masanuun
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masanuun
-ka: (magac, lab, keli) ur yar oo silloon oo aan la jeclaysan. Noolaa'uruhu masanuun qadhmuun ayuu leeyahay. Dh: siniin, ur.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masanuuni
(fal) eeg maabi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sanuun
(Sanuun-ta)
Urka ka soo baxa waxa dufanka leh oo kululaada; siniin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sanuun
sanuun¹: m.dh (-nyo, m.dh) 1. Sunbaax ama urta ka soo baxda hilib la shiilayo ama la dubayo. 2. Saac-xumo dhacda oo wax kasta khayrka ka qaadda.
sanuun²: f.mg1 (-nay, -ntay) Hilib la shiilayo ama la solay sunbaaxid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sanuun
f. n., (mass n.): smell of cooking
sanuun v. give off a smell of cooking
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sanuun
-ta: (n) sweet smell of cooking; whiff (wi/); waft (waaft); aroma (arooma) ~ sunbaax
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sanuun
-ka: (magac, lab, keli) ilig sida dahabka ah oon dahab ahayn oo habluhu ilkaha ka dul galiyaan oo ay ku xarragodaan. Gabadh sanuun gashan ayaa tukaanka iibinaysa.
sanuun -ta: (magac, dhedig, keli) ur ka soo baxda wixii dufan leh kolka la kulyleeyo ama la shiilo. Dh: fookhad, siniin, sanoon.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaanuun
-ka: (magac, lab, keli) caano geel oo dhanaanaaday. Dh: karuur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maacuun
(Maacuun-ka)
Alaabada iyo weelasha guriga siiba kuwa jikada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maacuun
m.l/dh.u Qalabka jikada looga adeegto ee wax lagu cuno ama cabbo, sida suxuunta, digsiyada, mindiyaha iyo wixi lamida.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maacuun
m.l/dh.u Qalabka jikada looga adeegto ee wax lagu cuno ama cabbo, sida suxuunta, digsiyada, mindiyaha iyo wixi lamida.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maacuun
m. n., [collective] household utensils ~ equipment
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maacuun
-ka / ta: (n) housewares (haws-weersi); utensils (yuutensa-lis); kitchen tools; domestic utensils
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Maacuun
Utensili
Utensils
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maacuun
-ta: (magac, dhedig, keli) alaabada jikada iyo kuwa wax lagu cuno. Dumar maacuun isku diiday dadnimo kama dhaxayso.
maacuun-ka: (magac, lab, keli) nirgaha hooyadood laga gudhin kari waayo. Waxa la i siiyay nirig maacuun ah oo hootanuug ka laadlaadin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maacuun
de: household utensils ~ equipment
lx: maacuun
pd: (-ka)
ps: n2-m-col
key: maacuun
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maasuun
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg maansuun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Majnuun
(Majnuun-ka)
Waalan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
majnuun
m.l (-jaaniin, m.dh) Qof waalan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
majnuun
m. n. (adj.): madman; crazy
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
majnuun
-ka: (n) crazy (kareeyzi), insane or mad man
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
majnuun
-ka: (magac, lab, keli) qof waalan oon miyir qabin. Majnuun dembi ma leh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
majnuun
bw: Arabic
cf: waalan
de: madman; [atr.] crazy
lx: majnuun
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: majnuun
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maynuun
-ka: (magac, lab, keli) wax karti iyo awood leh. Dibi maynuun ah ayaan leehay. Dh: xoog, ahmin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaanuun
(Qaanuun-ka)
Sharciyo iyo nidaamyo isku duuban oo qolo gaar ahi ku dhaqanto ama dadyow badani ku wada dhaqmo; xeer; (ama qaynuun).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaanuun
m.l (-nno/qawaaniin, m.dh) 1. Sharciyo iyo nidaamyo isku duuban oo qolo gaar ah ku dhaqanta. 2. Dhaqan. la-mid: qaynuun, qeynuun.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qaanuun
m.l (-nno/qawaaniin, m.dh) 1. Sharciyo iyo nidaamyo isku duuban oo qolo gaar ah ku dhaqanta. 2. Dhaqan. m.dh, qawaaniin. la-mid: qaynuun, qeynuun.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Qaanuun
Rule
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaanuun
m. n. rule, law, ordinance, regulation; procedure; constitution
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaanuun
-ka: (n) law (loo); regulation (rege-leey-shen)-, rule (ruul): bylaw (baay-loo); legislation (legas-leey-shen) ~ qaynuun, sharci, xeer, dastuur
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaanuun
-ka: (magac, lab, keli) qodobbo sharci ah oo lagu heshiiyo si loo nidaamiyo maaraynta xidhiidhka bulshada dhexdeeda ama bulshada iyo dawladda u dhexeeya. Caliyoow qaanuunka ilaali oo ha ku xad gudbin. Dh: xeer, qaynuun.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaanuun
a: qaynuun ~ qeynuun
bw: Arabic
de: rule, law, ordinance, regulation; procedure; [ext.] constitution
lx: qaanuun
pd: (-ka Pl: qawaaniin (ta))
ps: n2-m, n8-m
key: qaanuun
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aamanuun
-ka: (magac, lab, keli) xilli aad u horreeya; wakhti aad u fog oo la soo jiray; inta la xusuusan yahay. Sheekadani waa mid soo jirtay tan iyo aamanuun. Dh: aaman, aamanuu, weligeed, abidkeed. Li: amminkan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jafanuun
-ka: (magac, lab, keli) oon badan oo aad u qallajiya ciddii uu helo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maansuun
-ta: (magac, dhedig, keli) dabayl xilliyeed ka timaad badweynta Hindiya oo roobab badan u soo xambaarta xeebaha ku wareegsan. Xilliyada dabaylaha maansuuntu waa bad xidhan. Dh: maasuun.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yafanuun
-ka: (magac, lab, keli) xilli aad u adag oo dhibaato iyo rafaad badan. Dh: dhib.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
madaxanuun
m.l (daaw.) Xanuun madaxa ku dhaca; madax-wareer.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madaxanuun
-ka: (magac, lab, keli) bugtaan uu qofka madaxu xanuuno. Aabbo madaxanuun baa haya. Dh: madax-xanuun, madax-wareer, madaxfarad, madaxfered.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ibaxanuun
-ka: (magac, lab, keli) xanuun haweenka naasaha kaga dhaca oo ibaha bukaysiiya oo haddii uu ku xumaado naasatira.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Marsanaan
(Marsanaan-ta)
Wax wax marsan ama la marshey ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marsanaan
m.f.dh eeg marsan. la-mid: marsanaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
marsanaan
f. n., [abstract] state of being rubbed ~ spread (with something); painted
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax wax marsan ama la marshey ahaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
marsanaan
de: state of being rubbed ~ spread (with s.t.); painted
lx: marsanaan
pd: (-ta)
ps: n-f-abs
key: marsanaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masaxnaan
m.f.dh eeg masaxan. la-mid: masaxnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masaxnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax si wanaagsan u masaxan oo nadiif ah ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Madaxxanuun
(Madaxxanuun-ka)
Madaxwareer.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
anuun
mu.eb Magacuyaalka qofka kowaad oo ka kooban 'ani' iyo 'uun 3'.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
anuun
(magac'uyaal) qofka koowaad ee hadlaha ah; 'ani' iyo 'uun' oo la isku ladhay. Ani uun buu i dhalay aabbo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ashuun
m.l (-uumo, m.dh) la-mid: aashuun.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ashuun
m.l (-uumo, m.dh) la-mid: aashuun.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ashuun
-ka: (magac, lab, keli) weel biyaha lagu shubto oo ka samaysan dhoobo. Dh: jalxad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ganuun
(Ganuun-ka)
Weel caanood; haruub.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ganuun
m.l (-nno, m.dh) 1. Haruub yar oo xoolaha lagu maalo (ari). 2. Ceel, meel salkiisa ka mid ah oo biyo ka soo maaxdaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ganuun
m. n. milk vessel
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ganuun
-ka: (magac, lab, keli) gorof yar oo lagu maalo xoolaha. Ganuunka iyo xeedhyahaba middaan goor alleba dhiibin... Dabadeed ganuun buuxda iyo gaawe raacsadaye. Dh: hadhuub.
ganuun -ka: (magac, lab, keli) ceelasha la qodo kuwa dhuudhuuban ee afka yar leh. Dh: mataan.
ganuun-ta: (magac, dhedig, keli) caano geel oo lis ah. Ganuunteeda xoorka ah hashay gocatey laabtaydu.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ganuun
de: milk vessel
lx: ganuun
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: ganuun
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hanuun
(Hanuun-ka)
Waxa xun iyo waxa san oo inta la kala garto, waxa san xaggooda loo bayro; duwga wanaagsan oo Ilaah loogu dhowaado oo xaggiisa loo leexdo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanuun
hanuun¹: m.l Raacidda la raaco waddada toosan ee Eebbe jideeyey.
hanuun²: fk. Aad iyo aad, si weyn. Tusaale: “Beerka hanuun buu i xanuunayaa”.
hanuun³: f.mg1 (-nay, -ntay) Qof xume u samayn jirey ka waantoobid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hanuun
hanuun¹: m.l Raacidda la raaco waddada toosan ee Eebbe jideeyey.
hanuun²: fk. Aad iyo aad, si weyn. Tusaale: Beerka hanuun buu i xanuunayaa.
hanuun³: f.mg1 (-nay, -ntay) Qof xume u samayn jirey ka waantoobid. m.f.dh, hanuunid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hanuun
[adverbial] [expression] very, much, quite; a lot, many
hanuun m. n., [collective] guidance, advice, counsel
hanuun v. take counsel, receive advice, follow guidance ~ ideology
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hanuun
-ka: (n) guidance (gaaydhans); counseling on matters such as religion or ideology ~ hanuunis, hagis, naseexo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanuun
(fal) tubta toosan raac oo haka baydhin; wax wanaagsan samay. Li: baadiyaw, hallaw.
hanuun -ka: (magac, lab, keli) maridda jidka fiican ee Alle raaliga ka yahay. Dh: hadayn, hidaayo, toosnaan. Li: baadi, hallaw.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maanan
neg, vl. pron., neg. I ... not
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maanan
de: I ... not = ma + aan + aan
lx: maanan
ps: neg + vpro + neg
xe: I would not have gone.
xv: Maanan tegi lahayn.
key: maanan
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maannu
vl. pron., neg. we [exclusive.] ... not
maannu question word, vl. pron. do / did / are we [exclusive.]?
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maannu
(pronoun plus negative) we ... not ... Ex: maannu maqal; we didn't hear
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
manuus
-ka: (magac, lab, keli) maararraw bilaa macne ah oo guddafadaha iyo gujufyada la dhex socsocodo. Dh: munuus.
manuus -ka: (magac, lab, keli) qof bilaa macne guddafadaha iyo gujufyada iska dhex socsocda. Ninkii yaraa manuus buu noqday. Dh: munuus.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Masayn
(Masayn-ta)
Mase ka dhigid; simid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masayn
-ka: (magac, laab, keli) dibi laboodhedig ah.
masayn -ta: (magac, dhedig, keli) wax siman oo isku mid ama is le'eg ah ka dhigid. Dh: simid maseyn, misayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masuud
(tilmaame) aad u farxaansan. Anna way masuud xaal aduun mowdka ka horoowe. Dh: mabsuud.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Masuug
(Masuug-ga)
Dhabcaal; bakhayl; muudal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masuug
masuug¹: m.l 1. Bakhaylidda wax lagu bakhaylo. 2. M. ah: qof bakhayl ah.
masuug²: f.g1 (-gay, -gtay) Wax ku bakhaylid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
masuug
masuug¹: m.l 1. Bakhaylidda wax lagu bakhaylo. 2. M. ah: qof bakhayl ah.
masuug²: f.g1 (-gay, -gtay) Wax ku bakhaylid. m.f.dh, masuugid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
masuug
m. n., [abstract] avarice, dissatisfaction with one's lot; miser
masuug v.; v: be a miser ~ miserly; be dissatisfied; begrudge something
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
masuug
-ay -tay: (v) fall short of expectations; feel oneself not to have sufficient, adequate or enough ~ qawad, dhaliil
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masuug
(fal) saluug oo yarayso. Adoo xalay qaday haddii hal laxoox ah lagu siyo masuug. Dh: saluug. Li: qanac.
masuug: (fal) ku bakhayl oo wax yar ood hayso la waako. Waxaan adigaba kugu fillayn la masuug. Dh: waako, bakhayl.
masuug-ga: (magac, lab, keli) yaraysi cidi wax la siiyaay ay yaraysto oo ay aragto inaanu ku fillayn oo biiro ay u baahan tahay. Dh: saluug. Li: qanac.
masuug -ga: (magac, lab, keli) waakasho lala waakado wax la haysto iyadoo sabab looga dhigayo inaanay ku fillayn. Masuugga iska daa oo waxa had hayso bixi. Dh: bakhaylid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masuul
m.l la-mid: mas'uul.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
masuul
-ah: (adj) responsible (ris poon sibal); answerable (aan 'sarabal); liable (laayabal); accountable (a-kawn tabal)
mas'uul -ka: (n) responsible person
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masuul
-ka: (magac, lab, keli) qof waxgarad ah oo wax lagu aamini karo. Call waa nin masuula oo talo qaadan kara. Dh: xilkas, waayeel.
masuul-ka: (magac, lab, keli) qof meel u sarreeya oo maamulkeeda haya. Dh: madax, taliye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
samuun
m.l (juqraafi) Gudaha Iran, waa dabayl kulul, oo qallalan, oo ah nooca Fohn, taas oo ka soo dhacda buuraha kurdistaan. Qalab bir ah oo af fiiqan iyo af ballaaran leh oo dhexda daab qori ah ku leh oo dhulka lagu qodo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
samuun
m.l (juqraafi) Gudaha Iran, waa dabayl kulul, oo qallalan, oo ah nooca Fohn, taas oo ka soo dhacda buuraha kurdistaan. Qalab bir ah oo af fiiqan iyo af ballaaran leh oo dhexda daab qori ah ku leh oo dhulka lagu qodo.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Samuun
Samoon
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sanuud
f. n. coin, metal money
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sanuud
-da: (n) coins (koynis); metal money ~ quruush, qaddaadiix, qaddaadiic
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sanuud
cf: lacag; kumi, senti, taano, nushilin, shilin
de: coin, metal money
initial: s
lx: sanuud
pd: (-da)
ps: n1-f
key: sanuud
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sunuun
-ta: (magac, dhedig, keli) urka ka soo baxa waxa dufanka leh oo kululaada; siniin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xanuun
(Xanuun-ka)
1. Dareen meel oogada ka mid ahi iska dareento oo ay la kaarto ama dhuuri ula rooro, nabar ku dhacay ama waxyeello kale oo gaartey darteed; kaar; dhuuri; halac, laxaw.
2. Caafimaad iyo fayoobi la'aan; cudur; bugto; jirro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xanuun
xanuun¹: m.l 1. Dareen meel oogada ka mid ahi iska dareento oo ay la kaarto ama dhuuri ula rooro, nabar ku dhacay ama waxyeello kale oo gaartay darteed; kaar; dhuuri; halac; laxaw. 2. Caafimaad iyo fayoobi la'aan; cudur; bugto; jirro.
xanuun²: f.mg1 (-nay, -ntay) Kaar iyo wixi lamida dareemid; xanuun yeelasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xanuun
m. n. pain, ache; disease, illness, ailment
xanuun [inchoative] v. be in pain, hurt, ache
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xanuun
-ka: (n) 1. feeling of physical pain; pain (peeyn); sore (soor); ache (eeyk); pang (paang) ~ kaar, laxaw. 2. illness (iil-nes); disease (disiis); sickness (sik-nes) ~ jirro. Ex: xannuun khatar ah; a serious illness [disease]
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Xanuun
Dolore; malattia
Pain; illness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xanuun
-ka: (magac, lab, keli) laxaw aad u kull oo dubku dareemo kolka wax lagu jiido. Xadhi kooraanku wuu xanuun kulul yahay. Dh: kulayl.
xanuun -ka: (magac, lab, keli) bugtaan lala jifo ama lala jiitamo. Dabayshu waa xanuun la iska tallaalo. Dh: bugtaan, marad, jirro.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
Xanuun
وَجَعَ، تَوَجُّع
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yanuun
(tilmame) gun dheer ah oo hoos u qodan. Dacawaa ku dhacday ceel yanuun ah. Dh: yaloon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aamanuu
m.dh Waqti hore oo aad u fog.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aamanuu
-da: (magac, dhedig, keli) illaa xilli aad u fog. Nimanyahaw hammiga geeli waa aamanuu hora e. Dh: aamanuun, aaman.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aashuun
(Aashuun-ka)
Weel biyaha lagu shubto oo laga sameeyey dhoobo; malbo; jalxad; shaanbi; ballaas.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aashuun
m.l (-uummo/-uunno, m.dh) Weel tebedda u eg, dhoobo ka samaysan oo biyaha lagu shubto. la-mid: ashuun.