mareegxidhid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mareegxidhid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg mareegaxidh.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Mareeg xidhan
Closed circuit
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mareegaxidh
-ka: (magac, lab, keli) xidhxidhidda ama diyaarinta mareegta maqasha lagu xidhxidho. Mareegaxidhka anu ma aqaane Ceebla' u dhiiba. Dh: mareegxidhid.
mareegaxidh -ka: (magac, lab, keli) halka mareegta lagu xidho. Mareegaxidhkii wuu qoyaye maqasha geedka geeya.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Mareeg xijaab
Buffer circuit
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aleegadid
-da: (magac, dhedig, keli) cod wanaagsan ku orin oo luuqayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabxidhid
-da: (magac, dhedig, keli) si aanu yool u qabsan hubka cadawgu, rasaasta mar qudha wada ridid. Dabxidhid maad samayn halkuu birigaanku ka soo dhacayey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maleegmid
m.f.dh eeg maleegan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maleegmid
-da: (magac, dhedig, keli) marmid oo wax maleegan noqosho. Maydhaxdu maleegmidda ayay ku soohantaa. Dh: marmid, soohmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marjiidid
m.f.dh eeg marjiid². la-mid: maljiid¹, maljiidid, marjiid¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wareegsii
(fal) duursii oo shay mid wareegaya ka dhig.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aleeggadid
m.f.dh eeg aleegad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
makeekiyid
-da: (magac, dhedig, keli) kas iyo isyeelyeel fal qaldan u samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maragkicid
m.f.dh eeg maragkac². la-mid: maragkac¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maragkicid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg maragfurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabeenxidh
-ka: (magac, lab, keli) raalligelinta qof gef lagu sameeyo la raali geliyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Mareegdheer
labo xiddigood oo la moodo in ay saro u yara weyn yihiin oo daalallida cutub ka mid ah oo u dhexeeya Libcas iyo Xoor.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sabeenxirid
m.f.dh eeg sabeenxir². la-mid: su- beenxirid.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Wareeg dhul
Earth rotation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xirsixidhid
-da: (magac, dhedig, keli) qu'aan saar guri cusub oo la degay loo akhriyo si looga badbaado dhibaato timaad. Dh: xirsixir.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Mareeg binis
Short circuit
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mareegadheer
(Mareegadheer-ta)
Xiddigaha daalallida cuntub kamid ah oo u dhexeeya libcas iyo xoor.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mareegadheer
m.dh 1. Xiddig kuwa dayaxa ugu dhow ka mid ah oo soo baxa xilliga dayrta. 2. Qof haween ah oo dhalatay 14- naadka dayaxeed oo dadku aaminsanyihiin inay ayaandhalad tahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dareen'indheed
-ka: (magac, lab, keli) qaybta ugu yar saddexda qaybood ee dareenwada tirijeemin waxay soo qaaddaa dareenka kuuska isha, xuubka isha iyo qanjirka ilmada; waxay ka soo qaaddaa oo kale qayb yar oo sanka gudihiisa ka mid ah iyo maqaarka sanka sunniyaha iyo maqaarka madaxa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dareen-indheed
m.l (-eemo ..., m.l) (cilmiga naflayda) Qaybta ugu yaryar saddexda qaybood ee dareenwada tirijeemin waxay soo qaaddaa dareenka kuuska isha, xuubka isha iyo qanjirka ilmada; waxay ka soo qaaddaa oo kale qayb yar oo sanka gudihiisa ka mid ah iyo maqaarka sanka sunniyaha iyo maqaarka madaxa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dareen-indheed
m.l (-eemo ..., m.l) (cilmiga naflayda) Qaybta ugu yaryar saddexda qaybood ee dareenwada tirijeemin waxay soo qaaddaa dareenka kuuska isha, xuubka isha iyo qanjirka ilmada; waxay ka soo qaaddaa oo kale qayb yar oo sanka gudihiisa ka mid ah iyo maqaarka sanka sunniyaha iyo maqaarka madaxa.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Mareego sidkan
Coupled circuits
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Mareeg bigdam
Flip-flop circuit
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Mareeg loojig
Logic circuit
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MAREER-GIRGIR
(Marer-girgir) May Cordia sp. Boraginaceae.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Marin cidhlidhi
Strait
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marin-cidhiidhi
m.l (-nno ..., m.dh) (juqraafi) Luuq badeed isku xidha laba badood oo waaweyn, waxa laga yaabaa inuu sameeyey dillaac-qoori gudbani, ama bad daafaha mareysey oo hoos u degtey ama carro guur.