marabi'is
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marabi'is
-ta: (magac, dhedig, keli) caws midho yaryar oo kuuskuusan oo dusha duf ku leh bixiya oo dharka ku dhegdhega oo hadduu marada qabsado aan laga furfuri karin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maraboob
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg marabi'is.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marakudheg
-ga: (magac, lab, keli) geed nagaadha ka mid ah oo ganka midhihiisu ay wax qabsadaan. Dh: maraboob, marabi'is.
marakudheg -ga: (magac, lab, keli) ku adkaysiga afkaarta iyo waxa la damco oo ra'yiga laga debci waayo. Dh: hal'adayg
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maramadoobays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg marabi'is.
maramadoobays -ka: (magac, lab, keli) dacaayad cid suuqa lagaga dilo oo isna meel kadhac ku ah. Dh: bahdilaad, dacaayad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baabi'is
-ka: (magac, lab, keli) eeg baabi'in.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qayrabixis
-ta: (magac, dhedig, keli) dhan u bixid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maabis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg maabin.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
marais
marais, n.m. - meel biyo fadhiistaan; dhiiqaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baabi'i
(fal) wax hore u jirey tirtir; cagta mari. Baabi'i raadka yaan la arkine. Dh: masax, tirtir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Marabbi
(Marabbi-da)
Neef la baray inuu dadka la dhaqmo; la rabbeeyey; hebed; (ama murabbi).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marabbi
m.dh Neef rabbaayad ah oo aan dadka ka cararin. la-mid: murabbi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
marabbi
f. n., [collective] trained pet, tame ~ domesticated animal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marabbi
-ga: (magac, lab, keli) xayawaan la tababaray. Shabeel marabbi ah ayaa beerta jooga. Dh: hebed, murabbi. Li: fiigto, dibadgale.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
marabbi
bw: Arabic
de: trained pet, tame ~ domesticated animal
lx: marabbi
pd: (-da)
ps: n2a-f-col
key: marabbi
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maxabis
m. n. captivity; prison
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maxabis
bw: Arabic
de: captivity; prison
lx: maxabis
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: maxabis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baabi'id
-da: (magac, dhedig, keli) tirtirmidda wax hore u jirey; wax jiray oo baaba' noqday. Dh: lumid, tirtirmid, masaxmid.
baabi'id -da: (magac, dhedig, keli) edebta iyo dhaqanka oo qof ka xumaada.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baabi'in
-ta: (magac, dhedig, keli) wax jiray tiriddi wax aan jirin ka dhigid. Baabi'inta ka daa reerka. Dh: tirtirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barabixi
(fal) cid kale, barada uu ku soo koray ka saar. Dh: barakici, qixi. Li: deji.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barbixis
m.dh la-mid: barbixin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daabicis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg daabicid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
magaciis
[question word] what is his name? used for male name
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
murbixis
-ta: (magac, dhedig, keli) hawl si wanaagsan uga farabixid oo mudh ka dhihid, Dh: mudhbixis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baabbi'is
m.l la-mid: baabbi'in.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baabi'iso
-da: (magac, dhedig, keli) walax yar oo waxa qoran lag tirtiro. Dh: masaxaad, goomad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barabixid
-da: (magac, dhedig, keli) goobtii aad degganayd ka tegid.
barabixid -da: (magac, dhedig, keli) culayska dareeraha ay guuriso walax badhsalalaysa ama tu degtay oo muquursan.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Barabixin
Displacement
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barabixin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, goobtii ay degganayd ama ay degganaayeen ka bixin.
barabixin -ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, xoolo wixii ay lahayd ama ay lahaayeen ka qaadid. Dh: mooroduugid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farabixid
-da: (magac, dhedig, keli) gacanta ka bixid. Dh: edebdarri, farkabixid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masabidid
-da: (magac, dhedig, keli) wax aanu qabin dusha ka saarid; been ka sheegid. Dh: harid, masabidis, nabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maxaabiis
m.dh.w eeg maxbuus.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maxaabiis
f. n., pl. prisoners
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maxaabiis
-ta: (n) [plural of maxbuus -ka] prisoners (pirizineris)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maxaabiis
bw: Arabic
de: prisoners Sg: maxbuus
lx: maxaabiis
pd: (-ta)
ps: n8-f-pl
key: maxaabiis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miratiris
-ka: (magac, lab, keli) qof midhaha keli ku nool. Miratiris garaw ma tawana. Dh: miratahan, mudhatahan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qorabixis
m.l Qalab bir ah oo weelasha qoriga ah gudaha looga qoro; xalleefato.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Amar bixin
Emanazione di ordine
Issuance of order
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baabi'isan
(tilmaame) mid aan jirin laga dhigay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barabbixid
m.f.dh eeg barabbax². la-mid: barabbax¹.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DABO-BI'IS
(Dabobeis) N Maytenus arbutifolia (A.Rich.)Wilczek. Celastraceae.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daraabiish
f. n., pl. fezes
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daraabiish
de: fezes
lx: daraabiish
pd: (-ta)
ps: n8-f-pl
see: darbuush
key: daraabiish
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farabbixid
m.f.dh eeg farabbax².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jirdabixis
m.l la-mid: jirdabixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalabbixis
m.l la-mid: kalabbixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
koorabixis
m.l Bir dhuuban, daab xooggan leh oo weelasha lagu xordo.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Madarkicis
name-m gathering agitator, meeting disrupter
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madarkicis
magac loo bixiyo wiil dhalashadiisu dad isku keentay oo sababtiisa lagu heshiiyay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
malabmaris
m.dh (-syo, m.dh) Shimbir dadka u hoggaamisa meesha uu malabku ku jiro; shimbir malab.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malabmaris
-ta: (magac, dhedig, keli) shimbir malabka sheegta. Malabmaris ayaa geedkaa ku joogta. Dh: maris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
malandi'id
m.f.dh eeg malanda'².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maraaciyid
(Maraaciyid-da)
Xoodaamin jacayl ku jiro; salaaxid; xoodin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maraaciyid
m.f.dh eeg maraaci². la-mid: maraaci¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maraaciyid
-da: (magac, dhedig, keli) xoodaamin. Dh: salaaxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maragkicid
m.f.dh eeg maragkac². la-mid: maragkac¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maragkicid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg maragfurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masaabixid
m.dh la-mid: masaamixid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masaabixid
-da: (magac, dhedig, keli) saamixid oo dembi uu galay ka dhaafid. Dh: cafin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Masaafiris
(Masaafiris-ka)
Masaafirinta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masaafiris
m.l la-mid: masaafirin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masaafiris
-ka: (magac, lab, keli) eeg masaafirin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Masabbidid
(Masabbidid-da)
Qof wax xun oo uusan falin ku dhejin, ku nabid, korka ka saarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masabbidid
m.f.dh eeg masabbid².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarabbixin
m.f.dh eeg qarabbixi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarasbixid
-da: (magac, dhedig, keli) dacarbixid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qardobixis
-ta: (magac, dhedig, keli) dhul gefo ab oo qodaalka ku fiican noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qayrabixin
-ta: (magac, dhedig, keli) dad saarid oo dagaal u kaxayn. Nin geesiga ahi qayrabixinta dadka wuu yaqaan.
qayrabixin-ta: (magac, dhedig, keli) kala kaxayn oo shinnida yar yar maamul iyo amiir gaar ah u samayn oo dhan u saarid. Qayrabixintu waa hab shinnidu ku camalfasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carabaabi'id
-da: (magac, dhedig, keli) cadho hore, meel aan loo qabin kula dhicid; cadho ka bi'id. Dh: cadhaburburid.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Mareeg binis
Short circuit
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ababis
m.l la-mid: ababid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ababis
-ka: (magac, lab, keli) canug ama neef yar, sida wax loo cuno baris.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
Arabic
/aarabik/ (adj) afka Carabiga ama wax kale oo carab leedahay. e.g. I like to learn the Arabic language.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baabis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg baabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bariis
(Bariis-ka)
Bariid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bariis
m.l Geed cawseed dalagga la beerto ka mid ah dhala iniinyo yaryar oo kuwa sarreenka ka yar oo la cuno marka la karsho. la-mid: bariid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bariis
m.l Geed cawseed dalagga la beerto ka mid ah dhala iniinyo yaryar oo kuwa sarreenka ka yar oo la cuno marka la karsho. la-mid: bariid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bariis
m. n., (mass n.): rice
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BARIIS
(Baris) All.Som. Oriza sativa L. Gramineae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bariis
-ka: (n) rice (raays) ~ bariid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bariis
-ka: (magac, lab, keli) eeg bariid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bariis
a: bariid; staple of northern Somalia
de: rice
lx: bariis
pd: (-ka)
ps: n2-m-mass
key: bariis
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
bariis
أرز
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Carabi
(Carabi-da)
Magac kalluun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carabi
carabi¹: m.l Af ay dadka Carbeed ku hadlaan.
carabi²: m.dh Nooc kalluunka ka mid ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
carabi
m.l Af ay dadka carbeed ku hadlaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Carabi
m. n., [collective] Arabic
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
carabi
f. n. fish species
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Carabi
-ga: (n) Arabic language
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Carabi
-ga: (magac, dhedig, keli) afka ay Carabtu ku hadasho. Dh: af-Carbeed.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carabi
-ga: (magac, lab, keli) jaad ka mid ah kalluunka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carbis
m.l (-syo, m.dh) 1. Xero ciidan oo wax lagu tababbaro. 2. la-mid: carbin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
carbis
m.l (-syo, m.dh) 1. Xero ciidan oo wax lagu tababbaro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
carbis
vl. n. exercise, maneuver, drill, training; jogging
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carbis
-ka: (magac, lab, keli) eeg carbin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
carbis
de: exercise, maneuver, drill, training; jogging
lx: carbis
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: carbis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daabis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg daabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaabis
(Gaabis-ka)
1. Aan orod badan lahayn.
2. Gaabin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaabis
m.l 1. G. ah: socod yaraan. 2. la-mid: gaabin.