maqni
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maqni
-da: (magac, dhedig, keli) eeg maqnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mani
(Mani-da)
Biyaha laboodka; mino; shahwo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mani
m.dh la-mid: mino.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mani
f. n., (mass n.): sperm, semen
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mani
-da: (magac, dhedig, keli) dareere cad oo layiig ah oo dhegdhe leh oo ay dhexdabbaashaan malaayiin ilimagabatayga taranka ah oo ay soo saaraan dhikilaha labku asaasna u ah taranka. Dh meni, shahwad, xawo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mani
bw: Arabic
de: sperm, semen
lx: mani
pd: (-da)
ps: n-f-mass
see: mino
key: mani
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daqni
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: daqan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daqni
v. aggravate an already injured spot
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
daqni
-yey / say: (v) hurt (hart); cause to feel pain, especially in an already injured spot ~ damqi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daqni
(fal) eeg danqi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daqni
de: aggravate an already injured spot rw: daqan
lx: daqni
pd: (daqniyey)
ps: v2a=tr
key: daqni
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faqni
-da: (magac, dhedig, keli) eeg faqnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maqli
m.l 1. la-mid: maqle. Beer, bari iyo hilib la jarjaray oo laysku shiilay. 2. Dixri ku dhasha hilibka baruurta leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maqli
m. n. fry pan; fried spiced liver ~ meat
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maqli
-ga: (magac, lab, keli) eeg maqle.
maqli-ga: (magac, lab, keli) hilbo yar yar oo ka mida kuwa xaabka loo yaqaano oo laga sameeyo sanuunadda. Maqli iyo sanuunad iyo kimis saa'il lagu dooni.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maqli
a: maqle
de: fry pan; [ext.] fried spiced liver ~ meat
lx: maqli
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: maqli
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marni
-da: (magac, dhedig, keli) faaruq ahaan; wax aan waxba ku jirin ahaan.
marni -da: (magac, dhedig, keli) wax isku maran oo duuban ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maqnaad
-ka: (magac, lab, keli) joogid la'aan la iska maqnaado. Maqnaadka badan sumcaddaada uma fiicna. Dh: maqnaasho, maqni. Li: joogid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maqnaansho
-ha: (magac, lab, keli) wax aan joogin ahaansho. Maqnaasho cudurdaar lihi dhib ma leh Dh: maqni. Li: joogitaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maquuni
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: muquuni.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maquuni
v. distribute, allot
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maquuni
(fal) xoog ku hoggaami oo amarkaaga ku qasab. Dh: muquuni.
maquuni: (fal) neef gargaar ah sii cid u baahan. Qaalin geela caruuska maquuni.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maquuni
de: distribute, allot
lx: maquuni
pd: (maquuniyey)
ps: v2a=
see: muquuni
key: maquuni
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baqnin
vl. n. fright, fear
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baqnin
a: baqdin
de: fright, fear
lx: baqnin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: baqnin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daqnid
(Daqnid-da)
Nabar (dhaawac, kd.) buka sii xanuujin ama si kale wax u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daqnid
m.dh la-mid: danqid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daqnid
vl. n. act of hurting an already sore spot
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daqnid
-da: (magac, dhedig, keli) bukaysiinta nabar hore.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daqnid
a: danqasho ~ daqnasho (/da) [vn-f]
de: act of hurting an already sore spot
lx: daqnid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: daqnid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daqnin
m.dh la-mid: danqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daqnin
-ta: (magac, dhedig, keli) meel horay u bugtay dhaawac cusub gaadhid. Dh: danqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maalni
m.dh la-mid: maalnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maanic
-a: (magac, lab, keli) eeg maanac.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
madani
m. n. (adj.): civilian; civil
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
madani
-ga: (n) citizen (siti-zen); civilian (si-vil-yan), -madani -ah: (n) civil (si-val). Ex: sharciga madaniga ah; the civil law
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madani
-ga: (magac, lab, keli) qof magaalo ku barbaaray oo dhaqankeeda yaqaan; reer magaal. Li: baadiye.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
madani
bw: Arabic
de: civilian; [atr.] civil
lx: madani
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: madani
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madhni
-da: (magac, dhedig, keli) faaruqid; wax aan waxba ku jirin ahaan. Weelka madhni ku qaad.
madhni -da: (magac, dhedig, keli) wax dhan u madhac oo soocan ahaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maqane
m. n. absentee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maqane
-ha: (magac, lab, keli) qof aan joogin. Ha noqon magane aan la tebin. Li: jooge.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maqane
de: absentee
lx: maqane
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: maqane
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maqdir
-ta: (magac, dhedig, keli) ceeb aad u weyn oo lala yaabo. Dh: jiciir. Li: asturaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maqiiq
(Maqiiq-a) (is maqiiq)
Meel ama wax xiran ama cirriiryoon oo xoog la isugu kakabiyo; toos wax loo jiiro, loo jibaaxo, laysugu matatariyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maqiiq
maqiiq¹: m.l la-mid: maqiiqid.
maqiiq²: f.mg1 (-qay, -qday) 1. Ku m.: meel xoog ku jiirsiin (wax). 2. Ku m.: wax wax kale si xoog leh ugu tuurid. 3. Isku m.: si gabbasho la'aan ah oo dagaal ku jiro cid isugu taagid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maqiiq
f.mg1 (-qay, -qday) 1. Ku m.: meel xoog ku jiirsiin (wax). 2. Ku m.: wax wax kale si xoog leh ugu tuurid. 3. Isku m.: si gabbasho la'aan ah oo dagaal ku jiro cid isugu taagid. m.f.dh, maqiiqid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maqiiq
-ay / day: (v) see [eeg] is maqiiq
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maqiiq
(fal) meel cidhiidhi ah si xoog ah ku mari. Musmaarka gidaarka ku maqiiq. Dh: matatari, jiidhsii.
maqiiq: (fal) xoog u orod oo xawligaaga waxba ha la hadhin; aad u caymad. Aabbo orod is maqiiq oo salaadda gaadh. Dh: caymad.
maqiiq -a: (magac, lab, keli) marinta shay meel cidhiidhi ah qasab lagu mariyo. Dh: matatar, jiidh. Li: qunyar, aayar, miyir.
maqiiq-a: (magac, lab, keli) orod aan waxba lala hadhin. Is maqiiqa badan waa lagu jabaa ee aayar iska soco. Dh: turuf, caymad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maqlid
(Maqlid-da)
Cod ama dhawaaq ama hadal dhegaha ku dareemid; dhegta u dhigid; dhegeysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maqlid
m.f.dh eeg maqal³.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maqlid
vl. n. listening, hearing; report; rumor
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maqlid
-da: (n) hearing (hiyir 'ing); listening (lis'ining); sense of hearing ~ maqal-ka; dhegaysi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maqlid
-da: (magac, dhedig, keli) jabaq ama cod dhegaha ku dareemid. Nin dhega culus maqliddu waa ku dirqi. Dh: maqlis.
maqlid -da: (magac, dhedig, keli) talooyinka iyo waxsheegga dadka yeelid. Maqlidda waanada waalidku waa waajid diini ah. Dh: fulin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maqlid
de: listening, hearing; report; rumor
lx: maqlid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: maqlid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maqlis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg maqlid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maqnow
f.mg3 (-naaday, -naatay) 1. Qof aan joogin noqosho. 2. Qof maahsan noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maqnow
f.mg3 (-naaday, -naatay) 1. Qof aan joogin noqosho. 2. Qof maahsan noqosho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maqnow
inch. v. be absent
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maqnow
(fal) eeg maqnaw.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maqnow
a: maqnoow
de: be absent
lx: maqnow
pd: (maqnaaday)
ps: v3a=inch
key: maqnow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maqrib
(Maqrib-ka)
1. Waqtiga u dhexeeya qorraxdhaca taniyo aaska dumiddiisa.
2. Salaadda waqtigaas la tukado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maqrib
m.l 1. Galabnimada marka qorraxdu dhacdo. 2. (dii.) Salaadda la dukado marka qorraxdu dhacdo. la-mid: makhrib.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maqrib
m.l 1. Galabnimada marka qorraxdu dhacdo. 2. (dii.) Salaadda la dukado marka qorraxdu dhacdo. la-mid: makhrib.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maqrib
n. sunset, dusk, twilight; prayers said at sunset (in Islam)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maqrib
-ka: (n) 1. Moslem sunset praying time. 2. sunset (san-set) ~ makhrib -ka, qorraxdhac
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maqrib
-ka: (magac, lab, keli) xilliga qoraxdu godka gasho ee salaadda maqrib gaadho. Dh: fiidaddaw, gabbaldhac, makhrib.
maqrib -ka: (magac, lab, keli) salaad faralka ah oo saddex rakcadood ka kooban oo la tukado kolka cadceeddu dhacdo. Salaadda maqrib lama qasriyo. Dh: makhrib.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maqrib
a: makhrib
bw: Arabic
de: sunset, dusk, twilight; prayers said at sunset (in Islam)
lx: maqrib
pd: (-ka)
ps: n2-m(-time)
key: maqrib
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maqsin
m.l (-nno, m.dh) 1. Baqaar. 2. Qol. la-mid: makhsin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maqsin
m.l (-nno, m.dh) 1. Baqaar. 2. Qol. la-mid: makhsin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maqsin
m. n. storehouse, warehouse; room
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maqsin
-ka: (n) 1. room (ruum) ~ qol. 2. magazine (maagaziin); storehouse ~ maqaasiin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maqsin
-ka: (magac, lab, keli) qolalka aqalka midkood. Maqsinka hurdada wax laguma akhriyo haddii kale waad lilmoon. Dh: qol.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maqsin
a: makhsin
bw: Arabic
de: storehouse, warehouse; room
lx: maqsin
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: maqsin
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Maquis
Jldhida dhexe
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
maquis
maquis, n.m. - Hawd; duur.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maqyil
-ka: (magac, lab, keli) eeg maqayil.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
matani
(fal) kala qaybi; wax laba isle'eg u kala shub, Caanaha inoo matani. Dh: kala-badh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maquunin
m.dh la-mid: muquunin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maquunin
-ta: (magac, dhedig, keli) neef gargaar ah cid u baahan siin. Maquuninta waa la isku leeyahay. Dh: muquunin.
maquunin -ta: (magac, dhedig, keli) xoog ku hoggaamin oo amarkaaga ku gasbid. Waanwaan ayaa maquuninta ka horraysa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ani
(Ani-ga)
(aniga; aan; i; ii) qofka hadla haya ama wax qora haya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ani
mu.eb la-mid: aniga.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ani
pron., sg. I, me
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ani
(pronoun) I (aay); me (mii) ~ aniga. Ex: yaa hadlay?, ani; who spoke?, me
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ani
(magac'uyaal) qofka koowaad ee hadlaha ah; 'aniga; aan; i; ii'. Nin ani yidhi dad iska sooc.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ani
cf: aniga
de: I, me
lx: ani
pd: (an)
ps: pro-red-1sg
key: ani
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aqi
f.g2 (-iyay, -isay) Nafley gaajo iyo harraad badan badid. la-mid: caqi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aqi
v. starve someone to death
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aqi
-yey / say: (v) starve (istaarv); cause to suffer extreme lack of food and water ~ caqi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aqi
(fal) cunnaxumi u dhimo. Dh: caqi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aqi
a: caqi
de: starve s.o. to death
lx: aqi
pd: (aqiyey)
ps: v2a=tr
key: aqi
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
mai
avv. - marna, abadan.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
mai
mai, n.m. - Bisha shanaad ee sannadka miilaadiga; Maajo; Meey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Man
(Man-ka)
Caleemo dhashay oo weli isku duuban ama ubax aan dillaacin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
man
m.l (-nan, m.l) Ubax yar oo udgoon oo waqtiga jiilaalka geedaha qaarkood baxshaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
man
m.l (-nan, m.l) Ubax yar oo udgoon oo waqtiga jiilaalka geedaha qaarkood baxshaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
man
m. n. bud
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
man
/maan/ (n) 1. nin 2. bini-aadan (bashar).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
man
-ka: (magac, lab, keli) caleemo dhashay oo weli isku duuban ama ubax aan dillaacin. Man iyo ubaxii dilacaay; malyuuntii aan u heesaay. Dh: xay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
man
de: bud
lx: man
pd: (-ka Pl: manan (ka))
ps: n4-m
key: man
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
man
n., nin, -ki, rag, -gi; he is grown a man, waa gadh madowbay; man of prudence, wisdom, fariid, -ki, nin fariid ah; man of war, markab xarbi ah.