masaar-jabis
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MASAAR-JABIS
(Masar-jabis) NFD, S Terminalia parvula Pampan. Combretaceae.
C Gardenia fiorii Chiov. Rubiaceae.
S Lepisanthes senegalensis Leeuh. Sapindaceae.
May Acacia hamulosa Benth. Mimosaceae.
May Acacia senegal (L) Willd Mimosaceae.
May Acacia unispinosa (Fiori) Chiov. Mimosaceae.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MASAAR-LAABIS
(Masar-labis) C Gardenia fiorii Chiov. Rubiaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maskarjabi
f.g2 (-iyay, -isay) Cid sharafta ka qaadid. la-mid: maskabjabi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maskarjabid
m.f.dh eeg maskarjab². la-mid: maskabjab¹, maskabjabid, markarjab¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maskarjabid
-da: (magac, dhedig, keli) qarqoomid oo berriga u baxsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maskarjabin
m.f.dh eeg maskarjabi. la-mid: maskabjabin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maskarjabin
-ta: (magac, dhedig, keli) dad badda ku qaraqmay biyo iyo baad la'aan berriga u saarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maskarjab
(Maskarjab-ka)
1. Mowjadda jabiddeeda.
2. Dad meel ka caaryey oo aan waxba haysan oo doonni ama markab la jabay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maskarjab
maskarjab¹: m.l 1. Mowjadda jabbiddeeda. 2. Dad meel ka caaryey oo aan waxba haysan oo doonni ama markab la jabay. 3. la-mid: maskarjabid. la-mid: maskabjab¹.
maskarjab²: f.mg1 (-bay, -btay) 1. Qof sharafjabid maamuus dhicid. 2. Dad doon ama markab la jabid. la-mid: maskabjab².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maskarjab
m. n., [compound] breaking of the waves; shipwrecked people
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maskarjab
-ka: (magac, lab, keli) mowjadda jabbiddeeda.
maskarjab -ka: (magac, lab, keli) dad meel ka caaryey oo aan waxba haysan oo doonni ama markab la jabay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maskarjab
de: breaking of the waves; [ext.] shipwrecked people
lx: maskarjab
pd: (-ka)
ps: n2a-m-cmp
key: maskarjab
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Masaargaab
(Masaargaab-ka)
(qof) aan cilmi sii fog lahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masaargaab
m.l.kh M. ah: nin aan cilmi badan lahayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
masaargaab
m. n., [compound] person of little education
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masaargaab
-ka: (magac, lab, keli) qof aqoontu u bilaaban tahay ha yeeshee cilmi badan lahayn ama dad ka cilmi badani joogaan madasha. Meel uu mufti joogo masaargaab ha is gaabsho. Dh: kitaabgaab, fiqidduurre.
masaargaab -ta: (magac, dhedig, keli) gudun yar oo daab gaaban leh oo agabka aqalka iyo qalabka dadku u baahan yahay lagu farsameeyo. Dh: gooshaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
masaargaab
de: person of little education
lx: masaargaab
pd: (-ka)
ps: n2a-m-cmp
key: masaargaab
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maskabjabi
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: maskarjabi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maskabjabid
m.dh l maskarjabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maskabjabin
m.dh la-mid: maskarjabin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maskarjaban
f.mg4 (-bnaa, -bnayd) Qof maskarjab ku dhacay ahaansho. la-mid: maskabjaban, maskabjabsan, maskarjabsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maskarjaban
(tilmaame) xeebta u caaryay oo baad iyo biyo midna haysan ah. Dh: maskarjabsan maskarjabi: (fal) dad badda ku qaraqmay biyo iyo baad la'aan berriga u kexee. Maskarjabi dadka oo qayladhaan u dir
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Karaar jebis
Deceleration
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karaarjab
-ka: (magac, lab, keli) xawaaraha uu gaadiid ku socday oo si lama filaan ah u joogsada ama hoos u dhaca. Dh: quwadjab. Li: karaarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maggaabis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg maggaabin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masaafays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg masaafayn.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Masaal-ka
exemple.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masaariif
m.dh Lacag joogto ah oo hal beri la biishado; biil. la-mid: masruuf¹.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
masaariif
m.dh Lacag joogto ah oo hal beri la biishado; biil. la-mid: masruuf.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
masaariif
f. n., pl. expenses, costs
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
masaariif
-ta: (n) [plural of masruuf -ka] maintenance (mayn-ta-nansi); as of a family, with the necessities of life; support (sa-poort); living expenses; cost of living ~ biil -ka
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
masaariif
bw: Arabic
de: expenses, costs Sg: masruuf
lx: masaariif
pd: (-ta)
ps: n8-f-pl
key: masaariif
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maskabjab
maskabjab¹: m.l la-mid: maskarjab¹.
maskabjab²: f.mg1 (-bay, -btay) la-mid: maskarjab².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sakaarjab
m.l Legriix.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sakaarjab
-ka: (magac, lab, keli) neef aad u naaxay oo shilays dartii lafta sakaarku jabtay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaaroobis
-ta: (magac, dhedig, keli) deegaan roob la'aantii u xaalufay oo aan baad iyo biyo midna lahayn.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Ascariasis
Gooryaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baraarujis
m.l la-mid: baraarujin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baraarujis
-ka: (magac, lab, keli) eeg baraarujin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
majaxaabis
m.l la-mid: manjaxaabin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Masaafiris
(Masaafiris-ka)
Masaafirinta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masaafiris
m.l la-mid: masaafirin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masaafiris
-ka: (magac, lab, keli) eeg masaafirin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masaafuris
m.l la-mid: masaafirin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masaafuris
-ka: (magac, lab, keli) tarxiil qof safar aanu u diyaar ahayn lagu qasbo oo xoog lagu safriyo. Masaafurisku waa xal dhib badan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masaamaxid
-da: (magac, dhedig, keli) saamixid cid gef gashay. Walaalkay wuu masaamixid badan yahay. Dh: saamixid, cafin.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MASAGO-CAS
(Masago-as) N Sorghum subglabrescens (Steud) Schweinf & Aschers. Gramineae.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Mashaar-ka
leçon, projet.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaddarjabi
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: maskarjebi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habaarqabid
-da: (magac, dhedig, keli) qof habaar qaba ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
handaraabis
-ta: (magac, dhedig, keli) albaabka handaraabka uun ku xidhis iyadoon la qufulin. Aqalka bisadahaa galiye handaraabis la'aan ha ka tegin. Dh: rasadayn.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Magaacaabid
Nomina
Appointment
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
manjaxaabis
m.l la-mid: manjaxaabin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
manjaxaabis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg manjaxaabin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maskabjaban
f.mg4 (-bnaa, -bnayd) la-mid: maskarjaban.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
muuna-jabin
-ta: (n) wounded pride; mortification (moortifi-keey-shin); humiliation ~ niyad jabin, liidid, ihaaneyn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nasaaroobid
(Nasaaroobid-da)
Nasaaro noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nasaaroobid
m.f.dh eeg nasaarow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaddarjabid
m.dh la-mid: maskarjabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaddarjabid
-da: (magac, dhedig, keli) dhallin- yaranimo ku dhimasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaddarjabin
m.dh la-mid: maskarjabin.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BARAAR-KORIS
(Barar-kuris) N,C Corchorus depressus (L)C.Chr. Tiliaceae.
N Corchorus trilocularis L. Tiliaceae.
May, S, NFD Ficus vasta Forsk. Moraceae.
N Euphorbia granulata Forsk. Euphorbiaceae.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
CAGAAR-XAMIL
(Agar-hamil) N Cenchrus ciliaris L. Gramineae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maqaarsaarid
m.f.dh eeg maqaarsaar². la-mid: maqaarsaar¹ (3).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maskarjabsan
f.mg4 (-naa, -nayd) maskarjaban.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
masawir-qaade
-ha: (n) photographer (fowtagraafar) ~ masawirle
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maskarjabnaan
m.dh eeg maskarjaban. la-mid: maskabjabnaan, maskabjabnaansho, maskabjabsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fansaar-jibbaar
m.l (xisaab) Fansaarka f(x) = e oo loo qoro f(x) = exp(x). Waxa kale oo loo isticmaalaa fansaarrada noocan oo kale ah, ax, oo a ay tahay madoorsoome. Guud ahaan, waa fansaar leh doorsoomayaal loo jibaaxay jibbaar ahaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fansaar-jibbaar
m.l (xisaab) Fansaarka f(x) = e oo loo qoro f(x) = exp(x). Waxa kale oo loo isticmaalaa fansaarrada noocan oo kale ah, ax, oo a ay tahay madoorsoome. Guud ahaan, waa fansaar leh doorsoomayaal loo jibaaxay jibbaar ahaan.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Miishaar-qaanso
Miishaarta birta lagu jaro ee looga shaqeeyo farsamada birta iyo tan xiriirka biyaha.