masaamaxid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masaamaxid
-da: (magac, dhedig, keli) saamixid cid gef gashay. Walaalkay wuu masaamixid badan yahay. Dh: saamixid, cafin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Masaamixid
(Masaamixid-da)
Denbidhaafid; cafiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masaamixid
m.f.dh eeg masaamax². la-mid: masaabax¹, masaabixid, masaamax¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masaamixid
-da: (magac, dhedig, keli) saamixidoo dembi hore ka dhaafid. Dh: cafin, saamixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Masaamax
(Masaamax-a)
Denbi ama gaboodfal ama gef la falay oo laysu dhaafo; cafi; denbidhaaf.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masaamax
masaamax¹: m.f.l la-mid: masaamixid.
masaamax²: f.g1 (-xay, -xday; -mixi) Qof cid dambi ka galey cafin. la-mid: masabaax².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
masaamax
f.g1 (-xay, -xday; -mixi) Qof cid dambi ka galey cafin. m.f.dh, masaamixid. la-mid: masabaax.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
masaamax
v. forgive, pardon
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
masaamax
-ay / day: (v) forgive (feergiv); pardon (paar'dhan), excuse (ikis-kiyuus), condone (kondoon) ~ saamax, cafi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masaamax
(fal) gef uu galay cid ka cafi oo u saamax. Dh: saamax, cafi.
masaamax -a: (magac, lab, keli) caf iyo ceesid loo sameeyo qof gef uu ciqaab ku mudan lahaa gala. Dh: saamaxaad, cafis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
masaamax
bw: cafi
de: forgive, pardon
lx: masaamax
nt: masaamax (a) [vn-m]
pd: (masaamaxay)
ps: v1=tr
xv: saamax
key: masaamax
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saamaxid
-da: (magac, dhedig, keli) ruux gef galay cafiyid. Saamaxiddii madaxweynahaa lagu soo daayey maxaabiis badan. Dh: denbidhaafid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masaabixid
m.dh la-mid: masaamixid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masaabixid
-da: (magac, dhedig, keli) saamixid oo dembi uu galay ka dhaafid. Dh: cafin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masaamaxan
f.mg4 (-xnaa, -xnayd) Wax la masaamaxay ahaansho (qof). la-mid: masaabaxan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
masaamaxan
der. [adjective] forgiven
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masaamaxan
(tilmaame) saamaxan oo cafis haysta ah. Dh: cafisan, saamaxan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
masaamaxan
de: forgiven
lx: masaamaxan
pd: (masaamaxnaa)
ps: adj-der
key: masaamaxan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mataataxid
-da: (magac, dhedig, keli) kibir darteed kala mannaanikhid. Dh: kibrid, faaqid, mataatixid
mataataxid -da: (magac, dhedig, keli) gabaw darteed kala daadasho oo jeexjeexmid. Dh: jarqiyoobid, humoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masaamaxnow
f.mg3 (-naaday, -naatay) Wax la masaamaxay noqosho (qof). la-mid: masaabaxnow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masaamaxnow
(fal) wax qalad hore saamaxaad ka haysta ahaw. Maanta masaamaxnaw oo qalad dambe iska ilaali. Dh: cafisnow.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
masaxid
-da: (n) 1. wipe (waayp); by blowing or swiping. 2. deletion (di liishin) ~ masaxaad-da
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masaxid
-da: (magac, dhedig, keli) nadiifin oo uskag saaran ka tirtiid. Masixidda sabuuradda arday dheer u dir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
adamaxid
-da: (magac, dhedig, keli) tamashlayn iyo taxtaxaashid; daanshadaanshood u socosho. Adamaxid ayuu ku maqanyahay ninkii beerta lahaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aslaaxid
m.f.dh eeg aslaax². la-mid: aslaax¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aslaaxid
-da: (magac, dhedig, keli) suubbanaan; mid suubban ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masaabax
masaabax¹: m.l la-mid: masaamixid.
masaabax²: f.g1 (-xay, -xday) la-mid: masaamax².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masaafad
-da: (magac, dhedig, keli) dherer ay labo meelood isku jiraan oo dadka badhkii rumaysan yihiin in kolka dhererkaasi uu maaafad gaadho in gabadh weli la'aan la meherin karo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Masaajid
(Masaajid-ka)
Aqal ama meel Muslinku wadajir isugu yimaado oo ku wada tukado oo Ilaah ku caabudo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masaajid
masaajid¹: m.l (-ddo/-dyo, m.dh) 1. (dii.) Dhismo inta badan qubbad ama munaarad dheer dusha ku leh oo Muslimiintu Eebbe ku caabudaan. 2. (dii.) Meel kasta oo u habaysan in muslimiintu Eebbe ku caabudaan.
masaajid²: m.dh.w eeg masjid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
masaajid
m.l (-ddo/-dyo, m.dh) 1. (dii.) Dhismo inta badan qubbad ama munaarad dheer dusha ku leh oo muslimiintu Eebbe ku caabudaan. 2. (dii.) Meel kasta oo u habaysan in muslimiintu Eebbe ku caabudaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
masaajid
m. n. mosque
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
masaajid
-ka: (n) mosque (mooski) ~ misaajid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masaajid
-ka: (magac, lab, keli) meel cibaadada salaadda lagu guto oo dad muslin ahi iskugu yimaaddaan. Dhulkoo dhan baa masaajid looga dhigee. Dh: masjid, misgiid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
masaajid
a: masjid
bw: Arabic
de: mosque
lx: masaajid
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: masaajid
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
masaasad
-da: (n) nipple (nip'al); infant pacifier ~ mujurc-a
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masaasad
-da: (magac, dhedig, keli) weel inta badan caag dhinacyada lambarro ku leh ah oo afkana cinjir naas u eg ku leh oo carruurta caanaha lagu siiyo. Bile masaasad buu caanaha ku dhamaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masaaxad
m.dh (-do, m.l) 1. Masaaxo; bed. 2. Tirtire; goome.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
masaaxad
m.dh (-do, m.l) 1. Masaaxo; bed. 2. Tirtire; goome.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
masaaxad
f. n. area, surface
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
masaaxad
-ka: (n) area (eer'iya)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masaaxad
-da: (magac, dhedig, keli) ballaca ama bedka ay meeli leedahay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
masaaxad
a: masaaxo (/da) [n6-f]
bw: Arabic
de: area, surface
lx: masaaxad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: masaaxad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maslaxid
-da: (magac, dhedig, keli) nabad ka dhex ridid; laba garab heshiisiin. Dh: dhexdhexaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saamixid
(Saamixid-da)
Cafiyid; denbidhaafid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saamixid
m.f.dh eeg saamax².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saamixid
-da: (magac, dhedig, keli) cafiyid; u denbidhaafid; saamaxaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
adaadaxid
-da: (magac, dhedig, keli) dheeldheelliyidda kolka la socdo..
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
asaasaqid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg asaasaq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
casamarid
m.f.dh eeg casamar².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masaamiir
m.dh.w eeg musmaar¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
masaamiir
f. n., pl. metal nails
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
masaamiir
-ta: (n) [Plural of musmaar] nails (neelis)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
masaamiir
bw: Arabic
de: metal nails Sg: musmaar
lx: masaamiir
pd: (-ta)
ps: n8-f-pl
key: masaamiir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mushaaxid
(Mushaaxid-da)
Socod la mushaaxa hayo, socosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mushaaxid
m.f.dh eeg mushaax². la-mid: mushaax¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mushaaxid
-da: (magac, dhedig, keli) socod la mushaaxayo socosho. Dh: tamashlayn, daashadaashood. Li: tacabid, rafaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gamaamadid
m.f.dh eeg gamaamad². la-mid: gamaamad¹, gamaamamud¹, gamaamudid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gamaamadid
-da: (magac, dhedig, keli) wax la qarinaayey wax kale ku hilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Laxaamadid
(Laxaamadid-da)
Laxaamad iskula dhejin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laxaamadid
m.f.dh eeg laxaamad².
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Laxaamadid
Saldatura
To weld
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laxaamadid
-da: (magac, dhedig, keli) biro kala jabnaa, isku kabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masaabaxan
f.mg4 (-xnaa, -xnayd) la-mid: masaamaxan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masaabaxan
(tilmaame) saamaxan oo dembi uu galay laga dhaafay ah. Waad masaabaxan tahay Dh: cafisan, saamaxan, musaamaxan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Masaafirid
(Masaafirid-da)
Meel fog aadid, u bixid; socdaalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masaafirid
m.f.dh eeg masaafir². la-mid: masaafurid, musaafurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masaafirid
-da: (magac, dhedig, keli) safar dheer u bixid; meel fog socoto ku aadid. Dh: socdaalid, musaafurid, safrid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masaafurid
m.dh la-mid: masaafirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masaafurid
-da: (magac, dhedig, keli) safar dheer u bixid; meel fog socoto ku aadid. Dh: safrid, socdaalid, musaafurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masallafid
m.dh la-mid: musallifid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masallafid
-da: (magac, dhedig, keli) caydhoobid oo wixii xoolo la lahaa dhammaansho. Masallafidda xanuunkaa ka daran. Dh: masalufid, caydhoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mataatixid
m.f.dh eeg mataatax³. la-mid: mataatax¹ (4), motootax¹, motootixid, mutuutax¹
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mataatixid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg mataataxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maxammasid
m.f.dh eeg maxammas².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rahaamadid
m.f.dh eeg rahaamad³.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Taraaraxid
(Taraaraxid-da)
Si taraarax ah u socosho, u xiimid, u sidbasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taraaraxid
m.f.dh eeg taraarax². la-mid: taraa-rax¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taraaraxid
-da: (magac, dhedig, keli) silbasho la is qaban kari waayo, oo lagu sigto in la kufo. Dh: sinbiriirixasho, silbasho, sidbasho, siibasho.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Madax maaxid
Head of navigation
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masaamaxnaan
m.f.dh eeg masaamaxan. la-mid: masaabaxnaan, masaabaxnaansho, masaamaxnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masaamaxnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax la cafiyay oo saamaxan ahaan. Masaamaxnaan ayaa xabsiga lagaga bixi karaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
balaambalid
m.f.dh eeg balaambal. la-mid: balaambal¹, balambal¹, balambalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balaambalid
-da: (magac, dhedig, keli) carcaraaf iyo saxaariir dhib badan la kulmid. Wiilku balaambalid ayuu yaraantii soo dhammaystay. Dh: balambalid, balanbalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ibasalaaxid
-da: (magac, dhedig, keli) hal candhadeed, xoodaamin. Dh: Ibosalaaxid.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Magaacaabid
Nomina
Appointment
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masaabaxnow
f.mg3 (-naaday, -naatay) la-mid: masaamaxnow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masaabaxnow
(fal) cafisnaw; saamaxnaw.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masaafaysad
-ka: (magac, lab, keli) masaafa geysasho oo ku soo mehersasho. Masaafasadku waa weli ka carar. Dh: masaafageysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mashxaradid
m.f.dh eeg mashxarad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mashxaradid
-da: (magac, dhedig, keli) damalo samayn oo mashxarad ku jiidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maskabjabid
m.dh l maskarjabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maskarjabid
m.f.dh eeg maskarjab². la-mid: maskabjab¹, maskabjabid, markarjab¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maskarjabid
-da: (magac, dhedig, keli) qarqoomid oo berriga u baxsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salsalaaxid
-da: (magac, dhedig, keli) si debecsan oo naxriis leh, gacan dul marmarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madaxsalaaxid
m.f.dh eeg madaxsalaax.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madaxsalaaxid
-da: (magac, dhedig, keli) calaacasha gacanta timaha madaxa dulmarmarin. Madaxsalaaxidda ninka weyni waa diidmo asturan.
madaxsalaaxid-da: (magac, dhedig, keli) ilmo ama cid masuul laga yahay u sii laandayn oo gar iyo gardarraba ku taageerid. Dh: rabarabayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Asaasid
(Asaasid-da)
Asaas u yeelid; bilaabid; (ama aasaasid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asaasid
m.f.dh eeg asaas². la-mid: aasaasid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
asaasid
vl. n. act of founding