masayrsi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masayrsi
-ga: (magac, lab, keli) qof kale ujeedde uga hinaasiisasho. Masayrsiga islaanta ma inaad ku dhacdo ayaad uga jeeddaa. Dh: masayrsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masayrsii
f.g/mg2 (-iiyay, -iisay) la-mid: masayri.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masayrsii
(fal) qof kale ka hinaasii. Islaanta masayrsii haddana sasab. Dh: hinaasii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masayri
f.g/mg2 (-iyay, -isay) M./ka m.: cid masayr ku beerid. la-mid: masayrsii.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
masayri
f.g/mg2 (-iyay, -isay) M./ka m.: cid masayr ku beerid. m.f.dh, masayrin. la-mid: masayrsii.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
masayri
v. make someone jealous
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masayri
(fal) hinaase ku rid oo wax ka masayriya samee. Afadaada tijaabi oo ka masayri. Dh: hinaasi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
masayri
de: make s.o. jealous
lx: masayri
pd: (masayriyey)
ps: v2a=tr
key: masayri
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masayrsiin
m.f.dh la-mid: masayrin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masayrsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) qof kale ka hinaasiin. Dh: hinaasiin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ka_masayrsii
de: make s.o. jealous, cause s.o. to be jealous of
lx: ka masayrsii
pd: (masayrsiiyey)
ps: v2a=expr
key: ka_masayrsii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Masayrsan
Masayr hayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masayrsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Cid masayr hayo ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
masayrsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Cid masayr hayo ahaansho. m.f.dh, masayrsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
masayrsan
der. [adjective] jealous
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
masayrsan
-aa: (adj) jealous (jel'as) envious (enviyas)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masayrsan
(tilmaame) hinaase hayo oo maan rogan ah. Dh: hinaasan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
masayrsan
de: jealous
lx: masayrsan
pd: (masayrsanaa)
ps: adj-der
key: masayrsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Masayrtir
(Masayrtir-ka)
Wax qofka masayrsan la siiyo oo lagu qaboojiyo oo masayrka ka bi'iya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masayrtir
masayrtir¹: m.l Hanti la siiyo naag masayrsan si loo raalliggeliyo.
masayrtir²: f.g/mg1 (-ray, -rtay) Haweenay masayrsan hanti siin si loo raalliggeliyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
masayrtir
m.l Hanti la siiyo naag masayrsan si loo raalliggeliyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
masayrtir
m. n., [compound] gift to placate jealousy
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masayrtir
-ka: (magac, lab, keli) xoolo ama hanti kale oo sasaba ah oo gabadha lala guursado la siiyo. Dh: hinaasatir.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
masayrtir
de: gift to placate jealousy
lx: masayrtir
nt: masayrtir [v1=]
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: masayrtir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maarsi
(Maarsi-ga)
Maarsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maarsi
vl. n. doing without
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maarsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg maarsad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maarsi
a: maarsasho (/da) [vn-f]
de: doing without
lx: maarsi
pd: (-ga)
ps: vn-m
key: maarsi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Masayr
(Masayr-ka)
Shaki iyo male lala gubto, inta qof aad loo jecel yahay laga baqo, in cid kale wax ka wadaagto ama laba tagto; hinaaso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masayr
masayr¹: m.l 1. Cuqdo qof qaado marka uu ogaado qof uu jeclaa inuu qof kale xiriir la leeyahay. 2. U quuriwaayidda qof kale oo wax uu haysto loo quuri wayo.
masayr²: f.mg1 (-ray, -rtay) 1. Qof masayr ku beermid. 2. Qof wax haysto u quuriwaayid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
masayr
masayr¹: m.l 1. Cuqdo qof qaado marka uu ogaado qof uu jeclaa inuu qof kale xiriir la leeyahay. 2. U quuriwaayidda qof kale oo wax uu haysto loo quuri wayo.
masayr²: f.mg1 (-ray, -rtay) 1. Qof masayr ku beermid. 2. Qof wax haysto u quuriwaayid. m.f.dh, masayrid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
masayr
m. n., [abstract] jealousy
masayr [inchoative] v. be ~ become jealous (of)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
masayr
-ka: (n) jealousy (jel'asi); envy (en'vi); jealous attitude ~ maseyr, hinnaaso.
masayr -ay / -tay: (v) be jealous; envy (en vi)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Masayr
Gelosia
Jealousy
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masayr
(fal) hinaas; masayr ha kugu dhaco. Ninkaagu hadduu labeeyo adna masayr.
masayr -ka: (magac, lab, keli) cadho waalli u dhawaata oo falal lala yaabo la sameeyo oo labada isqabta midkood ku dhaca hadduu ka shikiyo ama ninku xaas kale yeesho. Dh: hinaase.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masays
-ka: (magac, lab, keli) isku mid ka dhigid; is barbar dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
macaysi
m.l la-mid: macaanaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg macaanaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madaysi
-ga: (magac, lab, keli) made u yeelasho. Madaysiga beertaada ha lagula joogo. Dh: xadaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
malaysi
m.l la-mid: malaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg malaysad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Masaari
f. n., pl. Egyptian people, Egyptians
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Masaari
-da: (n) 1. Egyptian (i-japshan). 2. Egypt; Cairo is the capital and the largest city
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Masaari
de: Egyptian people, Egyptians
lx: Masaari
pd: (-da Sg: Masri (ga))
ps: n8-f-pl
key: Masaari
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maqaarsi
(Maqaarsi-ga)
Cid weji u noqosho; qof kale sharafki ama magaci, wax ku doonasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maqaarsi
m.l la-mid: maqaarsasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
masayr_1
bw: maseyr {C & S}
de: jealousy
hm: 1
lx: masayr
pd: (-ka)
ps: n2-m-abs
syn: hinaas ~ hinaaso
key: masayr_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
masayr_2
de: be ~ become jealous (of) (with preposition ka)
hm: 2
lx: masayr
pd: (masayray)
ps: v1=inch
key: masayr_2
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masayraw
-ga: (magac, lab, keli) qof lab oo hinaase badan. Dh: hinaasi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Masayrid
(Masayrid-da)
Masayr ku dhicid, taabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masayrid
m.f.dh eeg masayr².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masayrid
-da: (magac, dhedig, keli) hinaasid, masayr yeelasho. Naag lala guursaday masayrid waa lagu ogaa. Dh: hinaasid, masayris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Masayrin
(Masayrin-ta)
Masayr ku ridid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masayrin
m.f.dh eeg masayri. la-mid: masayrsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masayrin
-ta: (magac, dhedig, keli) ka hinaasiin o wax laga masayrto samayn. Masayrinta xaaskaaga safaad ha ka dhigan. Dh: hinaasin, masayrsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masayris
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg masayrid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masaariif
m.dh Lacag joogto ah oo hal beri la biishado; biil. la-mid: masruuf¹.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
masaariif
m.dh Lacag joogto ah oo hal beri la biishado; biil. la-mid: masruuf.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
masaariif
f. n., pl. expenses, costs
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
masaariif
-ta: (n) [plural of masruuf -ka] maintenance (mayn-ta-nansi); as of a family, with the necessities of life; support (sa-poort); living expenses; cost of living ~ biil -ka
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
masaariif
bw: Arabic
de: expenses, costs Sg: masruuf
lx: masaariif
pd: (-ta)
ps: n8-f-pl
key: masaariif
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masayrrey
m.dh (-reeyo, m.dh) Naag masayr badan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
masayrrey
m.dh (-reeyo, m.dh) Naag masayr badan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
masayrrey
f. n. very jealous woman
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
masayrrey
de: very jealous woman
lx: masayrrey
pd: (-da Pl: masayrreeyo (/da))
ps: n2a-f
key: masayrrey
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Masayrrow
(Masayrrow-ga)
Nin masayr badan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masayrrow
m.l (-wyo, m.l/dh) Nin masayr badan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
masayrrow
m.l (-wyo, m.l/dh) Nin masayr badan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
masayrrow
m. n. very jealous man
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masayrrow
-ga: (magac, lab, keli) qof lab oo hinaase badan; min shiki.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
masayrrow
de: very jealous man
lx: masayrrow
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: masayrrow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masayrsanow
f.mg3 (-naaday, -naatay) Cid wax masayr hayo noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masayrsanow
(fal) hinaase ku jir. Haddaad i rumaysanayn weligaaba masayrsanow: Dh: hinaasanow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Masayrtirid
(Masayrtirid-da)
Masayrtir siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masayrtirid
m.f.dh eeg masayrtir².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masayrtirid
-da: (magac, dhedig, keli) xoolo masayrtir ah siin. Dh: hinaasatirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aarsi
(Aarsi-ga)
Aargudad; aarsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aarsi
m.l la-mid: aarsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aarsi
m. n. revenge
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aarsi
-ga: (n) retaliation {ritaali-yeeyshin); revenge (ri veenji) ~ aargudasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aarsi
-ga: (magac, lab, keli) «ka~ eeg aargoosad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aarsi
de: revenge
lx: aarsi
pd: (-ga)
ps: n7-m
key: aarsi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maari
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: maadi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maari
(fal) badbaadi oo xal u hel. Labada nin inta ayna isku dhiman kala maari.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg marsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Masar
(Masar-ka)
Cad yar oo maro ah (xariir ama cudbi) oo afargees ahoo dumarku madaxa ku xirtaan ama dhididka laysaga tiro ama duufka laysaga siimiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masar
m.l (-rro, m.dh) 1. Maro yar midabbo leh, jilicsan oo haweenku gambaystaan; fasaleeti. 2. Gabal maro ah, oo loogu talagalay dhididka, diifka iyo wixi lamida in la isaga tiro.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
masar
m.l (-rro, m.dh) 1. Maro yar midabbo leh, jilicsan oo haweenku gambaystaan; fasaleeti. 2. Gabal maro ah, oo loogu talagalay dhididka, diifka iyo wixi lamida in la isaga tiro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Masar
pr. n., loc. Egypt
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
masar
m. n. handkerchief; head scarf
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Masar
Egypte.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Masar
(n) Egypt (i-japt); Cairo is the capital and the largest city
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masar
-ka: (magac, lab, keli) maro yar oo badanaa dun ka sameysan afarteeda dhinac isle'eg yihiin oo dhididka iyo siinka la iska masaxo. Dhididka masar iskaga engeji.
masar -ka: (magac, lab, keli) eeg malkhabad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Masas
(Masas-ka)
(koox) gooryaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
masas
m. n., pl. snakes, reptiles
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
masas
-ka: (n) (plural of mas -ka] snakes (isneeykis)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
masas
de: snakes, reptiles Sg: mas (ka)
lx: masas
pd: (-ka)
ps: n4-m-pl
key: masas
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masay
m.dh Cutub caws ah oo dusha looga maro geeddi (xarig yar), marka la samaynayo raar, raarkuna kuwaas oo badan uu ka koobmo.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Masay
égal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masay
(fal) is le'ekeysii; isku mid ka dhig. Masay dhererka labada toob. Dh: sin, masee.
masay -da: (magac, dhedig, keli) xigga marka laga shaqeeyo ama la xigo inta miiqyada la nadiifiyay ah ee xadhkaha laga sooho. Maasay aan wadhaf ka sameeyo ii keen. Dh: maasay.