mardee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mardee
f.g2 (-deeyay, -deysay) Wax mardo u yeelid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mardee
v. tie something crosswise (as a hut with branches, a mat, etc.); make crosswise lines ~ stripes on something
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mardee
(fal) labo ilaa saddex laamood isku qabo oo mardo ka dhig. Sarabka innoo mardee aan gunti sharabta uga dhignee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mardee
de: tie s.t. crosswise (as a hut with branches, a mat, etc.); make crosswise lines ~ stripes on s.t.
lx: mardee
pd: (mardeeyey)
ps: v2b=tr
key: mardee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ardee
(fal) eeg arday.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madee
(fal) daari laba beerood u dhaxaysa jeex oo calaamadi. Awoowo kaalay beerta noo kala madee. Dh: xadee, soohdimee.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
marée
marée, n.f. - Hirka badda; isbadbadalka heerka badda.
marée basse - Caarin.
marée haute - Marka ay baddu soo buuxsanto.
marée noire - Marka baddu saliid soo tufto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maadee
f.mg2 (-deeyay, -deysay) (riw.) Hadal ama sheeko lagu qoslo sheegid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maadee
f.mg2 (-deeyay, -deysay) (riw.) Hadal ama sheeko lagu qoslo sheegid. m.f.dh, maadeyn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maadee
v. make jokes, say something funny
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maadee
-yey / maadeysay: (v) make one laugh; make a funny remark; be great fun; be witty; joke (jowk)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maadee
(fal) maad samee oo dad ka qosli. Sidii Boon Xirsi iyo miicaad miiggane u maadee. Dh: majaajillee, maadey.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maadee
de: make jokes, say s.t. funny
lx: maadee
pd: (maadeeyey)
ps: v2b=intr
key: maadee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
magdee
f.g2 (-deeyay, -deysay) la-mid: megdee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
magdee
v. tan something
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
magdee
-yey / magdeysay: (v) turn hide into leather; tan (taan) ~ megdee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magdee
(fal) haragga daguug oo dhogorta iyo hilibka ka dhamee oo idiin maas ah ka dhig. Haragga waxarka laga saaray magdee masallaan ka dhigaynaaye.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
magdee
bw: megdee
cf: magad
de: tan s.t.
lx: magdee
pd: (magdeeyey)
ps: v2b=tr
key: magdee
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
markee
(interrogative) when (ween); at what time ~ goorma
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marwee
f.g2 (-weeyay, -weysay) la-mid: murwee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marwee
(fal) dhaqanka naagta marwada ah ku dhaqan oo gaari xilkas ah ahaw. Xaafadda ka marwee inta odaygu soo noqonayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qardee
f.g2 (-deeyay, -daysay) 1. Dhul geedo ka gurid si wax loogu beerto ama hawl kale loogu qabsado. 2. Cid wax amaah ahaan u siin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qardee
f.g2 (-deeyay, -daysay) 1. Dhul geedo ka gurid si wax loogu beerto ama hawl kale loogu qabsado. 2. Cid wax amaah ahaan u siin. m.f.dh, qardayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qardee
v. lend (out), give a loan
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qardee
de: lend (out), give a loan
lx: qardee
pd: (qardeeyey)
ps: v2b=tr
key: qardee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mardabee
f.g2 (-beeyay, -baysay) Cid khiyaamid si loo luggooyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mardabee
f.g2 (-beeyay, -baysay) Cid khiyaamid si loo lugooyo. m.f.dh, mardabayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mardabee
v. cheat, swindle; betray
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mardabee
-yey / mardabadeysay: (v) deceive (dizizv); betray (bitareey), mislead (misliidh); cheat (jiit), be guile, delude, dupe; swindle (iswin-dal) ~ fool (fuul) khiyaan, khatal, laqdabee, khayaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mardabee
(a) eeg mardabay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mardabee
de: cheat, swindle; betray
lx: mardabee
pd: (mardabeeyey)
ps: v2b=tr
key: mardabee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mardimee
f.g2 (-meeyay, -meysay) Wax mardimo u yeelid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mardimee
v. put lines ~ stripes on something; tie something crosswise
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mardimee
(fal) eeg mardi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mardimee
de: put lines ~ stripes on s.t.; tie s.t. crosswise
lx: mardimee
pd: (mardimeeyey)
ps: v2b=tr
key: mardimee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aaradee
f.g2 (-deeyay, -deysay) Maro ama daah aarad u yeelid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aaradee
v. make the border for something (e.g., clothes)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aaradee
(fal) macawista iyo wixii la mid ah geftin u yeel.
aaradee: (fal) macawis, daah iyo wax la mid ah, liid midabaysan cidhifkiisa ku shagaar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aaradee
de: make the border for s.t. (e.g., clothes)
lx: aaradee
pd: (aaradeeyey)
ps: v2b=tr
key: aaradee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kardeel
-ka: (magac, lab, keli) weel macdan ama bir ka samaysan oo dheg iyo af leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mardeyn
m.f.dh eeg mardee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mardeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) labo ilaa saddex laamood isku qabasho oo mardo ka dhigid. Dh: mardays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mareeye
-ha: (magac, lab, keli) qof meel maamula. Mareeyaha wershadda ayaa shirjaraa'id qabanaya. Dh: maareeye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marshee
f.mg2 (-sheeyay, -sheysay) Marsho gelin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
marshee
v. shift gears ~ the gear (of an automobile)
marshee v. march
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marshee
(fal) geerar u yeel. Gaadhiga marshee.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
mòrdere
v.tr. - qaniinid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sardhee
f.mg2 (-dheyay, -dhaysay) Qof wax yar seexasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sardhee
v. take a nap
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sardhee
(fal) hurdo yar seexo. Dh: dhakool, biririf.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sardhee
de: take a nap
initial: s
lx: sardhee
pd: (sardheeyey)
ps: v2b=intr
key: sardhee
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
WARDEEY
(Uardei) S Manilkara mochisia (Bak.) Dubard. Sapotaceae.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
made
/meydh/ (v) la sameeyey (samayn).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
made
-ha: (magac, lab, keli) daari laba meelood u kala dhaxaysa, beertaada made u samayso
made -ha: (magac, lab, keli) calaamad. Mogolo mooyee made ma dilo may yidhaahiin duud mooyee daleedi ma qariso may yidhaahiin.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
made
a., la waxay, samaysan; made of, ka samaysmay; be made, samaysan, samaysnaw.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
mare
/meer/ (n) geenyo (fardaha midda dheddig).
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
mare
s.f. - bad, maanyo.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
mare
mare, n.f. - Jidhaan (Biyo fariistaan); Dhijaan; Berkedda lagu dabbaasho
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
mare
n., geenyo, -adi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
-adee
de: suppose I do / he does (X)
lx: -adee
ps: v3a-1sg/3m-pot
key: -adee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ardey
-da: (magacwadareed) eeg arday.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
armée
armée, n.f. - Ciidan Milatari; Ciidammada Gaashaandhigga.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barde
m.l la-mid: berde.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BARDE
(Berde) May, S, C Ficus somalensis Chiov. Moraceae.
S, NFD Ficus glumosa Del. Moraceae.
C,S Ficus populifolia Vahl. Moraceae.
S Ficus scassellatii Pampan. Moraceae.
C Ficus salicifolia Vahl. Moraceae.
N Ficus vasta Forsk. Moraceae.
May Kigelia africana (Lam) Benth. Bignoniaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barde
-ha: (magac, lab, keli) geed weyn oo caleen balballaadhan oo meel biyo ka dhawyihiin ka baxa, qodaxna aan lahayn, Bardihii ku yiil isha Baydhaba, intuu gun iyo baar baxay, caleemuhu ballaadheen, baxarsaaf la moodyeey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadee
f.g2 (-eeyay, -eysay) Neef la qalayo hilibkiisa xubin xubin u goyn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cadee
f.g2 (-eeyay, -eysay) Neef la qalayo hilibkiisa xubin xubin u goyn. m.f.dh, cadayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cadee
v. chop very small, mince
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cadee
de: chop very small, mince
lx: cadee
pd: (cadeeyey)
ps: v2b=
key: cadee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caree
f.g2 (-reeyay, -raysay) Nafley xanaaq dagaal geliya ku abuurid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caree
v. anger, enrage, make someone angry
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caree
-yey / say: (v) defy (di-faay); challenge (jaa-lanji), dare (deer); instigate anger; look for trouble ~ cari
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caree
(fal) ka xanaaji.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caree
de: anger, enrage, make s.o. angry; dare s.o.
lx: caree
pd: (careeyey)
ps: v2b=tr
xe: I dare you
xv: Waan ku careeyey.
key: caree
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daree
f.g2 (-reeyay, -raysay) Nafley, nafley kale oo geel ah daro ku qabasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daree
v. get a strangle hold (in wrestling)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daree
(fal) «u ~» dar samee; dar laga cabbo xidh. Intaanan adhiga la soo horin u daree. dareeme -ha: (magac, lab, keli) miiqyo dhaadheer oo cayayaanka qaarkood leeyihiin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daree
de: get a strangle hold (in wrestling)
lx: daree
pd: (dareeyey)
ps: v2b=
key: daree
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faree
f.g2 (-reeyay, -raysay) Cunto, cabid iyo wixi lamida faro dhex gelin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
faree
f.g2 (-reeyay, -raysay) Cunto, cabid iyo wixi lamida faro dhex gelin. m.f.dh, farayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faree
v. touch, finger; contaminate
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faree
-yey / faraysay: (v) touch with the fingers
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faree
de: touch, finger; contaminate
lx: faree
pd: (fareeyey)
ps: v2b=
key: faree
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
garde
garde, n.f. - naagta caruurta haysa ama ilaalinta.
prendre garde - digtoonaan; feejignaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garee
v., [compound]suf: use something, make something [verb maker]
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garee
de: use (X), make (X) [VERB MAKER] Used with foreign nouns to make a verb
lx: garee
pd: (gareeyey)
ps: v2b-cmp-suf
xe: bombard
xv: bomgaree
key: garee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hadee
f.g2 (-deeyay, -deysay) 1. Qof dhintay quraan u akhrin. 2. Digsi dabool saarid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hadee
v. lead ~ guide (in religious sense), guide someone to the right thing
hadee v. cover something with a lid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadee
(fal) xaqa iyo jidka toosan tus; waddada xaqa ah ku rid.
hadee: (fal) digsi dabool saarid.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
harde
harde, n.f. - raxan xoolo dugaag ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haree
f.g2 (-eeyay, -eeysay) 1. Wax har u yeelid. 2. Wax iftiin ka qarin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
haree
f.g2 (-eeyay, -eeysay) 1. Wax har u yeelid. 2. Wax iftiin ka qarin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haree
v. shade, take ~ put in the shade
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
haree
-yey / hareysay: (v) overshadow (oovarshaadhow), shade (sheeydh) ~ hoos u yeel
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haree
(fal) har ama hoos u yeel.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haree
a: hari
de: shade, take ~ put in the shade
lx: haree
pd: (hareeyey)
ps: v2b=tr
key: haree
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaree
f.g/mg. 2 (-reeyay, -raysay) 1. (f.g) Xarig jare ah xoolo ku xirid. 2. (f.mg) Dheesha jarta ku adkaan. 3. (f.mg) Baqdin, naxdin ama xanuun la gariirid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jaree
f.g/mg2 (-reeyay, -raysay) 1. (f.g) Xarig jare ah xoolo ku xirid. 2. (f.mg) Dheesha jarta ku adkaan. 3. (f.mg) Baqdin, naxdin ama xanuun la gariirid. m.f.dh, jarayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jaree
v. train (a horse)
jaree v. tremble, shake
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jaree
-yey/jareysay: (v) 1. tremble (taram bel); shiver (shivar). 2. put a saddle onto, especially a horse