marqofur
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marqofur
(fal) eeg marqafur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Marqafur
(Marqafur-ka)
Geed nagaar ah oo geelu jecel yahay oo ku dararo; marqammayr.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marqafur
m.l Geed-saar geelu aad u jecelyahay, marqammayr. la-mid: marqammayr.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
marqafur
m. n., [collective] small plant species, which camel likes to eat
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marqafur
(fal) maraqa naasaha kaga maran ka fur halaha irmaan. Dh: margofur, Li: maraq
marqafur-ka: (magac, lab, keli) shaqo geeljiruhu gabto oo uu geela irmaan maraga ka furo kolka la lisayo.
marqafur -ka: (magac, lab, keli) geed nagaadh ah oo geelu jecel yahay oo uu ku dararo. Dh: marqammaydh, marqammayr.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
marqafur
de: small plant sp., which camel likes to eat (believed to assist greatly in milk production)
lx: marqafur
pd: (-ka)
ps: n-m-col
see: maraq + fur
key: marqafur
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MARQA-FUR
(Marga-for) C Heliotropium longiflorum (A. DC.) Jaub & Spach. Boraginaceae.
C Heliotropium strigosum Willd. Boraginaceae.
C Heliotropium steudneri Vatke. Boraginaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marafur
m.dh Geedgaab aan qodax lahayn oo leh laamo dhuudhuuban oo wax lagu dhisto, waxna lagu daaweeyo.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
MARAFUR
[MIRAFUR, MURAFER] Boswellia neglecta 01
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marafur
-ta: (magac, dhedig, keli) geedgaab aan qodax lahayn oo leh laamo dhuudhuuban oo wax lagu dhisto, waxna lagu daaweeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maragfur
maragfur¹: m.l Sheegidda wax dhacay oo goobjoog loo ahaa la sheego. la-mid: maragfurid.
maragfur²: f.mg1 (-ray, -rtay) Wax dhacay oo goobjoog loo ahaa sheegid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maragfur
maragfur¹: m.l Sheegidda wax dhacay oo goobjoog loo ahaa la sheego.
maragfur²: f.mg1 (-ray, -rtay) Wax dhacay oo goobjoog loo ahaa sheegid. m.f.dh, maragfurid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maragfur
v., [compound] testify, witness, give testimony
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maragfur
-ay / tay: (v) bear witness; give evidence; witness for or against ~ markhaati fur
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maragfur
(fal) sida ad wax u og tahay u sheeg: waxaad aragtay ama waxaad maqashay sheeg. Sida uu Eebbe kugu ogyahay u maragfur.
maragfur-ka: (magac, lab, keli) sheegidda uu qof markhaati loo qabsadaa uu qaadi ama quudi xeerbeegti hortooda ka sheego sida uu wax u ogyahay. Dh: markhaatifur.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maragfur
de: testify, witness, give testimony
lx: maragfur
nt: with preposition ka (to), ku (against), u (for ~ in favor of)
pd: (maragfuray)
ps: v1=cmp
key: maragfur
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marqo
f.g3 (-qaday, -qatay) Hal irmaan afarteeda naas oo dhan ama qaar ka mid ah marasho, si aan loo nuugini ama loo lisin. la-mid: maraqso.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
armour
/armar/ (n) gaashaan ama qalab aan xabbadu karin. e.g. He was arrested by a police officer wearing soft body armour.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maqoor
m.l la-mid: moqor.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maqoor
m. n. small deep hole usually in a tree (where water gathers)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maqoor
(fal) si isle'eg wax u qaybi. Hawsha inno maqoor. Dh: qaybi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maqoor
a: moqor
de: small deep hole usually in a tree (where water gathers)
lx: maqoor
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: maqoor
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maquur
maquur¹: m.l la-mid: maquurid.
maquur²: f.g1 (-ray, -rtay) Biyo hoos u gelid. la-mid: makhuur², mukhuur², muquur².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maquur
f.g1 (-ray, -rtay) Biyo hoos u gelid. m.f.dh, maquurid. la-mid: makhuur, mukhuur, muquur.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maquur
v. immerse oneself under (water); swim under water
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maquur
-ay / tay: (v) swim under water; dive (dhaayv); submerge (sab-meerj') ~ maquuf
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maquur
(fal) biyaha wada dhexgeli oo ku wada qari. Wiilka biyaha ku maquur cabsidu ha ka ba'dee, Dh: quusi, muquur, limmi, makhuur.
maquur-ta: (magac, dhedig, keli) quusidda biyaha la quuso ee madax iyo mijo la wada dhex galo biyaha. Maquur nimaan aqoon dabbaal ma yaqaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maquur
bw: makhuur ~ mukhuur ~ muquur
de: immerse oneself under (water); swim under water
lx: maquur
nt: maquur (ka) [vn-m]
pd: (maquuray)
ps: v1=tr
key: maquur
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maroor
(Maroor-ka)
1. Si aan toosnayn oo qallooc ah u wareegsan, u furuxsan; isku kor marooqsan; isku soo gudannoqday; gurracan.
2. Xiidanka weyn, docdiisa dibadda xigta; walammad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maroor
maroor¹: m.l Meesha nafleydu ka saxarooto.
maroor²: f.mg1 (-ray, -rtay) Xarig, maro, iyo wixi lamida marooq yeelasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maroor
m.l Meesha nafleydu ka saxarooto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maroor
n. crookedness; twisted object; lower intestines, colon, anus
maroor [inchoative] v. be ~ get crooked, become twisted
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maroor
-ka: (n) twistability (tuwist-ibiliti); twistiness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maroor
-ka: (magac, lab, keli) nin dabeecad xun oo cidna la heshiin karin; qof bilaa dabeecad ah.
maroor -ka: (magac, lab, keli) qallooc aan toes nayn oo xoodnaan leh. Dh: qallooc. Li: tooni.
maroor -ka: (magac, lab, keli) xiidmaha waawayn docdooda dabada u xigta. Dh: malawadka.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
marque
marque, n.f. - Calaamad; Calaamadin; Summadin; Naqilaad (Qorid); Qoris; Ogow; Qoraal xasuuseed; Dhibco; Xagtin; Xaqiiq.
de marque - ugu fiican.
marque de fabrique - Calaamad warshadeed.
personne de marque - Calaamad qof.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naqfur
-ka: (magac lab kel) hakasho roobku joogsado oo maalmo uu cirku bilaa daruuro noqdo. Maanta roobku waa naqfur oo cadceedbaa jirta.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barifur
(fal) cid aad ballan wada lahaydeen, kaga bax. Dh: badhifur, baaji. Li: fuli.
barifur -ka: (magac, lab, keli) kaga baxidda ballan aad cid lahaydeen.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Harbour
Deked
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
harbour
n., deked, -di.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
marquer
marquer, v. - Calaamad ku qorid.
marquer un but - guul gaadhid.
marquer à la craie - Dabaashiir sabuuradda lagu qoro.
marquer au fer - Summad; calaamad; maddane; birta wax lagu sunto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mirafur
(Mirafur-ka)
Geed-quwaax weyn oo xabag udgoon oo la shito leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mirafur
m. n., [collective] large incense-bearing tree species
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MIRAFUR
(Marafur) C, NFD Boswellia neglecta S. Moore. Burseraceae.
N Kirkia tenuifolia Engl. Simaroubaceae.
May, S Boswellia rivae Engl. Burseraceae.
C Boswellia microphylla Chiov. Burseraceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mirafur
-ka: (magac, lab, keli) geed quwaaxweyn oo xabag udgoon oo la shito leh.
mirafur -ka: (magac, lab, keli) abaalmarin loo geeyo reerka gabadh laga guursado habeenka aqalgalka habeenka ka dambeeya waxana keena waalidka caruuska. Mirafurkii gabadha waa la qaybsaday. Dh: gulanti.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mirafur
de: large incense-bearing tree sp.
lx: mirafur
pd: (-ka)
ps: n2-m-col
key: mirafur
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
parlour
/parlar/ (bre)(n) qolka dadka lugu soo dhaweeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qarqoor
(Qarqoor-ka)
Wax is-haysta oo la goynayo ama la soo bixinayo, oo inta uu ku fadhiyo la muujiyo, lala soo af-wareego, la soo qodo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarqoor
qarqoor¹: m.l Ka baneynta hareera wax la doonayo in la jaro ama la qodo. la-mid: qarqoorid, qooqaar¹.
qarqoor²: f.g1 (-ray, -rtay) Wax la doonayo in la jaro ama la qodo hareerahooda banneyn. la-mid: qooqaar².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qarqoor
v. cut around
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarqoor
(fal) hareeraha ka god si aad u bixiso Dhagaxa qarqoor, kadibna sabaradda ku saar. Dh: afmeer, meegaar.
qarqoor -ka: (magac, lab, keli) meegaar lagu sameeyo wax aasan oo is haysta si loo bixiyo. Dh: meegaar.
qarqoor-ka: (magac, lab, keli) nabar meegaaran oo wejiga ama madaxa qaadha. Qargoor weyn ayaa wejiga gaga yaal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qarqoor
de: cut around
lx: qarqoor
nt: qarqoor (ka) [vn-m], qarqoorid (da) [vn-f]
pd: (qarqooray)
ps: v1=tr
key: qarqoor
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masaafur
masaafur¹: m.l la-mid: masaafir¹.
masaafur²: f.mg1 (-ray, -rtay) la-mid: masaafir².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
masaafur
v. travel, go far away
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
masaafur
-ka: (n) traveler or traveller; wayfarer (weey feerar) ~ masaafir
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masaafur
(fal) safar u bax. Reerka magaalada ugu masaafur. Dh: safar.
masaafur-ka: (magac, lab, keli) qof socoto ku jira oo lug ama gaadiid ku socdaalaya. Dh: safar, musaafir, masaafir, marti, socoto. Wa: masaafiriin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
masaafur
de: travel, go far away
lx: masaafur
pd: (masaafuray)
ps: v1=intr
see: masaafir (and related forms)
key: masaafur
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
midhofur
-ka: (magac, lab, keli) geed quwaax xanjo leh oo ka baxa buuralayda. Midhafurkaa kugu ag yaal foox iiga soo gur. Dh: murjaan.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
parqueur
parqueur, n.m. - qofka xayawaanka daaweeya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maragfurid
m.f.dh eeg maragfur². la-mid: maragfur¹
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maragfurid
-da: (magac, dhedig, keli) wax la arkay ama la maqlay sida ay u dheceen ee loo ogyahay oo keli ah u sheegid. Maragfuriddu waa cibaado kolka dacaad laga yahay. Dh: markhaatifurid.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
carrefour
carrefour, n,m, - Isgoyska waddada; afar irdood (is-goys),
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carroguur
m.l (jooloji) Rifanka ama lumista carrada sare, inta badanna waxa sababa falka dabaysha iyo roobka. la-mid: carragguur.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
carroguur
m.l (jool.) Rifanka ama lumista carrada sare, inta badanna waxa sababa falka dabaysha iyo roobka. la-mid: carragguur.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Carroguur
Erosion
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carroguur
-ka: (magac, lab, keli) carratiranka ku dhacda oogada dhulka.
carroguur-ka: (magac, lab, keli) tirtiranka carrasanta ay dhirtu ku baxdo,
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fardofuul
(magac, lab, keli) eeg fardafuul.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madaxfuro
f.g3 (-rtay, -ratay) Qof la qafaalay hanti ku soo furasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
madaxfuro
f.g3 (-rtay, -ratay) Qof la qafaalay hanti ku soo furasho. m.f.dh, madaxfurasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
madaxfuro
v. redeem, pay someone's ransom; pay one's debts
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madaxfuro
(fal) wax la haysto wax kale waydaarso oo ku beddelo. Ninka maxbuuska ah milyan ku madaxfuro haddii kale waa la dilayaa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
madaxfuro
de: redeem, pay s.o.'s ransom; pay one's debts
lx: madaxfuro
pd: (madaxfurtay)
ps: v3b=tr
key: madaxfuro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maraqsaar
m.l Miskaha geela korkooda.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maraqsaar
m. n., [compound] part of a camel's back just behind the hump where the udder string is placed during milking
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maraqsaar
-ka: (magac, lab, keli) geela halkiisa sare ee kuriska ka dambaysa ee marka la lisayo maraqa la saaro. Awrka maraqsaarka fadhiiso co kuriska ku dheg.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maraqsaar
de: part of a camel's back just behind the hump where the udder string is placed during milking
lx: maraqsaar
pd: (-ka)
ps: n-m-cmp
key: maraqsaar
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
marmonner
marmonner, v. - Hadalka hoos udhigid si aan loo maqlin
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
marmotter
marmotter, v. - Hadalka hoos u dhigid si aan loo maqlin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masaafuri
f.mg2 (-iyay, -isay) la-mid: masaafiri.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
masaafuri
-yey / say: (v) send into exile (eg 'saayl)-, banish (baanish)-, deport (dipoort)-, expatriate (ekis-peey triyeeyt) ~ tarxiil, masaafiri
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masaafuri
(fal) cid safar ayna dooran safarsii oo qasab ku dhoofi. Ninkaan dalka sharci ku joogin masaafuri. Dh: masaafiri.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Qarqoorre
Tooxiye qarqoorte.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ka maragfur