marooqsasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Marooqsasho
(Marooqsasha-da)
Xoog ku qaadasho; muquunsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marooqsasho
m.f.dh eeg marooqso. la-mid: maroogsad, maroogsasho, maroogsi, marooqsad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maroogsasho
m.dh la-mid: marooqsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maroorsasho
m.dh la-mid: marooqsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maroorsasho
-da: (magac, dhedig, keli) hanti aanad lahayn weecsasho oo suuga madaw u duwid. Dh: leexsasho.
maroorsasho-da: (magac, dhedig, keli) walax soo leexsasho; shay dhankaaga u soo qalloocisasho. Birtu maroorsasho kama maarmayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aroosasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg aroosad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aroorsasho
-da: (magac, dhedig, keli) ceel iyo meel biyo leh geysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
malooqasho
m.f.dh eeg malooqo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maraqsasho
m.dh la-mid: marqasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baroorsasho
m.f.dh eeg baroorso. la-mid: baroorsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diriqsasho
(Diriqsasha-da)
Xoog ku marsasho; xoog ku qaadasho; iska marooqsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Morooqsad
(Morooqsad-ka)
Marooqsasho,
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maroogsad
m.l la-mid: marooqsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maroogsi

marooqsi
m.l la-mid: marooqsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fanqooqsasho
(Fanqooqsasha-da)
Dhulka kor isaga qaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fanqooqsasho
m.f.dh eeg fanqooqso. la-mid: fanqooqsad, fanqooqsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fanqooqsasho
-da: (magac, dhedig, keli) dhulka kor isaga hayn, iyadoon la is taagayn. Dh: fanqooqsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marooqso
f.g3 (-saday, -satay) Cid wax gacanteeda ku jira xoog kaga qaadasho. la-mid: maroogso, maroorso.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
marooqso
f.g3 (-saday, -satay) Cid wax gacanteeda ku jira xoog kaga qaadasho. m.f.dh, marooqsasho. la-mid: maroogso, maroorso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
marooqso
v. twist someone's arms and take something by force, snatch forcibly
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
marooqso
bw: diriqso
de: twist s.o.'s arms and take s.t. by force, snatch forcibly
lx: marooqso
nt: marooqsad (ka) [vn-m], marooqsasho (/da) [vn-f], marooqsi (ga) [vn-m]
pd: (marooqsaday)
ps: v3a=tr
key: marooqso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marqasho
m.f.dh eeg marqo. la-mid: maraqsad, maraqsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Marsasho
(Marsasha-da)
1. Dhammaysasho; idlaysasho.
2. Akhrisasho.
3. Wax is marin, isku tirid.
4. Marsiino ama maro kale qaadasho, labbisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marsasho
m.f.dh eeg marso². la-mid: marsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marsasho
-da: (magac, dhedig, keli) cadar dawo dufan iyo wixii la mid ah dusha iska marin. Dh: marsi.
marsasho -da: (magac, dhedig, keli) barasho oo cashar dhigasho. Dh: marsi, barasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
moosasho
m.f.dh eeg mooso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moosasho
-da: (magac, dhedig, keli) ciid tiirsasho oo daad ama wax kale u teedin; daad iska weecin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marooqsad
m.l la-mid: marooqsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marooqsan
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Wax marooq yeeshay ahaansho (xarig, maro iyo wixi lamida). 2. Wax marooq yeeshay ahaansho (gees, qori iyo wixi lamida). la-mid: maroogsan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
marooqsan
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Wax marooq yeeshay ahaansho (xarig, maro iyo wixi lamida). 2. wax marooq yeeshay ahaansho (gees, qori iyo wixi lamida). m.f.dh, marooqsanaan. la-mid: maroogsan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
marooqsan
der. [adjective] twisted, crooked; squeezed; wrong
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
marooqsan
See [eeg] maroorsan
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
marooqsan
a: maroogsan
de: twisted, crooked; squeezed; wrong
lx: marooqsan
pd: (marooqsanaa)
ps: adj-der
key: marooqsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
moodsasho
m.f.dh eeg moodso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moodsasho
-da: (magac, dhedig, keli) sida ay tahay maahee si kale moodis oo u haysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Roobsasho
(Roobsasha-da)
Roob helid, ku di'id, u di'id.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
roobsasho
m.f.dh eeg roobso. la-mid: roobsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
roogsasho
m.f.dh eeg roogso. la-mid: roogsi, rorogsasho, rorogsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Roorsasho
(Roorsasha-da)
(xoolo) awr qooqan oo neef dheddig eryooda oo kufsada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
roorsasho
m.f.dh eeg roorso. la-mid: roorsad, roorsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
roorsasho
-da: (magac, dhedig, keli) awr qooqqan hal dhedig eryasho oo abaahid. Dh: roorsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aloogsasho
m.f.dh eeg aloogso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aloogsasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax jooga ka yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aqoonsasho
(Aqoonsasha-da)
Aqoon u yeelasho; barasho; ogaansho; garasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aqoonsasho
m.f.dh eeg aqoonso. la-mid: aqoonsad, aqoonsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aqoonsasho
-da: (magac, dhedig, keli) aqoon u yeelasho. Dh: barasho, garasho.
aqoonsasho -da: (magac, dhedig, keli) cid kuu dhiganta ictiraafid. Dh: aqoonsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baroorasho
(Baroorasha-da)
Baroor samayn; boohin badan oo lagu dheeraysana hayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baroorasho
m.f.dh eeg barooro. la-mid: baroorad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baroorasho
vl. n. crying, act of mourning, keening
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baroorasho
-baroorashada: (n) the act of mourning (mooning) ~ baroodiiq
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baroorasho
-da: (magac, dheddi, keli) oohin dhiillo iyo naxdin leh oo ay qofka ka keento geeri ama dhib kale oo soo gaadhay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baroorasho
de: crying, act of mourning, keening
lx: baroorasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: baroorasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garoocasho
m.f.dh eeg garooco.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garoocasho
-da: (magac, dhedig, keli) cunto kolba dhan ka cunis. Dh: dhinacasasho; baalsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garoomasho
m.f.dh eeg garoomo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garowsasho
m.f.dh eeg garowso. la-mid: garowsad, garowsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garowsasho
-da: (magac, dhedig, keli) garaysasho; garawsad; garaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
harowsasho
m.f.dh eeg harowso. la-mid: harowsad, harowsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karoorasho
m.dh la-mid: karuurasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
madoobasho
vl. n. becoming black
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
madoobasho
de: becoming black
lx: madoobasho
pd: (/da)
ps: vn-f
key: madoobasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maqoorasho
m.dh eeg maqooro. la-mid: maqoorasasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maqoorasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg maqoorado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maragsasho
m.dh la-mid: maragsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maraxsasho
(Maraxsasha-da)
Wax dhaqaalaysasho, dib u dhigasho, tashiilasho, kaydsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maraxsasho
m.f.dh eeg maraxso. la-mid: maraxsad, maraxsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maraxsasho
-da: (magac, dhedig, kell) eeg madhaxsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aargoosasho
m.f.dh eeg aargooso. la-mid: aargoosad, aargoosi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aargoosasho
-da: (magac, dhedig, keli) dhibaato hore loo geystay, biilideedii qaadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cariiqsasho
(Cariiqsasha-da)
Cariiqsi wax u samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cariiqsasho
m.f.dh eeg cariiqso. la-mid: cariigsad, cariigsasho, cariigsi, cariiqsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cariiqsasho
-da: (magac, dhedig, keli) canaagis; amardiidis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maggowsasho
(Maggowsasha-da)
Cantuugo weyn cantuugid; maggaabin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maggowsasho
m.f.dh eeg maggowso. la-mid: maggowsad, maggowsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maggowsasho
-da: (magac, dhedig, keli) kabbasho cantuugo ah oo caano la kabbado. Maggowsashada ha ku saxan. Dh: magawsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marmarsasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg marmarsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mirriqsasho
(Mirriqsasha-da)
Neef mirriqsi caano uga maalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mirriqsasho
m.f.dh eeg mirriqso. la-mid: mirriqsad, mirriqsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mirriqsasho
-da: (magac, dhedig, keli) candho la maalay xoox yar ka raadsasho. Caanaha aad mirriqsasho ku maashaa cunto kuuma noqdaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sargoosasho
m.f.dh eeg sargooso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sargoosasho
-da: (magac, dhedig, keli) qorshaysasho, joongoosasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Yaboohsasho
(Yaboohsasha-da)
Baryid; tuugid; waxweyddiisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yaboohsasho
m.f.dh eeg yaboohso. la-mid: yaboohsad, yaboohsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yaboohsasho
-da: (magac, dhedig, keli) cid wax waydiisasho. Dh: baryootan, tuugsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yaxoobsasho
-da: (magac, dhedig, koli) si yaxoobsi ah u fadhiisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madoobeysasho
m.f.dh eeg madoobeyso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
malooqnaansho
m.l/dh la-mid: malooqnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaroomaysasho
m.f.dh eeg qaroomayso. la-mid: qaroomaysad, qaroomaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sarajoogsasho
m.f.dh eeg sarajoogso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarajoogsasho
-da: (magac, dhedig, keli) sarajoog samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barraaqsasho
m.dh la-mid: barraahsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barraaqsasho
-da: (magac, dhedig, keli) si aan wanaagsanayn u barraahsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cantoobsasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax daadsan ama firi leh, sida badar, kuul iyo wixii la mid ah, sacabka ku qaadasho. Dh: cantoobsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garwaaqsasho
m.f.dh eeg garwaaqso. la-mid: garwaaqsad, garwaaqsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
horjoogsasho
m.f.dh eeg horjoogsad. la-mid: horjoogsad, horjoogsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jirroorsasho
(Jirroorsasha-da)
Muruqyada oogada oo la uruursho oo la xoojiyo si aan xanuun loo dareemin; gowsaha isku qabsasho; adkaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madoobaansho
m.l/dh eeg madoobow. la-mid: madoobaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madoobaansho
-ha: (magac, lab, keli) wax madaw oon caddayn ahaansho. Gurcudka madoobaansho ayaan la lugayn karin. Dh: madoobaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maqooradasho
m.f.dh eeg maqoorado.