maroorsamid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maroorsamid
m.f.dh eeg maroorsan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maroorsamid
-da: (magac, dhedig, keli) dhan u xoodmid oo u qalloocsamid. Dh: qalloocsamid, xoodmid. Li: toosmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maroorsad
-ka: (magac, lab, keli) hanti dadweyne xoog ama xeelad ku qaadasho oo suuqa madaw u weecsasho. Maroorsadka hanti lagugu aaminay xisaab ayaa ka dambaysa. Dh: leexsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maroorsani
-da: (magac, dhedig, keli) eeg marooorsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darooryaamid
m.dh la-mid: darooryid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darooryaamid
-da: (magac, dhedig, keli) hadal aan macno lahayn iskaga hadaaqid. Dh: duryamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aroorsad
-ka: (magac, lab, keli) xoolahaaga, iskaa ceelka biyaha u geysad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maroorad
-da: (magac, dhedig, keli) naag dabeecad xun oo cidna la heshiin karin; qof bilaa dabeecad ah. Naagtaayi waa qof maroorad ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maroorid
(Maroorid-da)
Wax maroorsan noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maroorid
m.f.dh eeg maroor².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maroorid
-da: (magac, dhedig, keli) wax maroora ama qallooca ahaansho. Dh: qalloocid, marooris. Li: toonid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maroorsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg maroorsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doorsamid
m.f.dh eeg doorsan¹. la-mid: doorsoomid, doorsoon¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doorsamid
-da: (magac, dhedig, keli) beddelmid oo sidii hore si ka duwan noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maroogsad
m.l la-mid: marooqsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marooqsad
m.l la-mid: marooqsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maroorsan
La maroojiyey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maroorsan
maroorsan¹: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Wax maroor leh noqosho (xarig, maro iyo wixi lamida).
maroorsan²: f.mg4 (-naa, -nayd) Wax maroor leh ahaansho (xarig, maro iyo wixi lamida).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maroorsan
maroorsan¹: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Wax maroor leh noqosho (xarig, maro iyo wixi lamida). m.f.dh, maroorsamid.
maroorsan²: f.mg4 (-naa, -nayd) Wax maroor leh ahaansho (xarig, maro iyo wixi lamida). m.f.dh, maroorsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maroorsan
der. [adjective] crooked, twisted
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maroorsan
(n) twisty (tuwisti)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maroorsan
(tilmaame) qalloocan oo dhan u janjeedha. Dh: qalloocsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maroorsan
de: crooked, twisted
lx: maroorsan
nt: maroorsan (maroorsamay) [v1=inch]
pd: (maroorsanaa)
ps: adj-der
key: maroorsan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madoorsame
-ha: (magac, lab, keli) wax xaddi go'an leh oon kolba qiima qaadan. Labo waa tiro madoorsame ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maqooradid
m.f.dh eeg maqoorad². la-mid: maqoorad¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maqooradid
-da: (magac, dhedig, keli) qaybin co hawl si ele'eg u qaybin. Dh: qaybin.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MAROORSANE
(Marorsaneh) S Commiphora alaticaulis Gillett & Vollesen. Burseraceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dardarsamid
m.f.dh eeg dardarsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dardarsamid
-da: (magac, dhedig, keli) is dhex galid oo isku mulmulaaqmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maroorsanaw
(fal) weligaa wax qalloocan oo maroora ahaw. Dabcixumoow in lagu yidhaa haddaad doonayso maroorsanow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maroorsanow
f.mg3 (-naaday, -naatay) Wax marooq yeeshay noqosho (xarig, maro iyo wixi lamida).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maroorsanow
inch. v. get twisted, become crooked
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maroorsanow
de: get twisted, become crooked
lx: maroorsanow
pd: (maroorsanaaday)
ps: v3=inch
key: maroorsanow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maroorsasho
m.dh la-mid: marooqsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maroorsasho
-da: (magac, dhedig, keli) hanti aanad lahayn weecsasho oo suuga madaw u duwid. Dh: leexsasho.
maroorsasho-da: (magac, dhedig, keli) walax soo leexsasho; shay dhankaaga u soo qalloocisasho. Birtu maroorsasho kama maarmayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bardooddamid
(Bardooddamid-da)
Cayaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bardooddamid
m.f.dh eeg bardooddan². la-mid: bardooddan¹, bardootamid, bardootan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bardooddamid
-ka: (magac, lab, keli) loollan ama tartan ciyaareed. Bardoodanka iyo bootindhisadka joojiya. Dh: loolan, tartan, beratan, bootindhisad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maroorsanaan
(Maroorsanaan-ta)
Wax maroorsan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maroorsanaan
m.f.dh eeg maroorsan². la-mid: maroorsanaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maroorsanaan
f. n., [abstract] crookedness, twistedness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maroorsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) qalloocsanaan oo wax dhan u janjeedha ahaan. Xanuun ayaa dadka qaarkood afmaroorsanaanta u keena. Dh: qalloocsanaan. nisu b
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maroorsanaan
de: crookedness, twistedness
lx: maroorsanaan
pd: (-ta)
ps: n-f-abs
key: maroorsanaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalloocsamid
-da: (magac, dhedig, keli) maroorsamid oo dhan o xoodmid. Li: toosid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aloosmid
m.f.dh eeg aloosan¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aroorsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax, meel aad ugu libdhay ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aroorsan
(tilmaame) aroor ah; xoolo la aroorshay ama la aroorinayo. Lo' aroorsan baan ku soo dhex dhacnay.
aroorsan: (tilmaame) mid la dheelmiyay.
aroorsan: (tilmaame) wax hoos loo sii fogeeyay. qodinka waa mid aad u aroorsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baroorad
m.l la-mid: baroorasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baroorad
-ka: (magac, lab, keli) ooyid oo qaylo la hiqlayn. Baroorad geel laguma dhiciyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baroorsi
m.l la-mid: baroorsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darsamid
m.f.dh la-mid: darmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darsamid
-da: (magac, dhedig, keli) biirid oo isku mid noqosho. Dh: biirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garoomid
m.f.dh eeg garoon³.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garoorid
(Garoorid-da)
Garoor noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garoorid
m.f.dh eeg garoor².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garramid
(Garramid-da)
Gar isu sheegasho: dacwiyid; doodid; eedaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garramid
m.f.dh eeg garran². la-mid: garran¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garramid
-da: (magac, dhedig, keli) baane iyo dood dacwadeed; gar isu sheegasho. Dh: baanid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karoorad
m.l la-mid: karuurasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karoorid
m.f.dh eeg karoor².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karsamid
-da: (magac, dhedig, keli) wax la karshay noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maqoorad
(Maqoorad-ka)
1. Hawl wadaagid, isu qaybin, isu kala jebin; qoloba hawl gaar ah ku jaadid, ku qaybin.
2. Arrin maammulid, agaasimid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maqoorad
maqoorad¹: m.l la-mid: maqooradid.
maqoorad²: f.g1 (-day, -dday) Wax maamulasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maqoorad
vl. n. dividing up of work; chairing a meeting
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maqoorad
-ka: (magac, lab, keli) qaybtanka hawl la qaybtamo oo ninba in loo dhiibo si loo maareeyo Dh: hawlwadaag.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maqoorad
de: dividing up of work; chairing a meeting
lx: maqoorad
pd: (-ka)
ps: vn2a-m
key: maqoorad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maroogsi
m.l la-mid: marooqsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Marooqsi
(Marooqsi-ga)
Marooqsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marooqsi
m.l la-mid: marooqsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maroorin
m.f.dh eeg maroori.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maroorin
vl. n. twisting, wringing; unclasping of hands
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maroorin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax toosan oo saani ah qalloocin oo dhan kale u weecin. Dh: xoodin, qalloocin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maroorin
de: twisting, wringing; unclasping of hands
lx: maroorin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: maroorin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maroorso
f.g3 (-saday, -satay) la-mid: marooqso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maroorso
v. take by force; rescue ~ remove something by force
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maroorso
(fal) wax adu aad lahayn xoog ama xeelada kale ku qaado. Dh: xoog, boob, dhac.
maroorso: (fal) laan kaa dheer ama wax toosan oo aad hayso galloociso oo dhan u janjeedhso. Laanta rooshaanta ah maroorso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maroorso
de: take by force; rescue ~ remove s.t. by force
lx: maroorso
pd: (maroorsaday)
ps: v3a=tr
key: maroorso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Warramid
(Warramid-da)
War sheegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
warramid
m.f.dh eeg warran². la-mid: warran¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
warramid
-da: (magac, dhedig, keli) war sheegid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
arooryaad
der. [adjective] of daybreak, occurring at dawn
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
arooryaad
de: of daybreak, occurring at dawn
lx: arooryaad
ps: adj-der
key: arooryaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baroorsii
f.mg2 (-iiyay, -iisay) la-mid: baroori.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baroorsii
(fal) qof kale, ka oohi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Darooryid
(Darooryid-da)
Hadal badan oo daroori ah ku hadlid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darooryid
m.f.dh eeg daroori². la-mid: darooryaamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darooryid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg darooryaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gooraamid
m.f.dh eeg gooraan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Loodsamid
(Loodsamid-da)
Soo laabmid, soo nadoocsamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
loodsamid
m.f.dh eeg loodsan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
loodsamid
-da: (magac, dhedig, keli) wax horay u fidsanaa, soo qalloocsamid ama soo laabmid. Dh: xoodsamid, loolsamid. Li: toosid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marmarsad
-ka: (magac, lab, keli) wax dubka dushiisa iska jijibin. Dh: marmasasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maroogsan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: marooqsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maroogsin
m.dh (-imo/-inno, m.l) Dambiil weyn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maroogsin
m.dh (-imo/-inno, m.l) Dambiil weyn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maroogsin
f. n. big straw basket
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maroogsin
-ta: (magac, dhedig, keli) sambiil weyn. Dh: dambiil.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maroogsin
cf: danbiil
de: big straw basket
lx: maroogsin
pd: (-ta Pl: maroogsimo (/ha))
ps: n1-f, n2-f
key: maroogsin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marooqsan
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Wax marooq yeeshay ahaansho (xarig, maro iyo wixi lamida). 2. Wax marooq yeeshay ahaansho (gees, qori iyo wixi lamida). la-mid: maroogsan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
marooqsan
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Wax marooq yeeshay ahaansho (xarig, maro iyo wixi lamida). 2. wax marooq yeeshay ahaansho (gees, qori iyo wixi lamida). m.f.dh, marooqsanaan. la-mid: maroogsan.