marea
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
marèa
s.f. - badda kiciddeeda iyo degiddeeda.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Area
Bed
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Area
Bed
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
area
/eeriya/ (n) 1. bylleer. The room has an area of 1,300 square feet. 2. meel adduunky ku mid eh sithy waddang amy beled. My mother came from that area.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
àrea
s.f. - bed, masaaxo.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
mare
/meer/ (n) geenyo (fardaha midda dheddig).
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
mare
s.f. - bad, maanyo.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
mare
mare, n.f. - Jidhaan (Biyo fariistaan); Dhijaan; Berkedda lagu dabbaasho
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
mare
n., geenyo, -adi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maraa
(Maraa-ga)
Geed sida quraca u weynaada oo qodax leh oo laf adag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maraa
m.l (maraa, m.dh) Geed qodax leh oo laf adag. la-mid: maraay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maraa
m. n., [collective] acacia tree species, its hard wood is used for construction
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MARAA
(Marai) Og, N, C Acacia nilotica (L) Del. Mimosaceae.
S Albizia amara (Roxb.) Boiv. Mimosaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maraa
-ga: (magac, lab, keli) geed weynaada oo qudhaca iyo galoolka ay isku bah yihiin oo asalka iyo geydhaha laga gurto.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maraa
a: maraay (ga)
de: acacia tree sp., its hard wood is used for construction
lx: maraa
pd: (-ga)
ps: n2a-m-col
key: maraa
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
marba
adv., time: now and again; off and on
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
marba
de: now and again; off and on
lx: marba
ps: adv-time
see: mar (2)
key: marba
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
marca
s.f. - astaan, calaamo.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
marée
marée, n.f. - Hirka badda; isbadbadalka heerka badda.
marée basse - Caarin.
marée haute - Marka ay baddu soo buuxsanto.
marée noire - Marka baddu saliid soo tufto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Marka
Kolka; hadda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marka
xi. eeg mar³.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Marka
pr. n., loc. Marka [coastal city in south Somalia.]
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
marka
conj. if, when
marka adv., time: now
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Marka
(n) Marka; a port city at the southern part of Somalia
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
marka
(conj) whenever; when (ween); while (waayl); as soon as,
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marka
(xidhiidhiya) labo weedhood isku xidha oo xilli aan la aqoon tusa inta badan gala weedha shardiga ah. Dh: kolka, goorta, xilliga.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Marma
Marma?
Goorma? Hadma? Kolma? Jeerma? Waama? Shirma?
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
marma
question word, time: when?
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marma
(meeleeye) su'aaleed la adeegsado kolka dhacdo xiilligeeda la isweydiinayo. Marma ayaad adu warkaa maqashay. Dh: goorma, waama, shinma, xillima, hadma.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
marma
de: when?
lx: marma
ps: qw-time
see: goorma
key: marma
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
marna
adv; n. phr., neg. not once, never
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
marna
(adv) at no time; in no way; never (nevar) ~ mamaba. Ex: marna ha biqin; never fear
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
marna
de: not once, never
lx: marna
ps: adv / np + neg
xe: Not once did I do it.
xv: Marna maan sameeynin.
key: marna
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marra
fk. la-mid: mar¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marra
kolna; marna. Marra ma arag ninkaa. Dh: kola, kolna.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
marteau
marteau, n.m. - Dubbe (ka wax lagu garaaco).
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
laurea
s.f. - shahaado jaamacadeed.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maaraa
See [eeg] maaro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maaree
f.g2 (-reeyay, -reysay) 1. Si farsama leh arrin u xallin. 2. Maar ka dhigid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maaree
f.g2 (-reeyay, -reysay) 1. Si farsama leh arrin u xallin. 2. Maar ka dhigid. m.f.dh, maarayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maaree
v. organize, direct, guide (through difficulty ~ danger)
maaree v. rust, make rusty
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maaree
-yey / maareysay: (v) manage (maanij); handle (handhal); supervise (suuparvaayz)
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Mar-ka
1) temps, 2) moment, 3) fois, 4) quand?, 5) quand.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Mar-ta
taille, ceinture.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maraac
m. n. pasture, pasturage
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maraac
bw: Arabic
cf: mayrac
de: pasture, pasturage
lx: maraac
pd: (-a)
ps: n2a-m
key: maraac
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maraag
-ga: (magac, lab, keli) xadhkaha awrta lagu raro mid ka mid ah. Maraagga iyo qobtolka soo qaad. Dh: dhafar.
maraag -ta: (magac, dhedig, keli) xadhig guntimo badan oo qoolal ah loo sameeyey oo magasha lagu xidhxidho. Dh: mareeg.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maraan
-ka: (magac, lab, keli) qof fudfudud oo sidii wax waalan u socsocda. Dh: maraate.
maraan -ta: (magac, dhedig, keli) gabadh fudfudud oo sidii wax waalan u socsocota. Ta uu qof maraan moodayaa midbay marwo u tahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maraaq
-a: (magac, lab, keli) eeg madar.
maraaq-a: (magac, lab, keli) god lagu shido nuuradda. Maraaq innoo qod nuurad baan shidaynaaye. Dh: godnuuradeed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maraar
m.dh (-ro, m.l) Qalqalooc ama xarar wax la qorayo loo yeelo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maraay
m.l la-mid: maraa.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
MARAAY
Acacia nilotica 50
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
màrcia
s.f. - gaardi.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
MARDAF
Caucanthus edulis 01
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mardaq
-a: (magac, lab, keli) nooc ka mid ah noocyada warmaha. Dh: waran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mardar
(Mardar-ka)
Waran weyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mardar
m.l (-rro, m.dh) Waran weyn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mardar
m. n. large spear
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mardar
-ka: (magac, lab, keli) eeg mardaq.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mardar
cf: waran
de: large spear
lx: mardar
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: mardar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mardee
f.g2 (-deeyay, -deysay) Wax mardo u yeelid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mardee
v. tie something crosswise (as a hut with branches, a mat, etc.); make crosswise lines ~ stripes on something
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mardee
(fal) labo ilaa saddex laamood isku qabo oo mardo ka dhig. Sarabka innoo mardee aan gunti sharabta uga dhignee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mardee
de: tie s.t. crosswise (as a hut with branches, a mat, etc.); make crosswise lines ~ stripes on s.t.
lx: mardee
pd: (mardeeyey)
ps: v2b=tr
key: mardee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mareeg
(Mareeg-ta)
Qoosha maqasha la geliyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mareeg
m.dh 1. Qoolasha maqasha qoorta loo geliyo. 2. Summad geela qoorta looga dhigo, oo ah goobaabin qoorta ku wareegsan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mareeg
m.dh 1. Qoolasha maqasha qoorta loo geliyo. 2. Summad geela qoorta looga dhigo, oo ah goobaabin qoorta ku wareegsan.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Mareeg
Circuit
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Mareeg
Circuit
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mareeg
f. n. rope for the neck of lamb ~ kid
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mareeg
-ta: (n) loop (luup); loop shaped rope
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mareeg
-ta: (magac, dhedig, keli) xadhig guntimo qoolal ah loo sameeyo oo maqasha lagu xidhxidho. Waxaruhu mareegtii qabkay kula dhex waasheene. Dh: maraag.
mareeg -ta: (magac, dhedig, keli) shabakada interneedka ee ninba qool yar xidhanayo.
mareeg-ta: (magac, dhedig, keli) marrinka jihaysan ee ay maayada danabku marto.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mareeg
cf: qool
de: rope for the neck of lamb ~ kid
lx: mareeg
pd: (-ta)
ps: n1-f
key: mareeg
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mareen
m. n. route, course, way, passage
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mareen
-ka: (n) passage (paaseeyj);
mareen: (prefix) used to modify nouns;
dheefmareen -ka: (n) digestive system; digestive tract
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mareen
de: route, course, way, passage
lx: mareen
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: mareen
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mareer
(Mareer-ka)
Geed weynaada oo aan qodxo lahayn oo miro qurux iyo macaan badani ka baxaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mareer
m.l 1. Geed qodax lahayn, miro cas oo macaan, oo la cuno caleemo yaryar iyo ulo toosan leh oo geelu aad u jecelyahay. 2. Miraha geedka mareerka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mareer
m.l 1. Geed qodax lahayn, miro cas oo macaan, oo la cuno caleemo yaryar iyo ulo toosan leh oo geelu aad u jecelyahay. 2. Miraha geedka mareerka.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mareer
m. n., [collective] tree species
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
MAREER
[MARER, MAREER] Cordia sinensis 06
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MAREER
(Maded) All. Som. Cordia sinensis Lam. boraginaceae.
C, NFD, 0g, May, S Cordia ovalis R.Br. Boraginaceae.
NFD Cordia quarensis Querke. Boraginaceae.
S Cordia somaliensis Bak. Boraginaceae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mareer
-ka: (n) a tree with edible fruit
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mareer
-ka: (magac, lab, keli) eeg madheedh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mareer
de: tree sp.
lx: mareer
pd: (-ka)
ps: n2-m-col
key: mareer
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
margad
-ka: (magac, lab, keli) joogsi cunto ama hadal lagu joogsado oo hungurigu rogi waayo. Dad baan margadka aqoon oo hadalka isdaba dhiga. Dh: hakad.
margad -ka: (magac, lab, keli) arrin, hawl iyo wixii la mid ah hakad gaaban oo ku yimaad. Dh: rikad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
margan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax margaday ahaansho (nafley). la-mid: mergan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
margan
der. [adjective] choked, strangled
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
margan
(tilmaame) cunaha u jooga. Qori ayaa ku margan saca.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
margan
de: choked, strangled
lx: margan
pd: (marganaa)
ps: adj-der
key: margan
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
marger
marger, v. - Meel ama dhinac u banayn.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
marier
marier, v. - is-guuris; guursi, la guursado.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
marina
/mariina/ (n) deked yar oo doomuhu kusoo xirtaan kana shiraacdaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marjac
m.l (-cyo,/-raajic, m.dh) Buug cilmi badan ku qoranyahay oo wixii loo baahdo laga helo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
marjac
m.l (-cyo,/-raajic, m.dh) Buug cilmi badan ku qoranyahay oo wixii loo baahdo laga helo. m.dh.w, maraajic.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
marjac
m. n. reference; reference material
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
marjac
-a: (n) reference (refaransi)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marjac
-a: (magac,lab, keli) buug ama qof aqoon leh oo wixii macluumaad la doonayo loo doonto. Odayga Soomaaliyeed waa marjac aan la ogayn. Dh: marjic, kayd.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
marjac
bw: Arabic
de: reference; reference material
lx: marjac
pd: (-a Pl: maraajic (da))
ps: n2a-m, n8-m
key: marjac
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marjaw
-ga: (magac, lab, keli) qof jiljilicsan oo inkastuu buuran yahay haddana waxba qaban karin oo jidhkiisu bacbac yahay. Dh: marjay, marjo.