marshabiyeedi
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
marshabiyeedi
-ga: (n) sidewalk (saaydh-wook)-, pavement (peeyv-ment)
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
curb
/karb/ (n) 1. qarka u dhexeeya waddada baabuurta iyo marshabiyeediga (n) 2. xakame (xakamaha faraska lugu xukumo) (v) 3. xakamayn (xakame ku qabasho).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mooswabiyeed
-ka: (magac, lab, keli) dhul sare oo ka dhinac samaysma webi dhex maraya bannaan, markii uu sabab darted webigu billaabo xoqid joog ah mar kale, sababtaas oo ay suurtoggal tahay iany tahay dhallinyarayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
makhabiyad
-da: (magac, dhedig, keli) gabadh aan loo oggoleyn inay guriga ka soo baxdo. Nin aan diinta aad u fahmin ayaa gabadhiisa makhabiyad ka dhiga. Li: faraha laga qaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marashiyee
f.g2 (-yeeyay, -yaysay) Haween la qabo marashi siin. la-mid: marashee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
marashiyee
v. give clothes to, clothe
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marashiyee
(fal) eeg marashiyay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
marashiyee
de: give clothes to, clothe
lx: marashiyee
pd: (marashiyeeyey)
ps: v2b=
key: marashiyee
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
warshadeed
n. phr., genetive: industrial
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
warshadeed
de: industrial Lit: of industry
initial: w
lx: warshadeed
ps: np-gen
key: warshadeed
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Moos wabiyeed
River terrace
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
moos-wabiyeed
m.l (-dyo, m.dh) (jooloji) Dhul sare oo ka dhinac samaysma webi dhex maraya bannaan, markii uu sabab darteed webigu billaabo xoqid joog ah mar kale, sababtaas oo ay suurtoggal tahay iany tahay dhallinyarayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
moos-wabiyeed
m.l (-dyo, m.dh) (jool.) Dhul sare oo ka dhinac samaysma webi dhex maraya bannaan, markii uu sabab darteed webigu billaabo xoqid joog ah mar kale, sababtaas oo ay suurtoggal tahay iany tahay dhallinyarayn.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
garasha dheeri
(expression) having forethought (foort-thoot); prudence, foresight or intelligent (in tala-jent) ~ fiira dheer, caqli badan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carabiyeyn
m.dh eeg carabiyee. la-mid: carabayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Carabiyeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) Carabi ka dhigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darabyeelo
(fal) ka maydh wixii nijaas ah dabada iyo ibta. Intaanad waysaysan ka hor darabyeelo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
harsubxeed
m.l la-mid: harsubaxeed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maraaciyid
(Maraaciyid-da)
Xoodaamin jacayl ku jiro; salaaxid; xoodin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maraaciyid
m.f.dh eeg maraaci². la-mid: maraaci¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maraaciyid
-da: (magac, dhedig, keli) xoodaamin. Dh: salaaxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masaabixid
m.dh la-mid: masaamixid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masaabixid
-da: (magac, dhedig, keli) saamixid oo dembi uu galay ka dhaafid. Dh: cafin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masciideed
m.l (c.nafl) Nooc masaska halista ah ka mid ah oo leh midab dhiin ah oo badanaa jooga dhulka cadduunka ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
masciideed
m.l (c.nafl) Nooc masaska halista ah ka mid ah oo leh midab dhiin ah oo badanaa jooga dhulka cadduunka ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
masciideed
m. n. snake species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masciideed
-ka: (magac, lab, keli) midab ciidcaska u eg oo qurux badan waxa lagu tusmeeyaa gabdhaha maarriinka cas ah. Macaaantii an doortaay, waxad tahay masciideed.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
masciideed
de: snake sp.
lx: masciideed
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: masciideed
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Muqshabeel
(Muqshabeel-ka)
1. Haramcad.
2. Labo wax oo kala jaad ah, waxay iska dhaleen.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muqshabeel
m.l (-llo, m.dh) 1. Harimcad. 2. Qof ay iska dhaleen dheddig iyo lab kala midab ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
muqshabeel
m.l (-llo, m.dh) 1. Harimcad. 2. Qof ay iska dhaleen dheddig iyo lab kala midab ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
muqshabeel
m. n. leopard (jungle cat)
muqshabeel m. n. Somali hybrid, mulatto, half-caste
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
muqshabeel
-ka: (n) crossbreed (karoos biriidh); mulatto (mulaa-tow) ~ muwallad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muqshabeel
-ka: (magac, lab, keli) xayawaan dugaagga ka mid ah oo adhiga cuna oo dacawana ka weyn libaaxa iyo shabeelna ka yar oo shabeelka sawaabiya. Dh: harimacad, haramcad.
muqshabeel-ka: (magac, lab, keli) xayawaan ay iska dhalaan labo noole oo kala jinsi ahi.
muqshabeel-ka: (magac, lab, keli) midab maarriin ah oo casaan iyo madaw u dhexeeya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sharciyeed
m.l 1. (qaanuun) Waxaa loo isticmaalaa in lagu sifeeyo waxyaabaha la xiriira sharciga, aqoonta sharciga, ama isticmaalada sharciga. 2. (qaanuun) Ficil ama xaalad sharciyeysan uu sharcigu oggolaaday ama ansixiyey.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sharciyeed
m.l 1. (qaan.) Waxaa loo isticmaalaa in lagu sifeeyo waxyaabaha la xiriira sharciga, aqoonta sharciga, ama isticmaalada sharciga. 2. (qaan.) Ficil ama xaalad sharciyeysan uu sharcigu oggolaaday ama ansixiyey.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sharciyeed
(tilmaame) waxaa loo isticmaalaa in lagu sifeeyo waxyaabaha la xidhiidha sharciga, aqoonta sharciga, ama isticmaalidda sharciga.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carshaashee
f.g2 (-sheeyay, -shaysay) Hawl qas iyo lab dhex gelin. la-mid: carshacarshee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carshaashee
(fal) eeg carshaashay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fayoobiyeed
n. phr., genetive: medical, sanitary
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fayoobiyeed
de: medical, sanitary
lx: fayoobiyeed
ps: np-gen
key: fayoobiyeed
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garabyeelid
(Garabyeelid-da)
Gacan qabasho; u hiilin; taageero iyo kaalmo siin: tiirin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garabyeelid
m.f.dh eeg garabyeel².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garabyeelid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, taageerid. Dh: kaalmayn, caawin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
harsubaxeed
m.l Hooska ay walxuhu yeeshaan subaxii marka ay qorraxdu ku dhacdo; hoos-horaad. la-mid: harsubxeed.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
harsubaxeed
-ka: (magac, lab, keli) hadhka subaxa ee u jeeda cadceeddhaca. Li: hadhgalabeed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Makhabbiyad
(Makhabbiyad-da)
Maxajabad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
makhabbiyad
m.dh (-do, m.l) Qof dumar ah oo gurigeeda ku dhowrsan oo aan loo oggoleen in ay dibadda u soo baxdo. la-mid: makhabbiyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
makhabbiyad
m.dh (-do, m.l) Qof dumar ah oo gurigeeda ku dhowrsan oo aan loo oggoleen in ay dibadda u soo baxdo. la-mid: makhabbiyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
makhabbiyad
f. n. woman living in a small hut (purdah) ~ completely covered
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
makhabbiyad
a: maxajabad
bw: Arabic
de: woman living in a small hut (purdah) ~ completely covered (i.e., following Arabic tradition of not exposing any part of the body)
lx: makhabbiyad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: makhabbiyad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mandhareeri
(fal) matag balqan isjiidanaya ah hunqaac. Waligaaba mandhareeri haddaad wax cunin waxba kaa soo dhici maayaan. Dh: matag, madhareeri.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
marciapiède
s.m. rasdada dhinaca dadka mara, marshabiyeedi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mishaariyee
f.g2 (-yeeyay, -yeysay) la-mid: mushaalliyee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mushaariyee
f.g2 (-yeeyay, -yeysay) la-mid: mushaalliyee.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
WARSHADEEYE
Industriale
Industrialist

Warshadeeye
Industriale
Industrialist
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xanshareeri
-da: (magac, dhedig, keli) halka ama awooda wax lagu qarsado. Dh: sirqarsi.
xanshareeri -da: (magac, dhedig, keli) badhida la shiilo cad ka soo baxa oo dumarka iyo carrurtu cunaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bashabuureed
-da: (magac, dhedig, keli) bisad duurjood ah. Dh: dinnaddibadeed, bashadibadeed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biish-biyeeg
m.l (-gyo, m.dh) la-mid: yeeg-bibiish.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carrabdheeri
-da: (magac, dhedig, keli) aflagaadada iyo adiyad. Dh: afdheeri, doxore.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabashabeeli
(fal) dabaggal si aad xog u heshol ama qof wixii aad uga baahnayd ugu danbayn uga hesho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faldenbiyeed
-ka: (magac, lab, keli) denbi uu qof galay, wixii uu ahaa; falka denbiga lagu galay. Dh: qalad
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Marcia piedi
Dhabbo lugeed
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marsuubiyaal
m.l (-lo, m.dh) Xubin ka tirsan dir hoosaadka marsubaaliya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
warmurtiyeed
-ka: (magac, lab, keli) war si rasmi ah ay dawlad ama maammul u sii daayo ama shir rasmi ah ka soo baxa. Warmurtiyeedkii shirka ka soo baxay lama faahfaahinnin.