masallafitaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masallafitaan
-ka: (magac, lab, keli) wax masallafay oo caydhoobay noqosho. Dh: masalufitaan, masallafid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masalufitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg masallafitaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masallafsanaan
m.dh la-mid: musallifsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masallafsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax masallafsan oo caydhoobay ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masallafin
m.dh la-mid: musallifin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masallafin
-ta: (magac, dhedig, keli) qof kale caydhayn oo wuxuu xoolo lahaa idlayn. Aabbahaa masallafinta ka daa. Dh: kicin, caydhayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masallafsan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: musallifsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masallafsan
(tilmaame) faramadhan oo caydhoobay ah. Dh: caydhaysan, kacsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sallaxitaan
-ka: (magac, lab, keli) hagaajin; farsamayn; sallaxid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ibasalaaxitaan
-ka: (magac, lab, keli) neef candhadiisa xoodaamitaan. Dh: candhosalaaxitaan, naasasalaaxitaan, salaaxitaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
musallafsanaan
m.dh la-mid: musallifsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
musallafsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax musallafsan ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salsalaaxitaan
-ka: (magac, lab, keli) salsalaaxidda lafteeda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masallafid
m.dh la-mid: musallifid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masallafid
-da: (magac, dhedig, keli) caydhoobid oo wixii xoolo la lahaa dhammaansho. Masallafidda xanuunkaa ka daran. Dh: masalufid, caydhoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masallufin
-ta: (magac, dhedig, keli) qof kale caydhayn oo wuxuu xoolo lahaa idlayn. Dh: kicin, masalafin, kicin, caydhayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
musallafin
m.dh la-mid: musallifin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
musallafin
-ta: (magac, dhedig, keli) qof kale caydhayn oo wuxuu xoolo lahaa idlayn. Dh: kicin, masalufin, kicin, caydhayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salalitaan
-ka: (magac, lab, keli) salalidda lafteda.
salalitaan -ka: (magac, lab, keli) sasitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aasaasitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg aasaasid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ballamitaan
-ka: (magac, lab, keli) ballan dhigitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ballaqitaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wada furitaanta meel ama weel xidhnaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
basaasitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg basaasid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadaafitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg hadaafid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halqafitaan
-ka: (magac,lab,keli) eeg halqafid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madaaritaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg madaarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magaagitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg magaagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masaafirsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Qof dalkiisa laga masaafiriyey ahaansho. la-mid: masaafursan, musaafursan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
masaafirsan
der. [adjective] deported, exiled, expelled
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masaafirsan
(tilmaame) masaafursan oo qasab lagu masaafuriyay ah. Nin masaafirsan ayaa garoonka Jabuuti laga soo dejiyay. Dh: masaafursan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
masaafirsan
de: deported, exiled, expelled
lx: masaafirsan
pd: (masaafirsanaa)
ps: adj-der
key: masaafirsan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miraafitaan
-ka: (magac, lab, keli) miraafiddi lafteeda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
musallafsan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: musallifsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
musallafsan
(tilmaame) caydhaysan oo xoolo ka dhammaadeen ah.
musallafsan: (tilmaame) walafsan oo niyadkacsan. ah. Sac musallafsan ayaa i jiidhay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qallacitaan
-ka: (magac, lab, keli) hal qallac ku xidhid. Dh: qallacid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qallalitaan
-ka: (magac, lab, keli) kafafidda lafteeda. Dh: engegitaan. Li: qoyitaan.
qallalitaan -ka: (magac, lab, keli) qombobidda lafteeda. Qallalitaan ayuu saanta la doonayaa. Dh: qombobitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salaaxitaan
-ka: (magac, lab, keli) buuxin oo geer la simitaan.
salaaxitaan -ka: (magac, lab, keli) salaaxidda lafteeda.
salaaxitaan-ka: (magac, lab, keli) xoodaamin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaalufitaan
-ka: (magac, lab, keli) xaaluf noqosho Dh: xaalufid, abaaroobitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aqalgalitaan
-ka: (magac, lab, keli) labo qof oo isguursatay, isku hoyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masabiditaan
-ka: (magac, lab, keli) masabidid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masruufitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg masruufid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laballisitaan
-ka: (magac, lab, keli) labalisidda lafteeda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macaluulitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg macaluulid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salsalloobitaan
-ka: (magac, lab, keli) salsallaabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bacalleelitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg bacalleelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
musallifsanaan
m.f.dh eeg musallifsan. la-mid: masallafsanaan, masallafsanaansho, musallafsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
musallifsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) musall ahaan; wax xoolo uu lahaa ka farabaxay ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aayaritaan
-ka: (magac, lab, keli) si tartiib ah oo aanu degdeg iyo adayg ku jirin. Dh: aayarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaabitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg abaabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aflaxitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg aflaxaad. aflixi: (fal) arday, wax barashadiisa guul ka gaadhsii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
amaaritaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg amaarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
askaxitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg askaxid.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
dhaafitaan
to overtake
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaallanaan
m.f.dh eeg gaallan. la-mid: gaallanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kafafitaan
-ka: (magac, lab, keli) maro ama wax kale oo qoyan, soo engegitaan; soo qallalitaan. Dh: kawrixitaan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maalmahaan
(adv) nowadays (nowadheeys)-, these days ~ ayaamahaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madallufin
-ta: (magac, dhedig, keli) meel aan la garanayn u eryesho oo u kaxayn. Ninkaan dalka sharci ku joogin madallufin ayuu ku fiican yahay. Dh: asaruurin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Masaafirin
(Masaafirin-ta)
Qof, eedsiin darteed, meeshuu degganaa ka wadid oo meel kale oo fog oo uusan rabin xoog ku geyn oo ku xayirid; fogeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masaafirin
m.f.dh eeg masaafiri. la-mid: masaafiris, masaafurin, masaafuris, musaafurin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masaafirin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid safar ayna dooran safarsiin oo qasab ku dhoofin. Masaafirintu xeer bay leedahay. Dh: masaafurin, musaafurin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masalagaab
-ka: (magac, lab, keli) wadaad aan wax badan dhigan oo cilmiga in kooban ka yaqaan. Dh: kitaabgaab.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masallufid
-da: (magac, dhedig, keli) caydhoobid oo wixii xoolo la lahaa dhammaansho. Dh: kicid, masalafid, caydhoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mataxitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg mutuxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
musallafid
m.dh la-mid: musallifid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
musallafid
-da: (magac, dhedig, keli) caydhoobid oo wixii xoolo la lahaa ka farabixid. Dh: masalufid, kicid, caydhoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Musallifin
(Musallifin-ta)
Musallif ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
musallifin
m.f.dh eeg musallifi. la-mid: masallifin, musallafin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
musallifin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid hanti haysatay kicin oo caydh faramadhan ka dhigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sababitaan
-ka: (magac, lab, keli) sabab u noqosho melgitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sakalitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg shakalitaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
salladnaan
m.f.dh eeg salladan. la-mid: saladnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salladnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax salladan ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sasabitaan
-ka: (magac, lab, keli) maaweelin; sabsabitaan; sabaalayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aarbaxitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg aarbixid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abasaxitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg abasaxid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abataqitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg abataqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
adamaxitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg adamaxid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaluqitaan
-ka: (magac, lab, keli) qaangaadh noqod.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baayacitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg baayacid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bakaaditaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg bakaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baraaritaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg badhaadhitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caabaqitaan
-ka: (magac, dhedig, keli) barar iyo millile yeelasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabaaditaan
-ka: (magac, lab, keli) cabaad soo saarid; qaylin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadaabitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg cadaabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cagaaritaan
-ka: (magac, lab, keli) caano la lulayo, burcad bixin; cagaar soo noqosho; cagaarasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cayaaritaan
-ka: (magac, lab, keli) dheelitaan; ciyaaritaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daabacitaan
-ka: (magac, lab, keli) dhar iyo wixii la mid ah, xaradh ku samayn.
daabacitaan-ka: (magac, lab, keli) buug iyo wixi la mid ah, madbacad ku qoritaan. Daabacitaanka qaamuusku bil iyo badh buu qaadan karaa qoristiisuna sannado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daalicitaan
-ka: (magac, lab, keli) soo daahiritaanka wax uu soo muuqasho. Soo daalicitaanka dayaxa ayuu safarku sugayaa. Dh: bixitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daayacitaan
-ka: (magac, lab, keli) wax, ilaalinta uu mudnaa siin la'aan. Daayacitaanka alaabtu waa ay ku baaba'daa. Dh: baylihin, daayicitaan, laayacitaan, dayicitaan. Li: daryeelitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dagaagitaan
-ka: (magac, lab, keli) gaajo iyo diihaal dartood la qixitaan. Dagaagitaan bay ku noolyihiin iyo qoxootinnimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dahaaritaan
-ka: (magac, lab, keli) dahaadh u samayn. Alaabtani dahaaritaan ayey u baahan tahay. Dh: dahaadhitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daldalitaan
-ka: (magac, lab, keli) hadal badan oo aan ujeeddo lahayn wadid. Dh: dhurmid.
daldalitaan -ka: (magac, lab, keli) si nasashala'aan ah cunto u cunitaan.
daldalitaan-ka: (magac, lab, keli) wax daadsan gurgurid. Dh: diqdiqayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daloofitaan
-ka: (magac, lab, keli) maro iyo wax la mid ah, dalool lahaansho. Dh: daloolid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fajaasitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg fajaasid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fallisitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg fallisid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fashilitaan
-ka: (magac, lab, keli) arrin socota docfaruurid ama fashilin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ganaanitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg ganaanid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habaabitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg habaabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habaaritaan
-ka: (magac, lab, keli) xumaan iyo dhib, qof kale, Eebbe uga baryitaan. Li: ducayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadaaqitaan
-ka: (magac, lab, keli) sida carruurta hadalbaradka ah u hadlid.