ereyga

markhaatixeerbeegti

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

markhaatixeerbeegti

DHAN

(tilmaame) nin khibrad iyo waaya-argnimo dheer oo uu garaha u leeyahay darteed wax laga waydiiyo arrin ay dacwadi ka socoto. Garyaqaan ruugcaddaa ah ayaa markhaatixeerbeegti noqon kara.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

markhaatishareeco

DHAFANDHAAF

(tilmaame) ninka dhacdada ay dacwaddu ku socoto sharci ahaan iyo diin ahaan wax laga waydiin karo. Markhaatishareeco wadaad baa noqda.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

markhaatibeenaale

DHAFANDHAAF

-ha: (magac, lab, keli) qof wax aanu ogayn oo been ah ku markhaati kaca. Qaadigu wuxu ogaaday in maraggu markhaatibeenaale ahaa.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

markhaatimadoonto

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) eeg markhaatimadoon.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

markhaatixog'ogaal

DHAFANDHAAF

(tilmaame) qof wax dhacay oo uu wax ka ogyahay sidii ay ahayd wax looga weyddiiyo. Arrintaa markhaatixog'ogaal ayaan u haystaa. Dh: markhaati, marag.

waa la naqliyay ✓