maqiiqid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maqiiqid
m.f.dh eeg maqiiq². la-mid: maqiiq¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maqiiqid
-da: (magac, dhedig, keli) meel cidhiidhyoon si xoog ah ku marin oo ku jiidhsiin. Baabuurka maqiiqidda ka daa dadbaad jiidhsiine. Dh: matatarid, maqiiqis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daqiiqid
-da: (magac, dhedig, keli) burburinta wax la budaynayo. Dh: budayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maliiqid
(Maliiqid-da)
(wax qoyan oo adag) si foolxun, korka uga marmarin, uga jiidjiidid, ku dhaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maliiqid
m.f.dh eeg maliiq.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maliiqid
-da: (magac, dhedig, keli) marmarin wax malleelan oogada wax kale lagu dhoodhoobo oo si aan habaysnayn loo marmariyo. Maliqidda xinnaha iyo huruudda la isku malligo dumarku way ka helaan. Dh: dhaboolaqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ismaqiiqid
-da: (magac, dhedid, keli) si xawaare ah u ordid. Dh: ordid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhadhaarid
-da: (magac, dhedig, keli) cunta dabka saarid oo karinteeda bilaabid. Xilligii dhadhaaridda qadada ayaa gaadhay. Dh: bilaabid
dhadhaarid -da: (magac, dhedig, keli) is maqiiqid oo yool saaniya isku sii dayn. Is dhadhaaridda maalinba qof aad isku dhadhaarayso iska daa oo shagayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
melmelid
-da: (magac, dhedig, keli) kala jeedin; dhinaca kale u rogid: qallinka u geddiyid. Melmelidda ka daa oo sidaa wax ku sii. Dh: rogid, qallibid.
melmelid -da: (magac, dhedig, keli) si duuban oo xooggan u tuurid. Ninka melmelidda ka daa oo aayar wax ugu sheeg. Dh: tuurid, maqiiqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maqiiq
(Maqiiq-a) (is maqiiq)
Meel ama wax xiran ama cirriiryoon oo xoog la isugu kakabiyo; toos wax loo jiiro, loo jibaaxo, laysugu matatariyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maqiiq
maqiiq¹: m.l la-mid: maqiiqid.
maqiiq²: f.mg1 (-qay, -qday) 1. Ku m.: meel xoog ku jiirsiin (wax). 2. Ku m.: wax wax kale si xoog leh ugu tuurid. 3. Isku m.: si gabbasho la'aan ah oo dagaal ku jiro cid isugu taagid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maqiiq
f.mg1 (-qay, -qday) 1. Ku m.: meel xoog ku jiirsiin (wax). 2. Ku m.: wax wax kale si xoog leh ugu tuurid. 3. Isku m.: si gabbasho la'aan ah oo dagaal ku jiro cid isugu taagid. m.f.dh, maqiiqid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maqiiq
-ay / day: (v) see [eeg] is maqiiq
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maqiiq
(fal) meel cidhiidhi ah si xoog ah ku mari. Musmaarka gidaarka ku maqiiq. Dh: matatari, jiidhsii.
maqiiq: (fal) xoog u orod oo xawligaaga waxba ha la hadhin; aad u caymad. Aabbo orod is maqiiq oo salaadda gaadh. Dh: caymad.
maqiiq -a: (magac, lab, keli) marinta shay meel cidhiidhi ah qasab lagu mariyo. Dh: matatar, jiidh. Li: qunyar, aayar, miyir.
maqiiq-a: (magac, lab, keli) orod aan waxba lala hadhin. Is maqiiqa badan waa lagu jabaa ee aayar iska soco. Dh: turuf, caymad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Miiqid
(Miiqid-da)
Wax miiqan ka dhigid; cudbi ama wax kale, dun ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miiqid
m.f.dh eeg miiq². la-mid: miiq¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miiqid
-da: (magac, dhedig, keli) dun, cudbi amal wax kale wax dhuuban oo sida dunta ah ka dhigid; wax miiqan ka dhigid. Dh: miiqis.
miiqid -da: (magac, dhedig, keli) af dhuuban u yeelid. Dh: fiiqid, dhuubid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qiiqid
m.dh la-mid: qaacid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aqiimid
-da: (magac, dhedig, keli) salaad horey. loogu addimay oo xilligeedii la joogo isu kicin; jamac u wada kicitaanka salaadda. Dh: iqaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daliiqid
m.f.dh eeg daliiq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daqiiqad
(Daqiiqad-da)
1. Wax lixdan meelood loo qaybshey meeshood, siiba: a) 1/60 oo saacadeed; lixdan labaab (60'). b) 1/60 oo darajada ama heerka qaansada.
2. Waqti aad u yar (ama daqiiqo).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daqiiqad
m.dh (-do, m.l) Waqti hal saac ah oo lixdan meelood loo qaybshay middood. la-mid: daqiiqo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daqiiqad
m.dh (-do, m.l) Waqti hal saac ah oo lixdan meelood loo qaybshay middood. la-mid: daqiiqo.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Daqiiqad
Minute
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daqiiqad
f. n. minute
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
daqiiqad
-da: (n) minute (minit); Ex: lixdankii daqiiqo waa hal saac; 60 minutes is equal to one hour ■
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daqiiqad
-da: (magac, dhedig, keli) muddo yar oo ka kooban 60 ilbidhiqsi oo lagu tirsado waqtiga.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daqiiqad
de: minute
lx: daqiiqad
pd: (-da)
ps: n1-f-time
xe: Arabic
xv: saacad 'hour'
key: daqiiqad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faqiirid
(Faqiirid-da)
Faqiir noqosho; (ama faqriyid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faqiirid
m.f.dh eeg faqiir². la-mid: faqiiroobid, faqrin, faqriyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faqiirid
-da: (magac, dhedig, keli) qof xoolayar noqosho ama hantibeelid. Dh: saboolid, fiqiirid, caydhoobid. Li: taajirid, qaniyoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maciinid
m.dh la-mid: miciinid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madiidid
m.dh la-mid: midiidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Madiixid
(Madiixid-da)
Madiix tirin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madiixid
m.f.dh eeg madiix².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madiixid
-da: (magac, dhedig, keli) hal dhashay ciyid oo gunuunicid. Hal dhashay madiixid ma deyso. Dh: ololid, ciyid.
madiixid -da: (magac, dhedig, keli) maanso qasiido ah tirin. Abwaaniintu sida ay heesidda ugu kala fiican yihiin bay madiixiddana ugu kala fiican yihiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mahiibid
m.dh la-mid: mihiibid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mahiibid
-da: (magac, dhedig, keli) si sakhinnimo ku jirto u bixid. Mahiibidda lacagta xad u yeel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
majiirid
m.f.dh eeg majiir³. la-mid: majiir¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
majiirid
-da: (magac, dhedig, keli) wax toos u socda ama taagan dhanka kale u leexin. Shookaanta gaadhigu majiiridda degdegga ah way ku jabtaa. Dh: melmelid, leexin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maliilid
m.f.dh eeg maliil². la-mid: maliil¹, mariil¹, mariilid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maliilid
-da: (magac, dhedig, keli) wax aad u qarayar oo aad u dhuuban noqosho. Xanuun ayaa wiilka yar maliilidda ugu wacan. Dh: miliilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maqiiqan
Si maqiiq ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maqiiqan
f.mg4 (-qnaa, -qnayd) 1. Si degdeg iyo nasasho la'aan ah wax meel ugu socdo ahaasnho. 2. Si gabbasho la'aan ah wax uga soo horjeedo ahaansho (wax).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maqiiqan
der. [adjective] pushed, shoved ~ forced through; violent; deprived (of property ~ goods)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maqiiqan
(tilmaame) xawli aad ah ku socda ah; tuuran oo aad u degdegsan. Nin maqiiqan ayaa na jiidhay. Dh: maqiiqsan, boodsan. Li: deggan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maqiiqan
de: pushed, shoved ~ forced through; [ext.] violent; [fig.] deprived (of property ~ goods)
lx: maqiiqan
pd: (maqiiqnaa)
ps: adj-der
key: maqiiqan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mariilid
m.dh la-mid: maliilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rafiiqid
(Rafiiqid-da)
Rafiiq noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rafiiqid
m.f.dh eeg rafiiq².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rafiiqid
-da: (magac, dhedig, keli) rafiiq la noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Raqiisid
(Raqiisid-da)
Raqiis noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raqiisid
m.f.dh eeg raqiis².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raqiisid
-da: (magac, dhedig, keli) wax raqiis ah oo qiimo jaban leh noqosho. Dh: rakhiisid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saqiirid
(Saqiirid-da)
Carruurnimo ku dhimasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saqiirid
m.f.dh eeg saqiir². la-mid: siqiirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saqiirid
-da: (magac, dhedig, keli) ku dhimashada yaraan: carruurnimo ku hoyo. Saqiirid carruureed waa sed aakhiro ee samir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Farriiqid
(Farriiqid-da)
Wax biyabbiyo ah dalool ama dillaac yar, xoog uga soo bixid; dhiiqsamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farriiqid
m.f.dh eeg farriiq².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farriiqid
-da: (magac, dhedig, keli) wax biyabiyood ah, dalool ama dillaac yar ama meel yar oo cidhiidhyoon, xoog uga soo bixid. Dh: dhiiqsamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macmiilid
-da: (magac, dhedig, keli) cid badeecad malin walba si joogto ah uga iibin oo in la isla og yahay u qoondayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maljiidid
m.dh la-mid: marjiidid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maqiiqsan
(tilmaame) eeg maqiiqan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marjiidid
m.f.dh eeg marjiid². la-mid: maljiid¹, maljiidid, marjiid¹ (2).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Marriimid
(Marriimid-da)
1. Marriin siin; dharayn; cid u arratirid, qurxin.
2. (gogol, kd.) marriin u yeelid, ku qurxin, midabayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marriimid
m.f.dh eeg marriin². la-mid: marriin¹ (4).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marriimid
-da: (magac, dhedig, keli) dhar marriin ah u xidhid. Marriimidda caruusaddu waa dhaqan wanaagsan. Dh: marriinid.
marriimid -da: (magac, dhedig, keli) qurxin oo sharraxaad iyo farshaxan ku samayn. Marriimidda maqsinnadu bilicda aqalka ayay soo saartaa. Dh: sharraxid, marriinid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marriinid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg marrimid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naqtiimid
m.f.dh eeg naqtiin².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naqtiimid
-da: (magac, dhedig, keli) wax horay loo maray dib ugu noqosho. Naqtiimidda Qur ́aanku xifdigay xoojisaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taqliidid
m.f.dh eeg taqliid². la-mid: taqliid¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taqliidid
-da: (magac, dhedig, keli) taqlid samayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taqsiimid
-da: (magac, dhedig, keli) in yar oo tubaako ama jaad ah oo canka mar qudha la geliyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taqsiirid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, ganaaxid, garraaxid.
taqsiirid -da: (magac, dhedig, keli) tacsiir saarid. Dh: eedsiin, yakayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tarriiqid
m.f.dh eeg tarriq².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tarriiqid
-da: (magac, dhedig, keli) kalajeexid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaqiiqsad
(Xaqiiqsad-da)
Xaqiiqsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaqiiqsad
m.l la-mid: xaqiiqsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaqiiqsad
-ka: (magac, lab, keli) rumaysad oo jiritaankiisa run u aaminid. Dh: xaqiiqsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xarriiqid
(Xarriiqid-da)
Xarriiq samayn, dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xarriiqid
m.f.dh eeg xarriiq².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qiiqi
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: qaaci.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qiiqi
v. smoke, cause to give off smoke
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qiiqi
de: smoke, cause to give off smoke
lx: qiiqi
pd: (qiiqiyey)
ps: v2a=tr
key: qiiqi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biiqid
m.f.dh eeg biiq².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biiqid
-da: (magac, dhedig, keli) intii hore ka naaqusmid, ka yaraansho. Biiqidda iyo kala jabka dadka maxaa sababay: Dh: biigis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daqiiq
(Daqiiq-a, Daqiiq-da)
Badarka la tumay oo laga dhigay budo; bur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daqiiq
m.l/dh 1. Wax kasta oo aad loo shiido; budo. 2. Sarreen aad loo shiiday; bur.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daqiiq
m.l/dh 1. Wax kasta oo aad loo shiido; budo. 2. Sarreen aad loo shiiday; bur.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daqiiq
m. n.-mass: flour, meal, powder
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
daqiiq
-da: (n) flour (faloor); powder (paw-dher); grounded maize ~ bur
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daqiiq
-da: (magac, dhedig, keli) badar la tumayoo budo laga dhigay. Dh: bur.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daqiiq
bw: Arabic
de: flour, meal, powder
lx: daqiiq
pd: (-a ~ -da)
ps: n2a-m/f-mass
key: daqiiq
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diiqid
(Diiqid-da)
Siin aan abaalgud laga rabin; waxbixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diiqid
m.f.dh eeg diiq³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diiqid
-da: (magac, dhedig, keli) hadiyad si wanaagsan cid wax loo siiyo. Dh: deeqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fiiqid
(Fiiqid-da)
1. Af dhuuban u yeelid; caarad u samayn.
2. Fiiqa ka qaadid.
3. Diirid.
4. (indho) farsamo takhtarnimo ka qabasho; qalid; bixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiiqid
m.f.dh eeg fiiq³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiiqid
-da: (magac, dhedig, keli) qalliinka indhaha si araggu ugu baxo; indho qalid; indho bixin. Dh: fiqis, fiiqitaan, jeexid.
fiiqid-da: (magac, dhedig, keli) af dhuuban u yeelid; caaro u samayn. Dh: fiiqniin, fiiqitaan, fiiqis.
fiiqid-da: (magac, dhedig, keli) khudrad, qori, iyo wixii la mid ah, diirka ka mudhxin oo ka gurid. Dh: diirid, fiiqis.
fiiqid -da: (magac, dhedig, keli) meel xaadhid oo nadiifin. Dh: xaaqid, fiiqniin, fiiqitaan, xaaqis, fiiqis.
fiiqid -da: (magac, dhedig, keli) (ku ~) ul, far, gacan iyo wixii la mid ah oo dhinac loo fidiyo iyadoo wax lagu tilmaamayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaqiiq
(ereycodeed) lagu cabbiro jabaqda wax la cadaadiyo amma la buquujiyo oo cod sameeya. Dh: jiqiiq.