marnaba
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
marnaba
n. phr., time: at no time, never
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
marnaba
(adv) at no time; in no way; never (nevar) ~ mama Ex: marnaba ha biqin; never fear
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
marnaba
de: at no time, never
lx: marnaba
ps: np-time
key: marnaba
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kolla
fk. Marnaba; marna.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kolla
fk. Marnaba; marna.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
means
/miinis/by no means; (n) 1. habka (sida, wax loo qabto) 2. dhaqaale; lacag; dakhli; 3. sina; marnaba.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
no place
/no plays/ (adv) meelna nor/noor/ (conj) midnaba (marnaba).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kadeed
-ka: (magac, lab, keli) wax qofka cidhiidhi geliya; wax uu ruuxu dhibsado oo uunan marnaba raaxo iyo nefis dareemin inta uu ku jiro. Kadeed buu baday kolkuu guursaday gabadha. Dh: hoog, hankaag, dhib, dhibaato, waxyeello, rafaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kolla
(falkaabe) marnaba; marna.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kolnaba
(falkaabe) marnaba; kollaana.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
jamais
jamais, prép. - abadan; waligaa, marnaba (sinnaba).
plus jamais - ha ucelin; abadan mar labaad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
oran_2
de: did not say
hm: 2
lx: oran
pd: (orannin)
ps: v4a-neg-past
xe: I never said it to you.
xv: Anigu marnaba kumaan oran.
key: oran_2
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maraabay
(fal) dheeldheelli oo mawjadaha badda dartood kolba dhinac u dullaan. Dh: maraabee, leegleego.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mardabay
(fal) khiyaamo iyo daba mar samee. Nin ku aaminay mardabay ha is odhan. Dh: mardabee, khiyaamee, dabamar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
martabad
m.dh (-do, m.l) 1. Jago sare oo la gaaro. 2. Meherad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
martabad
m.dh (-do, m.l) 1. Jago sare oo la gaaro. 2. Meherad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
martabad
f. n. status, level, grade, rank
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
martabad
-da: (n) standing (istaandhing)-, position (po -si-shin); prestige (perestiij)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
martabad
-da: (magac, dhedig, keli) eeg mansib.
martabad -da: (magac, dhedig, keli) qadarin iyo xushmayn cid loo sameeyo. Dh: addarin, sharfin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
martabad
bw: Arabic
cf: heer
de: status, level, grade, rank
lx: martabad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: martabad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marxabba
fk. 1. Waa yahay! 2. Soo dhowow!
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
marxabba
fk. 1. Waa yahay! 2. Soo dhowow!
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
marxabba
inter. yes, okay, all right, very well; agreed!; you're welcome!
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
marxabba
(interj.) yes (yeas); OK or O.K
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marxabba
(falkaabe) waa yahay! erey u dhigma 'haye' oo weliba addeecid iyo oggolaansho run ah tusa. Dh: oggol, haye.
marxabba: (fal) soo dhowow!
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
marxabba
bw: Arabic
de: yes, okay, all right, very well; agreed!; you're welcome! (indicates acceptance, a response to gratitude, etc.)
lx: marxabba
ps: intj
key: marxabba
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maraa
(Maraa-ga)
Geed sida quraca u weynaada oo qodax leh oo laf adag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maraa
m.l (maraa, m.dh) Geed qodax leh oo laf adag. la-mid: maraay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maraa
m. n., [collective] acacia tree species, its hard wood is used for construction
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MARAA
(Marai) Og, N, C Acacia nilotica (L) Del. Mimosaceae.
S Albizia amara (Roxb.) Boiv. Mimosaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maraa
-ga: (magac, lab, keli) geed weynaada oo qudhaca iyo galoolka ay isku bah yihiin oo asalka iyo geydhaha laga gurto.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maraa
a: maraay (ga)
de: acacia tree sp., its hard wood is used for construction
lx: maraa
pd: (-ga)
ps: n2a-m-col
key: maraa
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
marba
adv., time: now and again; off and on
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
marba
de: now and again; off and on
lx: marba
ps: adv-time
see: mar (2)
key: marba
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
marna
adv; n. phr., neg. not once, never
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
marna
(adv) at no time; in no way; never (nevar) ~ mamaba. Ex: marna ha biqin; never fear
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
marna
de: not once, never
lx: marna
ps: adv / np + neg
xe: Not once did I do it.
xv: Marna maan sameeynin.
key: marna
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
marabù
s.m. - cantallay, qalawle.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
markaa
adv., time: then, at that time
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Markaa
après.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
markaa
(xidhiidhiye) labo weedhood oo soo socda isku xidha oo inta badan gala weedh shardi ah. Badiinaba la idin xidho. Dh: kolkaa, xilligaa, goortaa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
markaa
de: then, at that time
lx: markaa
ps: adv-time
see: markaas
key: markaa
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Markab
(Markab-ka)
Gaadiid badaha waaweyn lagu maro oo lagu dhoofo ama lagu dagaallamo ama wixii ganacsi ah lagu raro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
markab
m.l (-byo, m.l/dh/-raakiib, m.dh) Gaadiid badeed weyn oo u kala baxa qaar lagu dagaallamo iyo xamuulka qaada.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
markab
m.l (-byo, m.l/dh/-raakiib, m.dh) Gaadiid badeed weyn oo u kala baxa qaar lagu dagaallamo iyo xamuulka qaada. m.dh.w, maraakiib.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
markab
m. n. ship, boat, oceanliner, steamer
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
markab
-ka: (n) ship (shiip)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
markab
-ka: (magac, lab, keli) gaadiid badaha waaweyn is kaga goosha oo dad iyo badeecooyin aad u culculus qaada ama dagaallada lagaga qayb galo. Markab xoolo siday ayaa badda ku degey. Wa: maraakiib, markabyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
markab
bw: Arabic
de: ship, boat, oceanliner, steamer
lx: markab
pd: (-ka Pl: maraakiib)
ps: n8-m
key: markab
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
markab
مركب، سَفِينة، باخِرَة
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marnaw
(fal) wax madhan oo faaruq ah ahaw. Xeedhooy marnaw, oo xiisabeel. Dh: madhnaw, marnoow.
marnaw: (fal) duubnaw oo wax isku maran ahaw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maraabe
m.l la-mid: maraabo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maraabe
m. n. rolling (of ship)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maraabe
-ha: (magac, lab, keli) dheeldheeliga doonyaha iyo maraakiibta badda kolka mawjaduhu ay kolba dhan u dullaamiyaan. Dh: maraabo, duldullaan, dheeldheelli, leegleegad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maraabe
a: maraabo
de: rolling (of ship)
lx: maraabe
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: maraabe
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maraabo
m.dh Dheeldheelliga uu sameeyo markab doon iyo wixi lamida oo badsaaran. la-mid: maraabe, maraame, maraamo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maraabo
f. n. roll, rolling (with the waves)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maraabo
-da: (magac, dhedig, keli) dheeldheelliga uu sameeyo markab doon iyo wixii la mid ah oo badsaaran. Dh: maraabe, maraame, maraamo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maraabo
a: maraabe
de: roll, rolling (with the waves)
lx: maraabo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: maraabo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mardabo
(Mardaba-da)
Dhagar; sir; khatal; xeelad; khayaano.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mardabo
m.dh (-ooyin, m.l) Khiyaamo waqti lumin iyo luggooyo ku jirto; dhagar. la-mid: mardaddabaan, mardaddabo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mardabo
m.dh (-ooyin, m.l) Khiyaamo waqti lumin iyo luggooyo ku jirto; dhagar. la-mid: mardaddabaan, mardaddabo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mardabo
f. n. betrayal, treachery
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mardabo
-mardabada: (n) deceit (disiit), trick (tiriik), fraud (fa-roodh), deception (disapshan) ~ khiyaamo, laqdabo, khayaano
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mardabo
-da: (magac, dhedig, keli) xeelad ay khiyaamo ku jirto oo lagu sameeyo cid ku aammintay. Dh: dhagar, khiyaano.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mardabo
de: betrayal, treachery
lx: mardabo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: mardabo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marimba
m.dh Ciyaar dhaqameed laga yaqaan Xamar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marimba
-da: (magac, dhedig, keli) ciyaar dhaqameed laga yaqaan Xamar.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Markabo
name-f ship. Lit: one born over-weight
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Markabo
magac loo bixiyo gabadh miisaankeedu weynaa kolkay dhalatay ama la rajaynayo inay yeelato dulqaad iyo adkaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Marnaan
(Marnaan-ta)
Wax maran ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marnaan
m.f.dh eeg maran. la-mid: marnaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
marnaan
f. n., [abstract] emptiness, state of being empty
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
marnaan
-ta: (n) emptiness (em ti nes) ~ marasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax madhan oo faaruq ah ahaan. Dh: madhnaan, marni. Li: buuxnaan, buuxni.
marnaan -ta: (magac, dhedig, keli) wax isku maran oo isku duuduuban ahaan. Xadhigga telefoonka marnaanta waa loogu tala galay. Dh: marmarnaan.
marnaan -ta: (magac, dhedig, keli) baabnaan oo wax la falay ahaan. Wiilka marnaan ha ky caayina.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
marnaan
a: marraan; marnaasho (/da) [vn-f-st], marnaansho (/ha) [vn-m-st]
de: emptiness, state of being empty
lx: marnaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
see: maran
key: marnaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
martabo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg mansib.
martabo -da: (magac, dhedig, keli) ixtiraam iyo qaddarin. Ninkaasi waa nin martabo leh. Dh: sharaf, xushmo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mar walba
adv., time: always, often, all the time
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mar_walba
de: always, often, all the time
lx: mar walba
ps: adv-time
xe: Write to us often.
xv: Noo so qor mar walba.
key: mar_walba
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maraabayn
(Maraabayn-ta)
Dhadqhaqaaqa iyo dheeldheelliyidda doonyaha iyo maraakiibta badda saaran, oo hirarku ku wacan yihiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maraabayn
m.f.dh eeg maraabee. la-mid: maraamayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maraabayn
vl. n. rolling movement of ships and boats caused by the waves
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maraabayn
-ta: (magac, dhedig, keli) kolba dhan u dheeliyid; marba xag u dulaamid. Maraabaynta doonyaha waa lagu wada matagaa. Dh: maraabays, duldullaamid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maraabayn
de: rolling movement of ships and boats caused by the waves
lx: maraabayn
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: maraabayn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maraabays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg maraabayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mardabaan
(Mardabaan-ka)
1. Weel wax lagu shubto oo af yar oo qiro weyn oo dhoobo adag laga sameeyo.
2. Weel weyn oo dhoobo ah oo biyaha lagu shubto; ballaas.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mardabaan
m.l (-nno, m.dh) Aanshuun adag oo dhoobo ka sameeysan; jalxad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mardabaan
m. n. water jar, large vessel for storing water
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mardabaan
-ka: (magac, lab, kel) aanshuun adag oo dhoobo ka sameeysan. Dh: jabad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mardabaan
bw: Arabic
de: water jar, large vessel for storing water
lx: mardabaan
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: mardabaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mardabayn
(Mardabayn-ta)
Dhagrid; sirid; khatalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mardabayn
m.f.dh eeg mardabee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mardabayn
-ta: (magac, dhedig, keli) khiyaamo samayn. Dh: dhagrid, sirid, khiyaamayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mardabays
-ka: (magac, lab, keli) eeg mardabayn.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Markab-ka
bateau, navire.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
afartaba
num-phr. the four of them, all the four
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
afartaba
de: the four of them, all the four
lx: afartaba
ps: num-phrase
key: afartaba
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Carraaba
name-f travel in the afternoon
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Carraaba
magaca gabadh dhalatay milay gellin danbe ah ama hooyadeed xilli ay carraabaysay dhalatay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gacnabar
f.g1 (-ray, -rtay) Farabar.