaahdaa ilmo calooleed. ilmooley m.dh Haweeney carruur badan oo yaryar leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilmo-calooleed
m.l (-dyo, m.dh) (cilmiga naflayda) Uurjiifka naasleyda, gaar ahaan dadka, marka korrinkiisu gaadho heer loo aqoonsan karo muuqaallada qof weyn. Dadka uurjifkiisu laga billaabo siddeed toddobaad ilaa inta uu dhalanayo waxaa la idhaahdaa ilmo calooleed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boogcalooleed
boogcalooleed¹: m.dh (-dyo, m.dh) Nabar caloosha ka soo baxa. la-mid: boogcaloolo.
boog-calooleed²: m.dh (-dyo, m.l) (daawo) Boog ku sameysmata caloosha waxaana keena aasidhka oo gubeysa caloosha. Aasidhka caloosha ma bato. Astaamaha: matag iyo xanuun caloosha cunnada kaddib, waxaa iman kara dhiigbax iyo waxa kaloo dhici kara kala xirin caloosha iyo xidmaha markii nabarku buskoodo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
boogcalooleed
boogcalooleed¹: m.dh (-dyo, m.dh) Nabar caloosha ka soo baxa. la-mid: boogcaloolo.
boogcalooleed²: m.dh (-dyo, m.l) (daaw.) Boog ku sameysmata caloosha waxaana keena aasidhka oo gubeysa caloosha. Aasidhka caloosha ma bato. Astaamaha: matag iyo xanuun caloosha cunnada kaddib, waxaa iman kara dhiigbax iyo waxa kaloo dhici kara kala xirin caloosha iyo xidmaha markii nabarku buskoodo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boogcalooleed
-da: (magac, dhedig, keli) boog ama nabar caloolsha ka soo baxa. Dh: boogcaloolo, gaastari, nudub.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
mascalzóne
s.m. - ciyaal suuq.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
SHALOOLEEY
(Shalolei) May Uvaria acuminata Oliv. Annonaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dagaaltoleed
m.l Dagaal dhex mara dad qaraabo ah; dagaalsokeeye.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dagaaltoleed
m. n., [compound] civil war, fight within the same group, clan, tribe ~ nation
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dagaaltoleed
de: civil war, fight within the same group, clan, tribe ~ nation
lx: dagaaltoleed
pd: (-ka)
ps: n-m-cmp
key: dagaaltoleed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gancaloolaad
-ka: (magac, lab, keli) gaska yar ee caloosha k abaxa gudaheeda. Dh: gancalooleed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Boog-calooleed
(Boog-calooleed-da)
Nabar caloosha ka soo baxa; (ama boog-caloolo).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
boog-calooleed
f. n. stomach ulcer
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
ASSAL-BOONEED
(Asal-boned) N Trichilia emetica Vahl. Meliaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kufri-calooleed
(Kufri-calooleed-ka)
Munaafaqnimo (ama kufri-caloolo).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kufri-calooleed
m. n., [compound] one who is secretly an infidel; hypocrite
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bacalleel
-ka: (magac, lab, keli) fadhiga ay ka muuqato maahsanaanta iyo daranyadu.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maatooley
-da: (magac, dhedig, keli) dad maxas iyo maati wata oon dagaal u jeedin. Dh: maatiley.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Masaafood
(Masaafood-ka)
Meel masaafo jirta aadid; socosho; fogaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masaafood
m.f.l eeg masaafoo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
masaafood
vl. n. going to a distant place, traveling
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masaafood
(fal) eeg masaafoo.
masaafood-ka: (magac, lab, keli) meel masaafo jirta tegid oo u socosho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
masaafood
de: going to a distant place, traveling
lx: masaafood
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: masaafood
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maantoolee
f.mg2 (-leeyay, -leysay) Maantoole sheegid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macaajilee
(fal) eeg macaajilay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Macaluulid
(Macaluulid-da)
Caatoobid; weydoobid; xayeesiyoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
macaluulid
m.f.dh eeg macaluul². la-mid: macaluulis².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macaluulid
-da: (magac, dhedig, keli) gaajo iyo macaluul darteed u dhimasho ama qarka u gaadhid. Dh: macaluulis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mascaanood
m.l (cilmiga naflayda) Mas dheer oo midabkiisu casaan xigeenyahay oo aan dadka qaniinin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mascaanood
m.l (cilmiga naflayda) Mas dheer oo midabkiisu casaan xigeenyahay oo aan dadka qaniinin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mascaanood
m. n. long non-poisonous snake species of grayish-red color
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mascaanood
de: long non-poisonous snake sp. of grayish-red color
lx: mascaanood
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: mascaanood
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masciideed
m.l (c.nafl) Nooc masaska halista ah ka mid ah oo leh midab dhiin ah oo badanaa jooga dhulka cadduunka ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
masciideed
m.l (c.nafl) Nooc masaska halista ah ka mid ah oo leh midab dhiin ah oo badanaa jooga dhulka cadduunka ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
masciideed
m. n. snake species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masciideed
-ka: (magac, lab, keli) midab ciidcaska u eg oo qurux badan waxa lagu tusmeeyaa gabdhaha maarriinka cas ah. Macaaantii an doortaay, waxad tahay masciideed.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
masciideed
de: snake sp.
lx: masciideed
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: masciideed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saacadoole
-ha: (magac, lab, keli) kan farsameeya saacadaha; farsamayaqaan saacadeed.
saacadoole -ha: (magac, lab, keli) dukaanka saacadaha iibsha ama lagu sameeyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaalgobeed
(tilmaame) si wanaagdsan oo gobnimo ah. Dh: wanaag. Li: xumaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daldaloolid
(Daldaloolid-da)
Daldaloollo badan lahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daldaloolid
m.f.dh eeg daldalool². la-mid: dulduleelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daldaloolid
-da: (magac, dhedig, keli) meelo banbannaan leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Magaaloobid
(Magaaloobid-da)
Magaalo noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
magaaloobid
m.f.dh eeg magaalow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magaaloobid
-da: (magac, dhedig, keli) magaalo noqosho; cammirmid. Magaaloobidda magaalada waxa asaas u ah biyaha iyo waddooyinka. Dh: magaaloobis.
magaaloobid-da: (magac, dhedig, keli) reer magaal noqosho; qof reer magaal ah ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mashaqoobid
(Mashaqoobid-da)
Mashaqo ku dhicid; mixnoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mashaqoobid
m.f.dh eeg mashaqow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mashaqoobid
-da: (magac, dhedig, keli) mixno iyo mashaakil nimcadi keentay la kulmid. Mashagoobidda roobabka barwaagaa ka dambayn.
mashaqoobid -da: (magac, dhedig, keli) wax mashaqaysan ahaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ka caloolgo'
v. quit, forget about; give up on, despair of; become disillusioned about
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ka_caloolgo'
de: quit, forget about; give up on, despair of; become disillusioned about
lx: ka caloolgo'
pd: (caloolgo'ay)
ps: v2a=expr
key: ka_caloolgo'
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masalugooley
m.dh la-mid: masacagaley.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maskaxfareed
m.l Xannun badan oo madaxa qabta. la-mid: madaxfareed.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saymaroobeed
(tilmaame) dhibicda roobka.
saymaroobeed -ka: (magac, lab, keli) dhibicda roobka ka soo da'da, curasho roobeed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xad-awoodeed
m.dh (-dad ..., m.l) (qaanuun) Awood maxkamad sharciyeed ama madax sare oo ku gaara go'aan ama fuliya sharci.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xad-awoodeed
m.dh (-dad ..., m.l) (qaan.) Awood maxkamad sharciyeed ama madax sare oo ku gaara go'aan ama fuliya sharci.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabaaljooglee
f.mg2 (-leeyey, -leysay) Dabaaljoogle samayn. la-mid: dabaaljoogtee, dabbaaljooglee, dabbaaljoogtee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dabaaljooglee
v. stand up ~ erect in the water; tread water
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dabaaljooglee
-yey / dabaaljoogleysay: (v) make breaststroke
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabaaljooglee
(fal) dabaaljoog ciyaar oo adoo jooga badda dul sabbee. Dabaaljoogee si aanad u daalin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dabaaljooglee
de: stand up ~ erect in the water; tread water; splash about
lx: dabaaljooglee
pd: (dabaaljoogleeyey)
ps: v2b= intr
key: dabaaljooglee
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
HAWL AQOONEED
Lavoro professionale
Professional work

Hawl aqooneed
Lavoro professionale
Professional work
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
juscambuuleed
m.l la-mid: juscambuulo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Labacaloolyaa
(Labacaloolyaa-ga)
Geed-nagaar aan qodax lahayn, oo badanaa xooluhu ayan daaqin, hadday daaqaanse ay ku bukoodaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labacaloolyaa
m.l Geedgaab aan qodax lahayn oo marka ay xooluhu daaqaan ku jirradaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
labacaloolyaa
m. n., [collective] plant species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labacaloolyaa
-ga: (magac, lab, keli) geed nagaadh ah oo aan qodax lahayn oo hadday xooluhu daaqaan ay badanaa ku bukoodaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
labacaloolyaa
de: plant sp. (makes livestock sick if they graze on it)
lx: labacaloolyaa
pd: (-ga)
ps: n-m-col
key: labacaloolyaa
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mansalugooley
m.dh la-mid: masacagaley.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mansalugooley
f. n. monitor lizard, iguana
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mansalugooley
a: mansacagaley, mansalugaley, mansacagaley, masacagaley
de: monitor lizard, iguana
lx: mansalugooley
pd: (-da)
ps: n-f
key: mansalugooley
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
masaafo dheer
(adj) long distance ~ meel fog
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maskaxdambeed
-da: (magac, dhedig, keli) qaybta dambe ee maskaxda ee ku dhereran ilaa iyo xangulaha. Shaqooyinka ay qabato waxa ka mid ah xidhiidhinta gujooyinka qaabilayaasha taabashada, maqalka iyo organnada dhadhanka. Waxa kale oo ay xukuntaa hababka iswada sida garaaca wadnaha, isku soo ururka iyo kala baxa dhuumaha dhiigga iyo falnaqyo kale duwan.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
SAGAARO-LEGED
(Sagaro-lagget) N Ormocarpum kirkii S. Moore Papilionaceae.
N Lannea malifolia (Chiov) Sacleux. Anacardiaceae.
N Ormocarpum muricatum Chiov. Papilionaceae.