ereyga

markhaatixog'ogaal

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

markhaatixog'ogaal

DHAN

(tilmaame) qof wax dhacay oo uu wax ka ogyahay sidii ay ahayd wax looga weyddiiyo. Arrintaa markhaatixog'ogaal ayaan u haystaa. Dh: markhaati, marag.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

markhaatibeenaale

DHAFANDHAAF

-ha: (magac, lab, keli) qof wax aanu ogayn oo been ah ku markhaati kaca. Qaadigu wuxu ogaaday in maraggu markhaatibeenaale ahaa.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

markhaatibacood

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) markhaati qiyaas iyo male ku markhaati kaca sida: beer daaridii la garan waayay oo uu markhaatigii malihiisa yidhaa 'aad uma hubee halkaa bay ila tahay.' Markhaati haddii la waayo markhaatibacood daacad ah waa la aqbalaa.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

markhaatimadoon

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) dembi ama waxyeello la geysto oo cid walba u muuqata oon wax marag ah u baahnayn. Inuu ninkaayi iga gardaran yahay waa markhaatimadoon. Dh: maragmadoon.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

maraakiib dagaal

DHAFANDHAAF

-ka: (n) navy (neeyvi); warships (woorshiipis)

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

markhaatimadoonto

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) eeg markhaatimadoon.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

markhaatixeerbeegti

DHAFANDHAAF

(tilmaame) nin khibrad iyo waaya-argnimo dheer oo uu garaha u leeyahay darteed wax laga waydiiyo arrin ay dacwadi ka socoto. Garyaqaan ruugcaddaa ah ayaa markhaatixeerbeegti noqon kara.

waa la naqliyay ✓