marakudheg
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Marakudheg
(Marakudheg-ta)
Geed nagaar ah; marabboob.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marakudheg
m.dh Nooc cawska ka mid ah oo mirihiisu dharka ku dhegaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
marakudheg
f. n., [compound] weed species that sticks to one's clothes
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marakudheg
-ga: (magac, lab, keli) geed nagaadha ka mid ah oo ganka midhihiisu ay wax qabsadaan. Dh: maraboob, marabi'is.
marakudheg -ga: (magac, lab, keli) ku adkaysiga afkaarta iyo waxa la damco oo ra'yiga laga debci waayo. Dh: hal'adayg
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
marakudheg
de: weed sp. that sticks to one's clothes
lx: marakudheg
pd: (-ta)
ps: n2a-f-cmp
syn: marabboob
key: marakudheg
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MARA-KUDHEG
(Maragudeg) N Kissenia arabica Chiov. Loasaceae.
N, S, C Pupalia lappacea (L)A. Juss Amaranthaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farakudhig
-ga: (magac, lab, keli) wax kaa maqnaa, taabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Marabboob
(Marabboob-ta)
Marakudheg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
awo
awo¹: m.dh.fk la-mid: aw.
awo²: f.g3 (-wday, -watay) Qof si marakudhegnimo u baryid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miirrif
m.l Marakudheg.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
awo
f.g3 (-wday, -watay) Qof si marakudhegnimo u baryid. m.f.dh, awasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miirrif
-ka: (magac, lab, keli) jaad cawska ka mid ah oo mirihiisu dharka ku dhegaan. Dh: marakudheg.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
marabboob
de: weed sp. that sticks to clothes Lit: clothes snatcher
lx: marabboob
pd: (-ta)
ps: n2a-f-cmp
syn: marakudheg
key: marabboob
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
marauder
/meroowdher/marauders; (n) shufto (qawlaysato). marauding/meroowdhin/ (adj) shuftanimo (qawlaysatanimo).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
marauder
marauder, v. - Qofka xada wax la cuno.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Halkudheg
(Halkudheg-ga)
Hadal badan ama gabay, kd., ereyga ama tixda murtidiisu ku jirto; halka dulucdu ku uruursan tahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halkudheg
m.l (-gyo, m.dh) 1. Dulucda hadalka ku jirta. 2. Hadal kooban oo murti xambaarsan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
halkudheg
m.l (-gyo, m.dh) 1. Dulucda hadalka ku jirta. 2. Hadal kooban oo murti xambaarsan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
halkudheg
m. n., [compound] theme word of a song ~ speech; slogan, motto
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
halkudheg
-ga: (n) slogan (slowgan); motto (maatow); catchword (kaj woordh) ~ oraah, halhays
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halkudheg
-ga: (magac, lab, keli) eray ama weedh uu qof mar walba ku halqabsado. Awawgay wuxu halkudheg u lahaa: haddii Eebbe idmo. Dh: halkudhig.
halkudheg-ga: (magac, lab, keli) hadal badan ama gabay iyo wixii la mid ah, erayga ama tixda murtidiisu ku jirto; halka dulucdu ku urursan tahay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
halkudheg
cf: halhays
de: theme word of a song ~ speech; slogan, motto
lx: halkudheg
pd: (-ga)
ps: n2a-m-cmp
key: halkudheg
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hal ku dheg
-ga: (n) slogan (slow-gan), motto (maatow) ~ oraah, halhays
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maandhe
u.j Erey qof labood ah oo lala hadlayo, waalidna loo yahay, dareenkiisa lagu soo jeediyo. la-mid: maandhow.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maandhe
u.j Erey qof labood ah oo lala hadlayo, waalidna loo yahay, dareenkiisa lagu soo jeediyo. la-mid: maandhow.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maandhe
n. phr. son!
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maandhe
(ereydhawaaq) qof labood ah oo lala. hadlayo, waalidna loo yahay, dareenkiisa lagu soo jeediyo. Dh: maandhow, wiiloow.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maandhe
de: son! {C & S}
lx: maandhe
pd: (maandhow)
ps: np-voc
key: maandhe
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daradhig
daradhig¹: m.l 1. D. ah: miro meel sare saaran oo la qallajinayo. 2. D. ah: ilmo dhashay oo aan weli afartankii ka bixin.
daradhig²: m.dh Sariir caws ka samaysan oo aad dhulka ugu dhow.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daradhig
m.l 1. D. ah: miro meel sare saaran oo la qallajinayo. 2. D. ah: ilmo dhashay oo aan weli afartankii ka bixin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daradhig
-ta: (magac, dhedig, keli) sariir caws ka samaysan oo aad dhulka ugu dhow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jar'udeg
(fal) xeel iyo xirrib ku dhagar oo dabin sireed u dhig; qorshe ku-talo-gal ah ku khatal, jaamac u go'ayaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marashee
f.g2 (-sheeyay, -sheysay) la-mid: marashiyee.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
SARMUDHE
(Sarmude) C, N Aristolochia rigida Duch. Aristolochiaceae.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
farakuhay
v., [compound] grasp, control; practice
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
farakuhay
-ey / say: (n) do or perform something habitually or repeatedly
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
farakuhay
de: grasp, control; practice
lx: farakuhay
pd: (farakuhayey)
ps: v2a=cmp
key: farakuhay
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garabdhig
f.lg1 (-gay, -gtay) Isbarbardhig.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
garabdhig
f.lg1 (-gay, -gtay) Isbarbardhig. m.f.dh, garabdhigid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garabdhig
ditransitive v. put something along side ~ next to something else
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garabdhig
-ga: (magac, lab, keli) ardaa kor u dheer.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garabdhig
de: put s.t. along side ~ next to s.t. else
lx: garabdhig
pd: (garabdhigay)
ps: v1=ditr
key: garabdhig
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
maraîcher
maraîcher, adj. - soo saaridda khudrada si degdeg ah
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
maraudage
maraudage, n.m. - Cuno xadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xarakadee
(fal) qurux iyo soo jiidasho u yeel. Suuqaaga xarakadee. Dh: xarakaysii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macaandhereg
-ga: (magac, lab, keli) barwaage aan meel dheer loo soofin oo xooluhu duleedka ku dhergaan. Macaan dhereg ayuu reerku ku jiraa Dh: barqadhereg, oodolulul.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garawkushub
-ka: (magac, lab, keli) milayga garawga cashada dabka la saaro oo ah casar. Garowkushubkii ayaan awrta doonay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madaxkadhac
-a: (magac, lab, keli) xanuun ka yimaad barkimada oo si xun loo barkado. Qof uu madaxkadhac hayo dhan ma eegi karo. Dh: barkimadhac.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
magac-dheer
-aa: (adj) famous (feeymas); widely known; eminent (emanant), prominent (pro manant); celebrated ~ caan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marakaneeco
m.dh Dhar khafiif ah, dulduleel yaryar ah leh oo inta hab gaar ah loo tolo sariiraha korkooda lagu dedo, kaneecadana laga galo; sinsinyeeri.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
marakaneeco
m.dh Dhar khafiif ah, dulduleel yaryar ah leh oo inta hab gaar ah loo tolo sariiraha korkooda lagu dedo, kaneecadana laga galo; sinsinyeeri.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
marakaneeco
f. n., [compound] mosquito net
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marakaneeco
-da: (magac, dhedig, keli) maro sida shaandhada ah oo khafiif ah oo inta sida aqalka loo damallooliyo kaneecada laga hoos galo. Dh: mustakeer.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
marakaneeco
de: mosquito net
lx: marakaneeco
pd: (/da)
ps: n6-f-cmp
key: marakaneeco
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Mareegdheer
labo xiddigood oo la moodo in ay saro u yara weyn yihiin oo daalallida cutub ka mid ah oo u dhexeeya Libcas iyo Xoor.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Taran dhexe
Product, inner
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
faraska dheer
long horse