marmarid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Marmarid
(Marmarid-da)
1. Meel dhawr jeer marid, ku socsocosho.
2. Isha oo laysku hayo, wax kor ka marmarin, si saxarka galay uga soo baxo ama hurdadu u ba'do.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marmarid
m.f.dh eeg marmar³. la-mid: marmar¹ (3) .
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marmarid
-da: (magac, dhedig, keli) indhaha oo laysku hayo wax dusha kaga jijibin. Dh: marmaris.
marmarid -da: (magac, dhedig, keli) dhawr jeer kolba dhinac u socosho. Dh: socsocod, marmaris.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
marmari
v. rub, wipe, clean; keep passing something over
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
marmari
-yey / say: (v) rub (raab); spread (ispareedh); apply (apalaay); wipe (waayp); put on ~ ku rugid, ku tirtirid, ku masax
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marmari
(fal) gacan, dawo, burrush iyo wixii la mid ah meel dul dhig oo saray iyo hoos ugu jiijiid adoo aayar u wada inyarna ku cadaadinaya. Dh: duugduug.
marmari: (fal) cid socsocodsii oo dhawr jeer kolba dhinac ka keen. Dh: socsocodsii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
marmari
de: rub, wipe, clean; keep passing s.t. over
lx: marmari
pd: (marmariyey)
ps: v2a=pl
key: marmari
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marmarad
-ka: (magac, lab, kli) il gacanta dul marmarin oo ku cadaadin. Dh: marmarasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Marmarin
(Marmarin-ta)
1. Meel marmarsiin; socsocodsiin.
2. Dusha wax kaga jiidjiidid, kaga tirtirid; kaga bi'in.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
marmarin
-ta: (n) rubbing (raab-bing); the act of rubbing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marmarin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid meel kolba dhinac u socsocodsiin.
marmarin-ta: (magac, dhedig, keli) shay oogadiisa wax ku masmasixid. Dh: marmaris. Li: baabi'in.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marmaris
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg marmarin.
marmaris-ta: (magac, dhedig, keli) eeg marmarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dabaalasho
(Dabaalasha-da)
Biyaha dhexdooda marmarid sida kalluunka iyadoo aan waxba la qabsan, cagahana dhulka lagu hayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muquuf
muquuf¹: m.l (-fyo, m.dh) Birta xakamuhu hayo ee faraska afka loo geliyo. la-mid: muquus¹.
muquuf²: f.mg1 (-fay, -ftay) 1. Muquurid. 2. Qof meel si macno la'aan ah u dhex marmarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waddee
f.g/mg2 (-deeyay, -daysay) 1. (f.g) Badeeco si nadaamsan u rasayn. 2. (f.mg) Dhul waddo ka bannayn. 3. (f.mg) Cid dhabbe qoodayn ama marmarid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
waddee
f.g/mg2 (-deeyay, -daysay) 1. (f.g) Badeeco si nadaamsan u rasayn. 2. (f.mg) Dhul waddo ka bannayn. 3. (f.mg) Cid dhabbe qoodayn ama marmarid. m.f.dh, waddayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulkaxaadis
-ka: (magac, lab, keli) inta sare aayar uga qaadid. Kolka la goolabo hadhuudhka ayay dulkaxaadistu dhib yar tahay.
dulkaxaadis -ka: (magac, lab, keli) hadal dul marid oo xaqiiqada dhabta ah guudka ka marmarid. Dh: dulkaxaadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maleegid
-da: (magac, dhedig, keli) maydhax ama dun miiqyadeeda isku marmarid oo wax duuban oo isku curjisan ka dhigid. Xadhigga maleegidiisu dhib ma leh. Dh: maleegis.
maleegid -da: (magac, dhedig, keli) qurshayn oo khuddo wax lagu hagardaamaynayo dhigid. Maleegidda shirqoolka way u dhannaayeen. Dh: dubbaridid, habayn. Li: fashilin.
maleegid -da: (magac, dhedig, keli) heegan ka dhigid oo dagaal u diyaarin. Maleegidda ciidanka siidhi qudha ayaa ku filan. Dh: diyaarin.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MARMAROOD
(Marmarod) May Acridocarpus glaucescens Engl. Malpighiaceae.
May Caucanthus albidus (Nied.) Nied. Malpighiaceae.
May Caucanthus edulis Forsk. Malpighiaceae.
May Triaspis sp. aff. T. niedenzuiana Engl. Malpighiaceae.
N Hildebrandtia sericea Hutch & Bruce. Convolvulaceae.
N Thunbergia affinis S. Moore Acanthaceae.
N Cyclocheilon somaliense Oliv. Cyclocheilaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marmarsad
-ka: (magac, lab, keli) wax dubka dushiisa iska jijibin. Dh: marmasasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maarid
-da: (magac, dhedig, keli) ka dhaafid; ka saamixid; ka maaris. Qirashada dembiga ayaa maaridda keentay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Marmar
(Marmar-ka)
1. Dhagax dhalaala oo adag oo aad u sifaysma oo wax lagu dhiso.
2. Socsocod.
3. Aan had iyo goor ahayn; kolkol.
4. Sur; luqun; tun; qoor.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marmar
marmar¹: m.l 1. Murqaha luqunta, tun. 2. Dhagax midabbo badan leh oo derbiyada ama sibirka guryaha lagu qurxisto. 3. la-mid: marmarid.
marmar²: m.l.fk Kolkol. la-mid: mar¹.
marmar³: f.g/mg1 (-ray, -rtay) 1. (f.g) Il wax ku dhaceen farta ku rugid. 2. (f.mg) Meel hore iyo gadaal ugu socosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
marmar
marmar¹: m.l 1. Murqaha luqunta, tun. 2. Dhagax midabbo badan leh oo derbiyada ama sibirka guryaha lagu qurxisto.
marmar²: m.l.fk Kolkol. la-mid: mar¹.
marmar³: f.g/mg1 (-ray, -rtay) 1. (f.g) Il wax ku dhaceen farta ku rugid. 2. (f.mg) Meel hore iyo gadaal ugu socosho. m.f.dh, marmarid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
marmar
adv., time: sometimes, occasionally; rarely
marmar v. pass, keep on passing; go to and fro; stroll, travel about
marmar vl. n. going to and fro ~ back and forth, continual traveling
marmar m. n., (mass n.): marble
marmar m. n. nape of the neck
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Marmar
1) quelquefois, 2) rarement.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
marmar
-ka: (n) marble (maarbal); tile (taayl) ~ mutureele
marmar -ka: (n) sometimes (samtaaymiz); now and then,
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Marmar
Mattonelle
Floor-tiles
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marmar
(fal) socsoco oo dhawr jeer kolba dhinac ka imo. Haku aragtee xaafaddooda hor marmar. Dh: socsoco.
marmar: (fal) il gacanta dul marmari adoo ku cadaadinaya. Fartaada oo nadüf ah isha ku marmar. Dh: jijibi.
marmar: (fal) duuduub oo dhawr jeer ku celcell. Caleen muus jaadka ku marmar Dh: duuduub.
marmar -ka: (magac, lab, keli) xilli aan joogto ahayn. Dh: kol-kol, xillixilli, wakhti-wakhti.
marmar -ka: (magac, lab, keli) inta madaxa iyo degta u dhaxaysa. Dh: sur, luqun, qoor.
marmar-ka: (magac, lab, keli) dhagax adag oo la wershedeeyey oo midabyo kala duwan oo qurux badan loo yeelo oo dhulka iyo gidarrada lagu qurxiyo. Aqalkayga marmar baan dhigay
marmar -ka: (magac, lab, keli) murqaha luqunta. Dh: tun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
agmarid
m.f.dh eeg agmar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
agmarid
-da: (magac, dhedig, keli) meel aan kaa fogayn maritaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bararid
(Bararid-da)
Barar yeelasho; kabrarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bararid
m.f.dh eeg barar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bararid
-da: (magac, dhedig, keli) barar yeelasho oo soo buurnaansho cudur ama nabar awgii. Bararidda waxa ugu wacan nabarkan cusub.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
barmaid
/baarmeydh/barmaids; (n) naagta ka adeegta baarka (kabal yeeriyad).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cararid
(Cararid-da)
Wax laga baqo ama laga naxo ama si kale aan loo rabin, ka ordid; baxsasho; roorid, fakasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cararid
m.f.dh eeg carar². la-mid: carar¹ (1).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cararid
vl. n. running away
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cararid
-da: (magac, dhedig, keli) cabsi darteed, xawli u socod. Dh: roorid, ordid, fakasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cararid
de: running away
lx: cararid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: cararid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dararid
(Dararid-da)
Darar yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dararid
m.f.dh eeg darar². la-mid: darar¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dararid
-da: (magac, dhedig, keli) neef irmaan, caano badan yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garmari
f.g2 (-iyay, -isay) Cid, cid kale gar ka dhexeysa kala doodid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garmari
v. judge someone fairly ~ equitably; give someone his due
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garmari
de: judge s.o. fairly ~ equitably; give s.o. his due
lx: garmari
pd: (garmariyey)
ps: v2a=tr
key: garmari
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MARAARI
(Marari) N Clerodendrum mycricoides (Hochst) Vatke. Verbenaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marmaro
f.g3 (-rtay, -ratay) Indha farta ku rugasho (qof).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
marmaro
f.g3 (-rtay, -ratay) Indha farta ku rugasho (qof). m.f.dh, marmarasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
marmaro
v. rub something (usually the eye) oneself
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
marmaro
-marmartay / marmaratay: (v) rub eyes gently
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marmaro
(fal) isha gacanta dul marmarso oo aayar ugu jijibso. Isha marmaro hadduu saxar kaaga jiro.
marmaro: (fal) duuduubo alaab oo xidhxidho. Jilka marmaro waan baxaynaaye.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
marmaro
de: rub s.t. (usually the eye) oneself
lx: marmaro
pd: (marmartay)
ps: v3b=tr
key: marmaro
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
mermaid
/marmeydh/ (n) gabareey-maanyo (inta sarana gabar ah inta hoosana kalluun ah).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
badmarid
m.dh Safarka biyaha dushooda ama hawada dhexdeeda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badmarid
-da: (magac, dhedig, keli) badmaaxid oo arrimaha badaha khibrad u yeelasho. Badmarid nin ku daalayoo waxaan ahay, doonya loo raraye. Dh: badmaaxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
banmarid
m.f.dh eeg banmar². la-mid: banmar¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
banmarid
-da: (magac, dhedig, keli) nadaafadxumo sac lagu lisay darteed u caano yarayn. Xooluhu banmaridda way ku naasabeelaan. Dh: balmarid. banmarin -ta: (magac, dhedig, keli) neef gacan aan nadiif ahayn ku lisid oo sababtaa darteed u caanayarayn. Dh: balmarin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baraarid
m.f.dh eeg baraar⁴.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baraarid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg badhaadhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barbarid
m.dh la-mid: dardarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carbarid
m.f.dh eeg carbar².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalmarid
m.dh Tegidda dalal badan socdaal lagu tago.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalmarid
-da: (magac, dhedig, keli) meelo badan oo adduunka ah gooshid; dalal badan arkid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dardarid
m.f.dh eeg dardar³. la-mid: barbarid, berberid, dardar¹, derder¹, derderid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dardarid
-da: (magac, dhedig, keli) (ka ~) biirbiirin.
dardarid -da: (magac, dhedig, keli) dareere ama wax kale oo weel ku jira, kolba in yar ka qaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farbarid
-da: (magac, dhedig, keli) sida wax loo qoro ama loo akhriyo qof kale barid. Dh: farbaris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Farfarid
(Farfarid-da)
Godgod yaryar u yeelid; qodqodid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farfarid
m.f.dh eeg farfar². la-mid: faarfaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garmarin
m.f.dh eeg garmari.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garmarin
-ta: (magac, dhedig, keli) in uu garramo, fursad u siin; garta ku habboon marin. Dh: garsiin, xeermarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hormarid
m.f.dh eeg hormar².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hormarid
vl. n. movement forward; progress
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hormarid
de: movement forward; progress
lx: hormarid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: hormarid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jarjarid
(Jarjarid-da)
Googgoyn; kidfid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jarjarid
m.f.dh eeg jarjar². la-mid: jarjaris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jarjarid
-da: (magac, dhedig, keli) walax ama in ka badan, googoyn oo qurbid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karaarid
m.f.dh eeg karaar³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karaarid
-da: (magac, dhedig, keli) xawli ku socod.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Karkarid
(Karkarid-da)
Karkar badan u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karkarid
m.dh Karkar badan u yeelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macmacid
-da: (magac, dhedig, keli) isku karkarid oo isku nabnabid. Buuggu wuu kala daatay oo macmacid ayuu u baahan yahay. Dh: toltolid. Li: kaladaadin, furfurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Madaarid
(Madaarid-da)
1. Hadal cid loogu duurxula hayo, ku hadlid; duurxulid; araarasho.
2. Talalid; taahid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madaarid
m.f.dh eeg madaar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madaarid
-da: (magac, dhedig, keli) hadal cid loogu duurxulayo ku hadlid. Madaaridda jooji oo ujeeddadaada sheeg. Dh: duurxulid araarasho, hordhac.
madaarid -da: (magac, dhedig, keli) sida dameeraha u ciyid. Naga daa madaaridda dameer ma tihide. Dh: ciyid, qaylyid.
madaarid -da: (magac, dhedig, keli) hurdada ku taahid. Waa la hurdaaye madaaridda hoos u dhig. Dh: madaaris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Madmadid
(Madmadid-da)
Mataatixid; diindiimid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madmadid
m.f.dh eeg madmad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madmadid
-da: (magac, dhedig, keli) kibir darteed kala mannaanikhid. Dh: kibrid, faaqid, mataatixid.
madmadid -da: (magac, dhedig, keli) ilma yar gacanta qabasho oo kaxayn. Dh: daadihin, dalandalin.
madmadid-da: (magac, dhedig, keli) gabaw darteed kala daadasho oo jeexjeexmid. Dh: jarqiyoobid, humoobid, diidiimid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
magmagid
m.f.dh eeg magmaag.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mararrid
-ka: (magac, lab, keli) qayladhaan inta maro la wadhfiyo qaylo iyo orod la israaciyo. Dh: go'rid, qayladhaan, maraxoor.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marmaari
(fal) xal u hel; maaro heshiis lagu gaadho hel adigoo kolba dhan ka eegaya. Arrinkaa adigu marmaari oo si uun ugu jihee. Dh: maaree, xalli.
marmaari: (fal) libdhi oo indhaha dadka ka qari. Musbaarka gidaarka ku marmaari. Dh: libdhi.
marmaari: (fal) naax oo aad u cayil. Sidii senge goobay u marmaari.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
marmar_1
de: sometimes, occasionally; rarely Alt sp: mar mar
hm: 1
lx: marmar
ps: adv-time
key: marmar_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
marmar_2
de: pass, keep on passing; go to and fro; stroll, travel about
hm: 2
lx: marmar
pd: (marmaray)
ps: v1=pl
key: marmar_2
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
marmar_3
de: going to and fro ~ back and forth, continual traveling
hm: 3
lx: marmar
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: marmar_3
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
marmar_4
de: marble
hm: 4
lx: marmar
pd: (-ka)
ps: n2-m-mass
key: marmar_4
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
marmar_5
de: nape of the neck
hm: 5
lx: marmar
pd: (-ka)
ps: n2-m
syn: tun
key: marmar_5
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marmaran
(tilmaame) marmar lagu sameeyey ah; qurux badan oo naqshadaysan. Dh: naqshadaysnayd.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marmarsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg marmarsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maroorid
(Maroorid-da)
Wax maroorsan noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maroorid
m.f.dh eeg maroor².