maroorsanaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maroorsanaan
(Maroorsanaan-ta)
Wax maroorsan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maroorsanaan
m.f.dh eeg maroorsan². la-mid: maroorsanaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maroorsanaan
f. n., [abstract] crookedness, twistedness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maroorsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) qalloocsanaan oo wax dhan u janjeedha ahaan. Xanuun ayaa dadka qaarkood afmaroorsanaanta u keena. Dh: qalloocsanaan. nisu b
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maroorsanaan
de: crookedness, twistedness
lx: maroorsanaan
pd: (-ta)
ps: n-f-abs
key: maroorsanaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aroorsanaan
m.f.dh eeg aroorsan. la-mid: aroorsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aroorsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mid arooray oo biyo doontay ahaan.
aroorsanaan -ta: (magac, dhedig, keli) mid la dheelmiyay ahaan.
aroorsanaan-ta: (magac, dhedig, keli) meel hoose ku fogaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maroogsanaan
m.dh la-mid: marooqsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marooqsanaan
m.f.dh eeg marooqsan. la-mid: maroogsanaan, maroogsanaansho, marooqsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maroorsanaw
(fal) weligaa wax qalloocan oo maroora ahaw. Dabcixumoow in lagu yidhaa haddaad doonayso maroorsanow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
majarroorsanaan
m.dh la-mid: manjarroorsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maroorsanaansho
m.l/dh eeg maroorsanow. la-mid: maroorsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maroorsanaansho
-ha: (magac, lab, keli) wax maroorsan oo dhan u xoodan ahaansho. Maroorsanaansho waan ku ogaa. Dh: qalloocsanaansho, xoodnaansho. Li: toosnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mijarroorsanaan
m.dh la-mid: manjarroorsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maandoorsanaan
m.f.dh eeg maandoorsan. la-mid: maandoorsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maandoorsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) qof miyir la' oo waalan ama sakhraansan ahaan. Ninka maandooriye laasimaa isaga ayaa maandoorsanaanta iskugu wacan. Dh: waallaan, miyirdoorsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maroorsan
La maroojiyey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maroorsan
maroorsan¹: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Wax maroor leh noqosho (xarig, maro iyo wixi lamida).
maroorsan²: f.mg4 (-naa, -nayd) Wax maroor leh ahaansho (xarig, maro iyo wixi lamida).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maroorsan
maroorsan¹: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Wax maroor leh noqosho (xarig, maro iyo wixi lamida). m.f.dh, maroorsamid.
maroorsan²: f.mg4 (-naa, -nayd) Wax maroor leh ahaansho (xarig, maro iyo wixi lamida). m.f.dh, maroorsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maroorsan
der. [adjective] crooked, twisted
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maroorsan
(n) twisty (tuwisti)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maroorsan
(tilmaame) qalloocan oo dhan u janjeedha. Dh: qalloocsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maroorsan
de: crooked, twisted
lx: maroorsan
nt: maroorsan (maroorsamay) [v1=inch]
pd: (maroorsanaa)
ps: adj-der
key: maroorsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Marsanaan
(Marsanaan-ta)
Wax wax marsan ama la marshey ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marsanaan
m.f.dh eeg marsan. la-mid: marsanaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
marsanaan
f. n., [abstract] state of being rubbed ~ spread (with something); painted
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax wax marsan ama la marshey ahaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
marsanaan
de: state of being rubbed ~ spread (with s.t.); painted
lx: marsanaan
pd: (-ta)
ps: n-f-abs
key: marsanaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doorsanaan
m.f.dh eeg doorsan². la-mid: doorsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doorsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax beddelan ahaan. Dh: qayirnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karoornaan
m.f.dh eeg karooran. la-mid: karoornaansho.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MAROORSANE
(Marorsaneh) S Commiphora alaticaulis Gillett & Vollesen. Burseraceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maroorsani
-da: (magac, dhedig, keli) eeg marooorsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
moodsanaan
m.f.dh eeg moodsan. la-mid: moodsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moodsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) sida ay tahay maahee si kale moodid oo u haysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aqoonsanaan
m.f.dh eeg aqoonsan. la-mid: aqoonsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aqoonsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) garashada iyo fahanka cilmi iyo aqoon.
aqoonsanaan -ta: (magac, dhedig, keli) ictiraafsanida cid kale oo kuu dhiganta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aruursanaan
m.f.dh eeg aruursan. la-mid: aruursanaansho, urursanaan, urursanaansho, uruursanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aruursanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) isku keenitanka iyo isku imaatinka wax kala maqnaa ama kala baahsanaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bararsanaan
(Bararsanaan-ta)
Wax bararsan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bararsanaan
m.f.dh eeg bararsan. la-mid: bararsanaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bararsanaan
f. n. swelling
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bararsanaan
-ta: (n) sw lenness (iswoolannes); swelling
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bararsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax bararsan oo aad u soo foocsan cudur ama nabar kale awgii ahaan. Barsaanta aan dhammaanaynin ka yaabnay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bararsanaan
de: swelling
lx: bararsanaan
pd: (-ta)
ps: n2a-f
key: bararsanaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garoomanaan
m.f.dh eeg garooman. la-mid: garoomanaansho, garoonnaan, garoonnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maharsanaan
m.dh la-mid: mehersanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maharsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) naag meher lagu xidhay oo la guursaday ahaan. Waajibaad badan ayaa maharsanaanta ka ratibmaya. Dh: mehersanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maragsanaan
m.f.dh eeg maragsan. la-mid: maragsanaansho, meregsanaan, meregsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maragsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) marag ahaan; markhaati ahaan. Maragsanaanta aan la isku ogolayni maragsani maaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maraqsanaan
m.dh la-mid: marqanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maraxsanaan
m.f.dh eeg maraxsan. la-mid: maraxsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maraxsanaan
-ta: (magac, dhedig, kell) wax la madhxiyay oo meel kayd ahaan luugu qariyay ahaan. Dh: madhaxsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maroorsanow
f.mg3 (-naaday, -naatay) Wax marooq yeeshay noqosho (xarig, maro iyo wixi lamida).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maroorsanow
inch. v. get twisted, become crooked
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maroorsanow
de: get twisted, become crooked
lx: maroorsanow
pd: (maroorsanaaday)
ps: v3=inch
key: maroorsanow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mirirsanaan
m.f.dh eeg mirirsan. la-mid: mirirsanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gadoodsanaan
m.f.dh eeg gadoodsan. la-mid: gadoodsanaansho; gedoodsanaan, gedoodsanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maquursanaan
m.f.dh eeg maquursan. la-mid: makhuursanaan, makhuursanaansho, maquursanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maquursanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax biyaha dhex quusan ahaan. Maquursanaan ayuu ku tallaabay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masayrsanaan
m.f.dh eeg masayrsan. la-mid: masayrsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masayrsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) hinaase ku jirid; hinaasanaan. Dh: masayrnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nadoocsanaan
m.f.dh eeg nadocsan. la-mid: nadoocsanaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nadoocsanaan
f. n., [abstract] bentness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nadoocsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) galloocsanaan; soo godnaan. Qaansada waa loogu talagalay nadoocsanaanta. Dh: nadoocsani,
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nadoocsanaan
de: bentness
lx: nadoocsanaan
pd: (-ta)
ps: n-f-abs
key: nadoocsanaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarqarsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mid qadhqadhyo hayso ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wareersanaan
(Wareersanaan-ta)
Wax wareersan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wareersanaan
m.f.dh eeg wareersan. la-mid: wareersanaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wareersanaan
f. n., [abstract] state of dizziness, mental confusion ~ distress
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wareersanaan
de: state of dizziness, mental confusion ~ distress
initial: w
lx: wareersanaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: wareersanaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
warwarsanaan
m.dh la-mid: walwalsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
warwarsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax welwel iyo cabsi mustaqbalka ah qaba ahaan. Warwarsanaanta waa la iska yareeyaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yahoonsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax socdaal hayaan ah ku jira ahaan. Dh: kaynaansanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
majagororsanaan
m.dh la-mid: manjagororsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maroogsanaansho
m.l/dh la-mid: marooqsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marooqsanaansho
m.l/dh la-mid: marooqsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mijagororsanaan
m.dh la-mid: mijagorosanaansho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mijagororsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) qof mijagoror hayo ahaan; wax dhuuxu gororayo ahaan. Dh: mijagororid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aroorsanaansho
m.l/dh la-mid: aroorsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aroorsanaansho
-ha: (magac, lab, keli) eeg aroorsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
coorcoorsanaan
m.f.dh eeg coorcoorsan. la-mid: coorcoorsanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
musaraarsanaan
m.f.dh eeg musaraarsan. la-mid: musaraarsanaansho, musareersanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
musaraarsanaan
-ta: (maqac, dhedig, keli) wax fajacsan oo sas iyo argagax la bayrbayraya ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
musareersanaan
m.dh la-mid: musaraarsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bayhoofsanaan
m.f.dh eeg bayhoofsan. la-mid: bayhoofsanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fanjooqsanaan
m.f.dh eeg fanjooqsan. la-mid: fanjooqsanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kankoonsanaan
m.f.dh eeg kankoonsan. la-mid: kankoonsanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maageersanaan
m.dh la-mid: maageernaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maageersanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax meegaarsan oo deyr ku xidhan yahay ahaan. Linka maageersanaanta u daa inta la eegayo. Dh: meegaarsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
makhuursanaan
m.dh la-mid: maquursanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
makhuursanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax muquursan oo biyaha dhex quusan ahaan. Makhuursanaan ayuu ku tallaabay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marqaansanaan
m.f.dh eeg marqaansan. la-mid: marqaansanaansho, murqaansanaan, murqaansanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marqaansanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax jaad ka dhergey oo mirgaan tal ah ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
matatarsanaan
m.f.dh eeg matatarsan. la-mid: matatarsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
matatarsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax farsamaysan oo qurshe ku socda ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalloocsanaan
m.dh la-mid: qalloocnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalloocsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax qalloocsan ahaan.
qalloocsanaan -ta: (magac, dhedig, keli) dabci xumaan; anshax xumaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wareersanaaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax wareersan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aloosnaan
m.f.dh eeg aloosan². la-mid: aloosnaansho.